Shacabka
Puntland waa inay Khayraadkooda ka difaacdaan Argagixisada.
Cadde Muuse:-Waxaan
argagixiso u aqaana kuwa boobaya oo soo weeraray khayraadka
Dalka.
Madaxweynaha Maamul
Goboleedka Puntland oo saacado ka hor cod loogu tabarucey lagu
doortey hool Golaha Shacabka ee Magaalada Garoowe oo aad u
faraxsan ayaa yiri hadal macnihiisu u ahaa *Waxaan la
dagaalamayaa Argagixisada weerarka ba'an ku haysa khayraadka
baddeena, wuxuuna yiri asaga oo hadalkiisa sii wata ''kuwaas
ayaan anigu Argagixiso u aqaanaa''.
Laakiin waxaa lama filaan
noqotey iyo arin la qaadan waayo in Generaal Cadde uu deg
deg ugu biirey kooxihii uu ku sheegay Argagixisada oo
doonaya inay boobaan dhamaan Khayraadka bariga halkii laga
sugaayay inuu soo dhiciyo hantidii badda ee horey loo boobay,
taasina waxay la mid tahay:-
Sababta keentay in Cadde
Muuse Codad lala garab istaago ayaa waxay ahayd isaga oo soo
bandhigey buug weyn oo uu ku sheegay Waxqabadkiisa oo runtii
la is lahaa wax uun ayuu ka qaban doonaa arimaha usoo
bandhigey ee uu sheegay inuu wax la taaban karo ka qaban
doono.
Sababta ugu weyn ee loo
fogeeyay Madaxeynihii hore ee Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi,
ayaa waxay ahayd asaga oo la sheegay inuu heshiis hoosaad la
galay dad ajaaniba ah uuna ka iibsaday dhulka hodonka ah ee
Xaafuun iyo asaga oo Heshiis hoose oo ku saabsan talada
Puntland ama waxa lagu macneeyey wakhtigaas (Power
Sharing) uu la galay Gaagaab oo markaas u ahaa
Madaxweyne ku-xigeen.
Wasiirka Maaliyada Puntland
ee xiligan ayaa sheegay wakhti uu socday loolankii
Doorashooyinka asaga oo markaas la hadlaayay Odayaal kuna
sugnaa Magaalada Galkacyo,''Aniga iyo Maxamed Cabdi Xaashi
waxaan ku heshiinay inaan ka shaqeyno sidii dib loogu dooran
lahaa mar labaad, wuxuuna ii ogol yahay 80% Talada Maamul
Goboleedka Puntland, taasoo lagu macneyn karo Waxaan awood u
leeyahay inaan ku takri falo 80% Dhaqaalaha Puntland,
arintaas oo keentay inta badan Golaha Shacabku ay xoog
saareen sidii uusan mardanbe usoo bixi lahayn Madaxweynihii
wakhtigaas Maxamed xaashi.
Hadaba waxaan doonayaa
inaan ka hadlo Heshiishka la sheegaayo in Gen.Cadde Muuse
iyo Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ay kula galeen Magaalada
Dubai ee dalka Imaraatka shirkadda uu garwadeenka u yahay
Terry oo u dhashay Dalka Austalia, Waxaana u kala qaybin
doonaa arimaha soo socda:
- Terry oo aan Habeen
kula kulmay Hoteelka International Village ee Magaalada
Boosaaso iyo sida uu iila muuqday.
- maxaa ka jira arimaha
sheegaya inay lacag hor marin ah ka qaateen Garwadeenada
Shirkadda Madaxweyne Cadde iyo Gaagaab,isla markaana
Cadde uu doonaayay lacagtaas inuu ku tago dhaqtar ku
yaala Dalka Bakistaan si uu isaga soo badalo Beerkiisa
oo la sheegay inuu talaf yahay.
- maxaa ka jira arimaha
sheegaya in Garwadeenada Shirkadda la sheegaayo ay usoo
bandhigeen inay saami ama Share ka qaataan Qaar ka mid
Ganacsata Soomaalida ee jooga Dalka Emaaraatka,iyo
waliba kuwa jooga Magaalada Boosaaso.
- Maxaa ka jira Wararka
sheegaya in rag ku weheliyey safarkiisa oo ka socday
Shirkadaas ay mar hore dulaalada hubka la shireen si ay
ugu soo dilaalaan hubkii ay isku ilaalin lahaayeen iyo
waliba inay indha indhaynayaan halkii xarun u noqon
lahayd shirkadaas,iyo wali aan laga helin kalsooni dhab
Golaha Baarlamaanka ee Puntland iyo waliba kalsoonida
Shacabweynaha reer Puntland ee la doonaayo in la gurto
hantidooda.
- Hadii Maamulka
Puntland uu bilkasta ka qaato Shirkaddaas 200,000 sida
uu sheegay Gaagaab ma boqol iyo boqol baa isaga iyo
Madaxweyna maadaama ay tahay Xeer hoosaad sida uu
sheegay Gaagaab.
1:-Terry ayaa yiri ''Haafuun
is very important Place and I am going to be there", Habeen
aniga oo ku sugan Hotelka lagu magacaabo Emaraat ee ku yaala
Magaalada Boosaaso ayaa nin aan saaxiibo ahayn oo aan isla
soconay wuxuu ii sheegay Hotelka Village ay dagan yihiin
Dhakhaatiir Austalian ah oo howlo Caafimaad ka wada
isbitaalka Magaalada Boosaaso, wuxuu intaas iigu daray inuu
jiro nin ay hadda ka hor is barteen oo Cheif u ah
Dhakhaatiirtaas isla markaana uu doonaayo inaan soo fiirino,
waxaan u dhaqaaqnay dhinaca hoteelkaas anaga oo wakhtigaas
wadanay gaari yar oo ah nooca loo yaqaan Mark11ga, markii
aan galay Hoteelka meel aan ka fogeyn ayaan ka helay ninka
lagu Magacaabo Terry, wuu nasoo dhaweeyay wuxuuna na geeyay
meel fadhi ah oo ah qeybta uu hoteelka ka dagan yahay,Terry
wuxuu ahaa nin aan ku qiyaasay dadiisa 65 jir, wuxuuna ahaa
nin aad u buuran, wuxuuna xirnaa Ookiyaalo midab leh,
wuxuuna aad u isticmaalaayay Sigaarka nooca loo yaqaan Stich
oo sida usha u samaysan, wuxuuna iila muuqday nin Bashaash
ah oo aad u furfuran oo kaftanka iyo sheekada aad kuusoo
jiidanaaya.
Terry wuxuu noo sheegay
inuu aad u xiiseynaayo Soomaaliya gaar ahaan Puntland, wuxuu
ka sheekeeyay Dhakhaatiirka uu la socday iyo howlaha
Samafalka ee ay wadaan, wuxuu noo sheegay inuu doonaayo inuu
dhaqaale kasoo aruuriyo Waayeel badan oo Reer Austaralia ah
si uu ugu caawiyo Caruurta Tabaalaysan ee Soomaalida, Waxaan
ka xasuustaa hadalka aan kor ku qoray oo noo sheegay inuu
waliba garwadeen u yahay dad badan oo waayeel ah oo dhibaato
ka haysata Cimilada Austaralia kuwaas oo aad u jeclaan lahaa
hadii nolol ka heli lahaayeen meelo Xaafuun oo kale ah.
Terry wuxuu iila muuqday
nin meesha u joogay ujeedooyin badan oo kala duwan, waxaana
ka dareemaayay inuu marar badan ka sharqaminaayay, Ganacsi,
kalluumeysi, Aargoosato, Shidaal, Macdan iyo arimo Samafal,
runtii waxaan oran karaa Terry nin sahlan maahan ujeedooyin
iyo dano farabadan ayuuna leeyahay, markii uu ogaaday in dadka
Reer Puntland oo ah intooda badan dad majinta qaadka ahi
dhinac u riddo isla markaana aan haba yaraatee lahayn wax
ujeedooyin mustaqbalka dhow iyo mid fog midna ayuu Terry
galka kala soo baxay seeftiisa, waana kaas maanta saxiixa ka
qaatay Mas'uuliyiintii ugu sareeyay Maamulka Puntland si uu
u qaato Dhamaan Khayraadka Puntland, iyagana wuxuu u balan
qaaday xoogaa inuu meel u saaro sida uu ku sheegay Gaagaab
Khudbadiisa "Gentleman Agreement", waxaa hubaal ah
waxa lagu magacaabo Gentleman agreement inay tahay
waxa lagu boobay Dhamaan khayraadkii badda iyada oo aan
waxba loo reebin dadka Shacabka masaakiinta ah ee reer
Puntland iyo waliba iyada oo aan loo hambeyn kuwa noloshoodu
ay ku xiran tahay khayraadka badda.
Waxaa
iyaduna lama ilaawaan ah in rag mas'uuliyiin sheeganaya oo
Calooshood u shaqeystayaal ahi ay jeebka ka buuxsadeen si
sun loogu shubo xeebaha Soomaalida, taasoo u dhiganta waxaa
loo yaqaan (Alqatlul jimaaci) oo ah in umad dhan lalaayo
iyada oo aan loo aabayeelin rag, dumar, caruur, dan yar,
masaakiin iyo qaraabanimo midna.
Hadaba ragga Terry la
bahoobay waa inay ka waantoobaan calooshood u
shaqeystenimada ee ay fiiriyaan danta umadda, waxaana idin
leeyahay Xasuusnaada illaahayna waa idin waydiinayaa
maalinta Qiyaamada, shilimaadka aad ka qaadateenna waxaad ka
qaadi doontaan jiro, walwal, Cudur, nolol xumo iy ciqaab
aduunyo, waxaana mar kale leeyahay Cadaabka aakhiro ayaa
daran oo baaqinimo badan.
2:-Waxaa jira warar sheegaya
in lacag gaaraysa $350,000 oo doolar ay ka qaateen Gen.Cadde
iyo Gaagaab Garwadeenada uu Terry Madaxda u yahay si ay u
helaan Saxiixa Mas'uuliyiinta ugu sareerya Maamulka
Puntland,wararku waxay intaas ku darayaan in Madaxweyne
Cadde oo waayadaan danbe ay lasoo daristay xaalad caafimaad
daro xanuunkiisana la sheegay inuu u badan yahay Beerka uu
doonaayay kharaskhaas inuu ku tago dhaqtar ku yaala Dalka
Bakistaan si Beerka looga badalo.
Warar aan ka helay dad xog
xogaal ah oo ku sugnaa Dalka Germalka markii uu arimaha
Caafimaad halkaas u tagay Gen.Cadde ayaa ii sheegay in
Dhakhaatiirtii ay kula taliyeen inuu ka tanaasulo arimaha
siyaasada ee uu ku dhexjiro isla markaana uu u howl galo
sidii looga badali lahaa Beerka oo uu dhakhatku sheegay inuu
maraayo meel khatar.
Madaxweyne Cadde ayaa isla
markiiba go'aansaday inuu ka tanaasulo jagada uu hayo
wuxuuna usoo bandhigey dad ay wada tashi leeyihiin, inkastoo
markii laga aqbali waayay uu candhuuftiisa dib u liqay,
wuxuuna ku talo jirey in dhaqaalaha uu la wareegaayo Terry
uu ka qaato isla markaana uu ku tago isbitaalka ku yaala
Dalka Bakistaan.
Warar aan ka helay dad aan
ku kalsoonahay oo ku sugan Magaalada Dubai ee dalka
Emaaraatka Carabta ayaa ii sheegay in dhaqaalihii uu balan
qaaday Terry uusan wali keenin, waxayna dadkaasi intaas iigu
dareen inuu Terry doonaayo inuu Saxiixa ku qanciyo
qolooyinka uu dilaalka u ahaa si ay u bixiyaan lacagta kor
ku xusan, taasoo illaa iyo hada aan soo gaarin Gacanta
Mas'uuliyiinta Saxiixooda iibsaday, waxaana laga yaabaa
maalmaha Foodda inagu soo haya inuu Boosaaso yimaado
Madaxweyne Cadde si u aruursado dhaqaalihii uu ku tagi lahaa
dhakhtarka, maadaama uu ku soo hungoobay Terry iyo
Saaxiibadiis, dad kala taliyey Madaxweyne Cadde iyo Gaagaab
inaysan wax heshiish ah la galin Terry iyo ragiisa maadaama
uusan haysan wax aqoonsi ah ayay waxay ugu jawaabeen
ninkaani lacag ayuu la ordayaa ee lacagta ayaan ka
qaadanaynaa hadii Qorshihiisu hir galiwaayana hadde isaga
ayaa yaqaan sida uu yeelaayo.
Barnaamijka siyaasadeed
ee Gen. Cadde Muuse |
shir saxaafadeed
17/12/2004
"Barnaamijkayga
siyaasadeed wuxuu ka kooban yahay lix qodob." Gen.
Cadde Muuse
1. Dib u habaynta
iyo dib u sixida maamulka puntland si loo helo
maamul wax ku ool ah oo nidaam iyo kala danbayn ku
dhisan oo wasaarad iyo hay'ad kasta leedahay
barnaamij shaqo,fulinta barnaamijkaasna lagula
xisaabtamo oo lagu daba galo.
2. Dib u habaynta iyo dib u sixida ciidanka amniga
puntland (police,Daraawiish iyo asluub),si loo helo
ciidan tiro ahaan iyo tayo ahaan ku filan sugida
amniga dalka iyo ilaalinta shuruucda dalka
ciidankaas oo xuquuqdiisa loo heli karo
3. Xalinta iyo wax ka qabadka colaada ka oogan
deegaanada puntland ee sool iyo sanaag, anigoo
mudnaanta koowaad siinaya in si nabadeed arinta lagu
xaliyo lana kala badbaadiyo dhiiga dadka walaalaha
ah,isla markaasna Somaliland dib ugala baxaan
deegaanka puntland ciidamadooda.
4. In la hagaajiyo
qorshaha dhaqaalaha puntland iyaado xil wayn la iska
saarayo hormarinta wax soo saarka lagana
faaidaysanayo khayraadka dhulka,xoolaha, badda iyo
macdanta lana raadiyo maalgalin dibadeed iyo suuq.
5. in xil wayn la
iska saaro horumarinta adeega bulshada, sida
Caaafimaadka, waxbarashada, biyaha, tamarta ,
dawooyinka, garoomada diyaaradaha, dakadaha
deegaanka iyo nolasha reer guuraaga,hawlahaas oo
lixdii sano ee puntland dhisnayd aan wax badan laga qaban.
6. In si wayn wax
loola qabsado dawlada federaalka ee soomaaliya ee
dhalatay Oct-2004 ayadoo laga faa'idaysanayo
barnaamijyadeeda dib u heshiisiinta,hub ka
dhigida,dhaqan celinta maleeshooyinka,dib u dhiska
dalka iyo hormarinta arimaha bulshada, isla
markaasna saldhig loo noqdo dawlada federalka ah
maadaama ay ka dhalatay dadaalkii dheeraa oo ay
dadka reer puntland u galeen.
Barnaamijka oo Dhamaystiran..... |
3:-Waxaa jira warar
sheegaya in Garwadeenada Shirkadda concort uu ugu horeeyo
Terry ay usoo bandhigeen inay saami ama Share ka qaataan
Qaar ka mid Ganacsata Soomaalida ee jooga Dalka Emaaraatka,
iyo waliba kuwa jooga Magaalada Boosaaso, arintaas oo illaa
iyo hada aan la sheegin cid aqbashay Ganacsatadii loo soo
bandhigey iyada oo lagu macneeyay Qorshaha laga leeyahay si
loo helo kalsoonida shacabka hadii la helo Cid Ganacsato
Soomaali ah oo kula shirkowda Terry iyo raggiisa Qorshaha ay
doonayaan inay ku boobaan khayraadka Puntland bad iyo biriba,
waxaan jecelahay inaan mar naba la helin cid la shirkowda
burcadaas si ay u xalaaloobaan hantida burcadda Terry iyo
Saaxiibadiis marka ay yimaadaan Gobolada Puntland,waxaana
filayaa inay jaanis u noqon doonto dad badan inay ka
faa'iideystaan sidii ay saamigooda uga qaadan lahaayeen
xoolaha ay wadaan Terry iyo Saaxiibadiis.
4:-Waxaa ka jira Wararka
sheegaya in rag ku weheliyey safarkiisa oo ka socday
Shirkadaas ay mar hore dulaalada hubka la shireen si ay ugu
soo dilaalaan hubkii ay isku ilaalin lahaayeen iyo waliba
inay indha indhaynayaan halkii xarun u noqon lahayd
shirkadaas,iyo wali aan laga helin kalsooni dhab Golaha
Baarlamaanka ee Puntland iyo waliba kalsoonida.
Hubka ay doonayaan ayaa
lagu sheegay noocyada waa weyn ee gawaarida la saaro iyo
waliba kan yar yar waxaana howshaas hada Boosaaso ka wada
ninkii la socday Gaagaab ee magaciisa lagu sheegay Black,
waxaana hada ilaalo usii ah ninkaasi ilaaladii ama istaafkii
Madaxweyne Cadde Muuse, taasoo mar kale sharaf dhac ku ah
Shakhsiyadda iyo sharafta Madaxweyne Cadde oo loo
malaynaayay inuu intaas ka yool dheer yahay.
Hadaba waxaa dhab ah in
Gaagaab iyo Madaxweyne Cadde ay doonayaan inay fuliyaan
arintaas iyaga oo aan usoo bandhigin markii hore
Baarlamaanka, Odayaasha Dhaqanka isla markaana aan lagala
tashan ka hor intii aan saxiixa lala galin,iyadoo ay
haboonaan lahayn in arintaas kalsooni loo raadiyo kahor inta
aysan ku dhaqaaqin Mas'uuliyiintaasi.
Waxaa jira shirar aan si
hoos ah uga war helay oo ka dhacay meelo ka mid ah Puntland
loogana arinsanaayay sidii looga hortagi lahaa Qorshaha
Terry iyo saaxiibadiis ay doonayaan inay ku boobaan hantida
dadka tabaalaysan ee reer Puntland,iyada lagu sheegay Xeer
hooseed in bishii laga qaato $200,000 isla markaana aan
waxba laga siin waxna loogu qaban dadka hantida wax ku leh
ee uga baahida badan kuwa guranaaya.
Waxaana idin Xasuusinayaa
Dhaqaale badan ayaa hada soo gala Maamulka Puntland isla
markaana majiro wax loogu qabto Shacabka Reer Puntland ee
dhamaan Dhaqaalahaasi wuxuu galaa jeebabka rag gaar ah,
majiro wax dhaqaale ah oo loogu talo galay Arimaha Bulshada
sida Caafimaadka, Waxbarashada, abaaraha iyo musiibooyinka
dabiiciga ah sida kuwii Tsunamiga ee ku dhuftey inta badan
xeebaha Puntland, taasoo maamulku dabeecad ka dhigtey hadii
wax dhacaan inuu yiraahdo Ha'yadaha Samafalku may wax ka
qabtaan halkii la rabay in Maamulku ugu horeeyo maadaama uu
gacanta ku hayo hantidisii.
5:-Qodobka u danbeeya ee ah
lacagta la sheegay in lagula heshiiyey, waxaa muuqata in
Terry iyo ragiisu ay doonayaan inay boobaan hanti aad u
balaaran taasoo laga dareemi karo kharashka ay hada ku
baaqeen inay bixin doonaan bilkasta, waxaana hubaal ah xataa
bariga kaliya arintu maahan ee waxaa jira maraakiib
kalluumeysi oo Terry iyo ragiisu ay doonayaan inay si
xaalufin ah uga kalluumeystaan Xeebaha Puntland, Qorshohooda
ugu weynina waa kaas, waxayna doonayaan inay boobaan dhamaan
khayraadkii dalka bad iyo bariba.
Waxaan Eedayn usoo
jeedinayaa Golaha Baarlamaanka Puntland oo runtii aan oran
karo howshoodii loo idmay way dayaceen waxayna xaq u
leeyihiin inay doorweny ka qaataan arimahaan oo kale
sababtoo ah iyaga ayaa u dhexeeya Shacabka Puntland iyo
Maamulkooda, waxaan filayaa inay deg deg uga hadli doonaan
arimahaas, qeyb weyna ka qaadan doonaan difaacida khayraadka
ummadda.
Hadaba waxaa la gudboon
ummadda reer Puntland iyo dhamaan ummadda soomaaliyeedba inay
difaacdaan khayraadkooda bad iyo biriba inta laga helaayo
Dowlad Caadil ah oo ay ku aaminaan howshaas.
Said Samatar
saidsurcad@hotmail.com
Enköping Sweden
Afeef: Aragtida qoralkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Sept 11, 2005
HEERARKII TERRY LA SOOMARAY
PUNTLAND
January
2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen in ay
woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha Febraury.
Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham Forward, Wayne
Pennington, Mark Salib iyo Debbie Wilson (kalkaaliso).
Bishii Febraayo ayey dhakhaatiirtaas reer Australian ah
waxay Puntland u yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii
ay dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).
Waxaa
dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah
oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad
samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo
"Kids In Need".
June
10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu
hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse,
waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi
si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg
ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas
ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika
Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg
halkan]
Waftigii
Puntland, Markii ay Nairobi tageen waxay la kulmeen
madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas
oo ay ku kala xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi
Yuusuf kadib markii DFKMG diidey in heshiis loo
saxiixo Terry. [Eeg halkan]
August 25, 2005:
Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose
ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay
dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan,
bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u
socdey.
August
28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu
war ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag
aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu
yahay waxba kama jiraan... [Eeg
Halkan]
August
29, 2005: ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war
saxaafadeed uu ku saxiixnaa Axmed Cabdi Xaabsade oo
ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga ee DGPuntland.
[Eeg halkan]
August
31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga
imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan
baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday
Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha
madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr.
Gaagaab).. [Eeg halkan]
September
9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud
Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka
maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta
qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku
dhashay, madaxweyne waa u ahaa, ninkii dembi
gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad
gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]
September
10,2005:
Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku
qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba
ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo
sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda
bilaabi doonto October 2005. Hadalkii Wasiirka
Maaliyada Puntland uu kaga Warbixinayey Heshiiskii
Puntland iyo Shirkada uu ku Sheegay Australian oo
Cod iyo Qoraal ah::::[Eeg
halkan]
|