SomaliTalk
Home | CD | CHAT | COPYRIGHT | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
CILMI-BAARISTA - SUNTA-SOOMAALIYA

 

XAQIIQADA IYO XOGTA QASHINKA IYO SUNTA LOO DHOOFIYO SOOMAALIYA

Bashir Sh. Mohamed (PhD)
shakiib@hotmail.com
Updated: December 10, 2000

Bogga:  Hordhac | 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad | 6aad | 7aad | 8aad |

Qaybta 4aad

1. GOGOLDHIG

Qoraalkii kan ka horreeyey ayaan guud ahaan ku eegay, walow uu ahaa mid kooban, baaxadda, sababaha iyo siyaalaha loogu dhoofiyo qashinka halista ah ee ka soo hara warshadaha reer galbeedka, sida daawooyinka iyo chemicals-ka kale ee dhacay, dambaska wasakhda reer magaalka oo la gubay iyo haraaga suntaa ee isbitaalada iyo qaar kaloo badan oo aan halkan lagu soo koobi karin.

Waxaan farta ku fiiqnay in qashinkaasi inta badan loo dhoofiyo dunida soo koraysa gaar ahaan Africa iyo Latin America walow ay la wadaagaan waddamo ka mid ah Asia (sida Hindia, Syria, Libiya, iwm). Africa dhexdeeda ayaa waddamada ugu horreeya xagga marti-galinta qashinkaas waxaa la isku-raacay inay safka hore kaga jirto Jamhuuriyadda Soomaaliya taasoo ku cad war-bixino, baaritaanno iyo war-saxaafadeedyo aad u farabadan oo laga sameeyey meelo badan oo dunida ka mid ah.

Arrintan waxaa dhawaan xaqiijiyay oo ku nuux-nuuxsaday in Soomaaliya tahay mid ka mid ah meelaha ugu halisan adduunka ee sunta radioactive-ka ah lagu shubo ninka madaxda u ah guddi baarlamaanka talyaannigu u saaray sannadkii 1997-kii inuu arrimahan soo baaro. Onorevole Massimo Scaglia oo ka mid ah xisbiga cagaaran ee talyaaniga (Verdi Italiani: www.verdi.it) oo guddigaas hawshiisa baarlamaanka talyaaniga warbixin ka siinayey ayaa bishii november ee sanadkan 2000 xaqiijiyey in hadda arrintan la hubo.

Wuxuu kaloo xaqiijiyey isagoo adeegsanaya warbixino ay ka heleen qolyaha sirdoonka iyo maxkamadaha arrimahan baara in dhoofinta qashinku weli socoto. Wuxuu wel-wel weyn ka muujiyey in laga yaabo in ciidamadii talyaanniga ee tegay Soomaaliya intii u dhaxaysay 1993 iyo 1995-kii laga yaabo inay halkaas kala soo noqdeen aafo iyo dhib suntaas ka soo gaartey (hubi: halkan [www.corriere.it] ama halkan [www.verdi.it]). Mararka qaarkoodna waxaa ciidamaadaas lagu amrray inay xidhaan tuutaha ama labiska gaarka ah ee la iska xijiyo suntaas.

SomToxicWaste Guji Halkan si aad u aragtid sawirka oo weyn.

Waxaa wax laga xumaado ah in On. Scaglia aanu marnna soo hadalqaadin dhibka ummadda soomaaliyeed iyo dadka masaakiintaa dembigaas lagu falay ka soo gaaraya. Waxaa hubaal ah in Dowladda talyaanigu ugu yaraan qaar kamid ah meelaha suntaas (eeg khariiradda sunta) lagu shubay ay ogtahay halka aan dadka dhulkaas ku nooli waxba kala socon1.


1 Waxaannu u dirray On. Scaglia farriin cabasho ah oo islamarkaasna aan kaga dalbaynay inaysan arrinta dhanka talyaaniga uun ka eegin ee ay tixgaliyaan dadka xuquuqdoodii lagu xadgudbay. Waxaan ku weydiisannay in talyaannigu caddeeyaan oo tilmaamaan dhulka iyo meelaha aafadaasu saamaysay si ugu yaraan loo go’doomiyo, dadka iyo duunyadana looga durkiyo. Ilaa hadda waa sugaynaa jawaabtii.

Waxaa kaloo arrintaas sii muujinaya in ciidamadii Canadian-ka iyo kuwii Maraykanka ee isla xilligaas dalka tegay ay dhawr-jeer xirteen qalabka dadku iska xijiyo ama ka difaaca halista sunta radioactive-ka. 

Gaar ahaan tobankii sano oo ugu dambeeyey (sanadihii sagaashanaadkii) ee waddanka soomaalidu baylahda ahaa ayaa la quuddarraynayaa in xaddiga ugu badan ee qashinkaas dilaaga ahi dalka gaaray. Asalkiisa ayaa lagu sheegay qashinkaasi inuu yahay mid ka yimaada meelo kala duwan sida ay u kala duwanyihiin noocyadiisa iyo waxyeelladiisuba. Noocuu rabo qashinkaasu ha ahaadee waxaan marleyba meesha ka maqnayn shirkadaha qashinka ka shaqeeya ee waddamada reer-galbeedkaa siiba kuwa dalalka Talyaaniga iyo Swizerland.

Halkan waxaa xusid u baahan laba arrimood: Waa midda horee shirkadahani oo iyagu isku-diiwaan galiya inay yihiin ama ku takhasuseen hanashada (handling), kala-sifaynta (processing), nadiifinta (Recycling and Recovery à "R-codes") iyo xafididda (Disposal operations à "D-Coes") haraaga qashinka ayaa inta badan ah shirkado aad u waaweyn kuwaasoo xiriir ganacsi oo isla qashinka khuseeya la yeelan kara waddamo kale (taasoo ay laakiin tahay in la waafajiyo shuruudaha Axdiga Basel islamarkaana isu-gooshka qashinkaasu uu ku ekaado oo kaliya waddamada OECD oo kaliya). Sidaas awgeedna waxay dibedda ka keensankaraan qashin si ay uga khidmad qaataan nadiifintiisa ama xafididdiisa taaso u daliil ah in qashinka waddan laga dhoofiyaa uu san markasta ka iman oo kaliya waddankaas ee laga yaabo inuu ku jiro qashin halisa oo waddamo kale ka yimi;

Waa middeeda labaaaade, waxay shirkadahaasi waaweyn (multinationals) leeyihiin shirkado yar-yar oo ay kor ka maamulaan hawsha inteeda badanna fuliya. Marar badan, sida marka la dhofinayo qashinka suntaa, waxaa si ula-kac ah oo aad loo abaabulay loo abuuraa shirkadahaas yar-yar oo maqaar-saar ah (ghost companies) oo hawshaas lagu xawilaa deedna markii hawshu fusho waa la baabi'iyaa si raadkeedaba loo waayo. Xeeshaas ama khiyaamadaas ayaa ah mid la mida tan ay isticmaalaan dadka ama shirkadaha hantida badan ee doonaya inay ka baxsadaan canshuurta waddamadooda islamarkaasna shirkada caynkaas ah oo magac-uyaal ah ka samaysta dalalka yar-yar ee sharcigoodu ogolyahay inaan hantidaas la dabagalikarin. Waddamadaan waxaa ka mida Swizerland, Monaco iyo Lichtenstein. Inta badan xiriir toos ah baa labada ka dhexeeya. Waxaa la dhihi karaa waa mid ka mid ah sababaha shirkadaha waddamadan ka diiwaangashani inay yihiin kuwa ugu daran ee dhoofiya qashinkaas iyadoo ay dhici karto inaanay xaqiiqatan ahayn shirkaddaasi Swiss ee tusaale ahaan laga leeyahay Talyaaniga oo daris la ah asiise laga diiwaan galiyey Swiss-ka mar haddii halkaasi tahay "beytul-ammaan".

Talyaanigu isagu aad buu dhankaas uga duwanyahay Swizerland. Maxkamaduhu cidday rabaan ayay baarikaraan, kantarooli karaan ama daba-gal ku samayn. Nasiib darro, laakiin, waddankan dambbe ayaa isagu caan ku ah mid tan Swiss-ka ka daran oo ah inaan marna la kala saarikarin arrimaha ay ka midka yihiin siyaasadda (iyo siyaasiyiinta), caddaaladda, ciidamada, hay'adaha sirdoonka militariga iyo kuwa aan militariga ahaynba, qolyaha customs-ka, mafia-da, iwm. Waxaa inta badan dhacda in wixii oo la ogyahay oo dambi ah aan cidina wax saasa ka qaban waayo xagga hogaanka sare ee siyaasadda iyo kan caddaaladda ayaa qolyaahaasi naas-nuug ka haystaan haddaanay-ba wax isugu jirin. Waxaa halkaas inta badan ku rajo-beela wax kasta oo dabagal maxkamadeed lagu hayey. Marar badan waxaa dhacda in xaakim-ku intaanu shaqada baariddaba bilaabin faraha ka qaado ama uu si kor-ka-mar ah aan aad looga baaraan-degin u hirgaliyo hawshaas waayo wuxuu ogyahay in markuu dhabarka isaga jabiyo xagga sare arrinta looga soo ducaynayo isaguna tiisa halis u geli karo ama shaqadiisa ku waayi karo.

Sidaan arki doonno baaritaano badan oo qashinka Soomaaliya talyaanigu ku qubo maxkamada badani ku wadeen oo rajo laga lahaa in la ogaado cidda masuuliyadda leh ayaa laga quustay muddo kaddib markii xaakimiintii-ba ama jagadii laga qaaday ama la yiri dacwaddani idinku shaqo kuma lihidin ee maxkamad hebla u gudbiya (maxkamad kale oo "kooxda" ka mid ah) oo deedna halkaas ku arrintu ku gabaabsido. Inkir, asaraar, hanjabaad iyo laaluush aan xad lahayn ayaa arrimahani ku dhammaadaan. Waa sheeko dheer oo aan halkan lagu soo koobi karin balse waxaa inoola galay sheekooyinka gadaal ka imandoona oo ah kuwo aad mooddo run ahaantii inay filin yihiin sida ay u dheceen ama u socdaan ilaa hadda filinkaasoo inta badan lagu jilidoono dalalka Talyaaniga iyo Soomaaliya ayaa 95% jilayaashu yihiin dad dhalashadoodu ajnabi ku abtirsato oo u badan talyaanni (siyaasiyiin , militeri, mafia, ganacsato, xaakimiin, wadaaddo, ciidamada sirdoonka, suxufiyiin, dullaaliin, iwm).

Waxaan shaki ku jirin in uu yahay filinkaasi mid cawaaqib-xumo ku reebaya ama mar horaba baday ummadda soomaaliyeed iyo degaankooda oo si gaara khiyaamadan u eersaday. Waxaan aad looga rajo-qabin, inta la ogyahay oo ka qiyaas qaadanaysa wixii ilaa hadda dhacay, in Dawladaha iyo dadkooda mahtalakadaas ka dambeeyey ka gar-baxaan ummadda soomaaliyeed isla markaasna mag-dhaw u qalma ka siiyaan masiibaday u geysteen. Rajo xumadaas waxaa qayb libaax ka qaadanaya sida uu yahay xaalka Soomaaliya. Waxaa kaloo xanuun leh in qiyaastii 5% oo jilayaasha ka mid ahi ay ku hadlaan afka soomaaliga (ma hubo in soomaali lagu sheegi karo). Sidaynnu soo aragnay sharciyadii caalamiga ahaa waa ku fashilmeen inay dhibkan joojiyaan. Arrintu waxay isugu biyo shubanaysaa waddan walbaa inuu naftiisa isu difaaco oo aanu cid kale iyo qaynuun caalami ah toona isku hallayn isagoo waliba maalgalin weyn ku samaynaya aaladaha ugu casrisan ee dhibkaas lagaga hortago ama kuwa lagu baaro.

Qaybtan labaad ee qoraalka ayaa si gaar ah u eegaysa Soomaaliya iyo sida mafia-da reer galbeedku qashin-qubka uga dhigteen. Akhbaarta iyo xogta aan halkan ku soo tebinayo ayaa ah dhammaanteed, anoo weliba aad u soo koobaya, mid aan ka soo minguuriyey ilo saxaafadeed, kuwo siyaasadeed (sida baaritaanadii ay sameeyeen baarlamanka talyaanigu), kuwo xagga academia-da ama daraasado arrinta lagu sameeyey iyo kuwo aan ka helay hay'ado caalami ah.

Sidaan horay u xusnay arrimahan xooggooda ayaa ku abbaarmay xilli aanay soomaaliya ka jirin dukuminti iyo diiwaanno toona sida aanay u lahayn Dawlad daryeesha daneheeda, ilaalisa oo u ololaysa xuquuqda shacabkeeda. Sidoo kale ma jirin wax siyaasad iyo istaraatiijiyad ah oo ku waajahan horumarinta, ilaalinta iyo hab-sami uga manaafacaadsiga degaanka Soomaaliya (marka laga reebo tilaabooyin xaddidan asii yididiilo leh xagga xurmaynta iyo xafididda degaanka oo ay sanadihii ugu dambeeyey ku dhaqaaqeen qaybaha waddanka ee ay ka jireen maamul goboleedyadu sida xannibidda dhoofinta dhuxusha, dheddigga xoolaha, duurjoogta iwm).

Sidoo kale sababaha aynnu kor ku soo sheegnay awgood sahal maaha in xaqiiqada dhabtaa oo dhan waddamada iyagu dhibkaasu ka yimi oo suntaas soo waarido laga helo. Mararka qaarkood dekedo yar-yar oo aan waxba laga diiwaan gelin baa suntaas laga diraa. Marar kale waxay ku dhooftaa magac kale iyo inay tahay alaabo kale. Sidaa awgeed akhristuhu waa qiyaasi karaa sida aysan sahal u ahayn in xogta iyo xaqiiqada oo dhan la helo xitaa haddii waqti, maal iyo maskax badan loo huro. Taasi waxay ku tusaysaa in xitaa markii, haddiiba ay dhacdo, wax laga ogaado arrimahan ay markasta badantahay intaan la ogaan. Dowladaha waaweyn oo haysta dayax-gacmeedyo, ciidan iyo shaqaale u gaara arrimahan oo si gaara loogu carbiyey iyo waliba aalad kasta oo lama huraan u ah ka hortagga, la dagaalanka iyo xal u helidda mushkiladahan oo kale (markii ay faraha ka baxdo) ayaa tab iyo maara u la'.

Markii dhanka Soomaaliya laga eego waxay u egtahay inta ka warhaysaa ama arrimahan isku-taxalujiyaa inay u badantahay qolyihii filinka wax ka jilayey ee aan kor ku soo tilmaannay oo iyagu ah kuwa u gacan haadiya shisheeyaha xalaashaday xuquuqdii iyo sharaftii Qarankii Soomaaliyeed gaar ahaan waqti uu ku sugnaa marxaladdii ugu adkayd ee soo marta walow sida baaritaannadan ka soo baxday arrintu socotay tan iyo bilowgii sannadihii sideedtamaadkii markaasoo ay u egtahay in ay qorshayaashan qaar wax ka ogeyd Dawladdii Militeriga ee xilligaas dalka xukuntay.

Akhri Bogga Xiga....

Qore: Bashir Sh. Mohamed
PhD / Researcher
Email: shakiib@hotmail.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]