SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL


LAASCAANOOD
QAYBTII 10aad EE SOCDAALKII DHEERAA EE SHIIKE

WQ. Maxamed Cabdi Farax - Shiike
July 20, 2001

Socdaalkii | Nairobi | Muqdisho | Jabuuti | BerBera | Bosaso | Qardho | Dangorayo | Garoowe | Laascaanood

Assalamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakatuhu

lascanod SOURCE: Map from utexas
FOGAANTA U DHEXAYSA:
Laascaanood .. Garoowe === 132 km
Laascaanood .. Ceel-Dhaab = 141 km
Ceel-Dhaab .... Ceerigaabo = 255 km
Ceel-Dhaab .... Burco ====== 120 km
Burco ............. Berbera ==== 148 km
Hargeysa ........ Berbera ==== 158 km
Hargeysa ........ Burco ===== 177 km
SOURCE: Khariidada uu qoray
Maxamed Abshir Cali
Bacda Salaan , Walaalayaal waxan halakan idinku soo gudbinayaa Socdalkii dheeraa Ee Puntland , qaybtaanna waxan kaga hadlaynaa Gobolka Sool , Caasimadda Lascanood.

Inta aanan uguda galin Qoraalkan waxan halkan ku xaalmarinayaa Bah waynta Somaliyeed ee lasocotay Socdaalkayga dheer ee Putland, gar ahaan Dhallin yaradii Somaliyeed ee E-mailada khaaska ah iisoo diray ee iga dalbanayay inaan soo gudbiyo Qaybaha kale ee Ka harsanaa Socdaalka dheer ee PuntLand iyo Guud ahaan dadkii Ku Xirnaa Socdalka PuntLand. waxa aan rajaynayaa in la'ii cudur daaro waqtiga oo iisaamixi waayay.

Haddii aan intaas kaga baxo raali galinta Aqristayaasha , waxan goor ay tahay 10:25 Daqiiqo Ee Xilliga Garoowe ee Barqadii aan ka baxay Hotelkii aan daganaa , waxana beegsaday Waddadii Dheerayd ee Gobolka Sool- Laascaanood, si kastaba ha'ahatee waxan ku hakanay ConTrol-ka Garoowe (Isbaarada Boliska)dabadeed waxa darawalkii la waydiiyay Warqaddii canshuurta. Waxan kale oo aan rabaa in aan idin sheego Waddadii aadaysay Laascaanood waxaa lagu gudbay Dhagax iyo Biro waawayn, dabadeedna hal waddo oo Bolisku uu kamaamulo Baburta u socota Gobolada ayaa lasameeyay, Baburka u socda Lascanod iyo Galkacyo isku meel ayaa laga maamulayaa, midkastana marka uu Bolisku waydiyo waxa laga doonayo ayaa lafasaxayaa dabadeedna Jidcadde ayay ku kala lexanayaan labadii Gaari.

Waxan si toos ah cagta usoo saaray waddadii dheerayd ee Lascanod, intii aan waddada haynay waxan arkayay Xoolihii Somaliyeed oo Nooc Kasta ah , daaqayana laamiga daafihiisa, isla mar ahaantaa waddadu waa Ammaan, majirto Cid aad ka baqayso, Jiri, Moryaan, Dhuljiif, Shufto IWM marnaba lagama yaabo inaad is tirahdo jidka amaa la'idin galaa oo Babuurka iyo Idinkuba la kaxaystaa ama la'idin Afduubaa, waxad dareemaysaa in Deeganku Nabad yahay, Dhulka Xoogaa waa Roobban yahay, Baburta ayaa markastaa isaga gooshaysa Waddooyinka oo idil , intii aan wadda haynay waxan arkay Babuur waa wayn oo Badeeco wadda kana timid Bosaso una socota Lascanod iyo Deegaanada kale ee loosii maro lascanod, Ganacsiga ayaa ah mid dawaali u socda, magalada lascanod waxa ay u jirtaa Garoowe qiyastii (130-135KM), haddii aanan qaldanayn.

Markii aan in muddo ah soconay ayaa darawalkii waxa uu iwaydiiyay in aan jeclahay ama ka helo Caanaha Geela, xaqiiqdii Su'aashaas waxay noqotay mid aan si wanagsan oga helay waydiinteeda, waxan ugu jawab ceshay darawalkii (Nin yahow Waa Hore Ayaa igu Danbaysay Canaha Geela), markaasuu waxaa uu iyiri , haddii aan waddada ku aragno Geel daaqaya waan istaagaynaa dabadeedna Geela ayaa Caano nalooka soo Lisayaa, Haye Howraarsan iyo Guddoon, .

Qaddar yar dabadiis ayaa waxan kusoo baxnay Geel aad u fara badan ,oo haddana Qurux kamuuqato, Muqaalka Geela iyo deegaanka uu daaqayo ayaa ah mid isleh waxad moodaa in la'isu soo xulay, Gaarigii ayaa Lajoojiyay dabadeedna waxan dhex galnay Geelii ,inagoo radinayna Qofkii geela markaas lasocday, Intii aan Geela ku dhex jirnay ayaa waxa uu darawalkii igu yiri haddii aad aragto Geel Sidan u badan oo ay lasocdaan Nirgihiisii (Ilmaha Yar-Yar ee Geela) waxa loogu yeeraa ayuu yiri (HORWAYN).

geel Caddaawe: Sawirkaan waxaa qaaday Muhammad Dhubat mar uubooqasho kutegey Muqdisho.
Warbintii caddawe akhri
Markii aan Geela dhexgalnay ayaa waax nagu soo Baxay Nin Oday ah iyo Wiil Dhalin yaro ah oo Geela lajoogay, waxay nawaydiiyeen waxa aan Doonayno, darawalkii ayaa Yiri Adeer waxan rabnaa in Geela aad Caano Nagasiisaan, Odaygii waxa uu Yiri ma waxad rabtaan inaad cabtaan hadda mise meelbaad ku shubanaysaan, darawalkii ayaa yiri weelal mahaysano laakin waxan rabnaa Inaan cabno, Odaygii waxa uu yiri waan idin soo lisayaa lakin lacag baad bixinaysaan illeen inaguba Sonkor ayaan u baahannahay, haye Adeer Diyaar.

Wiilkii ayaa geelii dhexgalay dabadeedna 10daqiqo ka bacdi waxa nalookeenay Laba (Haruub Gaal)ama Toobke / Dhakal hadba Gobolada Somaliya sida looga yaqaan, waa shay Geel jiraha ay Geela ku Maalaan, oo kasamaysan Geed si aad ah Koob loogu Ekaysiiyay, Caano Macaan oo haddana kulul, Dushana ay ka qarisay XOOR ayaan nasiib u yeelanay inaan helno, Caanihii ayaan cabnay (Waxan maqli Jiray Geel Jiraha markii ay Barwaaqoban Canaha Geela ayay ku Qabaystaan), markii caanihii aannu cabnay ayaan waxan iska bixinay lacagtii nala waydiiyay oo dhamayd - Lixdan (60)kun oo Somali ah, waxad u bogaysaa Koorta dhawaqa geela oo dhowr nooc u sharqan bixinaysa (Dhawaq Wayn, Mid yar, Mid Dhex dhexad ah).

Aakhirkii Illaahay waxa uu nakeenay magalada Lascanood , dabadeedna waxan dhaafnay Isbaaro Boolis ah oo baabuurta lagu eego ,Magaladan waxay ahayd markii iigu horaysay ee aan tago, magaalda aad iyo aad ayay u camiran tahay, dhinackastaa magalada way ka dhisan tahay , Magaalada dadku aad iyo aad ayuu ugu badan yahay, Masaajidyo Badan ayaa ku yaal magalada, Madarasadaha caruurta wax lagu baro ayaad arkaysaa , Quraankii ayaa lagu barayaa Caruurta, Haweenka, xaqiiqadii xagga arrimaha Bulshadu magaalada iyadaa iswadda, Isbitaalku waa shaqaynayaa hay'ado ayaana caawiya, dawada waxa loo helaa dhowr qaab oo kala ah

A) Farmashiye Qof leeyahay aya laga helaa Dawoyinka sida -Sharoboyinka, Faleembaha, Irbadaha, IWM.

B) Qaybta kalana waxaa laga Helaa Isbitalka Magaalada oo ah Midka kaliya ee dadku ku baxsadeen, Inakstoo wadanku aysan jirin wax mucawino ah oo ay dowlad kusiinayso haddana dadku waa helaa dawoyinka.

Xagga ganacsiga magaladan waxay ku xiran tahay Dhowr magaalo oo kala ah Bosaso, Barigga Burco, Itobiya, Sanaag , Garowe, Yarowe. Magalada xagga amaanku waa heer sare 100%, xagga siyaasaddana waxa la'oran karaa waa muwaadiniin dadkaan, mar aan waydiiyay nin oday ah waxa ay ka qaban arrimaha somaliya waxa uu iggu jawaabay sidan:

Adeer wadanakan waxa layirahdaa (SOOL) waa xaruntii laga Abaabulay umadda somaliyeed inay iska kiciyaan Gumaysiga , halkan waxa daganaa daraawiish, marka dadkaan ma'ahan dad somalinimadu ay ku liidato.

waxan waydiiyay Arrimaha PuntLand iyo Somaliland ee Gobolada Sool iyo Sanaag, waxa uu iigu jawaabay isagoo dhoola caddaynaya , Adeer Umaddu waa kala duwan tahay, haddii aan ku hormaro Somaliland , Adeer Somaliland waxay donayaan in Somaliya ay ka go'aan , haddaba Sool iyo Sanaag oo Taarikhda Somaliya lagu Xuso marka laga sheekaynayo Halkagankii Somaliya ee Gobonimo doonka , Adeer in maanta ay ku raacaan Somaliland aan Go'no oo Somali kafaanno waa wax aan marnaba soo galayn Caqliga Reer Sool iyo Sanaag. waxan sugaynaa Somali wayn qaranimadeedii haddii rabbi idmo, Dhinaca Puntland waa ka duwan tahay maxaa yeelay Puntland waxa ay sheegatay in ay tahay Mamul Goboled somaliyeed oo Sugaysa Somali xalkeed, xagga Sool iyo Sanagna dadkaan way wada dhasheen Umadduna waxa fiican in intii nabad abaabuli karta ay isla abaabusho, inaguna Reer PuntLand ayaannu nahay.

Mar aan waydiiyay shirkii Borama ee Somaliland lagu abaabulay inay go'aankaas wax ku laheyen Reer Sool waxa uu igu yiri Adeer Shirkaasi waxa uu ahaa mid looga hadlayay nabadaynta Beelaha madaama wadanku dagaal sokeeye ka dhacay Dowladdina Bur Burtay mana ahayn Shir Siyaasadeed.

Koobiyaynta Dadka (humancloning) 
Dunidan aynu ku noolnahay waxay soo martay marxalado nololeed oo kala duwan, kuwaasi oo is-baddalayay mar kasta oo isbaddal ku yimaado garaadka ama aqoonta bulshada caalamkan ku dhaqan. Akhri Halkan...

Magaalada lascanod way dhismaysaa meelkastana waxad ku arkaysaa Xayndaab Dhul wareega ah oo haddana Aas-Aaskii ka dhex muqdo, magalada waxad dareemaysaa inay horumartay , maxaa yeelay dadkii ayaa shaqaysanaya, ciidamo nabad galoyo ayaa ka jira , calanka Somaliya ayaa ka taagan Saldhigga Boliska, xarumihii Dowladda Oo idil calankii Baluugga ahaa ayqaa ka lusha.

Intaasi waxa ku'eg Lascanood, Insha aalahu taleex ayaan ku xigta . mahadsanidin Waxan Qoralkan u Hibeyay Shabakadda Inter-Net-ka ee Somalitalk.com

Qore:
Maxamed Cabdi Farax Botan - Shiike
E-Mail: faaraxbotan@hotmail.com
ama faaraxbotan@yahoo.com


FOGAANTA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA ISUJIRAAN:
Ka Akhri Halkan  

Qaybta 1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 4aad  | Qaybta 5aad | Qaybta 6aad | Qaybta 7aad | Qaybta 8aad | Qaybta 9aad | Qaybta 10aad

Faafin: SomaliTalk.com | 2001

Socdaalkii | Nairobi | Muqdisho | Jabuuti | BerBera | Bosaso | Qardho | Dangorayo | Garoowe | Laascaanood


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD