3.
MASHRUUCII URANO
(Progetto Urano)
Sannaddii 1987-kii dalka talyaaniga isagana mashruuc kale caalami ah baa
laga qabanqaabiyey oo saldhigiisu ahaa magaalooyinka Roma iyo Milano.
Mashruucaas oo la oran jiray URANO waxaa ujeedadiisu ahayd in saddex meelood oo
lama-degaanka Saxaaraha, Somalia iyo meel kale oo Asia ka mida lagu aaso caddad
aad iyo aad u farabadan oo qashin suna iyo haraa chemicals ah oo noocyo badan
isugu jira. 15-kii Agoosto ee isla sanadkaas ayuu dhacay ansaxinta mashruucaas
oo ay saxiixeen niman khaa’imiin ah oo kala yiraahdo: Elio Sacchetto oo ka
socday shirkada Minera Rio de Oro oo saldhigeedu yahay magaalada Lugano ee
dalka Swizerland iyo Luciano Spada oo ka socday shirkadda Instrumag isla
markaasna ahaa ninka u qaabilsan arrimaha kobcinta dhaqaalaha ee xisbigii
waayahaas ugu weynaa Talyaaniga ee shuuciga ahaa ee PSI (Partito Socialista
Italiano) ee madaxda ka ahaa Bettino Craxi..
Dhanka kalana, ninka mashruuca calanka u siday oo xayaysiiska u samaynayey
waxaa la yirahdaa Guido Garelli oo ah nin ka mida kuwa ugu khaa’insan inta
maxkamadaha talyaanigu daba-joogaan dhawr jeernna loo xabbisay inuu dhoofiyo
qashinka suntaa iyo hub uu ugu bedelo dadka uu jaalka kala yahay waddamada
afrikaanka. sida baaritaan lagu helay ninkani wuxuu ku shaqaysanjiray saddex
Identity ama aqoonsi (saddex wajiile) oo kala ah: Mid Soomaali ah, mid Talyaani
ah iyo mid Muwaadin Saxaaraha Galbeed (Polisario).
Arrinta mashruucani maahayn mid qarsoodi ah, sida documents-ka laga
akhriyeyna dhoofinta wasakhdaasi waxay ahayd mid waafaqsan (ama waraaqaha lagu
waafajiyey) sharciga Talyaaniga iyo kan adduunkaba (International Law).
Waxyaalaha lagu taxay inay meelahaa u dhoofinayaan waxaa ka mid ahaa sunta
cayayaanka oo dhacday, haraa daawoowyin iyo qashinka warshadaha iyo waliba, bay
yiraahdeen, qashin haraa ah oo aan noocisa la aqoon ama isku-jir ah.
Laga yaabee in akhristuhu is-yiraahdo sidee taasi sharciga u waafaqsantahay:
xilligaas (1987-kii) ma jirin mana dhaqan galin wax sharci ah oo caynkaas ah oo
caalamku isku-raacay oo dhibkan oo kale hor-istaagi karey. Markii ugu horraysay
1989-kii ayaa Qaramada midoobay kaladhigii 44-aad ee Golaha loo dhanyahay (UN
General Assembly) ayaa dhibaatooyinka caynkan ah ee dalalka soo koraya laga
dooday. Isla halkaas waxaa lagu guddoonsday resolution-kii lambarkiisu ahaa
44/226 kaasoo lagu
xaddidayey “traffic in toxic and dangerous products and wastes”. Sidoo
kale Axdiga Basel oo
ah heshiiska ugu weyn ee heer caalami loogu talagalay in dhoofinta qashinka
suntaa lagu xakameeyo ayaan xilliga mashruuca Urano la jaan-dhigayey
isna jirin. Heshiisyada kale sida kii
Bamako ee Ururka Midowga Afrika ayaa iyagu ahaa goordambe inkastoo, sida
muuqata, intuba ku guuldarraysteen joojinta suntaas.
Sidoo kale sharci kasta oo la dejiyaa dal-dalool ma waayo. Gaar ahaan dalka
Talyaaniga oo kamida saldhigyada waaweyn oo arrimahani ka duulaan ayaa caan ku
ah inaan sharciga inta badan siduu yahay loo fulin oo aalaaba qof/shirkad
waliba intay suuf iyo xanjo isku dhejiso wixii oo sharciga aan waafaqsanayn
haddana kuu tusaya inaysan sidaas ahayn. Tusaale marka qashinka la dhoofinayo
cidina/shirkadna ma qirato inay qashin halis ah dhoofinayaan ee waxaa dekedda
lagu saara tusaale ahaan in ay tahay daawooyinka lagu nafaqeeyo ama bacriminta
ciidda, daawooyin kaalmo ban’aadannimo loo wado, iwm.
Waxaa hubaal ah in waxa farqiga sameeyaana aanay ahayn qaynuunka ama
sharciga oo kaliya ee waa inay jirto u heellanaan iyo rabitaan siyaasadeed oo
dhab ah sidii shuruucdaas la dhaqangelin lahaa. Waxaa tani keentaa in la
xoojiyo ka hortagga dambiyadan iyo in aad loo adkeeyo kontoroolka iyadoo si ku
habboon loo qalabaynayo loona tababarayo cidda hadba arrimahaas u xilsaaran.
Dhanka kalese dhaqanka muwaadinka iyo bulshada sharcigaasi khuseeyo ayaa iyana
qayb qaata bilidda ama baajinta hirgalinta sharciga hadba meeshaas ka jira. Run
ahaantii waxay u muuqataa in dhaqanka talyaaniga iyo kan soomaalidu xagga ku
tumashada sharciga iyo fududaysiga xilka iyo waajibaadka aad bay isaga
shaabbahaan lagana yaabo inaan in badan iyaga ka barannay. Dabcan taasi waa
sawir guud ee loogama jeedo in soomaalida ama xitaa talyaaniga aan laga helin
dad daacad ah.
Sida ay qabaan documents kale oo aan hellay ayaa tilmaamaya in
mashruucaas Urano aan markiisii hore loogu talagelin Somalia ee loola
jeeday oo kaliya Saxaaraha Galbeed. Jabhadda Polisario oo gacanta ku
haysay gobolkaas ayaa loogu ballan-qaaday hub farabadan oo ay u adeegsadaan
halganka ay kaga soo horjeedaan xukuumadda dawladda Marooko.
Arrintu waxay xagga Somalia u jan-jeersatay, sida uu dhawaan waraysi ku
sheegay nin kamida hawl-wadeennadii mashruucaas
Sig.
Giampiero Sebri , kaddib markii Dawladda Marooko arrintii ka warheshay oo
ay xagga Faransiiska ka cadaadisay in la xannibo qorshahaas (FC:
Gli Affari Sporchi dalle
Facce Pulite).
Ninkan Sebri ayaa isagu ahaa ninka boorsooyinka u qaada oo u khidmeeya (portaborse)
Luciano Spada oo aynnu soo sheegnay ahaana nin geesnna ganacsade weyn ka ah
geesna xagga maaliyadda iyo lacag uruurinta (fund raising) u qaabilsanaa
xisbigii markaa Talyaaniga u talinayey. Sig. Sebri wuxuu kaloo isla waraysigaas
oo uu dhawaan (1/10/2000) saxaafadda siiyey ku sheegay in Sig. Spada uu kor ka
sii Xukumay ninka qanigaa ee u dhashay Maraykanka asalkiisuna Talyaanni ka soo
jeedo ee la yiraahdo
Nickolas
Bizzio.
Ninkan dambe oo isagu deggan Monaco shirkadana ku leh Talyaaniga, Swizerland
iyo Ireland ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dadkii lugta weyn ku lahaa
mashruuca Urano isagoo maafiyada caalamiga ahna xarka badan iyo xiriir
la leh. Wuxuu kaloo isaga iyo Spada in badan ka shaqaysan jireen Qaaradda Latin
America gaar ahaan waddamada Haiti iyo San Domingo oo ay sannado badan
qashinkaas u dhoofinayeen halkaasoo
Sig. Sebri
in badan goob joog ka ahaa. Sannadkii 1989-kii ayaa waxaa “kooxda” gabay Spada
oo geeriyi haleeshay. Deednna Sebri oo halkaas ku agoomoobay ayaa waxaa la
wareegay Nickolas Bizzio.
Waxaa kaloo kooxda (maamulka sare) ka mid ahaa Guido Garelli oo ka masuul
ahaa Polisaario (saddex wajiile) iyo shirkad la oranjiray Odino Valperga
oo talyaanni ah oo maraakiibta dhista. Sebri wuxuu boss-kiisii hore ka
soo xigtay in Bizzio uu sidoo kale qandaraas kaga qaato qashinka ciidamada
badda ee maraykanka oo intuu talyaaniga keeno haddana u rari jirey Yurubta Bari
siiba xudduudda u dhaxaysa Polland iyo Ruushka. Arrintan waxaa kaloo caddeeyey
Maxkamad ku taal magaalada Torino iyo weliba Bizzio laftiisa oo sheegay inuu
Maraykanka ka qaato qandaraasyadaas halkii tan oo qashin ahna uu ka dheefo kun
dollar (US$ 1000 per ton) iyadoo buu yiri waliba ay iyagu konteenarrada ku
alxamayaan markabkana kuu saarayaan. Urano ayaa isna asalkiisii aan loo
askumay in meel loo helo qashinka talyaanniga ee loola jeeday kan ciidamada
maraykanka.
Waxaan ilaa hadda si fiican u caddayn kaalinta hay’adaha sirdoonka
talyaaniga iyo weliba cutubyo ciidanka qalabka sida ka tirsan oo mar kasta
saraakiil iyo dad ka masuul ahi fadhiyeen miis kasta oo mashruuca Urano looga
dooday ama lagu gorfeeyay. Segri wuu ka gaabsaday inuu saraakiishaas
magacyadooda sheego isagoo naftiisa u baqay awgeed. Tan kaliya oo la hubaa sida
Sebri tebinayo waa in siyaasiyiintii waagaas ugu sarreeyey uguna awoodda badnaa
dalka Talyaaniga ee ka tirsanaa xisbiga hantiwadaagga ee PSI ay arrintan aad
lug ugu lahaayeen. Waxaa deedna halkaas laga qiyaasi karaa in sirdoonka iyo
ciidamada Dawladda ama hay’adaha kale ay isla siyaasiyiintaas u adeegayeeya.
Xiriirka Spada iyo siyaasiyiintaasi kuma ekayn oo kaliya xagga xisbiga iyo
hanti-raadinta ee wuxuu ahaa oo kale “Longa Manus” oo waqtigaa PSI u
qaabilsanaa xagga iskaashiga dhaqaalaha caalamigaa iyo arrimaha kaalmada (International
Cooperation ama Cooperazione allo Sviluppo).
Mashaariicda qorshahan dambbe Soomaaliya ka fuliyey kuwii ugu waaweynaa
uguna dambeeyey ee waagii Siyaad Barre ayaa waxaa ka mid ahaa dhismaha jidka
isku xira Garoowe iyo Boosaaso dhammaadkii sanadihii sideetannadii oo ku beegan
xilliga qorshaha. Sida ay qireen Sebri, Marocchino iyo nin kale oo u shaqayn
jirey Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga oo mashaariicdani hoos-tagto,
Sig. Franco Oliva, markii waddadaas la dhisayey waxaa dhulkaas loo adeegsaday
in qashinkaas suntaa lagu aaso.
Oliva wuxuu ahaa sarkaal sare ee Wasaaradda arrimaha Dibedda ee Talyaaniga
uga shaqaynayey Xamar intii u dhaxaysay 1986 – 1990-kii markaas oo uu ahaa
maareeyaha guud ee maashaariicda kaalmada talyaaniga ee Soomaaliya. Wuxuu
caddeeyey Oliva in intii u dhexaysay 1986 – 1988-kii uu Xamar kula kulmay Guido
Garelli oo u sheegay inuu halkaas u joogey oo sugayey maraakiib ay xambaarsan
qashinka haraaga nukliyeerka. Sidoo kale barnaamijka kaalmada dibedda ee
talyaanigu wuxuu ku lug-lahaa hubka soomaaliya ku qul-qulayey xilli dagaal
sokeeye ka socday. Waxaa taas loo adeegsaday sida Mr. Oliva sheegay
maraakiibtii barnaamijkaasi u siiyey Soomaaliya inay u adeegsato kalluumaysiga
casrigaa. Maraakiibtan oo intii ay dhacday Dawladdii militariga ahayd uu ku
shaqaysto ninka isna aadka loogu muransanyahay oo la yiraahdo Injiyeer Muunye
ayaa sida la tuhunsanyahay ilaa hadda loo adeegsadaa daabulidda hubka iyo
qashinka inkasta oo ninkani taas beeniyey sida uu u beeniyey isaga walaalkiis
oo ah Amiraalyo Saciid Marino oo ahaa taliyihii Ciidankii Badda ee Soomaaliya
oo isagu aaminsan in maraakiibtaasi ilaa hadda Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed u
shaqeeyaan cayshad-na siiyaan ilaa laba kun oo qoys oo soomaali ah.
Mr. Oliva wuxuu haddana Soomaaliya iyo Muqdisho ku noqday 1993-ki si uu mar
kale u hago hawlaha samafalka talyaaniga. Saddex asbuuc oo kaliya markuu
halkaas joogey ayaa la weeraray si looga takhaluso hase yeeshee si ba’an buu
shilkaas ugu dhaawacmay umase dhiman taasoo uu aaminsanayahay in talyaanigu ka
dambeeyey (halkan ka
tix raac marag-kaca Oliva [www.stpauls.it] ).
Akhri Bogga Xiga....
Qore: Bashir Sh. Mohamed
PhD / Researcher
Email: shakiib@hotmail.com