SomaliTalk
Home | CD | CHAT | COPYRIGHT | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
CILMI-BAARISTA - SUNTA-SOOMAALIYA

 

AFRIKA AWOOD XIRFADEED IYO QALAB MA U HAYSATAA HABAYNTA SUNTAAS
Bashir Sh. Mohamed (PhD)
shakiib@hotmail.com
Updated: December 10, 2000

Bogga:  Hordhac | 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad | 6aad | 7aad | 8aad |

Qaybta 2aad

Waxaan shaki ku jirin in dhoofinta qashinka halista ahi dan u tahay waddamada iyagu soo saara islamarkaana aan awoodda u lahayn kala-hufiddiisa iyo nadiifintiisa. Taasise waxay caqliga gelikartaa oo kaliya marka waddanka loo waaridayaa yahay mid leh awood aqooneed iyo mid tiknoolajiyeed oo u ku hanan karo halistaas isagoo aan marnaba halis galin degaankiisa iyo dadkiisa. Waddamada arrintan oo kale dhexmarto waxaa kamida tusaale ahaan Faransiiska oo u dira in badan oo qashinkiisa nukliyeerka ka soo hara (waa waddanka yurub ku yaal ee leh tirada ugu badan ee xarumaha quwadda nukliyeerka ku shaqeeya dhaliyana tamartaas) dalka Jarmalka oo iyagu hanta islamarkaasna si gaar ah u xafida qashinkaas kuna kaydiya (landfills) si gaar ah loo dhisay oo loogu talagalay inay si la hubo u xafidaan suntaas.

Su'aashu waxaa weeye Afrika ma la barbardhigi karaa Jarmalka xagga tiknoolajiyadda? Jawaabtu waa maya waayo awood dhaqaale iyo mid xirfadeed toona (humanware) uma leh kala-shaandhaynta iyo xafididda qashinkaas halistaa. Waxaan kaloo Afrika lagu ogeyn wax qalab ah oo taas loo adeegsado (hardware). Sidoo kale, maaddaama shucuubta waddamadani horumaray aad arrintaas ugu dhugmo leeyihiin ugana digtoonyihiin cawaaqib-xumada ay dhali karto waxaa jira shuruuc aad u xakamaynaya, soo-saaridda, safrrinta (transportation), dejinta, kala-hufidda iyo kaydinteedaba. Sidaas oo ay tahay ayaan haddana muwaadiniinta reer galbeedku raalli ka ahayn sida dawladohoodu wax ku wadaan gaar ahaan degaankooda iyagoo adeegsada hal-kudhegga caanka ah ee NIMBY ama "Not in My Backyard".

Dhanka kale haddaan jaleecno, waxaa dunida soo koraysa guud ahaan ku yar dadka aqoonta sare leh oo iyagu fahmi kara cawaaqib-xumada ay suntaasi u keeni karto dadka, duunyada iyo degaanka dalalkaasi leeyihiin haddii ay ahaan lahayd cawaaqib-xumo soo deg-degta iyo haddii ay noqon lahayd mid soo daahdaba oo jiilalka dambbe eelkeeda la abbaarta. Waxaa iyaguna aalaaba ku yar qalabka iyo shaybaarrada casrigaa ee baaris xeel-dheer ku samaynkara wixii aan noocooda la aqoon ama lagaba shakiyo isla-markaasna degaankaas la soo gelinayo.

Cawaamishan oo dhami waxay asaas u yihiin ka hortagidda iyo ilaalinta in dalka la soo geliyo qashinka iyo sunta halistaa noocyadooda kala duwan. Haddii xagga bulshada loo kaco waxaa inta badan aad u liita wacyiga qofka dhex-dhexaadkaa ama bulshadoo dhanbba oo aan si aada uga digtoonayn waxa halis ku ah noloshiisa/eeda iyo tan degaankiisa/eeda taasoo markeeda keenta inaan cidina xil iska saarin saxada iyo qadarinta qiimaha bey'adda ama degaanka. Waxay kaloo ka hor-istaagtaa shacabku inuu dawladdiisa kala xisaabtamo arrimahan oo kale oo saamayn toosa ah ku leh caafimaadka iyo mustaqbalka bulshada. Waxaan la isu-qarin karin oo kale in qaar badan oo kamida siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta maamulka Dowladaha soo korayaa ay yihiin kuwo ku caan baxay musuq-maasuqnimo iyo dhaqan-xumo sida laaluush qaadashada iwm. Taasoo keeni karta in ciddii masuulka ka ahayd ilaalinta degaanka ayba gacanyare u noqoto ecomafia-da caalamiga ah.

Intaas oo dhanse waxaa ka daran la'aanta sharuuc iyo qawaaniin (heer waddan) xakamaysa dhoofinta, soo-dejinta, kaydinta iyo kala-hufka (processing) amaba ka dheefsashada hawlaha la xiriira qashinka halista ah. Dowladda ka sokow, sidaan kor ku soo sheegnay, in badan bay dhacdaa in ay dalalkaas dadka u dhashay, siiba kuwa dibedaha wax ka soo dejiyaa ay ka masuulyihiin soo dhoofinta qashinkaas iyagoo heshiis la gelaya ecomafiya-da caalamiga ah oo sidaas halis aad u weyn ku gelinaya jiritaanka iyo tayada caafimaadka dalkooda iyo dadkooda. Ashkhaastan ama kooxdan ayaa iyagu ah inta badan kuwo aad ula socda ama ugu baraarugsan cawaaqib-xumada falalka noocaas ah ee dembiilenimo balse, nasiib darro, waa kuwo ku shaqeeya maskax naf-jeclaysi fikirkeeda ku salaysa iyo calooshi-ushaqaystannimo oo aan inaba dhugmo u lahayn wixii falkooda ka soo gaara dadweynaha iyo deegaanka dalkooda.

Arrimahan oo dhani waxay ka qayb-qaadanayaan ama sahlayaan in si dhib yar loogu xad-gudbbo degaanka, dadka iyo xuquuqda bini'aadanimo ee dadyowga dalalkaas u dhashay iyadoo waliba marar badan Dawladohoodu ku lug-leeyihiin sidii loo hirgalin lahaa "mashaariic" lagu soo waaridayo qashinka ka soo hara warshadaha reer galbeedka noocyadiisa ugu halisan sida kan loo yaqaan "radioactive-ka" ee ka yimaada inta badan warshadaha tamarta nukliyeerka soo saara, kuwa militariga iyo waliba kuwa noocyo gaar ah oo birta ka mida sameeya ama ka shaqeeya. Dhaqanka caynkaas ah (heer bulsho iyi mid siyaasadeedba) ayaa wuxuu kaloo dhiirri-galinayaa inaan cid-na loo raacan marka dembiyada caynkan ahi dhacaan ama isha la isu-dabo.

DANAHA REER GALBEEDKA EE DHOOFINTA SUNTA

Dhanka kale haddii aynnu fiirinno sababaha aalaaba kallifa in waddan qani ah ama horay uga maray xagga warshadaha uu qashinkiisa u waarido waddan faqiir ah (si tuugaysi/sir ah ama si bareer/ula-kac ah) waxaa loo kala saari karaa, guud ahaan, sababo siyaasadeed ama deegaaneed, kuwo dhaqaaale iyo kuwo teknoolajiyeed iwm.

Sababaha siyaasadda waxaa ugu weyn tiiyoo dunida reer galbeedka tobannaankii sanoo ugu dambeeyeyba ay aad u siyaadaysay cadaadiska xagga dadweynohooda ka imanaya kuwaasoo dawladohooda weydiisanaya in la daryeelo degaankooda si deedna noloshooda iyo saxadoodu u noqoto mid aad u sarraysa oo ay kala dhaxli karayaan iyaga iyo dhallaankooda dambe (Sustainable Development, Inter-generational equity, etc.). Qaninimada reer galbeedka ayaa ah mid kasoo askuntay ama salka ku haysa wax-soo-saarka warshadaha siiba kuwa culus. Tan iyo qarnigan 20-aad oo dhan wax-soo-saarka warshaduhu intabadan wuu siyaadayey oo kor uun buu u socday. Dabcan, qashinka ka soo baxa warshaduhuna waa sii siyaadayey oo xiriir toos ah ayaa labada ka dhexeeya. Sidoo kale mar kasta oo dakhliga qofka dhexdhexaadkaa ee reer galbeedkaahi sii kordhaba waxaa siyaadaya caddadda ashyaa'da (products) iyo tasiilaadka (services) uu iticmaalyo taasoo markeeda qayb weyn ka ciyaaraysa kororka xad-dhaafkaa ee qashinka.

Dadweynaha dunida warshadaha waaweyn leh ayaa si cad u codsanaya in wasakhda iyo dikhowga bey'adda aad loo yareeyo tiiyoo aan tirada iyo tayada wax-soosaarku marna is-dhimin. Haseyeeshee marka la eego tiknoolajiyadda maanta dunida reer galbeedku isticmaasho, oo ku shaqaysa inteeda badan batroolka oo ah isha ugu muhiimsan ee tamarta, ayaanay haddaba yoolkaasi ama ujeedaasi ahayn mid u sahlan in siyaasiyiintoodu hirgaliyaan waqtiga dhow. Dhanka kale maadaama wacyiga dadweynohoodu aad u sarreeyo waxaa muran weyni ka taaganyahay halkii tusaale ahaan lagu gubi lahaa ama lagu aasi lahaa xitaa qashinka caadigaa ee magaalooyinku soo saaraan (NIMBY Slogan). Qashinka nukliyeerka ka soo hara isga warkiisa iskaba daa!. Waxaa iyana jirta in qawaaniinta la xiriirta soo-saaridda, kaydinta, iyo kala hufidda qashinka ee waddamadani ay yihiin kuwo aad u adag loogana taxadaray si aad loogu xaddido dhibaatada qashinkaasi degaanka iyo dadkaba u keeni karo. Nasiib darro, sidoo kale inta badan waddamadaasi ugama taxaddaraan qawaaniinta la xiriirta dhoofinta qashinkaas halistaa ee aanay marnna la rabin dhulkooda iyo degaankooda!

Sida la ogyahay, xitaa markii qawaaniin caalami ahi laga soo saaro xakamaynta arrimahan iyo kuwa la halmaala (isbedelka cimilada adduunka, iwm) sida muwaafaqadii Kyoto waddamada warshadaha ku horreeyaa ee inta badan ka masuulka ah dikhowga deegaanka dunida (sida hawada, iwm) waxay doonayaan inay qaataan qaybtii (share) dunida soo koraysa oo aan iyagu warshadaha lahayn iyagoo adeegsanaya lacag. Hase yeeshee, waxaa jira waxyaalo badan oo aan lacagtu goyn ama aan la gadan karin sida saxada, caafimaadka, hawada nadiiftaa, iwm. Nasiib darro, dunida soo koraysa oo awooddeeda siyaasadeed iyo teeda dhaqaalaba yartahay ayaa intabadan u hogaansanta waxa ay hadba la ahaato waddamada warshadaha leh.

Sababaha dhaqaalaha oo dhoofinta sunta ka dambeeya ayaa iyaguna ah kuwo aad xiriir ugala dhexeeyo kuwa siyaasadda ama cadaadiska bey'adda lagu hayo. Haddiise aan isku-dayno inaan aad u fududaynno, sababta dhaqaale ee ugu weyni waxay tahay iyadoo kaydinta iyo kala-hufka qashinku ay tahay mid aad iyo aad qaali u ah sababtuna tahay tiknoolajiyadda loo baahanyahay in loo adeegsado si khatartiisa aad hoos loogu dhigo. Qarashkaas ayaa ah mid aan marnna la bar-bar dhigi karin qarashka qashinkaas ku baxaya haddii loo dhoofiyo waddan aad u fog oo faqiir ah halkaasoo aan inta badan waxba lagu samayn si hoos loogu dhigo halistiisa (untreated toxic waste) ee sida loo sii wado ama badda lagu shubo ama berriga lagu aaso iyadoo aan xitaa loo aaboyeelayn waxyaalaha asaasiga ah ay ka mid yihiin in meeshu (site) ku haboontahay in qashinkaas lagu aaso iyo inkale (meel dadka iyo xooluhu ku badan yihiin, nooca ciidda, biyaha ceelashu ma yihiin kuwo gun dhow, iwm). Haddii aan qiyaas ka bixinno qashinka xakamayntiisu wuxuu dunida horumartay ugu kacaa maal iyo maskax aad qaali u ah iyadoo waliba aan intaas dhibkiisu ku dhammaan.

Daraasad ay samaysay Jaamicadda la yiraahdo American University ee Washington (1996) waxay ku qiyaastay in hal tan oo qashin ah ay ku baxdo ilaa US$ 3000 marka ay noqoto in waddankii soo saaray nadiifintiisa iyo xafididdiisana u qalab-qaato halka ay haddii qashinkaas loo dhoofiyo dunida soo koraysa ay ugu kacdo waxaan ka badnayn US$ 5 (shan doolar) halkii tan-ba. Laakiin daraasadani xisaabta kuma darin dhibka, kharashka iyo khaasaaraha ay marka dambbe waddanka dambbe ee faqiirkaa ugu kacayso suntaas uu la soo degay hadday ahaan lahayd caafimaadka iyo habsami u noolaanshaha dadkiisa, duunyadiisa iyo saxada guud ee bey'addiisaba ama hadday ahaan lahayd qarashka ku baxaya haddii la damco in dib loo sifeeyo dhulka la sumeeyey. Tan dambbe, haddiiba ay dhacdo, waxay waddanka soo koraya ku kallifaysaa inuu dib u soo kireysto ama u soo gato tiknoolajiyadda, khubarada iyo "know-how-ga" reer galbeedka kuwaasoo ugu kici kara in ka badan intii ay reer galbeedka markii hore ugu kici lahayd haddii ay qashinkooda waddamadooda ku habayn lahaayeen.

Dhoofintiisu marka waa mid aad u soo jiidanaysa cid kasta oo ujeeddadoodu tahay inay u soo xasisho faa'iido (profit) aad u sarraysa islamarkaasna deg-deg ah hadday rabto yaanayba ahaan mid soo xasilinteedu sharciga waafaqsantahaye;

Xagga sababaha tiknolajiyada waxaa ka mida iyadoo aan waddan kastaa haysan tiknoolajiyadda loo baahanyahay si qashinka uu waddankaasi soo saaro loo mariyo dariiqada loogu talogalay si aad loogu yareeyo awoodda waxyeel ee isla qashinkaas. Waddamo kale ayaa iyagu jira oo iyagu tiknoolajiyaddii qaar haysta asii aan wada dabooli karin baahida jirta oo waxaa kala badan qashinkii ay soo saarayeen iyo awoodda qalabka ay u haystaan sidii dhibkiisa loo xaddidi lahaa. Si kastabase ha ahaatee arrinta tiknoolajiyaddu waxay dib dabada ula galaysaa xisaabtanka xagga dhaqaalaha oo waxay u egtahay in dalalka qashinka suntaa soo saaraa qaarkood ay u fududaato ama u qarash yaraato inay qashinkooda qolo kale u diraan intii ay maalgalin aad u weyn ku samayn lahaayeen dhidibbo-u-taagidda tiknoolajiyaddaas oo aan lafteedu dhib ka marrayn waayo sidaan soo sheegnay qalabka iyo warshadaha qashinkan sii kala hufa ama sifeeya ayaa laftodu halis ah dhisiddooduna intabadan ma sahlana.

Arrintan isu-dhoofinta qashinka ee dhexmara wadamada ka horumaray xagga warshdaha ee ku bahoobay ururka loo yaqaan OECD (Organisation for Economic Cooperation and Development) ayaa ah laftigeedu mid hadda laga shakisanyahay waayo xisaabtii qashinka u kala goosha waddamadaas dhexdooda ayaa iskeeni la'. Tusaale ahaan sanadkii 1997-kii xarunta laga maamulo Axdigii Basel ee xakamaynayey hawlaha noocaan ah ayaa waxay soo saartay warbixin sheegaysa in markii la xisaabay qashinkii waddamadaas warshadaha leh u kala gooshay sida kan ay isu dhoofiyeen iyo kii ay la soo kala degeen (tiyoori ahaan waa in labadu is-le'ekaadaan waayo waxaan ka hadlaynaa waddamaas oo kaliya) la waayey meel ay jaan iyo cirb dhigeen qiyaastii 46 - 60% qashinkii la dhoofiyey. Maxaa kuu baxay? Waxay u egtahay in qashinkaasi aanu waddamada OECD ee tiknoolajiyada leh aadin (waayo waa qaali) ee uu ku dhammaaday badaha iyo berriga dunida soo koraysa.

Akhri Bogga Xiga....

Qore: Bashir Sh. Mohamed
PhD / Researcher
Email: shakiib@hotmail.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]