-
Golaha Baarlamaanka
Puntland Ayaa Xisaabtan Maaliyadeed Ugu Yeeray
Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Wasiirka
Maaliyada Puntland.
-
Xubno ka socda shirkadda macdan iyo shidaal Baarista ee
Consert ayaa manta booqasho ku tegey ceelka shidaalka ee
ay horay u lahaan jirtay shirkada shidaalka ka qodi
jirta ee Conoco.
Golaha Baarlamaanka Puntland
Ayaa Xisaabtan Maaliyadeed Ugu Yeeray Madaxweynaha,
Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Wasiirka Maaliyada Puntland.
Iyadoo
uu weli si rasmi uga socdo magaalada Garoowe Kalfadhiga
Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa Goluhu maalinimada Sabtida
ah waxay u yeereen Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka iyo
Wasiirka Maaliyada ee Puntland.
Xildhibaan ka tirsan Golaha ayaa Radio Midnimo u sheegay
sababta ay ugu yeereen masuuliyiintan in ay salka ku hayso
xisaabtan maaliyadeed oo ay su’aalo ka weydiinayaan sida loo
maamulay hantidii dadweynaha 6dii bilood ee ugu danbeysay.
Xildhibaankan ayaa sheegay in aysan wax dhibaato ahi aysan
ka taagneyn dakhliga u soo xerooday Puntland, wax is dhin
miisaaniyadeed ahna aysan ku iman ilaa bishii Jun 2006da,
haseyeeshee, uu mugdi weyni ku jiro sidii loo maamulay
kharashyada baxay.
Xildhibaanku wuxuu kaloo intaas ku daray in bil walba ay
Puntland soo gasho hanti dhan 24 Bilyan iyo 500 oo Milyan,
taasoo ku jaango’an miisaaniyada Maamul goboleedka Puntland
oo ay ku jiraan Madaxyada deynbixinta, Gurmadka Degdega ah
iyo Horumarinta, madaxyadan oo inta badan ah kuwa ay
dhibaatadu ka taagan tahay sida loo maamulay lacagahooda.
Warshada lacagta lagu daabaco ee Puntland ayaa iyadu
daabacday in ku dhow 70 Bilyan oo Shilinka Soomaaliga ah,
taasoo aan ku jirin miisaaniyada, dheerina ka ah,
lacagtaasoo qudheedu shaki weyn laga muujinayo sida loo
maamulay iyo cidda qaadatay.
Weli
waxaa taagan deymihii lagu lahaa dowladda, mushaharkii
shaqaalaha iyo adeegyadii hay’adaha dowladda ee bishii Juun,
taasoo dhan in ka badan 24 Bilyan.
Waxaa
sidoo kale dadka dhaqaalaha ku xeel dheeri welwel ka
muujinayaan halka ay ku baxday lacagihii laga jaray
mushaharooyinka shaqaalaha iyo adeegyada dowladda oo dhamaan
15% iyo 30%.
Xisaabtanka iminka loogu yeeray masuuliyiinta ugu sareysa
Puntland ayaa ah mid ay dadweynuhu si fiican dhegaha ugu
taagayaan, waxaa jiray ballan qaad uu Madaxweynuhu uu
shacabka reer Puntland ugu ballan qaaday xiligii uu
doorashada ku jiray in uu dadweynaha u soo bandhigi doono
wax walba oo jira, wuxuu kaloo ballan ku qaaday in uu la
dagaalami doono musuqmaasuqa, iyadoo uu xiligan jiro guux
dadweynuhu ay ka qabaan Wasaaradda Maaliyada Puntland oo
iyadu siday doonto u maamusha dhaqaalaha Puntland.
Waxaa
soo baxaya warar sheegaya in Masuuliyinta sarsare ee
Wasaarada iyo Bangigu ay ku halan yihiin siday u majara
habaabin lahaayeen xisaabtanka dhabta ah ee laga doonayo in
ay caddeeyaan.
Aqoonyahano badan ayaa ku doodaya in la kala qaado
Wasaaradda Maaliyada iyo xisaabiyaha Guud ee dowladda, isla
markaasna xisaabiyaha guud ee dowladdana la hoos geeyo
Madaxtooyada DGPL.
Dad
badan ayaa iyaguna waxay farta ku fiiqayaan xiriirka dhow ee
u dhexeeya Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyada iyo Bangiga
Puntland, waxaana la sheegaa in meesha laga saaray
Maamulihii hore Bangiga Boosaaso Yuusuf Xuseen Aw Nuur (Dhacle),
Xisaabiyihii Guud ee Hore ee Dowladda Axmed Daad,
isbedeladaasoo u muuqday kuwo lagu doonayo in meesha looga
saaro cid walba oo baahin karta khaladaadka ka jira
Wasaaradda Maaliyada iyo Bangiga Magaalada Boosaaso.
Bangiga Magaalada Boosaaso
Ayaa Suuqyada Sarifka Lacagaha Ku Harqiyey Lacag Ay Leedahay
Dowladda Federaalka
Qiimaha sarifka Doolarka Mareykanka ee suuqyada lacagaha
lagu sarifo ee Puntland ayaa dhowrkii maalmood ee ugu
danbeeyey waxaa ku yimid sare u kac, iyadoo 100 Doolar uu
isku shareeray 1.600.000 Sh.So.
Sare u
kaca sarifka Doolarka ayaa sariflayaashu ku eedeynayaan in
uu sababay kadib markii uu Bangiga magaalada Boosaaso uu
suuqyada soo dhigay lacag dhan 20 Bilyan Sh.So, taasoo loo
sarifayo dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada
Baydhabo.
Qiimaha sarifka 100 Doolar ee Mareykanka ayaa in mudo ah
fadhiyey 1.400.000 Sh.So, waxaana sare u kaca sarifka
Lacagaha qalaad ay durba sababeen in qiimo barar uu ku
yimaado badeecooyinka guud ee suuqyada lagu kala iibsado iyo
shidaalkaba.
Isha
Warka: RadioMidnimo
Email:
radiomidnimo@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 13,
2006
Qoraaladdii Warbaahinta Hoos tagta DGPL |
Qoraaladii Warbaahinta ka madax bannaan DGPL |
Warbaahinta Puntland
ee sida toos ah u hoos taga wasiirada iyo madaxda
sare ee DGPL, Weli (July 13, 2006) wax kama
qorin in baarlamaanka looga yeeray
Madaxweynaha ,
Madaxweyneku Xigeenka iyo Wasiirka Maaliyada
Puntland.
Madaxweyne kuxigeenka Puntland
u digniin u jeediyey Radio Garowe
Garoowe
- 12.July.2006 Madaxweyne kuxigeenka Puntland
Xasan Daahir Afqurac ayaa digniin kulul u jeediyey
Idaacadda Garoowe ee ka hawl gasha caasimadda
dawlad goboleedka Puntland ee Garoowe.
Xasan Daahir Afqurac, ayaa sheegay in Idaacaddaasi
la albaabada la isugu dhufan doono haddii aanay ka
waantoobin wax uu madaxweyne kuxigeenku ku tilmaamay
‘aflagaaddo iyo warar been abuur ah oo ay u geysteen
mas’uuliyiinta sarsare ee dawlad goboleedka
Puntland’.
Waxaa uu sheegay in Idaacadda Garoowe ay sheegtay in
intii uu madaxweynaha Puntland uu dalka dibadda uga
maqnaa uu lunsaday hanti qaran oo aad u fara badan
isla markaasna uu wasiirka maaliyaddu uu ka shaqayn
kari waayey madaxweyne kuxigeenka.
Arrintan ayaa waxaa ka hadlay madaxweynaha Puntland
maalintii shalay oo hadal u jeedinayey golaha
wakiillada waxana uu sheegay in aanu ka war hayn
hanti la lunsaday haddii ay jirtona la soo baaro,
waxana uu cambaareeyey wararka Idaacadda Garoowe.
Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Xasan Daahir ayaa
sheegay in wararkaas oo dhan ay yihiin kuwo aan sal
iyo raad toonna lahayn, oo ay dhoodhoobeen
dhallinyaro ka hawl gasha idaacaddaas.
“inamo yaryar oo qayrul mas’uuliyiin ah ayaa warar
been abuur ah ka faafiya Idaacadda Garoowe” ayuu
yiri madaxweyne kuxigeenka Puntland oo shir jaraa’id
maanta ku qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada
Garoowe.
Idaacadda Garoowe ayaa la sheegay in ay faafisay
warar is daba joog ah oo ka dhan ah xeerarka
saxaafadda isla markaasna ka dhan ah mas’uuliyiinta
sarsare iyo guud ahaan dawlad goboleedka Puntland,
waxana ay arrintaasi ka dambeysey kadib markii uu
Idaacaddaasi isaga tegey agaasimihii wadi jirey
shaqada ee Nuur Muuse Birjeeb isla markaasna ay la
wareegeen inamo yaryar.
SBC oo isku dayday in ay xiriir la samayso
mas'uuliyiinta Idaacadda Garoowe si ay uga jawaabaan
amaba wax looga weydiiyo eedaymaha loo soo jeediyey
ayaanay taasi suura gelin.
Waxaa qoray Radiyo SBC
Baarlamanka
Puntland oo ansixiyey heshiisyada macaadinta
Garoowe - 12.July.2006
Golaha baarlamanka dawlad goboleedka Puntland ayaa
maanta si rasmi ah u ansixiyey heshiisyada dawladdu
ay la gashay shirkado
shisheeye iyo kuwa ay la geli doonto mustaqbalka,
heshiisyadaas oo ku aaddan baaritaanka iyo soo
saarista khayraadka dabiiciga ah ee Puntland, kadib
dood dheer oo socotey muddo laba maalmood ah.
Kahor ansixinta baarlamanka ee baarista iyo soo
saarista khayraadka dabiiciga ah ee Puntland, ayaa
waxaa halkaasi lagu soo badhigay heshiiskii uu
madaxweynuhu saxiixay ee ay xukuumaddu la gashay
shirkadda Range Resource.
Xubnaha golaha wakiillada dawlad goboleedka Puntland
ayaa cod aqlabiyad ah oo ku ansixiyey heshiisyadaas,
oo oggolaanaya in dalka Puntland si waaxyo ah looga
baari karo macaadinta loogana soo saari karo.
55 xubnood oo ka tirsan golaha wakiillada Puntand oo
dhan 65 ayaa oggolaaday sharciga soo baarista iyo
soo saarista macaadinta ku jirta dhulka Puntland,
iyaga oo tix raacaya dastuurka dawlad goboleedka
puntland gaar ahaan qodobbadiisa 54.4 iyo 92.1.
ansixinta sharcigan ayaa ku soo beegmaya xilli la
filayo in Puntland uu dhowaan soo gaaro madaxweynaha
federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed,
inkasta oo ay dawladda dhexe iyo dawlad goboleedku
ay arrintan horay heshiis uga gaareen.
Waxaa weriyey Radiye
SBC
Baarlamaanka
Puntland oo ansixiyey Heshiiskii Baarista iyo Soo
saarka Khayraadka Puntland
2006-07-12
Garowe:- Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa maanta si
aqlabiyad ah u ansixiyey qorshaha dowlada Puntland
iyo
heshiiskii shirkada kula gashay Baaritaanka iyo Soo
saarista Macdanta iyo Khayraadka dhulka Puntland.
Baarlamaanka Puntland ayaa labadii maalmood ee lasoo
dhaafay ka doodayey qorshaha khayraadka iyo macdanta
oo Golaha Lasoo hordhigay oo ay horey usoo
ansixiyeen Golaha Wasiirada ee Puntland.
Qorshaha Baarista Macdanta iyo soo saarista
Khayraadka ayaa waxaa si qoto dheer uga dooday
xildhibaanada, ayadoo sidoo kale Golaha la horkeenay
qoraalkii ay dowlada Puntland heshiiska kula gashay
shirkada Range Resource.
Waxaa sidoo kale golaha la horkeenay heshiisyadii
dhexmaray Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Puntland
ee la xariiray arrimaha Khayraadka.
Madaxweynaha Puntland Md.Maxamuud Muse Xirsi (Cadde
Musse) ayaa shalay mar uu Golaha Wakiilada warbixin
usoo gudbinayey u sheegay in khayraadka Puntland uu
laf dhabar u noqonayo nooleynta iyo xoojinta awooda
dhaqaale ee Puntland.
Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Puntland oo maanta
cod u qaaday ansixinta heshiisyadan ayey 55 kamid ah
66ka Xildhibaan ee Baarlamaanka Puntland u codeeyeen
in la ansixiyo heshiiskii horey ay dowlada ulla
gashay shirkadaha.
Waxaa sidoo kale qodobakan la ansixiyey oo uu
Baarlamaanka u cuskaday qodobada Dastuurka ee 54.4
iyo 92.1, lagu sheegay in sidoo kale dowlad loo
ansixiyey heshiisyada kale ee mustaqbalka ayadoo
golaha lasoo marinayo.
Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyey qorshaha cusub
ee dowlada ee ah in Shirkadaha baaraya Macdanta ama
soo saaraya Khayraadka ay si waax waax ama (BLOCKS)
ah uga hawlgalaan gobalada Puntland.
Qodobkan ayaa ah mid cusub oo ay Xukuumada wax uga
bedashay heshiiskii hore ee ahaa in Puntland oo dhan
ay baari karto hal shirkad oo kaliya.
Xukuumada ayaa hada sheegtay in Puntland shirkadaha
wax ka baaraya loogu qeybin doono waax waax, isla
markaana shirkado dheeraad ah ay imaan karaan
gobalada.
Waxaa weriyey
Horseed
|
Warkaas ku
saabsan in baarlamaanka looga yeeray
Madaxweyneku
Xigeenka iyo Wasiirka Maaliyada Puntland waxaa
daabacay warbaahinta aan hoos iman madaxda sare
ee DGPL.
Xasan Dahir "Afqurac" oo handadey Radio Garowe
Posted:
2006 Jul 13: Madaxwayne
ku-xigeenka DGPL Xasan Daahir oo ku hanjabey in
Maamulkiisu
xirayo Idaacada Radio Garowe.
Hanjabaada Afqurac ayaa ka dambeysay markii qaar
ka mid ah saxaafada madaxbanaan ay faafiyeen
hadalkii ka soo yeeray Madaxwaynaha DGPL Maxamud
Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse) in hanti la
lunsadey inta uu dalka ka maqanaa.
Warkaas oo, sida la sheegay, Madaxwaynuhu Baarlamaanka
hortiisa iyo si gaar ahba "Private" looga xigtey
ayna tebiyeen Website-yada ay ka mid yihiin
Somalitalk,
Puntlandpost
iyo
Garowe Online.
Madaxweyne ku-xigeenka DGPL Afqurac ayaa sheegay
in warkaas uusan lahayn sal iyo raad toona
wuxuuna ku daray in bahda Radio Garowe ay
buunbuuniyeen wararkaas asagoo magacaabin
hay'adaha kale ee warbaahineed oo isla warkaas
faafiyay.
Waxaa
daabacay Garowe Online
Garoowe:-Xubno ka socda shirkadda
macdan iyo shidaal Baarista ee Consert ayaa
manta booqasho ku tegey ceelka shidaalka ee ay
horay u lahaan jirtay shirkada shidaalka ka qodi
jirta ee Conoco.
July 13, 2006: Shirkadan ayaa
waxaa safarkeeda ay halkaas ku tagtay waxaa ku
weheliyey madaxweyna ku xigeenka iyo gudoomiyaha
Gobolka Nugaal.
Shalay ayey ahayd markii Golaha
Wakiiladda Puntlan ansixiyeen Xeerka macdan iyo
shidaal Baarista , Waxaana waqtiyadan dambe
Muuqanaya inuu sii yaraanayo xurguftii ka jirtay
soo saarida macadanta iyo shidaalka Puntland .
Waxaase shaki abuuraya Shirkadda
Consert oo la sheego inay hantilayaasheeda ka
mid yihiin Wasiiro ka tirsan DGPL , Waxaana inta
badan farta lagu fiiqaa Wasiirka Wasaaradda
Maaliyada Maxamed Cali Yusuf oo loo Yaqaan
Gaagaab.
Sida muuqatana Wasiir Gaagaab
ayaa isagu inta badan ku dhexmilan hawlaha
macdan iyo shidaal Baarista Puntland halkii uu
shaqo fiican ka qaban lahaa Wasaaradda
Maaliyadda ee isaga loo igmaday.
Qoraal warbaahinta lagu daabacay
ayey Shirkadani ku sheegtay inay xubnaheeda
sarsare ka mid yihiin Wasiiro ku jira Golaha
Xukuumadda Puntland iyo weliba inay bil walba
siiso Puntland lacag dhan $200, 000
laba boqol oo kun oo dollar .
Hase ahaate Wasiirka Maaliyadd, ayaa
isagu beeniyey inay wax lacag ah ka qaataan
shirkadaas, wallow Madaxweynaha Puntland uu
sheegay maruu warbaahinta la hadlayey inay lacag
qaateen.
Si kastaba ha ahate waxaa Muuqata
in hawlaha shaqo ee hayadda macada-barista
Puntland farqaha lagu haysto hawsheeda Wasiirka
Maaliyaduna ku fekerayo in hayadda Macdan-barista
Puntland ay noqoto waax hoostimaada Wasaaradda
Maaliyaada.
PuntlandPost oo ka soo
xigatey Radio midnimo
GAROOWE : Wakiilada
DG Puntland oo Ansixiyay dood-dheer Xeerka
macdan-baarista iyo soo saarista Shidaalka oo
uusan ku lifaaqnayn heshiiska lala galay
shirkada Range resource
Garoowe:-Golaha
Wakiilada DG Puntland ayaa maanta ansixiyay
xeerka Macdan-baarista iyo
shidaal soo saarista Puntland ee shirkada Range
resource ka soo uusan ku lifaaqnayn heshiiska
lala galay , kadib markii M/wayne Cadde Muuse
iyo kuxigeenkiisa Xassan Daahir Af-qurac ay si
aad u xoogan ay Golaha uga codsadeen in la
baasgareeyo oo la ansixiyo xeerkan
, iyakoo sheegay in ay kaga hortagayaan boob ay
wadaan dad ka mid ah DFKS.
Golaha Wakiilada , ayaa
si wayn uga biya-diiday Xeerkan
oo qaar ka mid ah qodobadiisa ay ku sheegeen
kuwo aan munaasib ku ahay Dastuurka
dalka iyo waliba Golaha
, inkastoo M/waynaha iyo kuxigeenkiisa
ay qireen in qodobadaasi ay yihiin kuwo aan
munaasib ahayn oo si deg-deg ah loo qoray ,
hadana mana noqon mid ay Xubnaha Golahu ay ku
qancaan , waxayna codsadeen in meesha laga saaro
qodobaasi , islamarkaasna wax ka badanl lagu
sameeyo Xeerka.
Dooda ugu badnayd ee
Xildhibaanadu soo jeediyeen ayaa ahayd in
badankoodu ay aad ugu adkaysanayeen in xeerka
lagu soo lifaaqo heshiisha lala galay shirkada
ka hor intuuna Goluhu ansixin , hawshaasna ay
tahay waajibaadkooda markaasna ay diidi karaan
ama ay ogalaan karaan.
Laakiin
, soo bandhigida heshiiska shirkada ma noqon mid
ay ku qancaan Cadde
Muuse iyo Xassan Daahir , waxayna
xeerkan ku tilmaameen wa ay ugu yeereen mid
lagu difaacayo khayaraadka Puntland ,
oo ah in shirkadu Range resource in Golaha
Wakiiladu ay u ansixiyaan in muddo 4
sano ah Puntland ay ka baarto Macdanta
, soona saarto shidaalka sidaas awgeedna ay
codsanayaan in la meelmariyo oo aan loo kala
dareerin.
Dood dheer kadib , ayaa
Goluhu go'aamiyay in Xukuumadu ay dib ula
laabato Xeerkan islamarkaasna ay wax ka badasho
, waxaana marlabaad Golaha lagu sooo celiyay
xeerkan isla maraanta isagoo wax laga badalay
waxaana l agu meel mariyay cod aqlabiyad ah oo
dhamaan waa ay ogalaadeen.
Sikastaba , Cadde Muuse
iyo kuxigeenkiisa Xassan Daahir ayaa u muuqday
kuwo aad ugu oomanaa ansixinta xeerkan
, waxayna ku celcelinayeen in ay ku daafacayaan
wax ay ugu yeereen boob ay wadaan qaar ka mid ah
DFKS.
Waxaa xusid mudan , in
inta badan Xubnaha Golaha ay ku doodeen in aysan
iyaku aqoon-siyaado ah u lahayn DFKS
, balse maamulka Puntland uu teegeero dhaqaale
iyo mid kalaba siiyo , islamarkaasna ay iyaku
dhiseen , taa soo ay ku macneeyeen in aysan
iyaku garowsan-karin waxa ay dhibaato ah oo ay
Puntland u gaysan karaan xubnaha DFKS.
Waxaa weriyey
Puntlandpost
Barlamanka Puntland oo ansaxiyay heshiiska
Macdanta
Posted: 2006 Jul 12 :
Golaha
Barlamanka dawlad goboleedka Puntland ayaa
maanta si
Rasmi ah u ansixiyey heshiis Madaxwaynaha DGPL
la galey shirkado baarya Macdanta.
Qoraal ka kooban sagaal qodob aya la soo
hordhigey xildhibanada Barlamanka Puntland kaas
oo doodiisu bilaabatey saaka sideedii subaxnimo.
Madaxwayne Cade ayaa cadaadis ku saarey
Xidhibanada in ay ansixinta qodobadaan aysan
qaadan mudo badan isla markaana loo baahanyahay
in Goluhu maanta ansixiyo.
Ansaxinta heshiiskan ayaa waxa u codeeyay si
gacan taag ah 55 xubnood oo ka tirsanaa 65
Xildhibaan oo ku sugneyd goobta codbixinta.
Madaxweynaha aya sheegay in barnamijkan uu soo
jiitamayey muddo badan isla markana loo
bahanyahay in la soo afjaro laakiin waxaa la
rumaysanyahay in muddo muran ka taagna arrimaha
kheyraadka dabiiciga ah ee puntland waxaana la
xasuusta arrintii Majiyahan iyo dhibatoyinka ay
abuurtey waxaana su'asha ay maanta dadbadan
isweydiinayan ay tahay sida uu ku dhaqan gali
karo ama lagu melmarin karo heshiiskan
Ansaxinta heshiikan ayaa dhacdey xili Madaxwayne
Cade sheegey in Puntland ay booqasho ku imaan
doonaan Madaxwaynaha DFKMG ah Cabdulahi Yusuf.
Waxaa daabacay
Garowe Online
Halkan
ka dhegeyso Sidii ay u dhacday doodii iyo ansixintii
Heshiiska DGPL...
|