SOCDAALKII
DHEERAA
[Qaybtii
9aad]
BOSASO, QARDHO, GAROOWE, LAASCAANOOD, BURTINLE,
BACAADWEYN, iyo GALKACYO
Maxamed Cabdi Farax - Shiike
June 24, 2001
Qaybta 1aad
| Qaybta 2aad |
Qaybta 4aad |
Qaybta 5aad |
Qaybta 6aad |
Qaybta 7aad |
Qaybta 8aad |
Qaybta 9aad |
Qaybta 10aad
GAROOWE
Assalamu Calaykum Waraxmatullahi
Wabarakatuhu
Kuxiriirsan
qaybtii hore ee Garoowe
Bacda Salaan , walaalayaal qaybtan waxan kusoo
qaadanaynaa Qaybtii ugu danbaysay ee
Magaalada Garoowe
Sheekadii Socdaalkii Dheera Ee PuntLand.
Waxan soo Galay Magalda Garoowe Goor ay Tahay
7:34 Daqiiqo Waqtiga PuntLand ee Fiidkii, Xaqiiqatan
Markii aan ku Dagay Hotel uu igeeyay Saaxiibkeey oo
hadda aanan magaciisa hubin , Qadar yar dabadeed
waxa iisuurta gashay in aan Magalada Soomaro Intii
aan ka karo.
Magaalada Garoowe oo hadda ka hor ahayd halka
laga xukumo Gobolka Nugaal ayaa hadda ah Caasimadda
Dowlad Goboledka Ee PuntLand (PSS). Magalada sidii
ay hayd hadda ka hor ma'ahan hadda, Magaladii Ugu
Horayntii Ninkii horay u yaqiinay waa layaabayaa mid
ku cusubna sidaydoo kale waa kasii darayaa ,
Magalada gabigeedaba waa wada NAL, meelkastaa oo aad
tagtana waxad ku arkaysaa Goobo Ganacsi ,Habaynkii
oo idil waxaa furan Maqaayada Cuntada (Restaurants)
waxayna u furan yihiin Baabuurta isaga gooshta
Gobolada , Haddii ay tahay kuwa usocdaa Galkacyo oo
Kayimid Bosaso,ama Lascanod, Kuwa usocda Lascanod,
qaarkale Bosaso, Hargaysa, Cabudwaaq IWM(ETC).
waxay magaalada noqotay halbowlaha isku xira
Gobolada Somaliya oo idil waxayna ku taal Bartamaha
Waddada Wayn ee isku Xirta Somaliya, sikastaba
ha'ahaatee waxan arkay dhow xafiis oo ay leeyhiin
hay'ado Madax banaan oo dowli ah iyo Kuwa aan Dowli
ahayn sida Hay'adda Qaramada Midoobay ee looyaqaan
(UNICEF) waxan kale oo aan arkay Hay'ad laga
leeyahay SWEDEN oo layiraahdo (DIAKONIA
Garowe)hay'adaha kale waxaa kamid ah oo kahoowlgaa
aaggaas (UNDP, OXFAM, UNDOS,) iyo NGO's kale oo
Dowli ah kuwa aan dowliba aan ahayn (Governmental
and Non-Governmental Organizations), Magalada Waa
camiran tahay waxadna dareemaysaa in si xoog ahi loo
dagay oo tan iyo intii uu bilaabmay Dagalka sokeeye
ayay magaladan ka mid noqotay magaloyinka Nasiibka u
yeshay inay koraan.
maalinkii waxad arkaysaa dad aroortii maqaayadaha
ka buuxa oo qofkastaa uu wato warqado iyo Faylal ,
xafiisyada maamul goboleedka Puntland oo idil ayaa
maalinkii oo dhan Buuq miiran ah oo dadkii ay hor
fadhiyaan qaar saf ku jiraan qaar gudihii
mashquuliyeen, mar aan tagay xafiiska wasaaradda
Ganacsiga iyo Warshadaha ee Mudane Xaabsade waxan
arkay nin dhallin yaro ah oo wata warqado aad u
badan midkastaana Boshqaday-santahay , waxaana ii
suurtagashay in aan la hadlo wiilkaas oo isagu kay
shegay in layiraahdo C/Raxmaan Aden Barre , waxa uu
iyiri C/raxmaan walaal waxan kasoo guuray dalka
Maraykanka muddo hadda laga joogo Laba(2)sanadood,
xaqiiqatan wadanka somaliya qalad ayaan ka fahan
sanaa markii uu dhacay dagalka sokeeye , maxaa
yeelay waxan islahaa meelkasta oo somaliya kamid ahi
waa La'isku furanayaa , dabadeed waxan go'an ku
gaaray inaan sahan u'imaado goboladan oo aan
doorbidayay waqtigaas inaan ka shaqaysto, Imaansho
ka dib waxaan gartay in nolol meeshaan laga aas-aasi
Karo.
waxan waydiiyay waxa uu hadda qabtay mar hadii uu
kasoo guuray America, C/Raxmaan waxuu ii sheegay in
uu hadda la shaqeeyo Wasaaradda Xanaanada xoolaha ee
Maamul goboledka PuntLand , waxan qabtaa ayuu yiri
Inagoo lakaashanayna Hay'adaha caalamiga ah ee Jooga
Gobolada PuntLand sidii xoolaha PuntLand ay u heli
lahaayen Wax yaabaha daruuriga u'ah Noloshooda oo ay
ka midka yihiin (Ceelasha, Caafimadka, Daawooyinka
Nooc kastaba leh ee Xoolaha, sida Geela , Ariga Loda
,) Dhiraynta, IWM.
mar aan waydiiyay waxa ay ka qabteen xagga
Ganacsiga xoolaha PuntLand ee Wadamada Carabta waxa
uu ii shegay C/Raxmaan in arrinkaas ay wasaradda
xoog badani saartay sidii loo furi lahaa Xoolaha
laga dhoofsho Dakadda Bosaso iyo garomada
diyaaradaha ,waxa uu yiri waxan lakaashanay
Arrinkaan UN-ta , Ururka Islamka Aduunka, Jamacadda
Carabra , hay'adaha ganacsiga Adduunka, iyo Bank
Addunka (IMF) sidii ay arrinkaas nooga caawin
lahaayeen madama uu wadankii somaliya hadda aysan
jirin bangiyo ay dadka lacago ka dayntaa , Sicirka
oo xad dhaaf ah ,ugu danbaytii waxaa noosuurta
gashay ayuu yiri in aan dib u habayn ku samayno
marka hore warshad lagu qalo xoolaha oo Kutaal
Galkacyo, dabadena warshaddaan ayaa noo noqotay mid
aan ku bilowno in Hilib qalan oo Tiro cayiman
gacanta lagu hayo aan dhoofino ,taasina waxa noo
saamaxay ayuu yiri C/raxmaan Taqaatiir Emirates (khaliijka)
ah oo soo booqday wadanka dabadeedna qashuuc ka
muujiyay sida howsha wasaraddu ay tahay.
Magalada garoowe nabad galyada waa heer sare,
qofkastaa waa mashquul waxa uu ku mashquul san
yahayna magaran kartid , ma arkaysid nin wata Qori
ama gaari qori saaran yahay, waxad magalada
ku'arkaysaa gawaarida ugu qaalisan waddamada carab
sida (Toyota LandGruiser,Marcedes-Benz, Land Rover,
Carooloyinka), waxad kale oo aad arkaysaa baaburta
xoolaha lagu qaado oo (12)Shaag layaal ah,
xaqiiqadii dhaq dhaqdhaqaaqeeda lama soo koobi karo,
magaladan.
Xagga siyaasadda Lagaama maqli karo (Carte iyo
DKM)ah, wax is waydiinaya majiraan xattaa haddii
layiraahdo Ninkaasi waa kooxda carte ama waxa uu
taageeraa DMK ah inta lagu'eego ayaa lagugu qoslaya
, waxan layaabay markii aan waydiiyay wiil dhalin
yaro ah oo hotelkii aan daganaa goor ay casar tahay
soo galay ayaan waxa la'iisheegay in uu kamid yahay
Ciidanka Amniga ee Garoowe Qaybta loo yaqaa
Darawiishta, wiilkii xaqiiqadii waan is baranay oo
waxa ii samaxay ninka Hotelka markaas qaybta soo
dhawaynya joogay , barasho ka dib waxan waydiiyay
waxa uu kaqabo arrimaha somaliya, waxa uu iigu
jawaabay sidan.
Walaal marka aan kahadlayno arrimaha somaliya waa
xasaasi , maxaa yelay waxa loo bahan yahay in si
cilmiyasan oo Siyaasadi ku jirto looga munaaqashoodo
, waxa uu yiri somaliya waxaa ka dhacay Wax aan
horay loo maqal loona Arag marka somali laga hadlayo,
Wiil ayaa Abtigiis Gowracay, Seedigiis Dilay, Umad
meel ku cawaynaysa Habayn barkii kaga salaliyay,
marka hadda xaal waxa uu marayaa in Somali inta hoos
loogudagalo ay ku haboon tahay in Degan kastaa horta
inta u dhow iyo Dariskiisaba uu lasoo yagleelo wax
u'eg nidaam wax lagu bilabi karo, Tusaale ahaan waxa
uu yiri PuntLand hadda waxay ka kooban tahay
(5)gobol oo kala ah (Bari,Nugaal,Sool, Sanaag iyo
Mudug).
FOGAANTA U DHEXAYSA:
Garoowe ...... Qardho ===== 222 km
Garoowe ...... Galkacyo ==== 260 km
Garoowe ...... Laascaanood = 132 km
Garoowe ...... EYL ======== 219 km
SOURCE: Khariidada uu qoray
Maxamed Abshir Cali |
Akhri Socdaalkii dheeraa ee Shiike kutegey
magaalooyinka: |
Nairobi |
Muqdisho |
Jabuuti |
BerBera |
Boosaaso |
Qardho |
Dangorayo |
Garoowe |
Socdaalkii dheeraa ee SheriffOsman kutegey
Bariga W/Ameerika:
Guji halkan |
Soobooqo Mac'hadka ASAL ee kuyaal magaalada
Muqdisho:
Asal Institute
Soobooqo Mac'hadka BEDER ee
kuyaal magaalada Boosaaso:
Beder Institute |
Guulihii ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota,
USA
Guji halkan
MaOgtahay in qalabkii hidaha
iyo dhaqanka aad ka helikartid Suuqweynaha
soomaalida Minnesota
Mall-ka Karmel |
Shantaan(5)gobol ayuu yiri dadku waxay u haystaan in
labilaabay sanadku markuu ahaa (1998)bishii August,
taasi ma jirto maxa yelay Midaynta, Isu keenidaa,
Hadafka gaar ahaaneed ee Goboladan waxa laga
munashaqooday sanadku markuu ahaa (1994)oo lagu
shiray muddo (20)Casho ahi Garoowe taas oo lagu
mataanaynayay Goboladan Dadka Daga, Haddaba arrinta
hadda taagan waxa weeye ayuu yiri Carte Puntland way
Tageertay, Wayna abaabushay waxan la'oran karaa
Waxayba ahayd meeshii kaliya ee wax ka qabatay
Bilowgii Shirkii Dib u heshiisiinta Qaranka
Somaliyeed , hasayeshee markii lasoo gaaray in waxii
la'isku ogaa shirka laga hirgaliyo ayaa waxa
labadalay - Nidamkii uu Adduunku Tageeray oo ahaa in
Qaab Degaan wax lagu Unko marka hore dabadeedna
meshaas laga sii amba qaadaa waxa harsan , madhicin
ayuu yiri waxayna somali u heshiin ladahay ayuu yiri
Ninkaas dhalin yarda ahi arrintan waa sheeko uu ku
matalay Shirkii Carte.
wuxuu hadalkiisii ku bilaabay sidan:
Waxaa haasaawe iyo shukaansi dhexmaray, Abeeso
iyo Dabagaalle. Muddo markii ay isla gorfeeyeen
sidii ay aqal u wada yagleeli lahaayeen, ayaa
Abeesadii tiri; "War bal orodoo qaalli isukeen
meheriya inoo raadi." Dabagaalle hadal kama soocelin.
Wuxuu bilaabay in uu hadba cidduu arko inta is ag
dhakooliyo, ku yiraahdo: "Kanow fiqi ma tahay?"
Wuxuu hadba meel jilbo joogsado, goor uu Seylac sii
weydaaranayo, ayuu wuxuu ku soo beegmay jees meel
cidla ah oo gole colaadeed ah deggen, xoolana xayn
ari ah iyo awr duq ah ka haysta. Nin oday ah ayaa
qaabilay oo meel geed duggiis ah gogol u dhigay.
Dabagaalihii wuxuu uga sheekeeyey odayga, arrinta uu
u soo safray, iyo in laga soo bilaabo Raas-kambooni
ilaa Raas-caseyr uu cid dhexdhexaad ah oo uu
walaayadda u dhiibo ka waayey. Fiqi-ilkaqor si
niyadsami ah ayuu ku qaabilay, arrintii oo isla
markiiba martiqaad buu sameeyey, si labada cidood ee
Abeeso iyo dabagaallaba goobjoog u ahaadaan. Waxaa
la guda galay howshii meherka iyadoo loo kala afti
qaadayo.
Fiqi-ilkaqor: "Ma aqbashay in aan adiga iyo
Abeeso isu kiin mehersho?"
Dabagaalle: "Haa, haddii ay daacad ka tahay,
axdigana ay ilaalinayso."
Fiqi-ilkaqor: "Abeeso, raalli ma ka tahay
arrintaas?"
Abeeso: "Waxba kama qabo, haddii uu isla weynida
iska deynayo."
Fiqi-ilkaqor: "Waa immisa meherkaagu?"
Abeeso: "Waa afkeyga muggiis."
Fiqi-ilkaqor: "Maxaad ka leedahay qiimaha meherka,
Dabagaallow?"
Dabagaalle: "Maa caleesh, waxba kuma jabna." Show
wuxuu is yiri, labo xabboo quulle ah ayaa ku filan,
ha yeeshee Abeesadu waxay isu qiyaastay
cantuugadeeda iyo dabagaallaha itaalkiisa.
Dabagaallihii oo hadalka sii wata ayaa yiri: " Fiqi,
bal faataxada noogu mar, in reerku noo barakoobo,
howshana Rabbi noo fududeeyo."
Fiqi-ilkaqor: "Waadh diinta UN-ta baan isugu kiin
meherinayaa maaha?
Dabagaalle: "Oo meeday teennii? Sow tii ballantu
ahayd in axdiga meherka lagu saleeyo shareecada?
Maxaa is beddelay?"
Fiqi-ilkaqor: Idinkuba is weydiiya. Ma annagaa
soodaanta keennay! Meelkasta cadaadis baa naga
haysta annaguna tabar iyo dhaqaale uma hayno
arrintan murugsan."
Abeeso: "Ar iskaa daa wuxuu doono ha akhriyee,
inaan aqalgalno lee waaye ujeeddaduye."
Qabbiltu iyo galab-carraaba ayaa lagu soo kala
dhaqaaqay. Guri alool iyo ilxidh lagu awday,
meelkastana laga gufeeyey, feynuuskuna ka bakhtiisan
yahay oon deriskiisu dabka kala qaadan, dhaankuna
seddex subaxle yahay, ayaa arooskii loo gangaamay.
Abeeso jarriidkay ka qosleeysaa. Waxay isleedahay
cid kaa nasiib badani ma jirto, mar haddii Rabbi
calaf kuugu daray nin gob ah oo reer magac leh ka
dhashay, ragannimadiisuna iska caddahay, haba iska
itaal yaraadee. Dabagaalle talaa ku caddaatay, meel
uu ka noqdana ma joogo.
Doobnimo iyo dibadaa wareeg horuu uga soo daalay,
Abeesana wax la dugsado maaha, meelkastana cadow
shisheeye ah oo aan gabargabadheed reebayn baa soo
miciyo lisanaysa.
Abeeso waa is goleeysay. Marna waa is galaashay.
Cillaan bay isku dhoobtay. Dharkii jiifka la boodday.
Gogoshay is dul taagtay,dabadeed is golxaysay. Waxaa
bilaabatay dood iyo in la is wareeysto, waxayna u
dhacday sidan:
Abeeso: "Gacaliye, gaaf wareegga iska daa oo
geyraha iyo gabadanada dhaxanta ka soo gal."
Dabagaalle: "Horta qaalliga iyo adiga ma waxbaa
isu kiin galay?"
Abeeso: "Maxaad ku keentay hadalkaas?"
Dabagaalle: "Foolashiisa sarriigan iyo ilkahaaga
sariiran baan isku soo sinji soocay."
Abeeso: "Arrimahaani waa wax guyaal kaa weyne,
aynu danteenna ka hadalno."
Dabagaallihii isagoo iska wareersan oo
labalaboodinaya, ayuu goor subaxnimo ah, abeesoo
hurdo ka kacday oo afkii labo taako ka kala dhigeysa
arkay. Wadnihii baa istaagi gaaray. Go'aan degdeg ah
ayuu wuxuu ku gaaray in uusan waligiis Abeeso
agteeda tegin.
Abeeso: "Maxaa geedka dushiisa ku saaray? Maad
halkaan isku soo kala bixisid?"
Dabagaalle: "Abeeso,hadda wixii ka dambeeya
dushaas uun baan iska -qabaynaa."
Abeeso: "Oo maxaa ku beddelay? Sow inaan aqal
wada galno iskuma aynaan ogeyn?"
Dabagaalle: "Abeeso, ciiddii Ilaahay baa ku deeqi
weyday, anna habarteed bay ka tahay in aanan
naftayda kugu aaminayn, ee haddaba sidaas ku calool
fayooboow, inaan dushaas reer dhaqan ka ahaanno oo
qofkeenna qofka kale u soo dhawaan."
Abeeso: "Oomaxaad iiga dideysaa? Ma kufkaa baanan
ahayn?"
Dabagaalle: "Afkaaga iyo abuuristaada ayaan ka
diday ee sidaas raalli ku ahow."
Waxaa lagu soo afjaray taladii, in reerka la wada
dhaqdo, si aan cadow kale uga faa'iideysan god
daloolladooda, aanse marnaba dab lawada kulaalin,
golana lagu wada caweyn, inta Abeeso iyo dirkeeda
waxka dhaqan yihiin, talada reerkana ay hor
boodayaan.
Waxa Ninkii dhalin yarada ahaa hadalkii iigu gaba
gabeeyay Walaal lakaasho caqligaaga sheekadan,
xaaladda siyaasadeed ee Garowena waa saas.
Sida Kale magaalada ayaad dareemaysaa in maamul
ka jiro mar haddii shaqadii dadwaynaha ay socoto,
Boliskii ayaa shaqaynaya, Aroortii waxad maqlaysaa
Firimbi aad ay qayladiisu u dheertahay oo lagu
Gaardi-siinayo Ciidamada Nabad sugidda, Waxaad is
leedahay markii aad si dhab ahi u fiiriso Dhaq
dhaqaaqa Magalada Haddii ay tahay Xagga Maamulka
Dowliga ahi iyo Kala danbaynta, Shaqada Dadwaynaha ,
Mashaariicda iyo Horumarka uu gobolka ku tilaab
sanayo wad cajabaysaa 100%, waxad arkaysaa oo aanan
ka been sheegi karin sida uu'u kala socdo dhaq
dhaqaqa Guud .
Insha allahu intaan waxaa inoogu eg Garoowe
Qaybtii 2aad ee Socdaalkii Dheeraa Ee PuntLand
(PSS).
waxan qoralkan u hibeeyay
shabakadda Inter-Netka ee
Somalitalk.com waxana soo raaca Shacabka
somaliyeed ee Jira Qurbaha Fog oo aan wadanka muddo
imaan ama kawarhaynin.
Akhri Qaybta 10aad: oo
Kusaabsan Laascaanood
Burtinle
Baccadwayn iyo Galkacyo
Mahdsanidin
Qore:
Maxamed Cabdi Farax Botan - Shiike
E-Mail:
faaraxbotan@hotmail.com
ama
faaraxbotan@yahoo.com
FOGAANTA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA
ISUJIRAAN: