Puntland hal Waraabe Dilay? Faallo Siyaasadeed....
Marka
aan si qoto dheer u jaleeco saansaanta siyaasdeed ee ee
Xiligaan Puntland ka jirta , waxaa markiiba dareenkayga ku
dhibcaaya Waayadii sagaashamaadkii saansaantii burburkii
Siyaad Barre . Markaasi ayaan misna isweydiyaa Horta yaa
Dalkaan Maamulkiisa lagu ogaa? Jawaabatu waa fududahay waa
Madaxawne Cadde Muuse . waxaan kaloo si deg deg ah isu
waydiiyaa yaa la taliyaal u ah?
Aan
taas jawaab ka bixiyee Madaxawayne Cadde Muuse waxuu nasiib
u helay in ay la Taliyaal u noqdaan Koox Rooxaaniyiin ah oo
inta badan Odorosaad ka bixiya waxa mustaqbalka Puntland
noqon doono kuwaasi oo inta badan ka bixiya fasiraad khaldan
. kooxahaan Rooxaaniyiinyta ayaa ah rag ka soo mid ahaay
siyaasiyiitii ka haray dawladii Barre iyo rag ka soo jeeda
jabhadii JBB ee Cadde Muuse hoggaanka gobolka ku helay,
ragani waxay inta waqitigooda ku dhumiyaan Qayilaad iyo
sidii ay u alifi lahaayeen sheeko xiiso gelisa masuuliyiinta
oo ay hor geeyaan inta badan waxay socdaan Habeenkii.
Yaanan
ku dheeraan sheekada rooxaaniyiinta ee bal aan u micneeyo
akhristaysha ciwaanka qormadaan oo aan filayo in ay sugayaan.
Abwaan Cali Cilmi afyare ayaa gabay u tiriyey waxaa isagoo
xilligaasi aad mooddo inuu ka cabanaayey dawladii jirtay uu
Yiri: LIBAAXAA HILBAHA QAAR BAXSHOO LAGA HAMBEYSTAA, oo
HABAR DUGAAG IYO HAADU DHEREGTAAYE. HAL WARAABE DILAY WAA
INUU KALIGII HIIGAA". Taasina waxay tusaale u noqonysaa
sida maamulka Cadde Muuse u tuuntunsaday shaqooyinkii
Puntland intii ugu muhiimsaneyd isagoo indha ka dabooshay
cabashooyinkii beelaha kale Puntland.
Khayraadkii dalka ayaa jeebka loogu shubay rag madaxawaynaha
ku dhow dhow iyadoo shirkaddii ilaalinta xeebha Puntland loo
dhiibay rag lagu sheegay mujaahdiin xiligii Jabhdii JBB taas
oo xiligaan muran weyn iyo isku hayni ka dhexyso shirkadii
hore ee Somcan.
Ma loo
dulqaadan karaa in wadanka gacanta u galiyo rag u guntadey
in ay xiligaan ka fekeraan oo keliya tabacashada dhaqaale
dabaqyo looga dhisaayo dalal shisheeye kuwaasi oo indhaha ku
kala qaaday dib u heshiisiintii Puntland.
Haddaba
xeeladaha noocaasi waxay galaafteen kacaankii barakaysanaa
waxaana hadda socota in ay galaaftaan habka siyaasadeed ee
aan loo meeldayin ee ka noqday puntland Qabiil lagu faano
sida Kacaan diid xabsi baad ku uraysaa, oo ah inta badan
erayo ay adeegsadaan ragga xilligaan u muuqda kuwa
ilaalinaya masiirkii dawladda Cadde Muuse miyeey
hilmaansanyihiin in la wadaago maamulka uuna yahay kii 1998
Garoowe lagu dhidbay Wadajirka.
Hadaba
ka sokow takri falkaa hantdii dalka iyo tii dabeeciga ahayd
ka sokow maxaa cade muuse intii la doortay dalka soo wajahay
1.
Amaan xumo
2.
Lacago faalso ah
3.
Khayradkii dalka oo la gurto
4.
mushahar la'an
5.
shaqo la’aan Baahday Marka laga reebo inta isaga ku xeeran
6.
baarasho jidka la galo
7.
buracd badeed
hadaba doorashdii cade muuse iyo barnaamjikisii ayaa ahaa
mid soo jiitay dhegaha bulshada reer Puntland lakiin waxaa
lagu macneeyey lagama arag Madaxawaynaha hadaqii
barnaamijkii xilligii doorshdisa.
Isugeynta umuurahaasi dhaliilitaanka ee ka dhanka ah
hawlihii loo doortay oo aan marnaba xil iska saarin
xakamaynta Musuqmaasuqa , sugidda amaanka asaasiga ah, aaya
la oran karaa waxaa ka soo fuufi kara kacdoono xoog badan oo
wiiqi kara awooda maamulkii Puntland looga bartay hadaan la
helin go’aan wadatashi wadajir ku dhisan oo lagu dhaqaaqo oo
uusan madaxawaynuhu wax kaga bedelin haanaan socodka dawlada.
Ma xuma
in la is dhaliilaa, waayo dhaliisha waxbaa ku saxma, laakiin
ma ahan waqtigan in aynu ka aamusno khaladaadka jira ee
kicinaya niyaddaha dadka, kaasoo ka caraysiinaya dad badan
oo hurday, tussaale ahaan madaxweynaha ayaa Cafiyey
dhalinyaradii lugta ku lahayd dagaalkii Majayahan, waxaa la
diiday dhawr maalmood in la sii daayo, ma waxaa jira dad ka
awood badan Madaxaweynaha oo Amarkiisa Burinaya, yaan ahayn
masuul oo danta Puntland u xilsaarayn inay si daacad ah wax
uga qabtaan.
Ma
waxaan jira dad gaar ah oo si gooni ah u ilaashanaya dawlad
goboleedka Puntland, maxaa la iska xigaa kursiga awooda, sow
beri qof kale kuma fariisan karo, ma haboon tahay inaan
maamulka ka dhigno mid qabiil leeyahay?
Guntii iyo gabagabadii ayaa la is weydiin karaa niyad samida
Madaxweynaha ma waxaa ka xoog badan kooxaha ku xeeran oo
doonaya inuu bohol ka dhaco ama ku macnoobo in hogaankii loo
hanweynaa ee uu horseedka ka ahaa Cadde Muuse loo fasirto
Hal Waraabe Dilay.
Waxaa qoray qoraa C/risaaq sheekdauun Boosaso 00252527387
email
sheekhaduun@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
June 10, 2006
|