Somalitalk bog layaab leh !
Aad baan u soo dhoweeyaa marar badanna waa booqdaa, maxaa yeelay wuxuu u
dhisan yahay si cilmiyaysan gaar ahaan habka wararka xiriirka leh aad u soo
taxdaan iyo linkiyada markhaantiga ah ee qormooyinkiinna ku lifaaqan.
Waxase la yaab leh laba arrimood oo ay Somalitalk caado u leedahay oo aan is
leeyahay waa ku khaldan tahay ee ha iska beddesho ama ha caddayso sababta ay
sidaas u yeeleyso.
1. Waa ta hore e, Somalitalk waxay daba dhigatay khayraadka dabiiciga ah, si
basaasnimo ah ayey wararkaas u daba gashaa haba daba gashee sharci darro iyo
xaaraan ayey u aragtaa in Puntland ay la soo baxdo khayraadkeeda dabiiciga
ah ee dadka arrintaas ka qanciya danta aad ka leedihiin, danta dadkuna
sidaas ma aha ee waa in ay wax ka dhadhamiyaan khayraadka dabiiciga ah.
2. Wararka ku saabsan gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, Somalitalk
waxay u hadashaa ama qolyaha mucaaradka ah ugu adeegtaa sidii waagii
Somali weyn la raadin jirey, waana fikrad gabowdey, gobolka Soomaalidana si
sharci ah ayuu uga tirsan Itoobiya, yahay adduunkuna u aqbalsan yahay
Soomaaliduna waaba ka hartay oo arrintaas waxaa kaga weyn sidii la isu
oggolaynsiin lahaa wixii ka haray Soomaali weyn ee Somaliland iyo Koonfurta.
Jihaadka aad sheegtaan muxuu yahay, dhulkase dadka uu ka maqan yahay maye,
idinka keliya ayaa la idinka maqlaaye, mise itixaadka ka dagaallama
gobolkaas ayaa Somalitalk wax ku leh.
Waad u fasaxan tihiin aragtidayda haddii aad daabacaysaan.
Axmed Abuukar, Boosaaso, Puntland - Somalia
Email:
abuukar40@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan.....
Faafin: SomaliTalk.com | May 27, 2006
###
::Muqus-maasuqa Baahey ee
Puntland::
Cilmibaaris ay dhallinayada
Gobolka Bari sameeyeen bishii Oktoober 2005 ayey ku sheegeen
musuqmaasuq baahey ee ka jira Gobolka Bari intii ay jirtey
xukuumada hadda ka talisa Puntland. Waxaa xilligaas la
diiwaan geliyey jagooyinka lagu tilmaamay in lagu bixiyey
hab aan miisaanayn marka la eego u sinnaanta maamulka
Gobolka Bari... (Arrinta daraasadda lagu sameeyey waa
Gobolka Bari oo quran).
Jagooyinkasi waa kuwan:::::(Waxaa
arrintan la baahiyey 01/10/2005)
-
Wasiirka Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.
- Wasiir
Ku xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Wershadaha.
- La
taliyaha Madaxwaynaha Arrimaha Amniga iyo Siyaasada
-
Gudoomiyaha Maxkamada Sare Maamul goboleedka Puntland
-
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.
-
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Xog. Golaha
wasiirada
- Ag.
Guud ee wasaarada Howlaha Guud iyo Guriyaynta
- Ag.
Guud ee wasaarada Dekedaha iyo Kalluumaysiga
- Ag.
Guud ee wasaarada Shaqada Shaqaalaha iyo Isboortiga
- Ag.
Guud Wasaarada Warfaafinta Isgaarsiinta , Dhaq. Iyo
Dalxiiska
- Ag.
Guud Madaxbannaan Tacliinta Sare
- Ag.
Guud Madaxbannaan La dagaalanka Argagixisada
- Ag.
Guud Madaxbannaan Hay’ada Baasawayn
- Ag.
Guud Maamulka Booliska Puntland
- Ag,
waaxeed Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga
- Ag.
Waaxeed maamulka Hay’ada Baasawayn
- Ag.
Waaxeed Nadaafada Wasaarada Dekedaha iyo Kal.
- Ag.
Waaxeed Wax dhoofinta Wasaarada Dekedaha iyo Kal.
- Ag.
Waaxeed Wasaarada Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada
- Ag.
Waaxeed Horumarinta Wershadaha, Wasaarada Ganacsiga iyo
War.
- Ag.
Waaxeed Deeqaha Wasaarada Dowladaha Hoose
- Ag.
Waaxeed maamulka Wasaarada Dowladah Hoose
- Ag.
Waaxeed Dhulka, Wasaarada Howlaha Guud iyo Guriyaynta
- Ag.
Waaxeed Qorshaynta Wasaarada Howlaha Guud iyo Gur.
- Ag.
Waaxeed Waaxda laanta Duulista.
- Ag.
Waaxeed Maamulka Wasaarada Maaliyada
-
Maamulaha Xafiiska Fiisha Baraa
-
Maamulaha Canshuuraha Gobolka Bari
-
Maamulaha Kastamka Bosaso
-
Maamulaha Isbitaalka Guud ee Boosaaso
-
Maamulaha Wershada Xooga Korontada Bosaso
-
Maamulaha Dalada Xabkaha, Faleenka iyo Fooxa
-
Isuduwaha G. Bari Wasaarada Ganacsiga iyo Wershadaha.
-
Isuduwaha G. Bari Wasaarada Xannaanada Xoolaha
-
Isuduwaha G. Bari Wasaarada Howlaha Guud iyo Guriyaynta
-
Gudoomiyaha Maxkamada Derajada 1-aad Gobolka Bari
- Xeer
Ilaaliyaha Gobolka Bari
-
Taliyaha Saldhiga Garoonka Boosaaso
-
Taliyaha Saldhiga Dhexe Bosaso
-
Taliyaha Ciidanka Taraafikada Puntland
-
Taliyaha Hay’ada sirdoonka Puntland
“CID”
-
Taliyaha Ilaalinta Canshuuraha Turubataariyo
-
Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland
-
Taliyaha Canshuuraha Gobolka Bari
-
Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar
-
Taliyaha Ciidanka Degmada B. Bayla
-
Taliyaha Ciidanka Degmada Xaafuun
-
Taliyaha Ciidanka Degmada Iskushuban
-
Talilyaha Ciidanka Maxkamadaha G. Bari
-
Taliye Xigeenka Ciidanka Daraawiishta untland
-
Xisaabiyaha Dowlada Hoose Bosaso
- Ku
Xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Puntland
-
Xisaabiyaha Guud ee Xafiiska Fiisha Baraa
-
Xisaabiyaha Hay’ada Nesha
-
Xisaabiyaha Rugta Ganacsiga
-
Xisaabiyaha Garoonka Bosaaso
-
Xisaabiyaha Guud ee Gobolka Karkaar
-
Gudoomiyaha Gobolka Karkaar
-
Gudoomiyaha Degmada Bosaso
-
Gudoomiyaha Degmada Qardho
-
Gudoomiyaha Degmada Iskushuban
-
Gudoomiyaha Degmada Bender Baayla
-
Gudoomiyaha Degmada Xaafuun
Qoraalkaas waxaan ka soo
xiganey qormo ay qoreen "Dhalinyarada Gobolka Bari" markey
tariikhdu ahayd 01/10/2005. Xilli markaas ku dhowna waxa ay
soo saareen baaqa hoose:
Uj: Baaq ay soo saareen
dhanilyarada Gobolka Bari oo ku wajahan Shirkad la sheegay
inay Macdan baarayso oo heshiis la gashay mas’uuliyiin ka
tirsan maamul Goboleedka Puntland. 05 Oct 2005
Waxaa Maamulkii hore ee
Puntland, Cabdullaahi Yuusuf heshiis la galay shirkad lagu
magacaabi jiray Hart Group oo fadhigeedu ahaa Jasiirada
Bermuda taasoo aan marna la horgayn Golaha Shacbka, xeer
qeexana looga samayn maamulkii jiray berigaa, waxayna
shirkadaasi gaysatay dhibatooyin fara badan oo aan la soo
koobi karin iyadoo xaalufisay Badihii islamarkaana jariiftay
ugxantii kalluumaysatada yaryarna dhaawac mood iyo noolba
leh u gaysatay, waxayna kaloo ku aastay dalka xeebihiisa
haraaga sunta ah ee wershadaha dalalka hormaray iyadoo
lacago fara badan oo aan xadidnayn laga qaatay shirkadaas
kuwaasoo lagu gaaray hadaf jiray xilligaa.
Hadaba waxaa ayaamahan
Puntland ka socday xiisad ku saabsan shirkad aan taa kor ku
xusan ka ood fogayn, iyadoon Golaha shacabka la horgayn,
ayay dowladu heshiis la gashay shirkad magaceeda lagu
sheegay “Consort” oo la yiri waxay ka diiwaan gashan tahay
Jasiirad yar oo la yiraahdo Maldives.
Shirkadan waxaa la sheegay
inay baarayso macdanta noocyadeeda kala duwan islamarkaana
bixinayso 25Milyan oo Dollar sannadkii iyadoo amaankeedana
lagu sugayo aduun gaaraya 200,000Us Dollar bil walba.
Hadaba markaan u kuurgalnay
shirkadan hantideeda, sharciga caalamiga ah ay haysato,
degaankeeda dhabta ah waxa ay doonayso inay Puntland ka
qabato iyo qaabka ay u howlgalayso waxaa noo soo baxday
arrimahan soo socda.
- 1. Marka hore
Shirkadu waxay ku soo gashay dalka oo keenay xiriir uu
sameeyay nin samafal u yimid Puntland xilligii Tsunami-ga
oo la yiraahdo Terry.
- 2. Shirkadu ma
laha hanti ay ku howlgasho iyo waayo aragnimo hore sida
shirkadaha saliida qoda ee dunida, waxayna mushtaraysaa
Digaag.
- 3. Shirkadani
waxay la mid tahay tii Hart-group ee qarsoodiga ahayd,
mana laha damaanad sharci.
- 4. Shirkadani
lama horgayn Golaha Shacabka, aftina looma qaadin.
- 5. Sharci iyo
xeer qeexayana lagama soo saarin waxyaalaha ay qabanayso,
faa’iidada ay helayso, hantida ay galinayso iyo inta ay
le’eg tahay miisaniyadeedu.
- 6. Iyadoo ah
suuq madoow oo aan sidan aqoonsi caalamai ah.
- 7. Iyadoo ay
keeni karto qalaaase iyo iska horimaad Beelaha wada
degga Puntland oo hantida ay ballan qaaday shirkadu
bulshadu isku layn karto.
- 8. Iyadoo ay
dowlada Fedaraalku ku kala qaybsami karaan, isla
markaana keeni kara dagaal sokeeye oo dalka ka soo
cusboonaada.
- 9. Iyadoo
Shirkadihii hore ee saliida ka baaray Soomaaliya
cadaadis dowli ah ku saari karaan Dowlada Federaalka KMG
ah iyo Maamul goboleedka Puntland sidii loo hakin lahaa
geedi socodka nabada iyo soo cellinta qaranimada
Soomaaliyeed.
- 10. Iyadoo
dhaawici karta Bay’ada nadiifka ah ee deegaanka taasoo
hakin karta horumarinta iyo xannaanada xoolaha, daaqa
iyo reer miyiga si dadbana u wiiqi karta dhaqaalaha
dalka.
Hadaba annagoo ah
dhalinyarada u dhalatay Gobolka Bari oo ay shirkadu xoogeedu
ku soo wajahan tahay waxaan go’aan naga ah in shirkadani
maadaama ay ku sifaysan tahay qodobada kor ku xusan ayan
dalka ka shaqayn karin, waan diidan nahay waana ka soo
horjeednaa mana aqbalayno in dalka la keeno wax aan dan u
ahayn dadka. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Puntland ee
heshiiskan galay inay sida ugu dhakhsiyaha badan uga
laabtaan heshiiska haddii kale wixii ka yimaada arrintaa
waxaa mas’uul ka ah cidda ku xad gudubta qawaaniinta iyo
sharafta shacabka Puntland.
W/Q, Dhalinyarada Gobolka
Bari.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraayaasha ku saxiixan
Si aad arrintan wax uga
ogaatid waxaad toos email ugu diri kartaa xafiiska
Madaxweynaha DGPL, Email:
plspresidency@hotmail.com
Saamiyada Range Resources
oo hoos u dhacay... ASX::
TAARIIKH |
SAAMI |
ISBEDEL
|
25 May 2006 |
0.036 |
-2.7% |
19 May 2006 |
0.037 |
-5.13% |
18 May 2006 |
0.039 |
2.63% |
17 May 2006 |
0.038 |
-2.56% |
16 May 2006 |
0.039 |
-2.5% |
Garaafka oo weyn ka eeg halkan... Guji... |
MADAXWAYNE
CADDE MUUSE OO SIDII MOORYAANTA U HADLAY!!!
.....Waxaase Somaalida Amakaagg
iyo Af-qabsi ku riday Gen. Cadde muuse oo isaguna qaaday
waddadii Maxamed Dheere. Markii uu 19 kii bishaan ku
dhawaaqay in uu kalsoonidii kala noqday
Ra’iisul-wasaaraha DF. Md. Dr. C.M. Geeddi ama haddan
sii caddeeyo D,F. ee KMG oo dhan....
Guji...
Dad uu cadowga Itoobiya meelo
kala duwan ku laayay iyo kuwa uu xidhxidhay.
Ciidammada gumaystada
Itoobiya, oo toddobaadyadan denbe sii kordhiyay xasuuqii
ay dadwaynaha rayadka ah ku hayeen, ayaa meelo kala
duwan oo dalka ka mid ah ku dilay dadwayne rayad ah oon
waxba galabsanin, waxayna kala yihiin dadka ay
magacyadoodu na soo gaadheen;
Markii ay taariikhdu ahayd
18/05/06 waxay ciidammada cadowgu ku dileen San-xaskulle,
oo ka tirsan degmada Dhagaxmadow, labo nin oo shacab ah,
waxayna kala yihiin;
1-
Deeq Axmed Wali, oo markii ay
dileen ay ka qaateen Qori uu watay iyo 3300 oo Bir.
2-
Axmed C/qaadir, ooy isagana
ka qaateen Qori uu watay.
Waxay isla San-xaskulle ka
qaqabteen, oon war laga haynin ilaa iyo hadda meeshay ku
sugan yihiin, dadka kala ah;
1-
Faarax Macruuf
2-
C/llaahi Mahdi Maxbuub, oo
lagu qabtay Qori uu watay.
3-
Jamaal Axmed Cabdi
24/05/06 Kabtii-Naag, oo ka
tirsan degmada Qabridaharre, waxay ciidammada
gumaysatada Itoobiya jidhdil ba’an ugu gaysteen dadka
kala ah;
1-
C/nasir Geeddi
2-
C/raxmaan Afwayne
3-
Yuusuf-qaad Dubbad
4-
Maxamuud Xirsi Cagoole
20/05/06 San-cadde, oo ka
tirsan degmada Dhagaxbuur, waxay ciidammada cadowgu ka
afduubeen seddex nin oon ilaa iyo hadda la haynin
meeshay geeyeen, waxayna kala yihiin;
1-
Badri Muxumed
Jalane
2-
Cabdi Muxumed Nuur
3-
Axmed Maxamed
Dhiille
14/05/06
Qudhac-maydal, oo ka tirsan degmada Fiiq, waxay
ciidammada cadowgu jidhdil ba’an ugu gaysteen dad rayad
ah. Waxayna dadkan ku gadoodeen, ka dib markii lagu
waxyeelleeyay dagaal meeshaas ka dhacay. Dadka ay
dhibaatooyin xunxun soo gaadhsiiyeen waxay kala yihiin;
1-
Maxamuud Ibraahim
2-
Maxamed Xasan Daahir
3-
Xamdi Caaqil Faarax iyo
4-
C/nuur, oo magaciisa buuxa
aanaan halin.
Waxay sidoo kale meeshaas ka
afduubteen oo la tageen dadka kala ah;
1-
Wali Bade Salawi
2-
Maxamuud Cabdi Mawsar iyo
3-
Mustafe C/llaahi Aaden.
Ma Ogtahay::::
Ma ogtahay in Dekeda magaalada
Boosaaso ay sannadkiiba ka soo xerooto lacag lagu qiyaasay 23
Million oo doolarka Maraykanka. Mase ogtahay in aysan jirin
wax mashaariic ah loo samayey carruurta da'da yar ee derbi
jiifka ah oo wax ay quutaan ka raadsada qashin qubka magaalada (eeg
sawirka hoose).
Waa kuwan Carruurta
Puntland, oo qashinka cunto ka dhex raadsanaya.
Caruurta oo Qashinka ka doonanaysa waxay Cunaan,
Booasaaso, Soomaaliya
....Xeebtii ayaa u muuqata, haddii malaha loo samayn
lahaa laash ama huuri ama sixiimad loogu
kalluumeeyo!!!!!!
Warqadii uu qoray ra'iisul
wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, oo ku taariikhaysnayd
May 18, 2006, markii
ay gaartey dalka Australia waxaa durbadiiba dhulka galay
saamiyadii shirkadda Range Resources. 19 May 2006 Waxa
ay saamiyada Range Resources hoos u dhaceen -5.13%, taas oo kadhigtay saamiyadeeda in
lagu kala iibsado sentiyaal (0.037) lacagta Australia.
Arrintaasi markii ay dhacday ayaa isla markiiba (May 19,
2006) shirkada
Range Resources waxay warqad u direen suuqa Ganacsiga ee Australia, warqadaas oo ay ku
weydiisanayaan in gebi ahaanba la hakiyo kala iibsiga
saamiyada shirkaddaasi, (TRADING HALT
ama eeg halkan...), ilaa ay qoraal
ka soo saarayaan ama Talaada May 23, 2006 - Xilligaas markii
la garey oo aan jawaab laga helin shirkada ayaa suuqa ASX
waxa uu si rasmi ah liiska uga saaray kala iibsiga saamiyada
shirkadaas eeg May 22, 2006.
May 25, 2006
ayey Range Resources warqad u qortay ASX ay ku muujineyso in
DGPL ay taageersan tahay shirkadan, sidaasna markale loogu
ogaaladay
in saylada lagu kala iibsan karo saamiyadooda.).
Suuqa ganacsiga
Australia waxaa lagala xiriiri karaa:
Halkan....
Waxaa xusid mudan:
Markii ay soo shaac bexeen iska hor imaadyada Puntland ka
jirey ee la xiriirey macdanta, ayaa waxaa bishii April
12, 2006 ay saamiyada Range Resources hoos u dheceen -5%,
taas ka dhigtay in lagu kala iibsado 0.038,
maalintaas ayey shirkadaasi hakad gelisey saamiyadeeda (EEG
HALKAN), waxana ay sheegeen in ay qoraal soo saari
doonaan . Qoraalkaas waxa ay soo saareen April 19, 2006
(EEG HALKAN...) , waxana ay ku
sheegeen
in DGPL ay taageero dheeraad ah siiday ayaga. Waxa kale isla
maalmahaas soo baxay qoraal lagu soo daabacay warbaahinta
Australia ooay Range Resources ku sheegtay in aan "Qofna
kuma Dhiman Hawlgalkii Puntland", waxa markaas kor u
kacay saamiyadii shirkadaas waxana ay gaareen
0.050. Waxana ay
markaas
Range
Resources oo Cadaysay in ay Puntland siiso $200,000
doolarka Maraykanka Bil kasta sida heshiisku ahaa...
(EEG
HALKAN...
).
Dadka arrimaha dhaqaalaha
odorosa waxa ay nidaamkaas ku macneeyaan waxa afka Australia
lagu yiraahdo "Market
Manipulation"... (Akhir qeexidda uu arrintaas ka bixiyey
suuqa Ganacsiga Australia...
Akhri... ENGLISH....)
QAAR KAMID AH WARAAQAHA
RANGE U DIRTAY SUUQA ASX:
QORAALADII HORE EE
SOMALITALK.COM EE JAAMACADA BOOSAASO:::
Jaamacada Bariga Afrika
waxay kutaal magaalada Boosaaso, October 2000 ayaa waxaa
bilaabmay sannad dugsiyeedkeedii ugu horeeyey, markaas oo
fasalada ardayda loogu sii dhigi jirey machadka ama iskoolka
iimaamu shaafici ee magaalada Boosaaso, waxaase fasalada
jaamacada oo weli markaas dhisme ku socdey lagu bilaabay in
ay ardaydu wax ku bartaan sannad dugsiyeedkii kaas xigey oo
bilaabmay Sebteembar 1, 2001.
Bishii Janaayo 2003 ayey
ahayd markii Wafti Kasocda Jaamacadda Latrobe University
(Australia) ay Booqasho Kuteen Jaamacadda Bariga Afrika,
Bosaso. Waxaa waftigaas hogaaminayey Dr. David Dorward, ka
socdey
African Research Institute,((ARI), Latrobe University,
Australia. [eeg
warbixintii waftiga Booqday Boosaaso]
Bishii Janaayo ee sannadkan
2003 ayey ahayd markii magaalada Minneapolis, USA sida weyn
loogu soo dhoweeyey wafti ka socdey Jaamacada Boosaaso,
waftigaas oo reer Minneapolis uga xog-waramay heerarkii kala
duwanaa ee ay Jaamacadu soo martay iyo waxa ay hadda
higsaneyso [Eeg
warbixintii waftiga Minneapolis Booqaday].
1dii Bishii Febraayo ee
2003 ayey ahayd markii shir ballaaran magaalada Toronto
loogu qabtay wafti kasocdey Jaamacada Boosaaso, shirkaas oo
ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Saaxiibada Jaamacad Bariga
Afrika ee Ontario.[Eeg
warbixintii Toronto].
26kii Janaayo 2003 ayey
ahayd markii Kulan aad u ballaaran oo dadkii ka hadlay ay
kamid ahaayeen Dr. Xasan Cali Mire, C/isaaq Maxamuud
Dareewal iyo waftiga Jaamacada Boosaso lagu qabtay Atlanta,
Georgia [eeg
warbixintii Atlanta, USA]
Bishii Febraayo ee 2002
ayey ahayd markii Ciise Dhollowaa booqday Jaamacada Boosaaso,
waqtigaas waxaa Dhollowaa warbixin siiyey
CabdiRisaaq Sh. Axmed oo ah Macalin dhiga Luuqada Carabiga
kana mid ah xubnaha Gudiga Maamulka Jaamacada. Waxaa C/Risaaq
sheegay in ay u baahan yihiin dadka Somaliyeed ee awooda u
leh in ay ka caawiyaan dhinacyada waxbarashada, iyaga oo
noqonaya macalimiin yimaada jaamacda sanadkiiba hal mar, si
ay wax u baraan ardadaas.
Halkan ka akhri warbixintii hore ee
waftiga... GUJI
|