- Cadde Muuse oo
Aqbalay in la dhisi doono Guddi Soo Baara "Shirkada
Consort", lana Xaajoon doona DFKMG..
- C/Laahi Yuusuf iyo
Cadde Muuse oo ku Kulmay Dubai, kana wada hadlay arrimha
shirkada Shidaalka waxa laga yeelayo...
- Qaar Kamid ah Odayaasha iyo
Waxgaradka Puntland oo Jaaliyadda Soomaalida Australia
Ka Codsaday in Arrinta iyaga u daayaan..
Cadde Muuse oo Aqbalay in
la dhisi doono Guddi .... Guddigaas oo Soo Baari doona "Shirkadda
Consort", wixii Dastuurku qabona marsiin doona, kalana
Xaajoon doona DFKMG...
- SomaliTalk.com |
Isha: Wargalo Jooga Dubai | Sept 20, 2005
Madaxweynaha DGPL, Cadde
Muuse, ayaa aqbalay in uu dhisi doono guddi soo baara
arimaha la xiriira "shirkadda consort", waxana uu
aqbalaadaas ku muujiyey 72 saacadood gudohood ka dib markii
ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia soo saareen baaq ay
ku weydiisanayaan DGPL in ay guddigaas soo dhisto.
Waxaa
warkan magacaabida guddigu sii xoogeysey kaddib markii xalay
uu Dubai hoteel ku yaal kulan ku dhex maray Madaxweynaha
DFKM, C/laahi Yuusuf Axmed iyo Madaxweynaha DGPL, Cadde
Muuse, waxana ay ka wada hadleen arrinta ku saabsan
heshiiska ay Puntland la gashay shirkadaha reer Australia,
halkaas oo C/laahi Yuusuf uu ku adkeeyey in la magacaabo
guddi arinta ka baraan degga, si arrinta loo mariyo waxa uu
sharciga iyo dastuurka qaranku ka qabo. Waxaana warku
sheegay in Cadde Muuse aqbalay in la dhisi doono guddi.
Arrintaasi waa guul u soo
hoyatey reer Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed
maadaama madaxwenihii Dawlada Dhexe iyo kii Dawlad
goboleedkuba ay maqleen baaqa shacabkooda iyo aragtida dad
weynaha oo rabey in arrintaas si waadax ah loo baaro.
Waxayna tani horseed u noqoneysaa is aaminaad dhex marta
madaxda iyo shacabkooda maadaama madaxdu maqlayaan baaqyada
wax dhisaya ee loo soo jeediyo, halkaasna ay ka abuurmi
doonto kalsoonidii dadweynuhu.
Hotel Le
Meridien Dubai |
Waxa kale oo xusid mudan
Gen. Cadde Muuse in 19/9/2005 (oo ah markii uu ka dhoofay
Boosaaso, una dhoofay Dubai) uu Axmed Kismaayo (oo jooga
Garoowe) kana tirsan shaqaalaha Idaacada British
Broadcasting Corporation u sheegay in dhowaan la
magacaabi doono guddi arrimaha shirkada shiidaalka/batroolka/macdanta
kala xaajoon doona DFKMG.
Dhegeyso
Halkan.
Hadda DGPL waxay u muuqataa
mid dhegeysaneysa shacabkeeda.
Warkii caawa ka soo baxay
Jaaliyadda Soomaalida Australia hoos ka akhri:::
- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee
Australia ... | Sept 20, 2005
War SomaliTalk ka soo
gaarey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Australia ayaa
shaaca ka qaaday in qaar ka mid ah odayaasha iyo wax garadka
Puntland ay Jaaliyaddaas ka codsadeen in iyaga (Odayaasha &
wax garadka) u daayaan arrinta la xiriirta heshiiska
Puntland iyo shirkada shiidaalka/macdanta, si ay iyagu uga
baaraan degaan. Odayaasha oo codsaday arrintaas maadaama ay
iyagu dalkii joogaan arrintana u kuur geli karaan, wax badan
ka ogaan karaan, yihiina ehelka arrintan, sidaas darteedna
iyaga marka hore loo daayo.
Waxaa warku intaas ku daray
in "Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia iyagoo tix gelinaya
codsiga odayaasha iyo waxgaradka Puntland ayay arrinta
sidaas laga codsaday u aqbaleen una daayeen odayaasha ilaa
inta ay iyaga gaacantooda ka soo laabanayso".
Waxaa warku intaas raaciyey
"Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia iyagoo fiirinaya
maslaxada reer Puntland waxay ku talinayaan in arrintan la
xiriirta heshiiskaas lala galay shirkadaha Consort aysan
noqon mid kala fogeysa shacabka reer Puntland, ayna si
deggan arrinta xaqiiqadeeda u gaaraan."
Ugu dambayntii "Jaaliyadda
Soomaalida ee Australia waxay ka war sugayaan xalka
odayaasha iyo wax garadka Puntland, ilaa arrintu mar kale
gacantooda ka soo wareegeyso."
Isha: Jaaliyada
Soomaaliyeed ee Australia & Ilo war gal ah oo Jooga Dubai| Faafin:
SomaliTalk.com | Sept 20, 2005
Warkii hore ee Jaaliyadda:::
December
2002: Heshiis ayaa dhex maray madaxda Somaliland
iyo nin lagu magacaabo Meier oo reer Norway ah. Mr.
Meier oo uu lasocdey nin asakiisu Hindi yahay oo la
yiraahdo Rajan wax ay la kulmeen Daahir Rayaale
Kaahin, heshiiskana waxaa la saxiixay wasiirkii
Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga ah, Mohamed Abdi
Farah (Malow). [Eeg halkan]
January
2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen
in ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha
Febraury. Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham
Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie
Wilson (kalkaaliso). Bishii Febraayo ayey
dhakhaatiirtaas reer Australian ah waxay Puntland u
yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay
dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).
Waxaa
dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah
oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad
samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo
"Kids In Need".
May
2005: Waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Ra'iisul
wasaaraha DFKMG iyo mr. Meier oo uu la socdo wiil la
yiraahdo C/raxmaan Liibaan oo reer Norway ah.
Wiilkii waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka
Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna
lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha
Soomaaliya kala taliyaha arimaha soo saarida
Shiidaalka.
June
10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu
hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse,
waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi
si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg
ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas
ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika
Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg
halkan]
Waftigii
Puntland, Markii
ay Nairobi tageen waxay la kulmeen madaxweynaha iyo
ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas oo ay ku kala
xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi Yuusuf kadib
markii DFKMG diidey in heshiis loo saxiixo Terry. [Eeg
halkan]
August 25, 2005: Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose
ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay
dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan,
bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u
socdey.
August
26, 2005: Waxaa maxkamad lasoo taagey ninkii
Reer Norway ee heshiiska la galay Somaliland,
noqdayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha
DFKMG ee xagga soo saarida shiidaalka, mr. Meier.
August
28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu war
ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag
aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu
yahay waxba kama jiraan... [Eeg
Halkan]
August 29, 2005:
ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii Ra'iisul
wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war
saxaafadeed uu ku saxiixnaa
Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga
ee DGPuntland. [Eeg halkan]
August
31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga
imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan
baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday
Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha
madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr.
Gaagaab).. [Eeg halkan]
September
9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud
Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka
maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta
qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku
dhashay, madaxweyne waa u ahaa, ninkii dembi
gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad
gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]
September 10,2005:
Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku
qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba
ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo
sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda
bilaabi doonto October 2005. [Eeg
halkan] |
DGPL oo Loo
Qabtay 72 Saacadood in ay ku Soo Magacawdo Guddi Madax
Bannana oo Soo Baara Heshiiskii Puntland la Gashay
Shirkadaha Sheegtay in ay Shidaal ka baarayaan Dalka.....
Jaaliyadda Soomaaliyeed
ee ku dhaqan dalka Australia ayaa Dawlad Goboleedka
Puntland (DGPL) ugu baaqay in ay jawaab sugan oo deg-deg ah ka bixiso heshiiskii ay la gashay
"shirkada consort" ee
la sheegay in ay tahay Australian macdan iyo shidaal ka baareysa Puntland.
Waxana ay dawlad Goboleedka Puntland ugu baaqeen in ay soo
magacawdo guddi madax bannaan oo baaritaan rasmi ah ku
sameeya heshiiskaas iyo shirkada heshiiska lala galay.
Baaqaas oo soo gaarey
SomaliTalk.com ayaa ku bilowday sidan:
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Australia
waxay soo saareen baaq ku socda DGPL kaddib:
- Markii uu soo gaarey warka sheegaya in DGPL heshiis gaar ah la gashay
"shirkadda Consort" oo la sheegay in ay tahay Australian,
- Markii uu soo gaarey warka
ah in qorshaha shirkadaas aan loo bandhigin shacabka,
iyo baarlamaanka si looga doodo,
- Markii ay arkeen xaalada is afagarad la'aanta
ah ee ka taagan
Puntland, xurgufta soo kala
dhex gashay madaxda DGPL dhexdeeda iyo khilaafka soo dhex galay DGPL iyo DFKMG,
arrimahaas oo ka dhashay heshiiska
ay DGPL la gashay "shirkadda Consort",
- Markii ay arkeen in heshiiska "shirkada consort'
uu is aaminaad la'aan ka abuuri karo qabaa'ilka Puntland iyo
guud ahaan Soomaaliya,
- Markii ay arkeen in 'shirkada Consort" u muuqato mid aan wax dakhli ah
lahayd,
qorshe sugan soo bandhigin,
- Markii ay ogaadeen in shirkadaasi
aan laga aqoon ama ka diiwaan gashanayn dalka
Australia,
- Markii ay la xiriireen Dawlad Goboleedka Puntland oo ay wax jawaab
sugan oo dadka u
cuntami karta ka waayeen,
- Markii ay ogaadeen in
shirkadani bacdamaa aysan wax dakhli lahayn ay digaag ka
iibin doonto Puntland si ay "shirkadaasi" danaheeda
gaarka ah u gaarto,
- Markii ay maqleen
hadalada ah in madaxweynaha DGPL ay shirkadani ka
bixisay Hoteelka uu degganaa Dubai xilligii heshiiska
loo saxiixayey - taas oo ceeb ku ahayd magaca shacabka
Soomaaliyeed,
- Markii ay u caddaatay
in heshiiskaas aan wax faa'iido ah ugu jirin shacabka
reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaalida.
Waxay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia ka fursan weydey in ay
si guud baaq degdeg ah ugu diraan dawlad Goboleedka
Puntland, baaqa oo ah:
In muddo 72 saacadood gudohood ah
(waqtigaas oo ka bilaabanaya waaberiga Sabti Sept 17, 2005 waqtiga Afrikada-Bari)
in ay DGPL ku soo magacawdo guddi gaar ah oo xaqiiqo raadis ah oo soo baara
heshiis-yadii ay Puntland la gashay "shirkada Consort" ee la
sheegay in ay Puntland ka baareyso macdan iyo shidaal (Batrool)."
Guddigaas oo noqon doona:
- Guddi madax bannaan oo
ka kooban cuqaasha/odayaasha/waxgaradka Puntland, Dawalad Goboleedka
Puntland (DGPL),
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia iyo Dawlada Federaalka Kumeel gaarka
ah ee Soomaaliya
(DFKMG).
- Guddiga xubnaha loo xulayo in ay ka mid noqdaan
dad khibrad/aqoon u leh heshiisyada caalamiga ah, oo ay ku jiraan qareeno, dad yaqaan
cilmiga joolojiga/macdanta, iyo dhakhaatiir.
Guddigaas oo hawshooda ugu horaysa noqon doonaa:
- In ay si xaqiiqo ah u baaraan waxa ay tahay "shirkada consort",
meesha ay ka diiwaan gashan tahay, miisaaniyadeeda/dakhligeeda, iyo qorsheeheda
rasmiga ah ee ku aadan Puntland,
- In la hubiyo waxa ay reer Puntland
iyo guud ahaan ummaadda Soomaaliyeed ka faa'iidayaan heshiiskaas,
raadka uu ku reebi karo xagga ammaanka,
deegaanka/bey'adda, iyo dhaqan-dhaqaale,
- Markaas wixii
ay soo ogaadaan in ay sida ugu dhaqsaha badan
meel fagaare ah uga sheegaan si shacabku u
ogadaan xaqiiqada.
Haddaba haddii DGPL ay waqtigaas xusan kusoo dhisi
weydo guddigaas xaqiiqo raadiska ah, waxay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia
ballan qaadayaan in si isku maalin ah ay warsaxaafadeed ku qaban doonaan
magaalooyinka waaweyn ee Australia, sida Melbourne iyo Sydney, si ay dadka reer
Australia ugu war geliyaan magaca Australia oo ay shakhsiyaad gaar ahi ku
qaraabanayaan, shakhsiyaadkaas oo degganaansho la'aan ka abuuraya qayb kamid ah
dunida (Puntland).
Waxa kale oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia
ballan qaadayaan in ay warka shirkadaas, shakhsiyaadka reer Australia iyo waxa
ay ka fulisey Puntland u gudbinayaan dawlada Australia, sida Booliska caalamiga
ah, wasaarada Arrimaha dibada iyo wasaarada qaabilsan ganacsiga iyo xiriirada
Caalamiga ah.
Baaqaas waxaa la socda in Jaaliyadda Soomaaliyeed
ee Australia ay arrintan u samaynayaan si loo ogaado xaqiiqada ka dambaysa
ficilada DGPL ee heshiiskaas iyo in heshiiskaasi dan u yahay reer Puntland.
Taasi ma aha in laga soo hor jeedo horumarka Puntland, sida ay dadka u sheegaan
madaxda maamulku.
Waxa kale oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia
ugu baaqayaan DGPL in ay joojiso nin toocsiga, guul-guulka, hanjabaadda iyo
baqdin gelinta qof kasta oo ka fikrad duwan. Waana in ay DGPL ogaata in waxa ay
u adeegaan uu yahay shacabka, sidaas darteedna ay sida ugu dhaqsaha badan
shacabka ugu ogolaadaan in ay si saraaxo ah oo xor ah codkooda, taladooda iyo
wixii ay dhibsanayaan ugu sheegan karaan Dawladda (DGPL).
Ugu dambayntii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee
Australia waxa ay soo jeedinayaan in DGPL ay ka gar baxdo shacabkeeda, ayna
cadayso gaar ahaan heshiiska "shirkada consort", waxa keliy aoo cadayntaas lagu
heli karaana waa in ay DGPL magacawdo guddi gaar ah. Haddiise ay gar bixi weydo,
guddiga xaqiiqo raadiska ahna soo magacaabi weydo mudada kor ku xusan, markaas
Jaaliyadda Soomaaliyeed waxay fulin doonaan ballan qaadkooda kor ku cayiman.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia waxay u
arkaan go'aanka ay ku soo saareen baaqan in uu yahay mid muhiimad gaar ah leh
bacdamaa ay qayb ka yihiin labada mujtamac ee ay arrintani sida khaaska ah u
khuseyso - reer Australia iyo Soomaaliya.
Waxaa warkaas SomaliTalk.com soo gaarsiiyey
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Australia.
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 16, 2005
Afeef: Aragtida baaqan waxaa leh
Jaaliyadda Soomaalida Australia...
|