DFKMG
oo Sharci u Samaynta Shidaalka Soomaaliya Kala Tashaneysa
Qareeno reer Canada ah....
- Tarjumadii
SomaliTalk.com | June 3, 2006
Magaalada Jakarta oo ah
meel aad uga fog Baydhabo oo ah xarunta kumeel gaarka ee
DFKMG ayaa dabayaaqadii bishii April 2006 waxaa kulan ku
yeeshay dersin lataliyayaal ah si ay u agaasimaan sharci loo
sameeyo khayraadka faraha badan ee saliida ceeriin iyo
gaaska aan weli laga faa'iidaysan ee dalka Afrika (Soomaaliya).
Sidaas waxaa warka ku bilowday jariidada
Globe and Mail
qoraal ay daabacday May 10, 2006.
Lataliyayaal ka socdey
madaxweyanaha Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa
kulan ku yeeshay magaalaadaas aadka u durugsan ee Jakarta ee
dalka Indoniisiya.
Jay Park |
Thomas
Valentine |
Calgary, Alberta, Canada |
Isla xilligaas waxaa
magaalada Calgary ee gobolka Alberta ee galbeedka Canada ka
duulay qareenka reer Canada ah oo lagu magacaabo Jay Park,
oo ka tirsan qareenada Macleod
Dixon LLP, si uu u hoggaamiyo kulanka ka dhacayey
magaalada Jakarta Indonesia.
Jay Park iyo qareenka kale ee
jaalkiisa ah oo magaciisa la yiraahdo Thomas Valentine waxaa
shaqaalaysiiyey (ama arrintaas sharci u samaynta shidaalka
Soomaaliya iyo la tashiga u xilsaaray) Dowladda Soomaaliyeed
si loo agaasimo xukuumad leh shidaal la rumaysan karo si loo
soo jiito maal-gashadayaashu in ay maal-gashadaan geyiga uu
burburiyey dagaalku, laakiin qaniga ku ah shidaalka (saliidda
ceeriin).
Haddii wax kasta ay u dhacaan sidii loogu talo galay
sharciga cusub (ee shidaalka Soomaaliya) waxa uu diyaar
noqon doonaa xagaaga (2006).
"Kani (Soomaaliya) waxa uu ka mid yahay dalalka adduunka ugu
saboolsan, laakiin waxaa dhici karta in uu ku fadhiyo qaar
ka mid ah kaydka ugu weyn ee ah saliid ceeriin iyo gaas.
Waxaan u baahanahay in aan xaqiijino in ay Soomaaliya ka
faa'iidaysato khayraadkaas ayagoo uusan harayayn
musuq-maasuq, iska-hor-imaad iyo rabshado," sidaas waxaa
yiri Jay Park (horraantii bishii May 2006) asagoo joogey
xafiiskiisa oo ku yaal magaalada Calgary.
"Qiimaha shidaalka ama saliidda ceeriin oo is bedelaya ayaa
waxa uu dowlado badan ka dhigay kuwo su'aal ka keena in ay
helayaan sedkooda. Arrinta hawsha badan u baahan waa sidii
iyaga loogu caawin lahaa in ay helaan isu-dheelitir (ama
isu-miisaamid) waxa ay tahay in ay helaan iyo waxa ay
maal-gashadayaashu rabaan in ay sabab uga dhigaan lacagta
ay ku kharash garaynayaan mashaariicda," ayuu yiri Mr.
Park. (Ma ahan mid sahlan isu miisaamidaasi ayaa wargeysku
faalladiisa ku daray.)
Waayadii hore, wadamada soo koraya ee hamuunta u qaba
lacagta caddaanka ah (cash)
waxa ay ku faraxsanaan jireen in ay aqbalaan lacag qararar (fixed
payments/royalties) taas oo ay ku bedelan jireen in
shisheeye uu maamulo lahaanshaha xuquuqda saliidda ceeriin
iyo gaaska. Laakiin markii ay arkeen in lacagtu ay ku
xerooneyso jeebka shisheeyaha oo ay shisheeyuhu ka
faa'iideen qiimaha shidaalka oo si xawli ah kor ugu kacaya,
ayaa dalal badani waxa ay ka guureen habkii loogu yeeri
jirey nidaamka heshiiska ogolaanshaha (concession systems),
waxana ay ku bedeleen nidaamyada loo yaqaan qaybsiga wax-soosaarka
(production sharing),
ama wadaagga (joint
venture) ama qandaraaska shaqada (service
contract), kuwaas oo xukuumadaha dalalkooda jooga
siinaya awood dheeraad ah iyo faa'iido.
- Dhowaan ayey ahayd
markii uu ra'iisul wasaaraha DFKMG sheegay in sharci loo
samaynayo khayraadka Soomaaliya, sidaas oo kale ayaa
guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG uu arrintaas sharci u
samaynta shidaalak xaqiijiyey markii uu booqashada ku
tegey gobolada Woqooyi Bari ee Soomaaliya.
Isha Warka:
http://www.theglobeandmail.com
Isha Sawirada:
http://www.macleoddixon.com
Faafin: SomaliTalk.com |
June 3, 2006
- Madaxweynaha DFKMG,
Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo bishii September 2005 ayaa wax
laga weydiiyey arimaha ku saabsan shidaalka laga baarayo
Puntland ee DGPL ay tiri anagaa xaq u leh in aan saxiixano
heshiis caalami ah, halka Cali Maxamed Geedi oo ah Ra'iisul
wasaaraha DFKMG uu heshiiska Puntland iyo shirkadaha
Australia uu ku tilmaamay waxba kama jiraan, waxa uu
Cabdullahi Yusuuf ku jawaabey: "Fikradayda haddaad dooneyso
waxa weeye sida sharciga, nidaamka iyo dastuurku qorayaan
baan aaminsanahay anigu." ... "Sharci ahaan marka maanta in
Puntland laga gar leeyahay anaa maanta qiraya, weliba
Puntland-na waa ka imid, waana ku dhashay, madaxweyne waa u
ahaa, ninkii dembi gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago,
ninkii khalad gelayaa yeelkiis." (Eeg
halkan..).
|