Puntland maku Tusaale
Qaadan Doontaa Khiyaamadii Ku Dhacday Somaliland iyo
Ra'iisul Wasaare Geedi
Khiyaamadii uu
dhigay Gabgablihii Batroolka ee Faraska Waalan Cayrinayey!!!
- SomaliTalk.com |
Sept 13, 2005
Sida
ay Labo Nin u Khiyaameen Madaxda Somaliland,
Puntland iyo Ra'iisul Wasaaraha DFKMG
- December
2002: Hargeysa waxaa yimid nin lagu
magacaabo Meier oo reer Norway ah oo sheeganayey
in uu leeyahay shirkad weyn oo baarta Batroolka,
waxana uu heshiis la saxiixday madaxda
Somaliland. Ninka reer Norway shirkada waxa uu
ku soo asaasay London oo uu shirko kula soo
galay Nin Hindi ah.
- May 2005:
Sheekadii Hargeysa, sida aad hoos ku arki
doontid, markii ay socon weydey ninkii Reer
Norway waxa uu ku laabtay dalkiisii, laakiin
waxaa uu halkaas kula kulmay nin Soomaali ah,
kaas oo kusii xiriiriyey Ra'iisul wasaare Geedi,
markiiba Meier iyo ninkii Soomaaliyeed waxa ay u
safreer Nairobi, halkaas oo ay kula kulmeen
Geedi, isla markiina ninkaas waxa uu Geeddi u
magacaabay lataliyihiisa Gaarka ah ee xagga
Baaritaanka Shiidaalka, Ninkii Soomaaliyeedna
Qunsulka Soomaalida ee Norway.
- June 2005:
Waxaa Boosaaso yimid nin lagu magcaabo Terry oo
reer Australia ah oo markii hore shegtay hay'ad
samafal, markii dambena u xuub siibtey in ay
sheegato shirkad weyn oo batroolka baarata,
sidaasna Heshiis kula saxiixday madaxda
Puntland.
- August 26,
2005: Waxaa maxkamad ku taal Norway la soo
taagey Meier kaddib markii lagu qabtay khiyaamo
weyn oo lacaageed, iyo been abuur shirkado aan
jirin. Ninkii Soomaaliyeed isaguna markiiba waxa
uu yiri shaqo kuma lihi arimaha ninkaas reer
Norway, welise waxa uu sheeganayaa Qunsul
Soomaaliyeed.
Haddaba si aad uga
bogatid sida arrimuhu u dhaceen, akhri qoraal ay
qortay jariidad ka soo baxda dalka Norway oo
magaceeda la yiraahdo Dagens Naeringsliv
- Jariidadii oo
ku qoran Af-Noorwiijiyaan [Eeg
halkan]. Tarjumaad Af-Ingiriis Jacbur
ah oo Computerku tarjumey
Ka Eeg Halkan. Qoraalka Af-Soomaali ahna
hoos ka akhri.
|
"Gabgablihi
Shidaalka ee Faraska Waalan Toocinayay" |
Gabgablihii Batroolka ee
Faraska Waalan Cayrinayey!!!
Xigasho: Jariidada
Dagens Naeringsliv, SL Times & Hatuf::::
December
2002: Heshiis ayaa dhex maray madaxda Somaliland
iyo nin lagu magacaabo Meier oo reer Norway ah. Mr.
Meier oo uu lasocdey nin asakiisu Hindi yahay oo la
yiraahdo Rajan wax ay la kulmeen Daahir Rayaale
Kaahin, heshiiskana waxaa la saxiixay wasiirkii
Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga ah, Mohamed Abdi
Farah (Malow).
January
2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen
in ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha
Febraury. Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham
Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie
Wilson (kalkaaliso). Bishii Febraayo ayey
dhakhaatiirtaas reer Australian ah waxay Puntland u
yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay
dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).
Waxaa
dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah
oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad
samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo
"Kids In Need".
May
2005: Waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Ra'iisul
wasaaraha DFKMG iyo mr. Meier oo uu la socdo wiil la
yiraahdo C/raxmaan Liibaan oo reer Norway ah.
Wiilkii waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka
Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna
lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha
Soomaaliya kala taliyaha arimaha soo saarida
Shiidaalka.
June
10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu
hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse,
waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi
si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg
ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas
ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika
Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg
halkan]
Waftigii
Puntland, Markii
ay Nairobi tageen waxay la kulmeen madaxweynaha iyo
ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas oo ay ku kala
xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi Yuusuf kadib
markii DFKMG diidey in heshiis loo saxiixo Terry. [Eeg
halkan]
August 25, 2005: Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose
ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay
dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan,
bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u
socdey.
August
26, 2005: Waxaa maxkamad lasoo taagey ninkii
Reer Norway ee heshiiska la galay Somaliland,
noqdayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha
DFKMG ee xagga soo saarida shiidaalka, mr. Meier.
August
28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu war
ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag
aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu
yahay waxba kama jiraan... [Eeg
Halkan]
August 29, 2005:
ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii Ra'iisul
wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war
saxaafadeed uu ku saxiixnaa
Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga
ee DGPuntland. [Eeg halkan]
August
31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga
imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan
baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday
Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha
madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr.
Gaagaab).. [Eeg halkan]
September
9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud
Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka
maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta
qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku
dhashay, madaxweyne waa u ahaa, ninkii dembi
gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad
gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]
September 10,2005:
Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku
qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba
ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo
sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda
bilaabi doonto October 2005. [Eeg
halkan] |
Booliiska dalka Norway ayaa
xabsiga u taxaabay nin lagu magcaabo Magne Andreas Meier,
waxana ninkaas maxkamad lasoo taagey August 26, 2005 kaddib
markii lagu eedeeyey khiyaamo lacageed.
Sida ay qortay Jariidada
wax ka qorta arrimaha Ganacsiga Norway oo magaceeda la
yiraahdo Dagens Naeringsliv oo kusoo baxda Afka
Noorwijiyaanka [Dagens
Næringsliv], ninkan lagu magcaabo Meier waxaa lagu soo
eedeeyey in uu sameeyey ganacsi been abuur ah oo ay ka mid
tahay shirkad macmal ah oo magaceeda la yiraahdo "Inverse
International Ltd", shirkadaas oo uu ku sheegay in ay
baareyso Saliida Ceeriin ama shiidaalka (Oil Exploration).
Isaga oo sheeganaya nin leh
ganacsi shirkadaha Batroolka baara ayaa Meier waxa uu
khiyaano u maleegey dhawr hoggaamiya Afrikaan ah oo ay ka
mid yihiin Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo
Ra'iisul wasaaraha Dawlada Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi.
Meier waxa uu Somaliland
booqday bishii December 2002. Waxaa la socdey nin kale oo
khiyamada kula jirey oo magaciisa la yiraahdo Rakesh Rajan
kaas oo ah reer London, UK oo asalkiisu ka soo jeedo dalka
Hindiya. Labadaas nin waxay heshiis ku saabsan baaritaan
batroolka Somaliland la saxiixdeen wasiirkii Xilligaas
qaabilsanaa Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga ah, Mohamed Abdi
Farah (Malow). Kaddib Meier iyo Rajan waxa ay la kulmeen
madaxweyne Rayaale.
Kulankii Hargeysa
ku dhex maray: Daahir Rayaale Kaahin iyo Mr. Meier (Reer
Norway) & mr. Rajan (Hindi reer London ah)
[Dagens
Næringsliv] | Dec 14, 2002 |
Ninkani ka hor intii
uusanba usoo qalab qaadan dhanka Soomaalida, Sida ay qortay
jariidada Dagens Naeringsliv caddakeedii Febraayo 1, 2001,
Mr. Meier waxa uu isku deyey in uu iibiyo saamiyo (Shares)
shirkad uu ugu magagac daray "Sudaco" isagoo ku
andacoonayey in ay tahay shirkad reer Suudaan ah oo laga
dhigayo shirkad gaar loo leeyahay (privaati). Khiyaamadaasi
waa u socon weydey, si degdeg ah ayeyna uga fashilantay.
Waxa kale oo uu ninkani holliyey dalal kale oo Afrikaan ah.
Haddaba ninka reer Norway,
Mr. Meier, intii uusan Hargesya inam, isla Bishii December
2002 ayuu tegey magaalada London ee dalka Ingiriiska, si uu
u asaaso shirkad uu u bixiyey "Inverse International Ltd",
waxana uu kula shirkoobey ninka Hindiga ah, Rakesh Rajan,
waxaana cinwaankii shirkada laga dhigay guriga uu deggan
yahay Mr. Rajan oo ku yaal Clarendons Gardens ee
London, UK. Lacagta shirkadaas lagu asaasayna waxay ahayd
boqol Pound (£100) oo keliya.
Shirkadaas weeye tan
heshiiska la gashay wasiirkii Somaliland ee Biyaha iyo
Khayraadka Dabiiciga ah, Maxamed Cabi Faarax "Malow". Waxana
uu wasiirku xilligaas shaaca ka qaaday in ay markii hore
imaan jireen dad dullaaliin ah laakiin uu hadda heshiis la
galay shirkad caalami ah oo adduunka oo dhan shidaal ka soo
saarta, isagoo ka hadlayey shirkada Mr. Meier uu garwadeenka
ka yahay ee Inverse International Ltd.
Shirkadaas waxaa loo
asaasay si loo helo saxiix xaq u siinaya in ay keligood
(Meier & Rajan) soo saari karaan shiidaalka ku jira Afrika.
Saxiixaas ay ka helaan madaxda Afrika ayeyna u suug geyn
lahaayeen shirkado kale si ay uga iibsadaan saamiyo.
Labadii nin waxay London ku
laabteen iyaga oo wata saxiixii Wasiirka Biyaha iyo
Khayraadka Dabiiciga ah ee ruqsada u siinayey in ay baari
karaan Batroolka Somaliland. Laakiin waxay waayeen cid ka
iibsata saamiyo. Arrintaasi waxay sababtay in madaxdii
Somaliland markii ay lacagtii ay ka sugayeen Mr. Meier ka
waayeeen ay baabi'iyeen ama waxba kama jiraan ka soo qaadeen
heshiiskii.
Ninkii Mr. Meier oo talo
kajaah wareertay ayaa ku laabtay magaalada Oslo ee dalka
Norway. Waxaase mar kale calankiisii soo laabtay kaddib
markii uu la kulmay nin Soomaali ah oo magaciisa la yiraahdo
Abdirahman Leeban (C/Raxmaan Liibaan) oo ah reer Oslo. C/Raxmaan
waxa uu dalka Norway deganaa muddo 10 sano ah.
C/Raxman Liibaan waxa uu ku
fekerayey in dadka Soomaaliyeed ee deggan Norway oo
tiradoodu dhantahay
17,000 in ay yeeshaan
Qusuliyad. Waxayna u muqatay in uu arrintaas meel dhow ka
helayo kaddib markii Mr.
Meier uu beentiisii isagoo
afuufaya C/Raxmaan ka dhaadhiciyey in uu yahay nin awood
sare ku leh dalka Norway, isla mar ahaantaasna hayta
xuquuqda shatiyada shidaalka lagu baaro. Waxaana uu si gaar
ah u xusay in uu haysto ruqsada shidaal qodista ee
Somaliland. Sidoo kale in uu Liibaan cabsiiyey in uu awood
ku leeyahay shidaalka Suudaan, oo uu la taliyo dawlada
Pakistan iyo safaarada Polish-ka ee Norway. Waxa kale uu
sheegay in uu ka caawinayo sidii Qunsuliyad Soomaaliyeed
looga furi lahaa Norway, taasna uu isagu ka caawin doono
sidii uu ugu raadin lahaa aqoonsi iyo xafiis uu Norway ku
yeesho C/Raxmaan Liibaan.
Qunsulka
Soomaaliya u Fadhiya Norway, C/Raxman Liibaan, ee uu
magacaabay Geedi kaddib kulankii Geedi iyo mr.
Meier.
Sawirka: Dagens Naeringsliv |
Durbadiiba Mr. Meier iyo C/Raxmaan
Liibaan waxay u duuleen dalka Kenya si ay magaalada Nairobi
ugula kulmaan Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo 52-jir ah,
waa sida wargeyska Dagens Naeringsliv uu hadalka u dhigaye,
Cali Maxamed Geedi. Bishii May 2005 ayaa safarkaasi ahaa.
Markii ay la kulmeen Ra'iisul wasaarihu markiiba waxa uu
Ninkii reer Norway u magacaabay lataliyihiisa gaarka ah ee
xagga soo saarista Shiidaalka. C/Raxmaan Liibaan isaga waxaa
durbadiiba laga dhigay Qunsulka Soomaaliya ee Norway.
Iyagoo faraxsan ayey
labadii nin (Meier & C/Raxmaan) ku laabteen Norway. Intiiba
ka dhaqso badane Mr. Meier waxa uu dabacday kaarar ay ku
qorn yihiin in uu yahay "Lataliyha Gaarka ah ee Ra'iisul
wasaaraha Soomaaliya iyo Qunsulka guud ee Soomaaliya u
fadhiya dalka Norway."
C/Raxaam Liibaan isaga
markii ay Norway tageen oo ay la kulmeen wasaaradda Arrimaha
Dibada ee Dalka Norway waxa loo sheegay in arrimaha Norway
ee ku aadan Soomaaliya ay yihiin "bal u yare kaadiya oo suga
sida ay Soomaaliya noqoto". Laakiin C/Raxmaan Liibaan isagu
waxa uu sheeganayaa in uu yahay qunsulkii Soomaaliya,
waxaana xafiis siiyey Meier.
Meier isaga meel ayaa u
cad'e, markiiba waxa uu guda galay hawshiisii, waxaana
dhacday in bishii August ee sannadkan 2005 xabsiga loo
taxaabay ka dib markii boolisku ku qabtay been abuur jeegag
macmal ah uu uu rabey in uu sarrifto (381,758 Euro). Waxaana
maxkamad lasoo taagey August 26, 2005. Waxaana Jariidada
Dagens Naeringsliv ay warkaas dheer qortay caddadkeedii
August 27, 2005 oo kusoo baxa Afka Norway. Jariidadii
oo ku qoran Af-Noorwiijiyaan [Eeg
halkan]. (Qoraalka wargeyska oo Ingiriis Jacbur ah
lagu tarjumey
Ka Eeg Halkan). ###
Dib
haddii loo jalleeco heshiiskii Somaliland iyo ninka lagu
magacabo Meier: ugu horayntii markii ay warbaahintu ka
hadashay in ninkani waxa uu wato ay yihiin been, madaxdii
Somaliland aad ayey ugu adkaysteen heshiiskaasi in uu yahay
mid barwaaqo ka dhigi doona dhulka, yahayna heshiis taabo
gal ah oo ay la galeen rag xirfad leh. Wasiirkii Biyaha iyo
Khayradka Dabiiciga ah, Maxamed Cabid Faarax (Malow) ayaa
ahaa kii aadka ugu adkaysanayey in shirkada uu heshiiska la
saxiixday ahayd tii ugu wanaagsanaa ee lala galo shirkad
shisheeya. Daahir Rayaale Kaahin waxa uu u muuqdey mid
taabacsan arrintaas lagu khiyaameyey maamulka uu madaxda ka
yahay. Ilaa ay markii dambe arkeen in aan waxba faraha ugu
jirin.
Sheekada Somaliland
Sidey ugu Egtahay Tan hadda k ajirta Puntland...
Sida akhristayaashu la
socdaan waxaa ilaa bishii June 2005 Puntland ka hawl galayey
nin magaciisa la yiraahdo Terry Donnelly oo reer Australia
ah, ninkaas oo markii hore Puntland ku yimid in uu ka socdey
hay'ad samafal ah oo magaceeda uu ku sheegay "Kids In
Need", laakiin wax yar ka dib uu calankiisii cirka isku
shareeray kaddib markii uu la soo baxay war ah in uu yahay
nin leh shirkad weyn oo shiidaaalka soo saarta, ilaa ay
heshiis la saxiixdeen madaxda Puntland.
Haddaba marka arrinta
Puntland loo barbar dhigo tii ka dhacday Somaliland, waxaa
loo qori karaa sidan: Meier (Somaliland) waxaa u dhigma
Terry (Puntland). Rajan (Somaliland) waxaa u dhigma Mr.
Black (Puntland). Shirkada lagu sameeyey London ee
Inverse International Ltd (Somaliland) waxa ay u
dhiganta shirkada lagu sameeyey Dubai ee Consort
(Puntland). Hadalada Wasiirka Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga
ah, Maxamed Cabdi Faarax "Malow" (Somaliland) waxa ay u
dhigmaan hadaladii Maxamed Cali Yuusuf "Gaagaab" (Puntland).
Daahir Rayaale Kaahin (Somaliland) waxaa u dhigmaa Cadde
Muuse (Puntland). C/Raxmaan Liibaan oo deggan Norway
(Somaliland) waxaa u dhigma
Abdulahi Bashir oo deggan dalka Giriigga (Puntland). -
Waxaa laga yaabaa in aad is weydiisid, waa kuma :C/Lahi
Bashiir - Waxaa dhacday markii uu Terry u soo qalab
qaadanayey Puntland in ay dhacad arrin qoraa reer Australia
uu ku tilmamay afduub website, oo lagu diiwaan geliyey magac
qof la yiri waxa uu deggan yahay Muqdisho oo magaciisa lagu
sheegay Eli Matelosa. Qoraaga baaritaanka sameyey
ayaa wacay ninkii layiri waxa uu deggan yahay Muqdisho,
markaas ayaa telefoonkii waxaa ka jawaabey Terry. Markii la
weydiiyey sida arrintani ku dhacday waxa uu yiri websitekaas
shaqo kuma lihi, isagoo yiri waana weydiisanayaa in
magacayga iyo magaca shirkadayda laga baa'biyo. Markiiba
waxaa dhacday in websitekii lagu qoray nin magaciisa lagu
sheegay C/Laahi Bashiir oo la yiri waxa uu deggan yahay
dalka Giriigi. Markii la baarayna meel uu ku sugan yahay waa
la waayey, sida qoraagaasi caddeeyey.
Waxaa xusid mudan in Soomaaliya xilligii ay ku jirtey qaxa
iyo dagaalka sokeeye, waxaa cad in lagu aasay sunta halista
ah. Waxaana tusaale kuugu filan qoraaladi 1997 / 1998 ay
qortay Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu
magcaabo Famiglia Cristiana, jariidadaas oo daabacday
qoraalo xiriir ah oo si waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la
xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya oo ay jariidadu
magcawday labada shirkadood ee kala ah Achair Partners
(Swiss), Progresso (Italian). Baaritaankaas
jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party
ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay
baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay
kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii
markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in
Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu
dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80
million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali
Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo
baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku
cadeeyey in heshiiskaasi dhacay. Heshiiskaasi wuxuu dhacay
December 1991, waxaana Cali Mahdi Maxamed "maamulkisii" u
saxiixay "Wasiirkiisii Caafimaadka" Nur Elmy Osman. Waxaana
qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun
miisan keedu dhan yahay 500,000 tons. (Cilmi baaris ku aasan
sunta Soomaaliya ku aasan waxaad ka heli kartaa
www.somalitalk.com/sun).
Laakiin, waxaa hadda muuqata in Soomaalidu soo fahmayaan
khiyaamooyinkii loo maleegayey. Waxaana arrintaas daliil u
ah sidey u fashilantay arrintii HAFZA - October 23, 2004:
Waxaa heshiis kala saxiixaday shirkada magaceedu yahay
HAFZA iyo
Puntland, waxaana heshiiskaas Puntland u saxiixay Wasiirkii
Hawlaha Guud iyo Gaadiidka iyo khayraadka dabiiciga ah,
Axmed Maxamed Cigaal. Saxiixaas waxaa ka horeeyey wareegto
ka soo baxday December 23, 2004 madaxweynihii Puntland, Maxamed
Cabdi Xaashi, oo awood u siinaysaa in Wasiirku hewshiiskaas
la geli karo shirkadaas. Sidoo kale waxaa wasiirka awooda uu
heshiiskaas ku geli karo siiyey Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo
warqada ogolaanshaha heshiiskaas saxiixan October 17keedii
2004 xilligaa soo uu ku jirey tartankii Madaxweynaha
Soomaaliya. Heshiiskaas oo ahaa in shirkadaas lagu wareejiyo
Xaafuun muddo 99 sano ah (Qarni). Heshiiskaasi waa socon
waayey markii Soomaalidu ku baraarugeen. ###
Akhri qisadan ka dhacday Hargeysa 2002:
Shirkaddii shidaalka la saxeexatay wasaaradda macadanta.
Faafin: SomaliTalk.com |Sept 13, 2005
Hoos ka akhri Warbaahinta
hargeysa Waxyaabihii ay ka Qoreen Shirkadaha Shiidaalka
Somaliland ka baaraya:
Wargeyska Haatuf oo ka
soo Baxa Hargeysa waxa uu qoray
Magne Adreas Meier:
Gabgablihii Saliidda Shidaalka Ee Faraska Waallan Toocinayay
Monday, 05 September 2005
Waxaanu
halkan idiinku soo gudbinaynaa sheeko dheer oo ku saabsan
nin maafiyo ah oo magaciisa la yidhaahdo Magne Andreas Meier
una dhashay dalka Norway, ninkaas oo Xukuumadda Madaxweyne
Rayaale iyo hoggaamiye-yaal kale o Afrikaan ahba isaga
dhigay nin taajir weyn ah oo leh shirkado Batroolka qodda,
habkaas oo uu ku khiyaameeyay dawlado kuwa saboolka ah iyo
Bankiyo iyo shirkado ku yaalla qaradda Yurub.
Mr. Magne
Andreas Meier oo Xukuumadda Daahir Rayaale bishii December
2002 la saxeexatay heshiis ku saabsan in Somaliland laga
baadho lagana qodo saliidda shidalka, waqtigaas oo wargeyska
Somaliland Times cadadkiisii oo baxay 28-kii December 2002
uu war heshiiskan ku saabsan ka qoray oo uu xukuumadda uga
digay in shirkadda Mr. Meier ay tahay mid faalso ah, iyadoo
wargeysku xog baadhis uu ku sameeyay shirkadda Mr. Meier
sheegtay in magaceeda la yidhaahdo Inverse International ku
ogaaday inay tahay wax macmal ah oo waxaanay ahayn
sheeganaya.
Waqtigaas
oo Maxamed Cabdi Faarax (Malow) ahaa Wasiirka Macdanta iyo
Biyaha Somaliland isaga oo afka xukuumadda ku hadlaya wuxuu
aad u difaacay shirkadda Inverse International, isla
markaana wuxuu warkii Wargeyska Somaliland Times ka qorayna
ku sheegay mid aan sal iyo rad toona lahayn.
Haddaba
ninkii shirkaddaa Inverse International sheeganayay oo ahaa
Mr. Magne Andreas Meier ayaa dhowaan loo taxaabay xabsi ku
yaalla caasimadda dalka Norway ee Oslo, waxaana lagu soo
oogay fal dambiyadeed ku saabsan amuuro maaliyadeed oo
shirkado been abuur ah uu lacago kaga dhacay dad u dhashay
dalka Norway oo uu dawladda lafeeda ku jiray.
Wargeyska
Dagnes Naeringliv oo ah ka ugu ballaadhan ee gorfeeya
arimaha Ganacsiga Yurub, kaas oo ku soo baxa afka lagaga
hadlo dalka Norway, ayaa 27-kii bishan boggisa hore far
waaweyn ku soo bandhigay maqaal dheeroo ku saabsan ninkan la
xidhay iyo khiyaamooyinkii uu ku cawaray wadamo ay
Somaliland ku jirto. Wargeysku wuxuu boggiisa hore aad ugu
ballaadhiyay taswiir weyn oo uu Madaxweyne Raayale isaga oo
jooga xafiiskiisa ku soo dhaweynayo, isaga u qaba inuu Meier
yahay maal qabeen rasmi ah.
Haddaba
mawduuca Wargeysku qoray oo ad u dheeraa, isla markaana ku
qornaa af Norweyjiyaanka oo aanu idin soo turjumnay waxa uu
cinwaankiisu ahaa; "Gabgablihi Saliidda Shidaalka ee
Faraska Wallan Toocinayay", isaga oo aanu soo koobnay
waxa uu u qornaa sidan:
"Magne
Andreas Meier waxa la yiqiinay isaga oo ahaa jiray nin
dilaal ah oo ka talo binixiya iibgeynta iyo amaanaha laga
qato Bankiyada, balse sannadihii uu dambeeyay wuxuu ahaa nin
ku laalan xeelado been abuur iyo khiyaamo ah, haatana Meier
wuxuu ka caweynayaa qol ka mid ah xabsiga magaalada Oslo.
Meier waxa
uu weli ku mashquulsan yahay inuu kala dabaro shuqulkiisii:
wuxuu dhambaalo u kala dirayaa nimankii ay shuraakada
ahaayeen. Wuxuu farayaa inay isku duubnaadaan oo ay sii
wadaan hawlihii iyada oo uu yidhi "Illaa iyo hadda
saxaafaddu weli arintaydan waxba ka may qorin. Laakiin
haddiba ay timaado inay soo hadal qaadan waa in aynu ka
tashanaa inay haboon tahay in aan magacyga ka saaro diiwanka
shirkadda ilaa iyo inta kiiskaygani jabayo."
Meier marka
aanu ku mashquulsanayn qoraalka wuxuu akhriyaa buugaagta ay
qoraan labada qoraa ee caanka ah ee reer Norway Jens
Bjornebe iyo gert Nygaardshaug. Waxa kale oo uu akhriyaa
Baaybalka Kiristanka. Hase yeeshee Kitaab Quraanka oo uu
dalbaday in loo keeno waxa laga waayay Maktabadii jeelka.
Inkastoo kiisas culus lagu soo oogay, haddana Meier wuxuu u
muuqdaa nin aanay kaba qasnayn oo aan rumaysnayn in
riwaayadiisii soo af jarantay. Waxaabu ku gudo jiraa oo uu
imankii uu shuraakaha la ahaa u sheegayo inay kala dabaraan
hawlo uu qorshaysnaa oo ay ka mid yihiin aasaaska Ururka
Saliidda Shidaalka ee Afrika, maalgelinta Baanka Islaami ah
o laga furo Norwey, soo iibinta Tankarada Saliidda shidalaka
qaada, Maraakiibta Kallumaysiga iyo Qunsuliyada Somalia
looga furo dalka Norway.
Marka tiisa
loo raaco, Meier waa nin qiimo iyo awoodba ku leh dadka
Afrikaanka ah ee deggan Norway, marna waa Qunsulkii Somalia
u fadhiyay dalkaas.dhinaca kale haddii aynu soo qaadano
Ra'iisal wasaaraha Somalia Cali Maxamed Geedi, waa nin 52
jir ah oo xilka uu hayaa ka culays badan yahay ka saaran
masuuliyinta sar sare ee dawladaha kale. Geedi wuxuu madax
ka yahay dawlada dibad-yaal ah oo Saldhigeedu yahay
Caasimadada Kiniya ee Naryoobi. Ra'iisal wasarahan
waajibaadka saaran waxa kow ka ah inuu dalkiisa dib ugu soo
dabaalo kala dambayntii iyo sharci u hoggaansaantii uu lahaa
nidaamka dawladnimo, taas oo burburtay 13-kii sannadood ee u
dambeeyay ee uu dagaalka sokeeye ka dhex oognaa
qabqableyaasha iyo beelaha halkaas ku uuman. Sidaas darteed,
ra'iisal wasare Geedi waa nin aad ugu baahan tageero kasta
oo uu heli karo.
Ninka
Magaciisa la yidhaahdo Cabdiraxmaan Liibaan oo tobankii
sannadod ee u dambeeyay ku noollaa dalka Norway ayaa ka mid
ahaa dadkii isu xilqaamay inay wax la qabtaan Mr. Geedi
markii uu fahmay in 17,000 ee Soomaalida ah ee ku nool
Norway ay u baahan yihiin inay dalkaas ku yeeshana cid
metasha. Sidoo kale Liibaan wuxuu gartay inuu qaxoontiga
Soomaalida ah ee ku kala filiqsan Yurub uu kaalin muhim ah
ka qaadan karo dib u dhiska dalkoodii Somalia. Dabadeedna
Liibaan wuxuu riyo ku hindisay in dalka Norway laga furo
Qunsuliyada ay leedahay Somalia. Hase yeeshe isaga laftiisa
ayaa noqday nin gacan qabad u baahan, markaasuu isaga oo ah
nin miciin la'aa si ka dis ah ula kulmayaa magne Andreas
Maier.
Ninkan
Norwiijiga oo iska dhadhicnaya C/raxmaan Liibaan si uu Geedi
ugu xidho:
"Magne
Andreas Meier wuxuu Cabdiraxmaan Liibaan ka dhaadhiciyay
inuu yahay nin xukuma oo gacanta ku haya qayb ballaadhan oo
ka mid ah khayraadka Batroolka ee dalka Suudaan, isla
markaana la Taliye u yahay dawladda Paksitan iyo Safaaradda
ay dalka Poland ku leedahay casimaddda Norway ee Oslo. Waxa
kale oo uu Cabdiraxmaan Liibaan u sheegay inuu yahay ninkii
wax kala qaban lahaa sidii Qunsuliyada dalka Somalia
leeyahay looga furi lahaa magaalada Oslo.
Waxyaabihii
kale ee uu Meier sheegtay waxa ka mid ahaa inuu laysan (Rukhsad)
u haysto qodista Saliidda Batroolka Somaliland iyo inuu
xidhiidho heerkooda aad u sareeyo ku leeyahay dhammaan
dalalka qaaradda Afrika. balse si qorshihiisa loo rumaysto
Meier wuxuu aad ugu dheeraaday Jacaylka iyo Nasteexa uu
shakhsi ahaan Afrika u hayo, waxaanu markiiba u sheegay
Liibaan in xafiisyo isagu leeyahay oo ku yalla magaalada
Oslo ku caawin doono si looga furo Qunsuliyadda Somalia,
isla markaana uu qabili doono kharashka ku baxaya kirada
Qunsuliyadda.
Liibaan
markaas wuxuu ku dhaqaaqay sidii ogolaansho rasmi ah uu ugu
heli lahaa mashruuciisa uu ku doonayay inuu Norway ka
sameeyo Qunsuliyad ay Somalia leedahay, Meier intaas uun
kumuu eekaane balse wuxu Liibaan u sheegay inuu waxyaabo
kale oo badan doonayo inuu Somalia taro.
Bishii May
ee sannadkan ayay Liibaan iyo Meier isu raacayaan caasimadda
Kiiniya ee Nayroobi, halkaasna waxay kula kulmayan ra'iisal
wasaare Geedi oo ninkii Meier gacmo furan ku soo dhawaynaya,
isla markiiban wuxuu Geedi ninkii Norwayjiyanka ahaa u
magacaabayaa la taliyehiisa gaarka ah. Meier markii uu Oslo
ku soo noqday wuxuu si degdeg ah iskii ugu daabacanayaa
kaadhadh uu ku qortay xilka La-taliyaha gaarka ah ee
ra'iisal wasaaraha Somalia ee Cali Maxamed Geedi, isla
markaana ah Qunsulka Guud ee Somalia u fadhiya magaalada
Oslo ee Norway, taas oo uu ogeysiin u dirayo Wasaarada
Arrimaha Dibadda ee norway.
Sida
Wargeyskan Dagens Naeringsliv cadadkiisii soo baxay 1-dii
bishii February 2005 ku cadeeyay, Meier wuxuu isku dayay
inuu naadiyo sheerer ay leedahay shirkad magaceeda la
yidhaahdo Sudaco oo u ku tilmaamay inay Shidaalka Suudaan
soo saarto. Laakiin shirkaddaasi ma ahayn mid gebi ahaanba
ka jirta qaaradda Afrika. Walow warbaahitnu shaacisay
warkaas.
Haddaba
taasi may noqon mid waabisa Meier, balse wuxuu iska sii
watay hab dhaqankiisii ahaa inuu yahay ninka Khayraadka
shidaalka Afrika dibadda soo dhigaya. Bishi December
sannadkii 2002 Meier wuxuu magaalada London kaga dhawaaqay
shirkadda magaceeda la yidhaahdo "Inverse International",
waxaana shirkaddas kula shuraako ahaa nin asalkiisu Hindi
yahay oo magaciisa la yidhaahdo Rakesh Rajan. Shirkaddan
waxa lagu diiwaan geliyay in raasa-maalkeedu yahay boqol
Yuuro, cinwaanka xarunteedana waxa laga dhigay guriga uu
deggan yahay Rakesh Rajan ee London.
Haddaba,
ujeedada shirkadda Inverse International loo aasaasay waxay
ahayd in Meier uu heshisyo ku saabsan qodista Batroolka kula
galo wadamada Afrika, dabadeedna intuu dilaa weyn dulsaarto
ka iibiyo ogolaanshahaas shirkadaha waaweyn ee batroolka
qodda. Shirkaddii Inverse International ayaan noqotay mid
durtaba shaaca qaaday oo waxay ka hilaacday Somaliland,
warkii soo baxayna wuxuu ahaa Wasiirkii macdanta iyo biyaha
ee Somaliland, Maxamuud Cabdi Faarax (Malow) oo heshiis ku
saabsan Batroolka Somaliland soo saaristiisa la galay
shirkada mudakar ah oo magaceeda la yidhaahdo Inverse
International.
Somaliland Times waxa uu
Af Ingiriisi ku Qoray Sidan::::
Hargeysa, Somaliland,
September 3, 2005 (SL Times) – A Norwegian national by the
name of Magne Andreas Meier was arrested by police
authorities in Oslo and taken to court on August 26 for
involvement in financial fraud.
According to the Norwegian business journal Dagen
Naeringsliv, Mr. Meier was accused of creating bogus
business entities including a fake firm by the name Inverse
International, purporting to be involved in oil exploration.
By claiming to be in the oil business, Meier was reportedly
able to trick a number of African leaders including
Somaliland’s President Dahir Rayale and Somalia’s factional
Premier, Ali Gedi.
Meier visited Somaliland in December 2002. He was
accompanied by another accomplice, Rakesh Rajan, a Briton of
Indian decent. The two signed a deal on oil exploration in
Somaliland with the then Minister of Water and Mineral
Resources, Mohamed Abdi Farah (Malow). Meier and Rajan then
met with President Rayale.
Dagens Naeringsliv ran a long story on Magne Andreas Meier’s
fraudulent oil businesses in its August 27 edition. It
referred to a front page article published by the Somaliland
Times on December 28, 2002 under the banner “Fake Company
Strikes Deal with Minerals Ministry”. The Norwegian
publication said despite the Somaliland Times’ revelations,
the Somaliland Minister of Water and Minerals at the time M.
A. Farah [Malow] defended the deal by insisting that
“Inverse International” was a genuine company. (see below
the full text of the Times’ Dec 28, 2002 article).
More recently Meier was quick to establish ties with
Somalia’s latest factional Premier Ali Mohamed Gedi.
Gedi became so impressed by Meier’s credentials that he
appointed the Norwegian as his special advisor and Somalia’s
Consular General in Norway. The 2 men were introduced by
Abdirahman Libaan, one of Gedi’s supporters living in
Norway.
Mr. Gedi announced last Sunday that his government was ready
to start granting oil concessions soon. He also warned
international oil companies against dealing with anyone
other than his faction in the so-called Transitional Federal
Government of Somalia.
Gedi cited an agreement under which an Australian oil
company offered cash money to the authorities in Somalia’s
Puntland region for oil exploration. Puntland reacted
angrily to Gedi’s statement, saying that it wasn’t his
business to interfere with the deal.
It isn’t yet clear what prompted Gedi to talk about oil
concessions at this particular stage, or whether his
relations with Meier had influenced him.
Below is the Dec 2002 article in which the Somaliland
Times first blew the whistle on Meier:
“Fake Company Strikes Deal With Minerals Ministry
Inverse International Doesn’t Exist As A Real Company
The Somaliland Times, Issue 49 December 28, 2002
London (SL Times): A company by the name of Inverse
International which had concluded an oil exploration deal
with Somaliland Ministry of Minerals and Water earlier this
month, has turned out to be fake.
"Inverse International" address has been traced to an
apartment in Essex, England, dwelled by an Indian family.
The company listed its executive officers as Magne Andreas
Meier and Rakesh Rajan. It was registered in earlier this
month as being located at 9 Clarendon Gardens, Ilford,
Essex, IG1 3JN.
Two persons purporting to represent Inverse International
came to Hargeisa two weeks ago. They were welcomed by
Somaliland’s Minister of Mineral Resources, M. A. Farah. The
Minister then announced that an oil deal has been concluded.
Later, he was lavish in his praise of the "company" as one
with the necessary financial and technical capabilities to
do the job - oil exploration and drilling - "The people who
used to come here were mostly brokers and not real
companies. This is a real company with extensive experience
in Sudan, Saudi Arabia and Europe."
It is not the first time that the Minister has been cheated
by people pretending to represent an oil company. Out of 4
agreements he had signed since assuming office, none has
been implemented.
However, following revelations that Rakesh Rajan has
connections with Italian Mafia group engaged in toxic waste
disposal, the faltering of Mr. Farah’s last deal could be a
blessing from the sky.
Rakesh Rajan and a Somali holding an Italian passport by the
name of Omer Osman are also listed among the directors of
Bushido Security Services Ltd. The Somali lives in Italy but
his address in Britain is 40 Montague Road Leytonstone,
London E11 3EN. Bushido is registered as a toxic waste
disposal company.
There were reports in the recent past that Somalis recruited
by the Italian Mafia have been involved in international
operations for dumping nuclear waste along the coast of
Somalia. Mr. Osman had reportedly introduced "Inverse" to
Somaliland’s Minister of Minerals. It is not clear yet
whether Osman is the same man charged with taking part in
nuclear waste dumping operations.”
DN:http://avis.dn.no/artikler/avis/article787.ece
Tacadiyada loo Geysto Dadka
Soomaaliyeed iyo Daroogda Lagu Beero.....
Sawirada: Google /Yahoo Search &
Dagens Naeringsliv
|