Waxaa la Rabaa in dadka reer
Puntland laga
hor istaago khayraadka dhulkooda ku Jira ee ay Gaajadu ka
hayso...
- ma waxaad rabtaan in ay puntland ahaato sida xamar oo kale
mise waxaad rabtaan in ay la socoto caalamka....
WD: C/nuur Yuusuf Qoongiye
Anigoo ah nin dhalin yaro
ah kuna nool magaala madaxda Dawlad Goboleedka Puntland
dhigtana Jaamcada Puntland State University (PSU) ee ku taal
magaalda Garoowe.
Anigu waxaan aamin sanahay in hadii wararka ay saxaafadu
qortay ee sida ay rabaan u dhigayaan in uu yahay war aan run
ahayn oo la rabo in dadka reer puntland laga hor istaago
khayraadka dhulkooda ku jira ee ay gaajaddu ka hayso.
Fikir ahaan waxaan soo dhawaynaa war saxaafadeedkii ay soo
saareen golaha wasiiradda Puntland ee ahaa in aysan cidna
marti ugu ahayn hor u marka dhulkooda.
Waxaan waydiinayaa dadka qora bogaga internetka ee
warka sida ay rabaan u dhigaya hal su'aal, su'aashaas oo ah
ma waxaad rabtaan in ay puntland ahaato sida xamar oo kale
mise waxaad rabtaan in ay la socoto caalamka ay nabadu ka
jirto sida ay u hor mareen oo kale in ay u horumarto?????...
Waxaan shaki ku jirin in kuwa bada oo idinka idinka mid ah
in aad rabtaa in sida xamar oo kale ay ahaato laakiin xaalku
sidaas maahan oo meeshaan waxaa nabad ka jirtay intii xamar
dagaalku ka socda ama koonfurta somalia.
Marka aan u soo laabto ra'yigayga waxaan aamin sanahay in ay
fiican tahay in dadka loo cadeeyo waxa uu heshiisku yahay
laakiin waxaa run ah in madaxda Puntland aysan galeen
heshiis aan cadayn sidaas awgeed heshiiskaasi bilaw
hor u mareed ee u soo ifaya puntland ninkii uga xun iyo kii
ku farxi lahaabe
Afeef:- Xuquuqda & aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga oo kaliyah.
Ilaah baa Mahad leh.
By: C/nuur Yuusuf Qoongiye
Email:-
qoonbiye74@hotmail.com ama
qoonbiye05@yahoo.com
|
gaas_f@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Sept 10, 2005
|