SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


Shirkadda Terry oo Puntland u iib Geeysey Kuuriya (Korea)

  • SomaliTalk.com | April 21, 2006
Wararka ka imanaya magaalada Dubai ayaa tibaaxay in gebi ahaanba khayradka Puntland markale loo beec geeyey Korea. Arriintaasi waxa ay dhacday toddobaadkan markii ay shirkadda "Range Resources" gorgortay iyo heshiis qarsoodi ah la gashay shirkad laga leeyahay Korea oo lagu magacaabo KNOC (Korea National Oil Corporation). Shirkadaas waxaa lagula heshiiyey in la siinayo aaggaa Dooxada Nugaal boqolkiiba 75% - maadaama shirkadda Terry ee "Consort ltd" ee ka diiwaan gashan magaalada Male ee caasimada Jasiirada Maldives ee ah tan markii hore heshiiska la gashay Puntland aysan haysan qalab iyo khubaro toona ayey ku gorgortameen dhulka Soomaaliyeed.

Arrintaasi waxa ay daba socotaa xirfadda ay adeegsato shirkadda ka diiwaan gashan jasiiradda Maldives ee "Consort Private Limited" si ay xaqiiqada jirta uga weeciso indhaha shacabka Soomaaliyeed.

"Consort ltd" oo uu asaasay Terry oo Puntland markii hore ku yimid barnaamij uu u bixiyey "Kids In Need" kaddibna shirkad waxa uu ka soo diiwaan geliyey Maldives. Markaas ayaa Madaxweynha DGPL, Cadde Muuse, waxa uu shirkaddii Terry u ogolaaday in ay yeelato xuquuqda baaridda gebi ahaanba khayraadka dabiiciga ah ee Puntland.

Wax yar ka dib 'Consort' waxa bishii Oct 2005 Khayraadka Puntland ka iibisey "Shirkada Range Resources", taas oo saami ahaan laga iibiyey ka 50.1% - Xeeladda halkaas ku jirtaa waxa ay tahay in saamiga soo haray oo ah 49.9% ee u soo haray "Consort ltd" aan dib dambe la isu weydiin, markastana la xuso uun shirkadda dambe ee "Range Resources", halkaasna lagu duudsiiyo cashuurtii la siin lahaa dalka ay ka diiwaan gashan tahay ee Maldives, iyo Soomaalida oo markasta lagula xisaabtamayo saamiyada 50.1% keliya iyo in suuqa Australia la majara habaabiyo.

  • Maldives waa dal yar oo ka kooban jasiirado ku yaal badweynta Hindiya ee bariga kaga beegan Soomaaliya , tirada dadka ku nool waa 359,000 qof, waa dad ah Muslim, madaxweynaha Maldives magaciisu waa Maumoon Abdul Gayoom, Emailka lagala xiriiri karona waa: info@presidencymaldives.gov.mv )

Maadaama Terry waxa uu ku gorgortamay saxiixii madaxda Soomaliyeed si iib loogaga helo saamiyada suuqyada ama sayladaha Australia. Lacagta saamiyadaas ka soo baxda ayaa Puntland loo ballan qaaday in bil kasta laga siiyo $200,000 - taas oo sida ay caddeeyeen lasiiyo hadda DGPL.

Shirkadaas la siiyey 50.1% xuquuqda khayraadka Soomaaliya meelaha ay heshiisyada la gashay waxaa ka mid ah shirkad laga leeyahay Bariga Dhexe oo lagu magacaabo "Middle East Petroleum Services Limited" (MEPS), waxana heshiiskaasi dhacay bishii Febraayo ee 2006, waxana uu dhigayey in boqolkiiba 15% faa'iidada la siiyo shirkadaas MEPS, waxana ay sheegeen in uu "Range Resources" la shaqayn doono nin lagu magacaabo Asker Ali Hussein Al-Thahiri, Yemen. Laakiin maalmahii heshiiskaasi dhacay waxaa aad hoos ugu dhacay saamiyadii "Range Resources", kuwaas oo gaarey 0.038 centi oo Australian ah.

Taasi marka ay dhacday ayaa "Range Resources" waxa ay raadiyeen shirkado kale oo ay heshiis la galaan, waxana ay Khamiis April 20, 2006 heshiis cusub la galeen shirkadda KNOC, heshiiskaas oo ka dhacay Dubai, kaas oo shirkadaas Korea siinaya xuquuqda boqolkiiba 75% aaga loo yaqaan 28aad iyo 29aad ee dooxada Nugaal - [Aggaa 28aad & 29ad waa tirooyin ku astaysan Nugaal oo ku qornaa waraaqo ay DGPL gacanta u gelisey Terry, waraqahaas oo ay diyaarisay shirkadda Conoco ee weli qalabkeedu yaal Soomaaliya, arriintaas oo aan waafaqsanayn heshiisyada caalamiga ah iyo xeerarka dawliga ah - meeshii ay Soomaalidu ku gorgortami lahayd akhbaarta ayaa faraha loo geliyey ajnebi kusii gorgortamaya. [EEG Halkan...]

Xagga arrimaha ammaanka Puntland, qoraal ay "Range Resources" ka soo saartay, kaas oo ku qoran luqadda Soomaaliga, ayey ku sheegtay sidan: ""Dhibaatooyinka laga sheego Muqdisho iyo agagaarkeeda oo u jira Puntland caasimadeeda Garoowe 900 Km dhinaca Koonfur saamayn badan kuma laha nabadgelyada gobolka Puntland." Ugu horayn waxa ay "Range resources" ilowsan yihiin in caasimadda dowladda dhexe ee Soomaaliya, oo Puntland ay ka mid tahay, in ay tahay magaalada Muqdisho. Marka loo fiirsadona erayada shirkaasi waxa ay muujinayaan in aysan danaynayn Soomaaliy aoo guud ahaan nabad ah. Taas ka sokow, waxaa is khaafintooda kaaga muuqanaya in aysan wax dan ah ka lahayn dadka deggan meesha ay sheeganayaan in haystaan xuquuqdeeda macdan qodis, sida Majayahan oo xitaa DGPL oo iyaga heshiiska la gashay ay qirtay dhibka halkaas ka dhacay.

Marka loo kuur galo qaabka heshiisyada Terry iyo ficilladooda, waxaa muuqanaya Nidaamka loo yaqaan "xeeladaynta suuqa" oo luqadda Australia lagu yiraahdo ("Market Manipulation") - taas oo ay ku dhaqmaan shirkada taga dunida loo yaqaan tan saddexaad si ay ugu lacagaystaan, muuddo ka dibna ay uga huleelaan dalkii ay magaciisa iyo saxiixiisa ku lacagaysteen.

Dhanka kale, haddii sida ay "Range Resources" sheegeyso ay run tahay, waxa ay DGPL bil kasta siisaa $200,000 oo doolarka Maraykanka, taas oo sida la qiyaasayo u bilaabatay bishii Octoobar ee 2005, waxay lacagtaasi hadda (April 2006) noqoneysaa 7 bilood x $200,000 = $1,400,000 [oo ah 1.4 million]. Laakiin ilaa hadda ma muuqato Iskuul cusub ama qorshe iskuul cusub oo Puntland ay dawladdu ka hirgelisey ama daryeel loo fidiyey carruurta reer Puntland ee qashinka ka gurta meelaha qashinka lagu ururiyo. Waxaa kale oo in la is xusuusiyo mudan in Puntland ay leedahay Bad dheer oo ay ka kalluumaystaan shirkado heshiis kula jira DGPL, kuwaas oo aan cid iskula xisaabtanta aysan jirin. Waxaa taas sii raca in xitaa askartii ay u xilsaartay in ay ilaaliyaan badda in laga qafaashay xeebta Soomaaliya, oo loo gudbiyey xabsiyada Thailand. [Akhri...]

Waxa intaas dheer musuqmaasuqa baahey oo dowladdu aaney hoos u fiirin.

Dib u dhaca ay Puntland u keentay shirkadda Terry waxaa ka mid ah: in aan si xor ah saxaafada Puntland uga hadli karin arrimaha Puntland iyo dant ashacabka ama laga doodi karin wixii jira, waxa keliya oo Puntland ka hadli kara saxaafadda ay maamulaan wasiirada ku jira Dawladda oo hadalka u weriya sida ay dawladdu rabto, arrintaas oo ah tii ridey Qarankii Soomaaliyeed, mana jiro baarlamaan ka dhisan Puntland oo ka hadli kara aarrimahaas. Arrimahaasi marka la isku daro waxa ay dowladda hadda (2006) ka jirta Puntland ka dhigeen mid aan shacabkeeda maqlin.

Dowlada dhexe waxay iyadu ku habsaantay Jowhar iyo Baydhabo oo ay ka soo dhammaan weydey laba sano (2004 - 2006).

Waa kuwan Carruurta Puntland, oo qashinka cunto ka dhex raadsanaya.

Caruurta oo Qashinka ka doonanaysa waxay Cunaan, Booasaaso, Soomaaliya

....Xeebtii ayaa u muuqata, haddii malaha loo samayn lahaa laash ama huuri ama sixiimad loogu kalluumeeyo!!!!!!

Faafin: SomaliTalk.com | April 21, 2006

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD