December
2002: Heshiis ayaa dhex maray madaxda Somaliland
iyo nin lagu magacaabo Meier oo reer Norway ah. Mr.
Meier oo uu lasocdey nin asakiisu Hindi yahay oo la
yiraahdo Rajan wax ay la kulmeen Daahir Rayaale
Kaahin, heshiiskana waxaa la saxiixay wasiirkii
Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga ah, Mohamed Abdi
Farah (Malow).
January
2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen
in ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha
Febraury. Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham
Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie
Wilson (kalkaaliso). Bishii Febraayo ayey
dhakhaatiirtaas reer Australian ah waxay Puntland u
yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay
dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).
Waxaa
dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah
oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad
samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo
"Kids In Need".
May
2005: Waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Ra'iisul
wasaaraha DFKMG iyo mr. Meier oo uu la socdo wiil la
yiraahdo C/raxmaan Liibaan oo reer Norway ah.
Wiilkii waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka
Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna
lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha
Soomaaliya kala taliyaha arimaha soo saarida
Shiidaalka.
June
10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu
hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse,
waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi
si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg
ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas
ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika
Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg
halkan]
Waftigii
Puntland, Markii
ay Nairobi tageen waxay la kulmeen madaxweynaha iyo
ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas oo ay ku kala
xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi Yuusuf kadib
markii DFKMG diidey in heshiis loo saxiixo Terry. [Eeg
halkan]
August 25, 2005: Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose
ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay
dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan,
bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u
socdey.
August
26, 2005: Waxaa maxkamad lasoo taagey ninkii
Reer Norway ee heshiiska la galay Somaliland,
noqdayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha
DFKMG ee xagga soo saarida shiidaalka, mr. Meier.
August
28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu war
ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag
aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu
yahay waxba kama jiraan... [Eeg
Halkan]
August 29, 2005:
ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii Ra'iisul
wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war
saxaafadeed uu ku saxiixnaa
Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga
ee DGPuntland. [Eeg halkan]
August
31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga
imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan
baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday
Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha
madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr.
Gaagaab).. [Eeg halkan]
September
9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud
Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka
maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta
qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku
dhashay, madaxweyne waa u ahaa, ninkii dembi
gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad
gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]
September 10,2005:
Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku
qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba
ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo
sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda
bilaabi doonto October 2005. [Eeg
halkan] |
Digaag
Gata, si Puntland Shidaal Loogu soo Saaro
C/Waaxid
C/hi Khaliif
Lonodn, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Sept 14, 2005
Ilaah
baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa
ha ahaato.
Wasiirka
Maaliyadda Puntland Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) baa laga
hayaa inu yiri: shirkadda Corsort la yiraahdo ayaa Puntland
shidaalka ka baareysa. Wuxuu sheegay in aysan shirkaddu
heysan dakhli ay wax ku baarto marka ganacsatada reer
Puntland baa laga rabaa iney iibsadaan digaag si shirkaddu
lacag u hesho dabadeedna shidaal loo soo saaro! Kalluunkii
Puntland baa kooxo bucad ahi dhaceen marka ma haddaad
rabtaan inaad digaag dadka ka gaddaan?
Awal baa
Puntland heshiish la gashay Itoobiya si ay kalluun uga
bedelato qaad/jaad; maantana waxay maraysaa digaag aan
gadanno iyadoon bedel lahayn. Weligay heshiis noocaas ah ma
maqal xitaa sheekooyinka khiyaaligaa kuma arag. Keliya,
gumeysiga oo xoog wax ku qabsada ayey arrinta wasiirku ka
suurtoobi kartaa. Bal u fiiri oraahdii hal-abuur Sangub oo
ahayd:
Ø
wanka macasha ii qabo
Ø
adna gowrac ii maro
Ø
dhiiggana aan muudsado
Hadda
wasiirku wuxuu leeyahay digaag gata dabadeedna lacagtiinna
ayaan shidaal idiin ku baareynaa. Wasiirku ma fahmi la’yahay
in lacagta dadku ay iyagu leeyihiin oo aan heshiis aysan
iyagun raalli ka ahayn loo geli karin? Wasiirka waxaan ku
leennahay: annagoon digaag gadan maan lacagtayada ku
raadsanno shirkado shidaalka noo qoda oon innagu xulunno?
Caqli ruuxa lihi wuxuu fahmayaa in wasiirka ka wado:
ganacsatada Puntland wey heysaa lacag shidaal lagu qodo
marka si looga soo saaro, digaag halaga gado!
Lafdhabarta dhaqaalaha Soomaaliyeed waa xoolaha nool.
Xoolihii noolaa oo la gadan la’yahay ka warran wasiirka leh
ha la gato digaag laga keenay waddamo kale? Teeda kale
haddii wasiirku ogaanlahaa dhibaatada kala heysata digaagga
(shimbiro) iyo waddama dhaqda; maanta kuma hadleen
hadalladaas. Qofkii akhbaarta caalamka kala socda saxaafadda
ooy ku jirto BBC-da laanteeda Afsoomaaliga iyo warbaahinta
kale ee Soomaaliyeedba iney sheegaan khatarka uu adduunka ku
hayo cudurka la yiraahdo hargabka/durayga shimbiraha (bird
flu) oo uu keeno feyras. Waddamadii qaniga ahaa baa hadda
digaaggoodii qabbiray oo u diiday iney bannaanka istaagaan
si uusan u qaadin cudurkaas; marka sidee lagu fekeray in
digaagga khatarkaas ku jira la keeno waddan Soomaaliya oo
kale ah oo xitaa manaafacaadsan la’ hilibka xoolaha iyo
kalluunka? Xoolaheennii noolaa oo caafimaad qaba baa hadda
waddamada Khaliijku leeyihiin waa jirranyihiin! Waxay
waddamadaasi fahmayaan dhibta ay keenikaraan xoolo jirran.
Maxaa
arrintaas ku xambaari kara wasiir lagu tuhmayo in magaciisa
laga hormariyo “Dr?” Maaddaama la xaqiijiyey in sun khatar
ah lagu duugay Soomaaliya oo dhan ooy Puntland ku jirto.
Lana xaqiijiyey in nimanka dullaaleyda u ah dagaaloogayaashu
ay magacooda ka hormariyaan “Prof.” ama Dr. Waxaa cad in
Xaafuun iyo aag dhan oo Puntland ka mid ah laga gaday
shirkad iyaduna aan lacag heysan laakiin ay dhici karto in
la yiraahdo sigaar halaga iibiyo si lacagta sigaarkaas ka
soo baxda, Puntland loogu sameeyo dekedo, garoommo
diyaaradeed iyo waddooyin laami ah!
Waxaan
shacabka Puntland u sheegayaa haddaad maqli jirteen dhukaan,
sambab, qanje iyo cudurro kale oo xoolaha keliya lagu
maleynjiray in hadda hargabka shimbirahu ku dhici karaa
dadka. Sidoo kale waxaa loo malaynayaa in dadku kala qaadi
karaan. Feyraska uu keeno hargabka dadka ku dhaca waxaa la
dagaalama difaaca jirka oo garanaya. Inta badan wuxuu
hargabku dilaa dadka waaweyn, carruurta yaryar iyo dadka
cudurada kale diloodeen. Laakiin hargabka shimbiruhu noo soo
gudbin karaan wuxuu keenayaa in feyraskaasi bedesho
barootiinkiisa ku daboolan dabadeedna uu ka raadgato difaaca
jirka. Mar haddaan difaaca jirku garin kain cudurka, waxay
keeneysaa in torob torob loogu dhinto iyadooysan jirin si
loola tacaalo.
Marka
dadka reer Puntland waxaan ugu qalbiqaboojinayaa inay jiraan
dad ka dhamqanaya dhibka dadka iyo degaanka lagu hayo. Marka,
inkastoo idinkoo soo taagan la idin iibsaday haddana waxaa
idiin maqan dad badan oo aruurinaya feylasha lagu qoroyo
dadka sunta, xaalufka iyo iibka ka wada geyigeenna. Marka
shacabkii waxaa ka soo haray iney sidii Ismaaciil Mire
dhahaan:
Ø
ilmaroojihii bey khatalay kii aan aamminaye (hadda madaxda
Puntland)
Ø
amakaagay goortay wankii arraxda tuujeene
Ø
anigoo arkaayaa gacmaha la igu iibsadaye
Sida
Soomaalidu u tiraahdo: raggu jabkiisuu sheegtaa ayaa
Ismaaciil Mire Allaha u naxariistee gabaygaas ku bilaabay:
Ø
nimanyahow awoow iyo awoow iyo abkaan sheegto
Ø
iyo anigu weligay ma arag iibsi lacageede
Waxaa
kaloo la rabay haddaysan madaxda Puntland garin karin cidda
heshiis lala geli karo iyo waxa dhib ah oo ka imaan karta
iney weydiiyaan dadkii garanaya. Sidii Nabigu (SCW)
xaddiiska ugu sheegay in dawada jahligu tahay weydiinta.
C/Waaxid C/hi Khaliif
Lonodn, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 14, 2005
|