Madaxweynaha DGPL oo Soo
Jeediyey in laga Laabto Qodob ka mid ah Heshiiskii ay hore
ula galeen Shirkadda "Range Resources"...
- "Soo jeedinta
madaxweynaha waxaa ka hor yimid shirkadda Range
Resources iyo Wasiirka Maaliyada Puntland....."
DUBAI, UAE (June 17, 2006):
Wararka ka imanaya dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in
halkaas kulan dhex maray madaxweynaha Dowlad Goboleedka
Puntland (DGPL), Generaal Cadde Musse iyo xubno ka socdey
shirkadda Range Resources ltd.
Waxaa warku intaas ku daray
in kulanka oo kadhacay Hotel kuyaal Dubai ay joogeen madax
uu Cadde Muuse uga yeeray Puntland si ay goob joog uga
ahadaan arrimaha uu u soo jeedinayo shirkadaas.
Kulankaas ayaa Madaxweyne
Cadde Muuse waxa uu kusoo bandhigay in Puntland ay ka noqoto
qodob ka mid ah heshiiskii shirkadaas hore loola galay.
Qodobkaas ayaa ah kii
shirkadda Consort Private ltd (ee lagu soo dhisay,
kana diiwaan gashan Maldives) siinayey lahaanshada gebi
ahaan xuquuqda baaritaanka iyo qodista dhammaan khayraadka
Puntland (macdan & shidaal). Waxaana heshiiskaas hore bishii
Agoosto ee 2005 Hotelka Hilton ee
Dubai ay Puntland ugu saxiixaday Terry oo madax ka ahaa
Consort. Bishii October ee 2005
ayaa shirkadda "Consort ltd" waxa ay "Range
Resources ltd" ka iibisey saamiga boqolkiiba 50.1% kaas
oo "Range" xuquuq u siinayay gebi ahaanba khayraadka
dabiiciga ah ee dhul baaxadiisu dhan tahay 212,000km2.
Qodobkaas weeye kan hadda uu Madaxweynaha Puntland soo
jeediyey in laga laabto.
Sida ay faafisay
warbaahinta Garowe, madaxweyne Cadde Muuse waxa uu qodobkaas
ku tilmaamay mid aan markii hore laga fiirsan.
Madaxweyna DGPL waxa uu soo
jeediyey in marka qodobkaas laga laabto, la adeegsado habka
cusub ee loo yaqaan qayb-qaybta, habkaas oo suurta gelineya
in shirkado kale heshiis lala geli karo.
Sida warku sheegay, soo
jeedintii Madaxweyne Maxamuud Muuse Xirsi Boqor waxaa ka hor
yimid xubnihii ka socdey shirkadda Range Resources oo
ay la jiraan Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Cali Yuusuf (Dr. Gaagaab)
iyo Liibaan Muuse Boqor (oo ay shirkadaasi dhowaan ku
darsatay guddigeeda).
May
25, 2006 ayay ahayd markii uu agaasimihii guud ee
Range Resources, Mr. Jim Marinis is casiley,
agaasimahaas oo ahaa kii October 2005 shaaca ka qaaday in
Agaasimayaasha Shirkada "Consort" ay ka mid yihiin
wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Puntland.
Xilligaas waxaa agaasimayaasha "Range" lagu daray
Liibaan Boqor.
May
29, 2006 ayey ahayd markii Madaxweyne Cadde Muuse uu
shirkadda Range Resources ku tilmaamay "JIRRI",
markaas ayaa shirkadaasi websiteyadii warkaas Soomaalida u
faafiyey u soo jeedisey hanjabaad.
(Hadalkii
Cadde Muuse ka dhegeyso halkan....
).
Puntland oo maaliyadda
sannadkii soo gasha lagu qiyaasay $35 million oo doolar ayaa
waxaa curyaamiyey musuq-maasuq iyo nin-tooxsi aan dadweynaha
si siman khayraadka dalka loogu qaybin, iyo in uusan jirin
baaarlamaan dowladda la xisaabtami kara. Waxana ay dadka
siyaasadda odorosa tilmaameen in arrimaha cakiran ee
shirkadaha shidaalka lagu qarinayo muqus-maasuqa hoos u
dhigay Puntland.
Waxaa kale oo sii xoojiyey
aaminaad darrada shacabku ay ka qabaan maamulka PL, waa
meesha ay martay lacagta ay shirkadda Range Resources
sheegtay in ay bil kasta siiso
Puntland. Sida uu May 3,2006
shaaca ka qaaday
Wasiirkii hore ee Qorshaynta &
Xiriirka Caalamiga ee DGPL, Cabdiraxmaan Maxamed
Maxamuud (C/Raxmaan Faroole)waxaa jira lacago kor u
dhaafay $3 million oo la qaatay, lakiin aan ku dhicin
khasnadda dowladda.
ka
dhegeyso halkan.
Maanta (Sabti June 17,
2006) ayaa markii ugu Golaha Wakiilada Puntland ay ka wada
hadlayaan arrimo la xiriira Khayradka Dabiiciga, inkasta oo
aysan hore u ansixin wax heshiis ah oo Puntland la gashay
shirkadaha Consort & Range, iyo in aan hore
baarlamaanka Puntland loo hor keenin waxa ku qoran heshiiska
shirkadahaas lala galay ama aanba lagala tashan.
Waxa kale oo Baarlamanka
Puntland (golaha Wakiilada) ay ka wada hadlayaan xeerka
xisbiyada badan ee Puntland.
Sida laga soo xigtey
warbaahinta Puntland, Cadde Muuse oo Sabtidii June 17, 2006
kusugnaa Dubai, kaddib markii uu ka soo laabtay Jarmalka, in
lagu casumey in uu tago magaalada Addis-abbaba ee dalka
Itoobiya, warar kale ayaa sheegaya in uu degdeg ugu soo
laabanayo Puntland maadaama ay isbedelo degdeg ah ka dheceen
Koonfurta Soomaaliya.
- Bishii September ee
2005 ayey ahayd markii Wasiirka
Maaliyada DGPL Maxamed Cali Yuusuf (Dr. Gaagaab) uu Boosaaso
ka sheegay in heshiiska lala galay shirkada lagu
magacaabay "Consort" in uu socon doono muddo toban sano ah
oo ay shirkadaas kula galeen in ay baarto macdanta iyo
shiidaalka iyo shirkadaasina ay degi doonto Boosaaso oo ay u baahan
tahay 3 km, maadaama ay keensanayan DIGAAG ay qayb ka siin
doonaan reer Puntland
Dhegeyso
Hadalkii
Wasiirka.
Isha: Radio Midnimo,
Garoowe, iyo xigasho warar hore
Faafin: SomaliTalk.com |
June 17, 2006
"NSG" Waa Shirkad Caynkee ah
|