Wararka:: July 4, 2006
- Madaxwaynaha Puntland oo ku soo laabtay
Boosaaso bil kaddib
- Ciidanka amniga magaalada Bosaso ayaa
hawlgal ay sameeyeen gacanta ku soo dhigay 79 'danbiilayaal' ah.
Madaxwaynaha Puntland oo ku Soo Laabtay
Boosaaso bil kaddib
Madaxwayanaha DGPL ayaa galabta (July 4,
2006) ka soo dagay garoonka diyaarahada ee magaalda Bosaso kadib markii uu ku
maqnaa safaro dibeda ah oo inta badan la xiriira caafimaadkiisa.
Madaxwaynaha puntland oo mudo bil ah ka maqnaa
dalka ayaa hada dib ugu soo laabtay isaga oo ka soo kici timay emaaraadka
carabta, safarka madaxwaynaha ayaan cidina ku wehelin sida looga bartay madaxda
Puntland.
Madaxwayana ayaa waxaa garoonka ku soo
dhaweeyay madax aad u badan oo isugu jira wasiiro iyo kuxigeeno sidoo kalena
waxaa ka qaybqaatay soo dhawaynta madaxwaynaha shacab aad u badan.
Cadde Muuse, madaxwaynaha DGPL, ayaa ka dhoofay
dalka bishii hore (June 4, 2006) isaga uu u duulay dalka Jarmalka, waxana uu
safarkaasi la xiriiray caafimaadkiisa, sidoo kale madaxwaynuhu waxa uu maray
wadamo kale duwan oo ay ka mid ahaayeen Holland, Belgium, emaaraadka carabta iyo
waliba dalka Ethiopia oo safar aan la qorshayn si wayna looga hadlin ku tagay
dalkaasi Ethiopia ilaa iyo hadana lama garanayo waxa ka soo baxay safaradaas uu
madaxwaynuhu soo maray.
Dalka Ethiopia ayaa ka mid ah dalalka
gacansaarka laleh Puntland, waxana uu madaxwaynuha DGPL uu Addis-Ababa tegey
xili uu ka soo duulay dalka emaaraadka carabta oo habeenimo ah, ilaa iyo hadana
macadda sababaha dhabta ah ee uu madaxwaynuhu u tegey dalkaasi Ethiopia loomana
ogolaan saxaafada in ay wax ka ogaato safarka Ethiopia ee Cadde Muuse uu ku
tagay.
Cadde Muuse mar uu maanta ka hadlayay Boosaaso
waxa uu shegay in garoonka diyaaradaha ee Bosaso loo dhisi doono runway-ga ee
garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso oo loo dhisi doono si casri ah,
dhismahaasna uu bilaaban doono labaatan casho kadib.
Dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaso ayaa waxa
uu hadda marayaa meel aad u xasaasi ah waxana uu dhismahaasi socdaaa in ka badan
sanad iyo bar, waxana markii la bilaaabayay Cadde Muuse uu sheegay in uu socon
doono mudo 6bilood ah taasina sida muuqata sadex laab ayuu dhaafay, waxaana
xiligii la bilaabayay la qorsheeyaya in ay ku bixi doonto lacag dhan
600,000,000$ waxana uu hada marayaa in ka badan hal billyan, waxana
aad moodaa in uu yahay mashruuc u furan madaxda dawlada oo kaga gabanaysa wax u
qabadka dadka. Garoonka diyaaradaha Bosaso ayaa ah il furan oo aan dhamaad
lahayn, waa sida dad badan ay is waydiinayaan waxa dhismihiisa loo soo afjari
la'yahay.
Madaxda Puntland sida caadiyan ah intabadan waa
ay dhoofta iyaga oo kali ah waxayna soo laabtaan iyaga oo kali ah, waase la arki
doonaa Cadde waxa uu safar bil ka dib soo kordhiyo.
Marar badan ayaa loogu baaqay in uu Cade Muuse
is casilo kadib markii uu fulin waayay balanqaad yadiisii uu ku galay
doorashadii uu xukunka kula wareegay.
Bayaano badan ayaa waxaaa soo saaray xisbiga
mucaaradka ah ee Ramaas Political Party kaasi oo uu ku dalbanayo in dawaladu
iscasisho maadaama ay ka soo bixi wayday ballan qaadyadeedii, sidoo kalena
dadbadan ayaa u arka xukunka Cadde in uu yahay mid uu caafimaadkiisa ku
illaashanayo waayo tan iyo markii uu xukunka Cadde Muuse la wareegay wali wax
muuqda oo la taaban karo lama qaban waxaana la orankaraa waaba ay ka sii dartay
Puntland, waxaana hadda ka jira Puntland musuq maasuq aad u baahsan oo xataa
gaaray heer uu shacabku ogaaday iyo waliba wax qabad la'aan aad u wayn taas
ayaana keentay in loogu baaqo in uu iscasilo madaxwaynaha Puntland Cadde Muuse.
»»Akhri:
Marunbaa mise
waa Rati ku kacsi Khudbadii Madaxwayne Cade
(Jun 2005)
»»
"Guddoomiyihii Baarlamaanka
Puntland ee Xilkii Laga Qaaday oo lagu Maslaxay 100,000,000
sh.so ($80,000) iyo Gaarigii...."
»»Cadde
Muuse intii uu dalka ka maqnaa waxaa
Xilkii Laga Qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland
»»Madaxweynaha
Puntland intii uu joogey Dubai waxa uu Markii Ugu Horeysey
Sheegay In Shirkado Kale Imaan Karaan Puntland -
Hadalkaas oo Khilaafsan Heshiiskii ay Puntland La Gashay
Shirkadda "Consort ltd".
»»Halkan
ka dhegeyso Hadalkii uu Cadde Muuse ka jeediyey kulankii
Jaaliyada Holland...
Ammaanka Boosaaso::::
Ciidanka amniga magaalada Bosaso ayaa
hawlgal ay sameeyeen gacanta ku soo dhigay 79 'danbiilayaal' ah.
Hawlgal ballaaran oo ay wada jir u qaadeen
ciidammada Booliiska iyo Asluubta ee magaalada Boosaaso habeenkii xalay ayaa
lagu
soo qabqabtay 79 dhallinyaro ah oo lagu soo eedeeyey in ay gacanta kula jireen
falal burcadnimo ah.
Dhallinyaradan ayaa inta badan lagu soo qabqabtay iyaga oo dadweynaha ka
ugaarsanaya agagaarka shirkadda isgaarsiinta ee Golis, waxana saaka bilowday
baaritaan lagu kala saarayo dadkaas si loo sii daayo kuwa aan iyagu dembiga
lahayn.
34 kamid ah dhallinyaradaas ayaa ciidamada
ammaanku ay u gudbiyeen xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso kuwaas oo wadey
falal burcadnimo iyo isticmaal maandooriye ah iyadoo intii kalena la sii daayey.
Ugaarsiga dhallinayarada loo yaqaan ciyaal Faay
Caliga ayaa ay ciidamada kala duwan ee amniga Boosaaso ay haatan dib u soo
cusboonaysiiyeen kadib markii ay dhallinyaradaasi ay soo laba kacleeyeen, kuwaas
oo inta badan dadka ku baarta dariiqyada magaalada Bosaso.
Dhalinyaradaan hada la soo xir xiray qaar kood
ayaa ah kuwo marar badan la xir xiray loona xir xiray falkan iminka lagu soo
qabtay ilaa iyo hadana macada waxa laga yeeli doono maadaama ay u barteen xukun
dabacsan oo lacag lagu furto ama la siidaayo markay maalmo ku jiraan xabsiga
bosaso.
C/risak koronto
Garowe Puntland
koronto_65@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 4, 2006
|