Sida inoo
muuqata cade muuse oo ah madaxwaynaha Dowlad Goboleedka
Puntland ayaa malmaahaan dambe waxaa uu
noqday Gacsade waayo waxaan aragnaa oo
lawada socnaa cade in uu ka gatay dhulkii
umada reer puntland dad shisheeye mana ah
mid dan u ah umada reer puntland.
Wakhtigaan
lajoogo ayaa puntland waxaa iska soo daba
dhacaya eedaymo loo jeedinayo Madaxwayne
cade muuse Xirsi oo gadashada dhulka
reer puntland oo ka gatay dalal shisheeye.
Intaa waxaa
sii dheer Puntland oo lagu aqoon jiray Nabad
,Horumar iyo Kaladanbayn ayaa waxaa hada soo
ifbaxay in ay baa ba'ado nabadii ka jirtay puntland
iyo Kaladanbaytii , Taasna waxaa sabab u
noqday doorashadii lagu soo doortay cade
muuse in noqdo Hogaanka Dowlad Goboleedka
Puntland.
Balse nasiib
daro umada reer puntland oo islahaa markii
hore Cade muxu ka bedeli doonaa puntland
,Ma puntland buu ka dhigi doonaa dowlad
hurumarsan mase waa iibsandoonaa
??!!!!
Ka dib intaas
cade ayaa noqday mid Ka ganacsada Dhulka
reer puntland ,Tusaale ahaan waxaa
idinku filan :-
Waxaa jirtay
mashruucyo loogu tala galay in lagu dhiso Airporka
Boosaso & waynaynta Dekeda Boosaaso .
Dhamaan
mashruucyadaa ayaa noqday kuwa aan soo
dhaafin Madaxwayne cade muuse ,Halkaas oo
ka bilaabay ganacsi in uu iibsado
dhulka ,Dadoow ma lagu tageersan yahay
cade in uu noqdo Ganacsade ka ganacsada
Dhulka Reer Puntland ?.
Mase waxaa
lagu raacsan yahay in aan la dhisin ama
lawaynayn Dekeda Boosaso iyo Air porka
Boosaaso ?/.
Ugu danbaytii
waxaan umada reer puntland u soo jeedinayaa
in ay ilaa shadaan dhulkooda kana soo
horjeedsadaa hadba qofkii raba in uu Lagalo
Dalal shisheeye Ganacsi aan la ogayn ama
aan lala saxiixin ,Fikrad ahaantayda
waxaan u arkaa mid aan soconayn wana ka
so horjeeda fikirkaa uu wado cade muuse.
Diyaariye :
Mohamed Mohamud Osman (Qoordheere )
Email address :
mlambo77@hotmail.co.uk
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan