SomaliTalk
Home | CD | CHAT | COPYRIGHT | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
CILMI-BAARISTA - SUNTA-SOOMAALIYA

 

XAQIIQADA IYO XOGTA QASHINKA IYO SUNTA LOO DHOOFIYO SOOMAALIYA

Bashir Sh. Mohamed (PhD)
shakiib@hotmail.com
Updated: December 10, 2000

Bogga:  Hordhac | 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad | 6aad | 7aad | 8aad |

Qaybta 7aad

Haddaba markii ay dhacday dawladdii Siyad Barre, aad ayay dadka hawlahan ku shaqi lihi isugu-baaqeen dar-darna u galiyeen sidii mashruuca URANO looga taabbo-gelinlahaa Somalia. 

Warqad ay wada jir ugu saxiixeen magaalada Nairobi 24-kii June 1992-kii Sig. Garelli iyo nin la yiraahdo Sig. Ezio Scaglione (Console Onorario della Somalia in Italia) iyo ninka aadka loogu muransanyahay ee deggan Xamar lana yiraahdo Sig.Giancarlo Marocchino baa laga akhriyey inay wadahadallo la yeelanayaan Soomaali si ay uga helaan dhul ay wasakhdaas ku aasaan. Sidoo kale dhawaan ayuu Marocchino wuxuu qiray isagoo u warramayey Famiglia Cristiana in heshiiskaasi dhacay in kastoo aan hawshaas la fulin buu yiri mar uu dhawaan talyaaniga u yimi in maxkamadda Roma wax ka weydiiso dilkii suxufiyiintii telefishinka Talyaaniga (RAI) sannadkii 1994-kii oo loo tirinayey inuu la xiriiray baaritaanno ay arrimahan ka wadeen maxkamadaas ayaa lagu qaadayey nin soomaali ah oo markii hore waxba lagu caddeyn waayey asii dhawaan xabsi daa’in lagu xukumay isagoo loo haystay inuu qof ka ahaa kooxdii dilkaas samaysay (qayb dambaan kaga hadlaynaa). 

Ninkan Marochino ayaa ah nin aad ugu qasan arrimaha murugsan ee Soomaliya tan iyo bartamihii sanadihii sideetamaadyadii. Sanadkii 1984-kii ayuu Xamar u haajirey isagoo ka soo kicitimay magaalada Genova oo asalkiisu ahaa uuna ku lahaa shirkad baabuurta xamuulka ah. Shirkaddan ayaa dabadeena masaliftay ama kacday iyadoo weliba maxkamaduhu dabasocdaan. Xamar sannadihii hore wuxuu dib ugu noqday hawshiisii hore oo ahayd darawlnimo, dillaalnimo iyo arrimo la xiriira gaadiidka. In yar kaddib wuxuu fursad weyn ka helay mashaariicdii hay’adda kaalmaa dibedda ee talyaaniga ee aynnu kor ku soo sheegnay oo uu qandaraasyo badan ka helay. Markuu Qashinka la sheegay in Bari iyo Nugaal loo dhoofiyey asii Xamar ka soo degay wax laga weydiiyey wuxuu yiri "anigu konteenarrada daabbulidooda uun baan ku shaqo lahaa ilaa garoowe iyo Boosaaso". Ninkan oo soomaalidana aad u dhexgalay (xaaskiisu waa soomaali) ayaa markii dambbe waxaasba ka dallacay oo wuxuu noqday nin si gaar ah ula shaqeeya ciidanka hay’adaha kala duwan ee sirdoonka talyaaniga iyo siyaasiyiinta sarsare ee Soomaaliya danaha kaleh. Markii dambbe oo dagaalkii Qarxayna wuxuu gacanta ku dhigay badannaa hantidii shirkadihii talyaanniga ee koofurta dalka ka qaxay siiba kuwii hisayey waddada u dhaxaysa Marka iyo Afgooye (shirkaddii Salini) iyo tii naaxinta xoolaha iyo beeraha ee Gizoma ee iyana aagga Afgooye ku tiil. I992-kii markii ciidamadii ajnabiga iyo ha’adaha caalamigaahi Muqdisho aadka u tageen ayuu haddana fursad kale u helay inuu aad uga shaqaysto hay’aaha samafalka. 

Dhanka kalese waxaa la sheegay inuu qashinka iyo hubka Soomaaliya loo waarido uu bartilmaameed iyo kala-hage u ahaa. Bishii September 1993-kii ayaa ninkii hoggaaminyey ciidamadii ajnabiga ee xilligaas Xamar joogey, Jeneraal Jonathan Howe, amar ku bixiyey in Giancarlo Marocchino la soo xiro deedna dalka Soomaaliya laga masaafuriyo iyadoo loo haystay inuu aad ugu lug leeyahay keenidda hubka lagu dagaallamo deedna Kenya ayaa loo tarxiilay. Afar bilood kaddib ayaa haddana amarkaas laga noqday.

Sida u caddaynayo Sebri ninkan Marocchino ayaa mashruuca URANO u qaabilsanaa loojistikada gaar ahaan qaybta Soomaaliya. Wuxuu sheegay inay labadoodu ugu yaraan dhawr jeer ku kulmeen kulannadaas talyaaniga iyo ka dhacayey oo loo dhammaa. Markii ugu horraysayna waxay ahayd buu yiri sanadihii dambbe ee sideetanaadkii oo aan Milano ku kulannay. Wuxuu siinayey warbixin Luciano Spada oo uu sheegayey inuu jiray Jeneraal soomaali ah oo ay ahayd in xoogaa laaluush ah la siiyo. Isla meeshaas ayuu wuxuu Marocchino ka soo jeedinayey cabasho ku saabsan la shaqaynta qolyaha sirdoonka talyaaniga oo ay qorshaha iskula jireen waayo buu yiri waa kuwo aan markasta la isku hallayn karin. 

Sebri wuxuu kaloo caddeeyey inuu la kulmay Marocchino dhammaadkii 1993-kii oo ay Milano iyo mar kale ahayd markaasoo ahyd in yar kaddib markii Maraykanku ninkaas ka tarxiilay Soomaaliya. Markan aad buu u caraysnaa marocchino oo wuxuuu hadlayey nin lagu tacadiyey oo ballamihii looga baxay. Wuxuu Marocchino kulankaas ku adkaysanayey inuu mashruucii URANO fuliyey ayna ahayd inuu helo wixii lagu heshiiyey oo uu xaq u lahaa. Isla kulankaas ayaa ninkii ka socday hay’adda sirdoonku isagoo u caqli-celinaya marocchino ballanqaaday inay iyaguna qaybtooda ka soo bixi-doonaan. Waxaa iyaguna arrimahan aad ugu lug lahaa maafiyada talyaaniga gaar ahaan jilbyada Lamonte iyo Fidanzati oo ah laba qabiil oo ka tirsan tol-weynaha maafiyada.

Ugu dambayn Sebri oo ah mid kamida dadka yar oo arrimahan wax ka abaabulay haddana goostay inuu caddaaladda iyo maxkamadaha la shaqeeyo wuxuu tilmaamay qaar kale oo ka mid ah shirkadihii loo adeegsaday fulinta mashruuca URANO sida BAUWERK oo xarunteedu tahay dalka Lichtenstein islamarkana laamo ku leh Manrovia (Liberia), shirkadda INSTRUMAG oo saldhigeedu yahay Lugano (Swizerland) , shirkadda BIDATA (Swizerland).

Bilihii Agoosto iyo September ee isla 1992-kii ayaa xoghayaha hay’ada Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha degaanka (UNEP) ee fadhigeedu yahay Nairobi, Mr. Mustafa Tolba wuxuu ganay "qayladhaan" uu ka digayey shirkado Talyaani ah oo qashin sun ah ku quba Somalia. Ninkaasi markii hore wuu ka gaabsaday inuu sheego magacyada shirkadahaaas waayo, buu yiri, dad badan oo nala shaqeeya ayaan naftooda halis gelin lahaa haddaan magacyo sheegi lahaa. Wuxuu u jeedaa arrimaha waxaa wata Mafia oo ah taliska guud ee khaa’imiinta adduunka xarumaha ugu waaweynna ku leh dalka talyaaninga. Waxay u egtahay in arrimahan awgood UNEP iyo dadka u shaqeeya xilligaas loo caga-juleeyay si ay uga gaabsadaan hawshooda oo ah ilaalinta iyo difaaca deegaanka dunida. Tanina waxay markeeda sharax ka bixin kartaa siyaasadda aamusan oo marka dambe UNEP gadaal kala soo bixi doonto. Dhawr jeer oo aan la xiriirnay ayay sheegeeen UNEP inaanay wax tuhun dhaafsan ka ogayn arrintaas.

Dhawaan waxaa ii suuragashay inaan helo warqaddii bayaankii maamulaha UNEP Dr. Tolba iyo mid isla maamahaas uu soo saaray xafiiska UNEP ee Nairobi qaybtiisa "Information and Public Relation". Halkan ayaan ku soo koobayaa warkii iyo wixii uu qoray Dr. Tolba taariikhdu markay ahayd 9/9/92: 

"Akhbaar ayaa soo gaartay xafiiskayagan UNEP kaasoo la xiriira qashin iyo sun halis ku ah Somalia oo ay ka dambeeyaan shirkado reer yurub ah. Waxaa hadda wadahadal noo socdaa annaga iyo waddamada shirkadahaas laga leeyahay………..Waqtiga hadda ah ma doonayno inaan faahfaahin ka bixinno arrimahan intaas dhaafsan

Isla hadalkiisii ayuu Dr. Tolba haddana dib ugu noqday oo dib u toosiyey:

 "Si looga badbaado buun-buunin iyo war aan la hubin ama sax ahayn UNEP waxay xaqiijinaysaa :

In shirkado laga leeyahay dalalka Talyaaniga iyo Swizerland ay heshiis la galeen qof la yiraahdo Dr. Nur Elmy Osman oo sheegtay inuu yahay wasiirka caafimaadka ee jamhuuriyadda Soomaaliya. Heshiiskaas baa wuxuu dhigayaa in muddo labaatan sano ah (1991 – 2011) shirkadahaasi Soomaaliya u dhoofiyaan noocyada kala duwan ee qashinkaas. Qiimaha waqtigan (1992) ee heshiiska ayaa ah sideetan malyan oo doollar (US$ 80M);

Shixnad kasta oo qashinkaas ah (100 – 150.000 tons) waxaa shirkadahaas ugu jira faa’iido lacageed oo lagu qiyaasay 8 – 10 malyan oo doolar. Shirkadda Swiss-ka ah ayaa iyadu ka helaysa shinadiiba 2- 3 malyan oo doolar iyadoo la qoondeeyay in sannadkiiba la dhoofiya nus-malyan tan oo sun ah (500.000 tons). Waxaa hadda loo dirayaa Soomaaliya wax u dhow hal malyan oo tan oo qashinkaas ah halka dadkii soomaalidu gaajada iyo dagaalka u le’anayaan;

Shirkad Swiss ah ayaa la sheegay inay ku hawllantahay dhismaha labo markab oo ay saaranyihiin qalabka qshinka lagu gubo (incinerators). Maraakiibta waxaa loo adeegsanayaa daabulista qashinka;

Ilaa hadda ma hubno inta qashinkaas Soomaaliya gaartay waxaase aad loo tuhunsanyahay in xeebaha lagu qubay;

Shil kale oo kaas ka geddisan ayaa ka dhacay Woqooyiga dalka (Somaliland) halkaas oo maqsin ay ku jireen 81.200 litir oo sunta cayayaanka lagula dagaallamo oo faaddey ama dhacday uu dab ku qabsaday lana filayo inay halis ku hayso biyaha dadka iyo xooluhu cabbaan oo awalba gobolka ku yaraa. Waxaannu hadda ka fiirsanaynaa sidaan sahan degdeg ah Soomaaliya ugu diri lahayn.

Akhristuhu wuxuu qaylodhaanta Dr. Tolba ka tix-raaci karaa: Halkan [guji] iyo waliba halkan [www.alternatives.com]

Joornaalka FC oo warbixintiisa sii wata ayaa isna xusay in isla beryahaas waxaa la sheegay in Hargeisa laga dejiyey 81 kun oo litir oo ah sunta cayayaanka dhirta oo mid gabowday amase dhacday (u fiirso siday arrimahani isu waafaqsanyihiin).

sun soo caaridey Eeg sawirka oo weyn

Waxay ku qaadatay sida muuqata ilaa shan sano oo kale in hay’adda UNEP fuliso ballantii maamuleheeda Dr. Tolba oo sida bayaankiisa kamuuqata markii hore sheegay inay si deg-deg ah sahan iyo baaritaan Soomaaliya ugu dirayaan. Aakhirtu, waxay UNEP sannadkii 1997-kii u dirtay Xeebaha Soomaalida qaarkood dad cilmibaarayaala oo uu hogaaminayey nin sida la sheegay macallin Chemistry horay uga ahaan jiray Jaamicaddii Soomaalida oo la yiraahdo Mahdi Geeddi Qayad oo muddo bil ah soo wareegay xeebaha badweynta hindiya ee Mudug ilaa J. Hoose oo yaab badan soo sheegay (inkastoo UNEP ay isku dayday inay warbixintaas oo aan loogu talagalin in la wada ogaado ay markii hore isku dayday inay warkaas daboosho). 

Prof. Mahdi Geeddi Qayad1 oo ah mid kamida ah la taliyayaasha hay'adda Qaramada Midoobey u qaabbilsan xagga degaanka iyo bey'ada ee UNEP wuxuu shaqadiisa baaritaanka iyo xog raadiska ah bilaabay 10-kii bishii may 1997-kii. Gaba-gabadii baaritaankaas oo lagu soo sameeyey gobollo badan oo ka mida Somalia, gaar ahaan nawaaxiga xeebaha badweynta hindiya, waxaa lagu soo tebiyey wareysiyo iyo raad-raacyo aan yarayn. Laba arrimood baase xusid gaara mudan: Dhimashadii nin kalluumaystaa oo ku dhintay xeebta Baraawe

Eeg Sawirka oo weyn

kaddib markuu furay bac badda ka soo caariday oo aan la aqoon waxa ku jiray deednna wixii ku jiray ay ninkaas soo gaareen. Arrinta kale waxaay la xiriirtaa haan weyn (tank) uu dhererkeedu dhanyahay illaa 6 mitir oo iyana markeeda xeebta badweynata hindiya ka soo caariday ilaa haddana taal meel u dhexaysa Cige iyo Mareeg (eeg sawirrada haamaha qashinka ee badda ka soo caaryey).


1 Mr. Qayad wuxuu macallin ka ahaa sida lasheegay Jaamacaddii Soomaaliya.

Waxaa wax lala yaabaa hay'adda UNEP waa ay qariyeen wixii ka soo baxay shaqada team-ka Mr. Geeddi hase yeeshee suxufiyiinta ee FC talyaaniga oo iyagu baaritaanka sameeyey waxaa u suuragashay inay nuqul (copy) ka helaan report-kii shaqadaas laga diyaariyey oo ay ku jireen sawirro iyo vedeo-ba.

Suxufiyiintaasi waxay kaloo soo xaqiijiyeen jiritaanka meelo farabadan oo kamida Soomaaliya oo tobankii sanaddood oo ugu dambeeyey (iyo ka horba) lagu aasay ama daadshay sun aad halis u ah (eeg sawirka khariradda sunta). Dhulka koofurta waxaa ugu muhiimsan magaalada Jamaame ee aagga Kismaayo iyo nawaaxiga xeebaha Marka iyo Muqdisho. Sida ay warbixintooda ku muujiyeen 19-kii bishii Agoosto 1996-kii, Mr. Ali Mahdi ayaa isnna si rasmi ah ogolaansho u siiyey nin talyaanni ah oo kamida kuwaan horay u soo sheegnay lana yiraahdo Ezio Scaglione si uu uga aasaaso meesha la yiraahdo Ceel-Baraf rug lagu kaydiyo iyo warshad sii kala hufta qashinkaas suntaa ee dibedda laga soo waarido. Waraysi ay la yeesheen Jen. Morgan ayuu isaguna sheegay in sida uu aaminsanyahay 1992-kii in Warsheekh oo woqooyiga Xamar ku taal lagu gubay qashin haraa nuclear ah. Meelaha kale ee qashimadaas lagu duugay waxaa kamida bay yiraahdeen: Jawhar, agagaarka waddada Boossaasso - Garoowe iyo dhulka u dhexeeya gobolada Bari iyo Sanaag. Intaas oo berriga ah waxaa dheer kuwa badda oo qaar badan ay arkeen kalluumaysatadu.

Mr. Halifa Omar Darameh oo isnna u hadlayey isla UNEP arrimahani waa kuwo welwel weyn nagu haya cawaaqib-xumada ka iman kartana maaha mid soo raageysa oo qura ee waa mid deg-dega qorshahayaguna wuxuu ahaa inaan la dagaallano burcadnimada lagu hayo dhulka iyo xeebaha soomaaliyeed ee baylahda ah. Nasiib darro buu yiri lama ilaalin karo 3300 km oo xeeb ah.

Stefan Weber oo ka tirsan dhaq-dhaqaaqa u dooda saxada deegaanka ee Greenpeace qaybtiisa Swizerlad ayaa isna xaqiijiyey in la hubo in 1992-kii saddex markab oo qashinkaas siddaa gaareen gacanka cadmeed ee xeebaha Woqooyi-Bari Soomaaliya. Tanna waxaad ka qiyasi kartaa inaysan ahayn arrintu hal mashruuc ama mid hal meel laga abaabulo ee ay tahay arrin caalami ah oo cid kastaa ka qaybqaadato.

Si kastaba, baaritaan ay samaysay jaamicad maraykan ah baa aaminsan in sannadkii 1992-kii dhammaadkiisii markii saxaafadda caalamka iyo UNEP ka qayliyeen sunta Soomaaliya loo waaridayey ay taasi keento in heshiiskii dhexmaray shirkadaha reer galbeedkaa iyo askhaastii isku sheegtay inay Dawladda Soomaaliyeed matalaan uu burburay oo laga yaabo in qashinkii soomaaliya loo qoondeeyay intiisii badnayd aanay yurub ka dhoofin. Shirkadahaas oo la kala oranjirey Acher Parteners oo Swiss-ka ka diiwaan gashanayd iyo Progresso Snc oo Talyaaniga ka qornayd ayaa ahaa sidii la filayey noqday "fictitious companies" amase kuwo maqaar-saar ah. Tusaale ahaan shirkaddan Progresso Snc oo uu iyadana Maareeye Guud ka ahaa sida maxkamadaha talyaanigu helaan isla qofka sheegtay inuu Wasiirka Caafimaadka ahaa, Mr. Nur Elmy, ayaa waxaa la ogyahay inay kacday ama masalftay oo liiska shirkadaha ee magaalada Livorno oo saldhigeedu ahaa laga saaray sanadkii 1994-kii.

Akhri Bogga Xiga....

Qore: Bashir Sh. Mohamed
PhD / Researcher
Email: shakiib@hotmail.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD