SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL


SOCDAALKII DHEERAA [Qaybtii 7aad]
BOSASO, QARDHO, GAROOWE, LAASCAANOOD, BURTINLE, BACAADWEYN, iyo GALKACYO
Qore: Maxamed Cabdi Farax Botan - Shiike
Maxamed Cabdi Farax - Shiike
June 14, 2001

Qaybta 1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 4aad  | Qaybta 5aad | Qaybta 6aad | Qaybta 7aad | Qaybta 8aad

QARDHO

Assalamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakatuhu

Bacda Salan: Walaalayaal waxaan halankan idinku soo gudbinayaa qayb ka mid ah Socdalkii Dheeraa ee PuntLand ,waxana aan ka gudubnay Bosaso, Haddana waxan galaynaa Qardho, Haddii rabbi idmo qoralkaygu waxa uu u taxnaandoonaa sida ay magaloyinka isugu xig xigaan .

Walaalayaal waxan ka tagay magalada Bosaso saacaddu markii ay ahayd 11:30 Daqiiqo wagtiga Bosaso ee Barqadii , waxan magalada ka kaxaystay gaari aan si gaar ah u kiraystay oo ay dadka Reer PuntLand u yaqaaniin (MarkII) oo ah Gaari (TOYOTA GARASIDDA) ah ,Gawaridan waa gawaarida ka shaqaysa PuntLand oo idil oo ay dadku u kala raacan Gobolada PuntLand oo dhan,si kastaba ha'ahaatee waxan Cagta soo saaray Lamigii dheeraa ee isku xirayay PuntLand iyo Somaliya Inteeda kale ,waxaan aad iyo aad ola yaabay Waddada sida ay u samaysan tahay oo wax hakasho ahi gaariga aad saaran tahay uusan galaynin.

bari Map from utexas
FOGAANTA U DHEXAYSA:
Qardho ........ Boosaaso ==== 258 km
Qardho ........ BandarBayla == 221 km
Qardho ........ Garoowe ===== 222 km
SOURCE: Khariidada uu qoray
Maxamed Abshir Cali
walaalayaal Laamiga Dheer kuma arkaysid meel bur bursan, ama gaariga kaleexdo oo waddada ahi, Laamiga waa is haystaa waxana la'oran karaa waxa uu ka bad-baaday Inuu Bur buro, waxad moodaysaa waddada in hadda gacanta laga qaaday sida ay u siman tahay, waxa kale oo i dhiiri gashay markii aad waddada hayso waxad arkaysaa Kanaalo(Chanels) loogu talagalay in waqtiga roobabka ay biyaha dhaafshaan Laamiga si laamigu uusan u bur burin, Kanaalada(the chanels)waxa midkastaa la dhinac dhigay Xirmo Dhagax ah oo Ku daharan (Silig)is haysta si kanalkan uusan u Jilcin ,labada dacal ee Kanalka ayaad ku arkaysaa dhagaxdaan Aruursan oo haddana lagu wada qabtay Siligga.

Waxa jira waddo layiraahdo (Meermeerto ama meermeerka) oo Bosaso In yar u jirta markii aad wadada galasyo waa lagaaga digayaa oo waxad arkaysaa Tabeele uu ku sawiran yahay Qalfoof muujinaya waddada qatarteeda, Waddadan waa waddo soo noq noqota, haddana laamigeedu cusub yahay ,marka gaariga oo aan ka shaki qabin in waddadu bur bur san tahay ayaa laga yaabaa inuu si xoowli ahi kusoo galo waddadaas soo noqnoqonaysa dabadeedna halkaas shil ka dhaco.

markii aan kasoo baxay waddada meermeerto oo aan si toos ahi Afka usoo saaray waddada dheer ayaan waxan soo galnay dhul xoogaa Roob ahi maray oo waxad arkasyaa dhulkii oo qoyan oo haddana dhirtu ay cagaaran tahay inkasta oo aysan buurnayn, haddana waxad dareemaysaa in wax yar oo Xays ahi (Roob) ahi maray Degankan, inta aad waddada hayso waxad arkaysaa Geel daaqaya waddada daafaheeda, Dhulku guud ahanatiis waa Roob.

waxan magalada Qardho soo galay Saacaddu markii ay ahayd 5:45Daqiiqo Xiliga Bariga Somaliya , waxan markii an magalada soo galayay islka markiiba aan indhaha ku dhiftay Guri aad looga shaqeeyay oo waddada kaga yaal Dhinaca Bidix marka aad bosaso katimaado ,Guriga waa Dabaq oo waxa uu kakooban yahay Illaa (3dex)Dabaq, Muuqaalka guriga ayaa kusoo jiidanaya qaabka naqshadda ee loo dhisay, markii aan magalada si fiican usoo galay ayan waxan kusoo dagay Hotel Magalada ku yaal oo dhismihiisu yahay Laba Dabaq, Waqtigii habaynkii ayaan waxn Aniga iyo saaxiibkeey iyo Darawalkii Gaariga u wada baxnay Magalada gudaheeda ,waxan jeclaa inaan soo salaamo Guriga Boqorka(Illaah ayaa Boqor ah).

waxaan gaaray Iridkii Guriga Boqor Maxamuud Boqor Muuse oo kuyaal Magalada Qardho, Guriga Boqor Maxamuud markii aad tagto waxad - dareemaysaa in meesha aad joogto ay tahay meel umadda oo idil ay u siman tahay,markii aan dhaafnay Albabka ayaa wiil dhallin yaro ahi oo isagu Albaabka Fadhiya oo qaabka loosoo kala horeeyo dadka u sheegaya ayaa nayiri Aniga iyo Inamadii ila socday walaalayaal ma waxaad doonayseen inaad Boqorka aragtaan, waxan ugu jawabnay (Haa) Walaal Hadii ay suurto gal tahay, waxa uu nayiri Mar haddii aad Albabka soo dhafteen waad arkaysaan laakin hadda rag kale ayaa ku jira gudaha ee sugta, Howrarsan.

Qaddar yar ka dib waxaa noo suurta gashay in aan galno gudaha ,markii aan salaanay Boqorka waxa uu nagu yiri Adeerayaal waad mahadsan tihiin sida sharafta leh,Cisada leh ,wanagga leh ee aad iisoo bariidiseen, Aniga halakan ayaan joogaa waxaana aan ahay Boqorka Umaddaan ,waxana aan ahay Nin u siman Dadkan oo idil haddii uu yahay Mid wadanka ku nool gudihiisa iyo Mid wadanka ka maqanba, soo dhawaada Gurigan waa gurigiinii , waa uu nawaaniyay Boqorka waxana uu nagu yiri Adeerayaal waxad tihiin wiilashaydii Anna waxan ahay Boqorka Umadda somaliyeed, waxan idinkula Dardaarmayaa Cabsida eebbe Naftayda iyo Tiinaba.

waxan kasoo baxnay Gurigii Boqor Maxamuud Boqor Muuse oo ah Boqorka Umadda soomaliyeed ,Dhinaca kale inkastoo ay ahayd waqti habaynimo ahi haddana magalada dhaq dhaqaaqeeda waa socday haddii ay tahay goobaha ganacsiga sida maqaayadaha ,kabarada Qaadka , Dukaanada ETC.

Dhinaca Dagaanka Magalada guryaheeda oo idil waa lawada daganaa maxaa yeelay waxaa kusoo jabay dadkii Reer Bosaso oo markaas usoo xaga baxay Magaloyinka ay Qardho kamid tahay, inkastoo magalada aanan waqti badan joogin haddana waxan dareemayay inay Magalada dhismayso oo dadkii qurbaha usoo jabeen .

Xaaladda Ammqanka ee Magalada waa heer sare tan iyo intii aan habeenkaas oo idil socday ma'arag qof qori sita ama xabad dhacaysa, waxaad moodaa dadkan in ay qorigii fahmneen macnihiisa.

Xagga siyaasadda Magaalada Qardho aan kaftamee lama yaqaan wax ay Ogoshahay iyo Wax ay diidan tahayba, hadalkaas haddii aan sii turjumo waxa weeye waxaad arkaysaa dad taageersan PuntLand iyo Kuwa Carte Taageersan iyo Wax ay diidan yihiin ama ogol yihiin aadan aqoon.

Walaalayaal waxan kusoo koobaya oo aan idin sheegayaa kaalaya Wadanka arka iyo waxa kajira si bari aysan u dhicin in wax la'idin kaga sheego wadanka somaliya qaybihiisa kala duwan.

Intan waxaa ku dhan Socdaalkii dheeraa Qaybtiisa aan kaga hadlayay Magalada Qardho.

Qaybta 8aad:  Socdaalkii Garoowe Halkan ka akhri

Mahadsaniidiin

Qoralkan waxan u hibeyay Shabakadda Inter-Net-ka ee Somalitalk.com waxa soo raaca waxan doorbiday inan oga faa'iideeyo Umadda somaliyed meelkasta oo ay jiigto ,gaar ahaan dadka wadanka banankiisa kunool.

Halkan ka akhri [Garoowe]

Qore:
Maxamed Cabdi Farax Botan - Shiike
E-Mail: faaraxbotan@hotmail.com
ama faaraxbotan@yahoo.com


FOGAANTA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA ISUJIRAAN:
Ka Akhri Halkan  

Qaybta 1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 4aad  | Qaybta 5aad | Qaybta 6aad | Qaybta 7aad | Qaybta 8aad

Faafin: SomaliTalk.com | 2001

 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD