Wararkii Puntland: July
17, 2006
- Saxiixa C/Laahi
Yuusuf oo ku xiran Ciidamo Loo Asaaso Cabdi Qaybdiid...
- Garoowe: Kulan
Dhexmaray Shirkad laga leeyahay Shiinaha, DFKMG & DGPL...
- Garoowe: Shirkad
Chinese ah oo ku soo Biirtay Loolanka Macdan Baariseed
ee Puntland.
Garoowe: Shirkad
Chinese ah oo ku soo Biirtay Loolanka Macdan
Baariseed ee Puntland.
(SomaliTalk.com
- Garoowe July 17, 2006):- Shirkad laga leeyahay
dalka china qaabilsana dhanka macdan/shidaal
baarista oo lagu magacaabo CNOOC {China National
Offshore Oil Corp.} shirkadan ayaa waxay ku soo
biiraysa Shirkadaha loolanka ugujira in ay Puntland
ka baaraan Khayraadkeeda dabiiciga ah gaar ahaan
Shidaalka iyo macdanta.
Xasan Aloore oo ah
Agaasimaha Guud ee Wakaalada Macdanta Puntland ayaa
qaabilay Wafdigaan oo shalay July 16, 2006 soo
gaaray magaalada Garowe.
Xubnaha wafdigan ka
socoda china ayaa ka kooban 2 nin waxayna kulamo la
qaadanayaan madaxda Puntland waxayna caawa marti u
yihiin dawlada iyada oo dhanka kalena ay garowe ku
sugan yihiin wafdigii madaxwaynaha somalia C/laahi
Yuusuf Axmed.
Dhanka kalena warar
ay SomaliTalk.com si hoos ahaana u heshay ayaa la
xaqiijinayaa in 2 xubnood oo iyana ka socda shirkada
macdanta ka baaraysa puntland ee Range Resources ay
ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee Conoco oo 35
km dhanka Bari ka xiga magaalada Garoowe.
Labadaan
xubnood ee ka socda shiraka Range Resources ayaan
laga warhayn imaanshahooda oo la xiriira indha
indhayn ay ku sameeyeen ceelka shidaalka ee Conoco.
Wasiirka maaliyada
puntland Maxamed Yuusuf Gaagaab ayaa tagay garoonka
Conoco qadar yar inta aysan soo caga dhigan
diyaaradii waday 2 xubnood ee ka socday Range
Resources.
Wasiirka ayaa
ilaaladii garoonka ka dhaadhiciyaya in ay imaanayso
diyaarad wada wafdi ka socda DFKMG ee Soomaaliya
isla mar-ahaantaana loo baahan yahay in amaanka si
wayn loo adkeeyo, mid ka mid ah ilaaladii garoonka
oo ka gaabsaday in magiciisa la shaaciyo ayaa
SomaliTalk.com u xaqiijiyaya warkaas.
Waxana uu intaas ku
daray in 2 xubnood ee ka socday shirkadda macdanta
ka baaraysa Puntland ay ku soo wareegeen garoonka
isla markaana ay dul tageeen ceelka Conoco oo la
rumaysan yahay in shidaal uu ceegaago waxana uu
intaa ku daray in ay ku sugnaayeen garoonka wax ka
yar saacad kadibna ay ka duuleen garoonka si cadna
looma shaacin ujeedada socdaalka 2 xubnood ee yimid
Conoco.
Majirin cid mas'uul
ah marka laga reebo wasiirka maaliyada oo isagu
qaabilay xubnaha wafdigan taasina waxay ku
tusinaysaa sida ay gacan saarka iskula leeyihiin
wasiirka maaliyada puntland iyo Range Resources oo
ayaamahan ay soo baxayeen warar sheegaya in saamiga
ama sheerka shirkada Range Resources uu ku leeyahay
saami wasiirka maaliyada Puntland Maxamed Yuusuf (Gaagaab)
c/risak koronto
| Garoowe
Email: koronto@somalitalk.com
SomaliTalk.com,
Conoco, Garoowe, Soomaaliya | July 17, 2006 |
Saxiixa
C/Laahi Yuusuf iyo Ciidamo La isugu Dubbarido Cabdi Qaybdiid...
(Garoowe: July 17,
2006):- Wararka ka imanaya magaalada Garoowe ee xarunta
u ah Dowlad Goboleedka Puntland (DGPL), oo ay hadda (July
17) ku sugan yihiin wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo
madaxweynaha Dowladda Federaalka Kumeelgaarka (DFKMG), ayaa
tibaaxay in DGPL ay ku gorgortameyso in madaxweyne
Cabdulaahi Yuusuf uu u saxiixo heshiiska ay Puntland la
gashay shirkadda Range Resources ayadoo aan weli
baarlamaanka DFKMG ka doodin sharcigii lagu maamuli lahaa
khayraadka dabiiciga ah (macdan/shidaal) ee dalka Soomaaliya.
Markii uu Garoowe tegey
Cabdullaahi Yuusuf Axmed, MDFKMG, waxa uu isla markiiba
kulan albaabadu u xiran yihiin la yeeshay madaxweynaha DGPL,
Gen. Cadde Muuse Xirsi Boqor.
Ilo wargal ah oo weydiistey
in aan magacooda la sheegin ayaa sheegay in marka uu
madaxweynaha DFKMG uu saxiixo heshiiskaas (Puntland iyo
Range) in bedelkeeda ay Puntland DFKMG ee fadhigeedu yahay
Baydhabo ay gacan ku siin doonto bixinta lacagta lagu
agaasimayo ciidamo la isaga dubbarrido Gobolka Mudug oo loo
abaabulayo in uu hoggaamiyo Cabdi Cawaale Qaybdiid, oo ah
qabqablihii dagaalka ee ugu dambeeyey ee laga soo cayriyey
magaalada Muqdisho. Cabdi Qaybdiid waxa uu ka mid ahaa
waftigii la socdey Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, waxana uu
waftiga kaga haray Galkacyo, waxana uu markiiba u dhaqaaqay
dhanka Koonfureed ee magaalada Galkacyo asagoo uu la socdo
wasiirka arrimaha gudaha ee DFKMG, Xuseen Maxamed Faarax
Caydiid.
Saddexda
dhallinyarada ee ka tirsanaa Daraawiishta
Puntland ee ku xiran Thailand, waxay muujineysaa
heerka ay Dowladdu ka taagantahay shacabkeeda oo
aysan dan ka lahayn:
[AKHRI::: XABSIGA
THAILAND:::
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 |
08 |
09 |
10 |
11 |
12 |
13 |
14 ]
|
Dad badan oo reer Puntland
ah ayaa aad uga carrooday booqashada Cabdi Qaybdiid uu ku
tegey Puntland, laakiin cabursanaan baaxad weyn oo ka jirta
Puntland ayaa waxaa adag in shacabku ay fikradooda si xor ah
u cabbiraan. Dhanka Baydhabo, sida uu weriyey Radiye Daljir,
bayaan ay soo saareen aqoonyanno iyo waxgaradka beelaha
Digil iyo Mirifle ayaa waxaa lagu xusay sida ay beelahaasi
uga xun yihiin in DFKMG ay soo dhoweyso qabqablayasha
dagaalaka ee looga awoodda roonaaday Muqdisho, waxana ay
sheegeen in ay ka xun yihiin in ay Baydhabo yimaadaan
Maxamed Dheere iyo Cabdi Cawaale Qaybdiid oo ka mid ahaa is
bahaysigii burburay ee loogu yeeri jirey 'ladagaalanka
Argagxisada'. [Dhegeyso:
Daljir: 16/7/2006].
Dhowaan ayey ahayd markii Qiimaha sarifka Doolarka
Mareykanka ee suuqyada lacagaha lagu sarifo ee Puntland aad
kor ugu kacay, iyadoo 100 Doolar uu isku shareeray 1.600.000
Sh.So. Sare u kaca sarifka Doolarka ayaa sariflayaashu ku
eedeynayaan in uu sababay kadib markii uu Bangiga magaalada
Boosaaso uu suuqyada soo dhigay lacag dhan 20 Bilyan Sh.So,
taasoo loo sarrifayo dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay
magaalada Baydhabo, sida uu weriyey Radio Midnimo. Waxa kale
xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland uu
raadiyaha u sheegay in bil walba ay Puntland soo gasho hanti
dhan 24 Bilyan iyo 500 oo Milyan (Sh.So), taasoo ku
jaango’an miisaaniyada Maamul goboleedka Puntland oo ay ku
jiraan Madaxyada deynbixinta, Gurmadka Degdega ah iyo
Horumarinta, madaxyadan oo inta badan ah kuwa ay dhibaatadu
ka taagan tahay sida loo maamulay lacagahooda. [Eeg:
13/7/2006].
Wasiirka maaliyada DGPL oo
ka hadlayey arrimaha la xiriira miisaaniyada DGPL meelaha ay
ku baxaan ayaa
sheegay in ay u badan tahay warqadaha Caafimaadka oo
inta badan 2-da Gole ay soo qortaan, Arday
Jaamacado loo diro, Dhaqaale deg-deg ah oo la siiyo
saraakiisha ammaanka marka ay yiraahdaan xaalad deg-deg
ah baajirta , baabuur tira-badan oo loo gaday dawlada
iyo masuuliyiinta dawlada , kharashaad badan oo ku baxa
safarada iyo booqashada ay Masuuliyiitna DFKS ay ku
yimaadaan gobolka... (Arrinta la xiriirta "Aradyda
Jaamacaha loo diro" ee wasiirku sheegay waxaa si weyn uga
hor yimid Ardayda Puntland) [Eeg:
16/7/2006].
Puntland
ayaa waxaa ka jira muqusmaasuq baahey, ayadoo Dowladda Cadde
Muuse aysan hir gelin ballamadii ay doorashada ku heshay, oo
aan waxba laga qaban adeegyada shacabka iyo arrimaha
bulshada ee degaankaas, shacabkuna aysan xor u ahayn in ay
fikradooda cabiraan. Qodobka shanaad ee barnaamijkii Cadde
Muuse ayaa ahaa: "in
xil wayn la iska saaro horumarinta adeega bulshada, sida
Caaafimaadka, waxbarashada, biyaha, tamarta , dawooyinka,
garoomada diyaaradaha, dakadaha deegaanka iyo nolasha reer
guuraaga, hawlahaas oo lixdii sano ee puntland dhisnayd aan
wax badan laga qaban." [Eeg:
18/12/2004].
Garoowe: Kulan Dhexmaray
Shirkad laga leeyahay Shiinaha, DFKMG & DGPL
Xubnaha ka socda
CNOOC ee la shiray DFKMG & DGPL |
|
Habeenimadii Axadda July
16, 2006 waxaa magaalada Garoowe kulan ku dhex maray shirkad
lagu magacaabo CNOOC (China
National Offshore Oil Corporation) iyo waftigii uu
hoggaaminayey madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, MDFKMG,
iyo madax ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland.
Kulankaas wax go'aan ah
markiiba laguma gaarin, laakiin madaxweynaha DGPL ayaa soo
jeediyey in guddi uu isagu hore u magacaabay in ay shir la
yeeshaan shirkaddan CNOOC ayna weydiiyaan meelaha ay rabto
in ay baaritaanka ku samayso, kaddibna ay go'aan gaaraan
isla maanta.
Xubnaha kasocda shirkaddan
waxa ay Garoowe yimaadeen Axaddii July 16, 2006.
Xasan Abshir oo
gacanta ku haya buug ay ka muuqato calaamada CNOOC |
Shirkadda CNOOC waa shirkad
ay leedahay dowladda Shiinaha. Waxaana la asaasay sannadkii
1982, xarunta shirkaddaasina waa magaalada Beijing ee dalka
China. Waana shirkad dalka Shiinaha saliidda ceyriin/shidaalka
uga baarta badaha. [Webisteyada CNOOC:
www.cnooc.com.cn iyo
www.cnoocltd.com].
Kulankii lala yeeshay
shirkadda CNOOC ee Garoowe intii uu socdey waxaa la arkaayey
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda
ee Dowladda Federaalka KMG Xasan Abshir Faarax, oo gacanta
ku wata buug u samaysan qaab qoraal lasoo diyaariyey oo ay
dusha kaga sawiran tahay calaamadda shirkada shiinaha ee
CNOOC. (Eeg sawirka midig). Xasan Abshir waxa uu ka mid ahaa
waftiga la socdey madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya.
Waxa ay u muuqataa
shirkadda CNOOC ee dalka shiinaha mid Puntland kula tartami
karta shirkadda Range Resources ee ay wataan madaxda sare ee
DGPL.
Wararkii safarka waftiga
DFKMG hoos ka akhri.
Faafin: SomaliTalk.com |
July 17, 2006
C/laahi Yuusuf oo ka soo
degey Garoonka Conoco ee Garoowe
Safarka Puntland oo la xiriira sidii shirkadda Range Resources ay u
heli lahayd Saxiixa Madaxweyne C/laahi Yuusuf....
Safarka
Cabdullaahi Yuusuf ee Galkacyo, Garoowe, Boosaaso iyo
Yemen....
(Garoowe:
SomaliTalk.com July 16, 2006):- Madaxweynaha DFKMG,
Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo wafti ka kooban labada gole oo
uu hoggaaminayo ayaa Axad July 16, 2006 ka soo degey
garoonka diyaaradaha ee Conoco oo 35 km bari ka xiga
magaalada Garoowe. Waxaana garoonka kusoo dhoweeyey
madaxweynaha DGPL, Maxamuum Muuse Xirsi Boqor uu xubno ka
tirsan Dowlad Goboleedka Puntland.
Waftigan ayaa kusoo
hakaday magaalada Galkacyo kaddib markii ay kasoo duuleen
magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka u ah DFKMG.
Waftiga madaxweyne
Cabdullahi Yuusuf u raacay Puntland oo ka kooban in ka badan 30 xubnood, waxaa
ka mid ah: Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG Xuseen Maxamed
Faarax Caydiid, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda
ee Dowladda Federaalka KMG Xasan Abshir Faarax, Wasiirka
Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Taliyaha Ciidanka
Booliska DFKMG Cali Madoobe iyo xubno kale.
Waxaa kale oo waftiga
madaxweynaha ka mid ah qabqablihii ugu dambeeyey ee laga cayriyey Muqdisho, Cabdi Cawaale
Qaybdiid, waxana uu ku haray Galkacyo oo uu markiiba u
dhaqaaqay dhanka Koonfureed ee magaalada Galkacyo, waxaana
la sheegay in Xuseen Caydiid sii raacay.
Madaxweynaha DGPL,
Gen.Cadde Muuse waxa uu sheegay in Puntland ay casuntey
Cabdullaahu Yuusuf si ayuu yiri loo saxo arrimo ku kala dhex
jira DGPL iyo DFKMG kuwaas oo sida uu sheegay ku saabsan
Khayraadka Dabiiciga ah ee Puntland (Macdanta).
Shirkadda Range Resources
ayaa madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse waxa ay ka dalbatay
in heshiiska shirkadaas iyo Puntland uu saxiixo Madaxweynaha
Federaalka
(Dhegeyso:7/11/06).
Inta saxiixaas la sugayona waxaa hakad la geliyey ganacsiga
saamiyada shirkadaas ee suuqa ganacsiga ee Australia ilaa
July 18, 2006 oo la qiyaasayo ka hor in la helo saxiixa C/laahi
Yuusuf si loo tuso suuqa ganacsiga si kor loogu qaado
saamiyada shirkadaas
(Eeg:
TRADING HALT: July 14, 2006).
Madaxweynaha DFKMG, Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed isla
markiiba waxa uu shir albaabadu u xiran yihiin oo aan
saxaafadda iyo cid kale loo ogolaan la yeeshau
Madaxweynaha DGPL, Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor, ilaa
haddana lama garanayo arrimaha ay kulankaas kaga wada
hadleen.
Cabdullaahi Yuusuf ayaa lagu wadaa in inta uu joogo Puntland
uu tegi doono magaalada dekedda ah ee Boosaaso. Kaddib
ayaa la filayaa in uu ka sii aadi doono dalka Yemen oo la
sheegay in uu martiqaad ka helay Cali Cabdalla Saalax. (July
11, 2006 ayey ahayd markii uu madaxweyne
Cadde Muuse sheegay in Itoobiya wixii ay doonaan ayey kala
soo degi kartaa Dekedda Boosaaso. Dhowaan ayey ahayd
markii wasiirka maaliyadda Puntland oo ka hadlayey meesha uu
ku baxo dhaqaalaha Puntland waxa uu xusay:
kharashyo badan in ay ku
baxaan safarrada iyo booqashada ay
Masuuliyiitna DFKMG ee Soomaliya ay ku yimaadaan
gobolada Puntland.)
Ra'iisul wasaaraha DFKMG
iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG ayaa labaduba hore u
sheegay marka hore dalka loo sameeyo xeer ama sharci ku
saabsan khayraadka dabiiciga, sharcigaas oo kaddib markii
lagu soo sameeyey Malindi, Kenya lagu wareejiyey ra'iisul
wasaare Cali Maxamed Geeddi si uu u hor geeyo golaha
Baarlamaanka DFKG si ay uga dodaadaan, arrintaas oo aan weli
dhicin. Si aad arrintaan u si xeel dheer ugu fahamtid AKHRI
FAALLADA HOOSE:::: (Sidoo kale AKHRI:
Safarka Cabdullaahi Yuusuf ee Puntland
Qoraaladii ay ka Qoreen Warbaahinta Puntland)
-
Ardayda Puntland oo ka Hadlay
Hadalkii Wasiirka Maaliyadda DGPL
Wasiirka maaliyada ayaa
sheegay in ay u badan tahay warqadaha Caafimaadka oo
inta badan 2-da Gole , ay soo qortaan , Arday
Jaamacado loo diro , Dhaqaale deg-deg ah oo la siiyo
saraakiisha ammaanka marka ay yiraahdaan xaalad deg-deg
ah baajirta , baabuur tira-badan oo loo gaday dawlada
iyo masuuliyiinta dawlada , kharashaad badan oo ku baxa
safarada iyo booqashada ay Masuuliyiitna DFKS ay ku
yimaadaan gobolka... [AKHRI....]
-
[AKHRI::: XABSIGA
THAILAND:::
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 |
08 |
09 |
10 |
11 |
12 |
13 |
14 ]
::
Wararkii ugu horreeyey Safarka Puntland ee waftiga
Madaxweynaha DFKMG ::
Madaxwaynaha DFKG Soomaaliya c/laahi yuusuf ayaa
soo Gaaray Caasimada puntland ee Garowe.
Madaxwaynaha DFKG
Soomaaliya c/laahi Yuusuf Axmed ayaa ka soo dagay
garoonka diyaaradaha ee Conoco oo magaalda Garoowe
ka xiga dhanka bari una jira qiyaastii 35 km
waxana u soo gaaray abbaare 2:00 duhurnimo oo
daqiiqado dhiman saacada geeska afrigada bari ee
maanta (July 16, 2006).
Waftdiga
madaxwaynaha Soomaaliya c/laahi yuusuf oo saacado ku
soo hakaday magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka
mudug ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay magaaladaasi
Galkacyo, wafdiga madaxwaynaha oo ka badan 30
xubnood oo kakala tirsan labada gole ee dawlada
somalia.
Hogaamiye
kooxeedkii ugu danbeeyay ee lagaga itaalka roonaaday
magaalada muqdisho Cabdi Cawaale Qaybdiid ayaa ka
mid ahaa wafdiga madaxwaynaha kuna haray magaalada
Galkacyo loona galbiyay dhanka koonfureed ee
magaaladaasi galkacyo.
Wafdiga
madaxwaynaha ayaa waxaa ka mid ahaa Xasan Abshir
Faarax wasiirka kaluumaysiga, xuseen maxamed caydiid
wasiirka arimaha gudaha, maxamed cabdi xayir
maareeye wasiirka warfaafinta, iyo xubno kale oo
katirsan 2 gole ee dawlada somalia.
Ujeedada wafdiga
ayaan cadayn si cadna shaaca loogama qaadin balse
waxaa la ogsoonayahy in madaxwaynah DGPL Cadde Muuse
uu casuumay madaxwaynaha somalia c/laahi yuusuf isla
markaana uu dadajiyay sharciga macdan baarista
puntland kaasi oo ay anxisiyeen golaha baarlamaanka
puntland, u jeedada ayaa ah in wadahadal laga
yeesho baarista macdanta laga wado puntland.
c/risak koronto
| Garoowe
Email: koronto@somalitalk.com
|
Faallo:: Madaxweyne C/Laahi Yuusuf ma tegi doonaa
Puntland July 17, 2006?
Haddiise uu tago ma ansixin doona heshiis aan barlamaanka
DFKMG ka doodin....?
SomaliTalk.com | July 14, 2006 | Warar cusub: July 15, 2006
Garoowe:-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Gen. Maxamuud
Muuse Xirsi Boqor ayaa mar uu July 11, 2006 la hadlayey
baarlamaanka Puntland waxa uu sheegay in uu madaxweynaha
DFKMG ka codsaday in uu Puntland yimaado ilaa 17 bisha July
2006, sababta uu taas u weydiistey qormadan ayaad ka dhex
arki doontaa:
Shirkadda Range Resources
(oo ay 'Consort ltd' ka iibisey saamiga 50.1% xuquuqda
khayraadka Puntland) markii ay heshay saxiixii madaxweynaha
Puntland waxa ay heshiisyo la gashay shirkado kale oo ay ku
sheegtay in ay leeyihiin khibrad ku saabsan shidaal iyo
macdan baarista. Laakiin waxaa dhacday in heshiisyadaasi aan
wax badani ka qabsoomin. Sababta arrintaas waxa caddeeyey
hadalkii uu madaxweynaha DGPL u sheegay golaha Baarlamaanka
July 12, 2006 ee ahaa "(Dowladda) Federaalka lagama maarmo,
maxaa jira dowladihii waaweynaa oo dhan ama shariikadihii
waxa ay leeyihiin idinku region (gobol) ayaad tihiin,
tixgelintiintiina waad leedihiin, laakiin waxaan rabnaa
Dowladda Federaalka oo weyn si aysan hadhow noo eryin in aad
'confirm' ka haysataan" (Dhegeyso:7/11/06).
Heshiisyadaas aan weli
hirgelin ama socon waayey waxaa ka mid ah:
Heshiiska socon waayey:
Dabayaaqadii bishii Febraayo 2006 ayaa waxa uu heshiis
magaalada Dubai ku dhex maray Range Resources iyo MEPS (Middle
East Petroleum Services Limited) oo ah shirkad
sida la sheegay laga leeyahay Bariga Dhexe, waxana uu heshiiskaasi ku
saabsanaa in boqolkiiba 15% faa'iidada la siiyo shirkadaas
MEPS maadaama sida la sheegay ay leeyihiin khibarada shidaal
soo saaridda, waxana "Range Resources" ay sheegtay
in ay la shaqayn
doonaan shirkad khibrad u leh baaritaanka shidaalka, iyo
khubaro, sida Mr. Ramzy El Adl (reer Masar) iyo Mr. Asker
Ali Hussein Al Thahiri (Yemen) oo ka tirsan shirkadaas, sida ku cad qormadii Range ee
Febraayo 2006 (Eeg: 23/2/2006),
heshiiskaas oo Range aad ugu faantay..
Laakiin qoraal ay Range soo saartay July 12, 2006 ayey ku
sheegtay in heshiiskaas la baabi'iyey, lagana baxay
heshiiskaas kaddib markii ay Range Resources sidaas ka
ogolaatay shirkaddii MEPS. (Eeg:12/7/2006).
[Websiteka: MEPS:
http://www.mepsltd.com/]
Heshiiska
aan weli hirgelin: Heshiis qarsoodi ahaa ayaa Khamiis
April 20, 2006 waxa uu magaalada Dubai ku dhex maray Range
Resources iyo shirkad laga leeyahay dalka Korea oo la
yiraahdo KNOC (Korea National Oil Corporation),
heshiiskaas waxa shirkadaas Korea lagu damacsan yahay in laga
iibiyo xuquuqda boqolkiiba 75% aagga loo yaqaan 28aad iyo
29aad oo ah Dooxada Nugaal, laakiin waxaa heshiiskaas lagu
xusay in muddo 45 maalmood ah (oo ka bilaabanaysey April 20,
2006) uu ku dhaqan geli karo. (Eeg:
21/4/2006). Laakiin heshiiskaasi si rasmi ah weli uma
dhicin, waxaana dib loo dhigay ilaa July 31, 2006. Dib u
dhacaas waxa ay Range Resources ku macnaysay in ay sugayaan
xog iyo macluumaad laga helayo Soomaaliya iyo in la
falanqaaynayo xogtii iyo macluumaadkii ay heleen markii ay
tageen xarunta shirkadda Conoco ay baaritaanka ka wadey ee
Dooxada Nugaal, sidaasna waxa ay Range Resources ku cadaysay
warqad ay u dirtay suuqa ganacsiga ee Australia (ASX). (Eeg:12/7/2006).
Halkaas waxaa ku qarsoon saddex arrimood oo is garab socda:
-
Shirkadda Range Resources oo dooneysa in ay hesho
saxiixa dowladda Federraalka Soomaaliya kaddib markii ay
suuq geyn kari weydey saxiixii madaxda sare ee Puntland
ee uu ku jiro madaxweynaha DGPL, sida uu muujiyey Gen
Cadde (Dhegeyso:7/11/06)
-
Marka ay saxiixaas hesho Range Resources waxaa soo bixi
kara arrin xagga sharciga ah, kaas oo la xiriira
xog gaar u ahayd
shirkad ay Dowladii hore ee Soomaaliya ku ogeyd dalka oo
xogteedii la siiyey shirkad kale, arrintaas oo jebineysa xeerka caalamiga
(ee Rugta Ganacsiga Caalamiga ah).
-
Baarlamaanka DFKMG oo aan ansixin xeer u samaynta
macdanta Soomaaliya, madaxweynaha Soomaaliya ma saxiixi
karaa heshiis shirkadi la geleyso dowlad goboleed.
Baarlamaanka DGPL asagoo aan loo sharxin heshiisyadaas iyo
arrimaha la xiriira ayaa la marsiiyey in ay ansixiyaan
heshiisyadii ay DGPL la gashay shirkadda consort/Range,
waxayna arrintaas si degdeg ah ku ansixyeen
July 12, 2006. (Dhegeyso:
Doodii
BPL). Sidoo kale
saxiixyada lala soo galo
shirkadaha shisheeye lagama qayb geliyo hay'adaha
Soomaaliyeed ama wasaaradaha ku shaqada leh in ay ka soo
baaraan degaan. Waxaana meesha ka maqnayn muqusmaasuq baahey,
nin tooxsi iyo naas-nuujin.
Markii
uu baarlamaanku arrintaas ansixinayey waxaa la soo hor
dhigay qoraal ka kooban 9 qodob, kaas
oo lagu macneeyey in uu yahay heshiiska ay Puntland la
gashay shirkada Consort ltd /Range Resources markey
taariikhdu ahayd 30 August 2005 (Xaqiiqadusa
ay tahay in heshiiskaas lala galay 'Consort ltd' oo ay
dowlada iyo Terry kusoo dhiseen Jasiiradda Maldives).
Intaas
oo dhan waxaa ka horeeya in la iska ilaawey isweydiinta sidi
ay arrintani ku bilaabatay, oo ahay nin sheegtay in uu ka
socdey urur xananeeya carruurta uu markiiba saaxiib la
noqday madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, ninkaas oo la
yiraahdo Mr. Terry Donnelly. Kaddibna uu ninkaas iyo wasiiro
ka tirsan Dowladda Cadde ay magaalada Male ee Jasiirada
Maldivis kasoo sameeyey shirkad ay ugu magac dareen "Consort
ltd". (Eeg: Oct 17, 2005). Waxay ahayd October 5, 2005 markii ay Range Resources sheegtay
in "Shirkada Consort" ay Saami ahaan 50.1% Khayraadka
Puntland ka Iibisey "Shirkada Range Resources".
Sir S. Jonah
Ganacsade ah reer Gaana |
[Markii
aan qoray faalladaas ka dib, July 14, 2006 waxa ay Range
Resources soo saartay qoraal ay ku sheegtay in ay la
wareegtey baaqigii ku harsanaa xuquuqda 'Consort ltd' ee
khayraadka Puntland ee ahaa 49.9%, sidaasna ay sheegtay in
ay Range ku yeelaneyso saamiyada 100%, waxaana guddiga Range
lagu daray Sir Sam Jonah oo da'diisu tahay 56 jir (ahna ganacsade
u dhashay dalka Ghana oo ka ganacsada Dahabka) kana tirsan
shirkadda "Angalo Gold Ashanti Limited" oo
ah shirkad xarunteedu ku taal magaalada
Johannesburg, South Africa - Eeg
July 14, 2006 - Isbedelkaas
cusub lama oga in uu baarlamaanka Puntland markale ka doodi
doono maadaama markii hore arrinta degdeg loo marsiiyey.].
Waxaa xusid mudan in Mr Marinis oo ahaa agaasimihii
shirkada Range Resources uu is casilay, ninkaas oo sheegay
in uu wax yar ka ogyahay "Consort", laakiin waxa uu si cad u
sheegay "in agaasimayaasheeda ay ka mid yihiin wasiiro ka
mid ah dawlada" (Puntland). (Eeg: May
25, 2006).
Waxaa
intaas dheer, in ay jiraan warar sheegaya in Dowladda Federaalka
kumeelgaarka ay heshiisyo qarsoodi ah magaalada Malindi ee
dalka Kenya ay kula soo gashay shirkado gaar ah, heshiiskaas
oo lagu sheegay "Qaybsi
saami wax soo saar shidaaleed amaba 'Production Sharing
Agreement', kaas oo ay DFKMG la gashay Shirkad laga leyahay
dalka Indonesia iyo mid ay la gashay shirkad
laga leeyahay dalka Kuwait. Heshiiskaas oo lagu gaarey
Malindi intii aan xeerka loo samayn shidaalka Soomaaliya,
xeerkaas oo isla magaaladaas Malidi lagu soo agaasimey ayaa
June
12, 2006 lagu warejiyey
Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, si uu u hor
geeyo baarlamaanka Soomaaliya - lamana ansixin xeerkaas weli.
Waxaa tas garab socda in Cadde Muuse uu sheegay in
Cabdullahi Yuusuf uu Puntland keenayo shirkado Shiine ah -
arrintaas oo khilaafsan heshiiska la sheegay in uu Geeddi
wax ka ogaa ee Malindi.
July 15, 2006 mar uu
guddoomiyaha baarlamaanka DGPL, Shariif Xasan Sheikh Aaden,
la hadlayey baarlamaanka DFKMG ee ku sugan magaalada
Baydhabo waxa uu sheegay in aan xukuumaddu muddo lab asano
ah hor keenin wax heshiis caalami ah oo ay tahay in
barlamaanku ka doodo, arrintaas isagoo ka hadlayana waxa uu
yiri: "Anigu waxaan qabaa baarlamaanka xukuumadu wayba
ankirtay, sababtoo ah hal heshiis laba sano ay noo keentay
ma jirto, hal heshiis oo caalami ah oo xukuumadu hal waraaq
ku qoran la yiri hal malin ka hadla ma jirto" [Dhegeyso:
7/15/2006] - Waxaa
hadalkaas ka horeeyey in
bishii May 29, 2006 mar uu guddoomiyha baarlamaanka DFKMG uu
booqasho ku tegey Boosaaso si uu DGPL ugala hadlo arrimaha
khayradka dabiiciga ah uu sheegay in dhowaan sharci loo
samaynayo khayraadka dabiiciga ah ee dalka, sharcigaas oo la
sheegay in ra'iisul wasaaraha lagu warejiyey laakiin aan
weli la hor geyn baarlamaanka DFKMG. (Dhegeyso:
5/29/2006).
Hadaba su'aashu waxa ay
tahay, arrimhaas oo jira, madaxweynaha Dowladda Federaalka
Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ma tegi doonaa
Puntland marka ay taariikhdu tahay July 17, 2006 sida uu ka
codsaday madaxweynaha DGPL, Maxamuud Muuse Xirsi Boqor.? (Waxaana
jira qoraal cusub oo ay maanta (July 14, 2006) soo saartay
Range Resources oo ay ku sheegeyso in la hakiyey ganacsigii
Range Resources ee suuqa ganacsiga ASX. Waxaana xusid mudan
in hakadkaas la xusay in uu jiri doono ilaa July 18, 2006,
maalin kaddib booqashada laga codsaday madaxweyne C/laahi in
uu ku yimaado Puntland si uu u ansixiyo heshiiskaas,
markaasna saxiixa C/laahi Yuusuf la tuso suuqa ganacsiga. (Eeg:
TRADING HALT: July 14, 2006).
Sidoo
kale lama oga in madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf marka uu tago
Puntland uu wax ka dhehi doono Qoraalkii ay Isniin
June 12, 2006 soo saartay
"Northbridge Services Group" (NSG) oo ahaa in dowladda
Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya (DFKMG) ay NSG u
ansixisay lahaanshaha gebi ahaanba xuquuqda bixinta
heshiisyada shidaalka Soomaaliya. (AKHIR:
"NSG"
Waa Shirkad Caynkee ah).
Dad
badan ayaa is weydiinaya sida ay cajaa'ibka u tahay: halkii
ay dowladdu si toos ah shirkado muctarif ah ayadu ugu tegi
lahayd sababata ku kallifeysa in saxiixooda lagu raadsado
shirkado kale kuwaas oo saami lala sii gala shirkado
saddexaad ama afraad, sidaasna uu kharash aad u badan iyo
waqti badan kaga baxo ummadda Soomaaliyeed.. Mase arrintu
waa 'qawda maqashii waxna ha u qaban' iyo shirkad heblaayaa
berri imaneysa halkii waxa dalka soo gala loogag
afaa'iideynaha dadka gaar ahaan xaaggga arrimaah bulshada.
Mase waxaa arrinta shirkadaha tirada ka batay ee la
kalabedelayo maalin kasta lagu qarinayaa musuqmaasuga baahey
si aan dowladda wax kale loogula xisaabtamin.
Kaamkii Conoco ee Dooxada Nugaal | sawir la siiyey Range
Resources
Dhanka
kale tan iyo markii uu madaxweyne Puntland ka noqday Gen.
Cadde Muuse,
Sabti, Janaayo 8, 2005, waxaa Puntland ka jirey markasta
oo loo malaynayo inuu halkaas imanayo madaxweynaha DFKMG, C/Laahi
Yuusuf, in cadaadis gaar ah ay DGPL saareysey saxaafadda
gobolka. Cadaadiskaas oo ay ka mid tahay in si toos ah
weriyayaasha loogu sheego in aysan qoraal ka qori karin
safarka C/laahi Yuusuf inta uu joogo Puntland, ama lagu
handado si guud oo saxaafada loogaga hanjabo. Waxaase dad
badani is weydiinayaan in arrintaas uu ku baraarugsan yahay
Madaxweyne C/laahi Yuusuf.
Dhanka
kale waxaa in badan oo reer Puntland ah is weydiinayaan
dowlada tixgelin weydey xuquuqda muwaadiniiteeda, dan maka
lahaan kartaa wax u qabadka shacabka, arrintaas oo looga
tusaale qaadanayo saddexda askari ee ka tirsanaa ciidamada
daraawiishta Puntland ee laga qafaashay xeebta badda
Soomaaliya ayagoo hawshoodii ay dawladu u xilsaartay
gudanayey, haddana ku xiran Thailand oo ay dowladii ay u
shaqaynayeen hilmaantay, yey u danayn doontaa dowladdaasi?
[AKHRI:::
XABSIGA THAILAND:::
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 |
08 |
09 |
10 |
11 |
12 |
13 |
14 ]
Faafin:
SomaliTalk.com | July 14, 2006 | warar cusub: July 15, 2006
|