SOCDAALKII DHEERAA EE
BOSASO, QARDHO, GAROOWE, LAASCAANOOD, BURTINLE,
BACAADWEYN, iyo GALKACYO
Qore: Maxamed Cabdi Farax Botan -
Shiike
Maxamed Cabdi Farax - Shiike
June 7, 2001
Qaybta 1aad
| Qaybta 2aad |
Qaybta 4aad |
Qaybta 5aad |
Qaybta 6aad
Xaaladda PuntLand Bosaso, Qardho, Garowe,
Burtinle, Gaalkacyo
Assalamu Calaykum
Waraxmatullahi Wabarakatuhu
Bacda Salaan :
Walaalayaal aad iyo aad ayaan ugu farax sanahay
in aan manta idiin soo gudbiyo Xaaladda dhabta ah ee
kajirta Deegaanka uu maamulo Mamul-Goboledka
PuntLand ee looyaqaan Punt Land State Of Somalia
(PSS).
Xog warankani waxa uu u bilabmayaa Qaabkan oo ah
sida ay magaalooyinka Degankaasi inta aan kakaro
isagu xig xigan Tusaale ahaan -
Bosaso, Qardho, Garowe, Laascaanood, Burtinle,
Bacaadwayn iyo Galkacyo. Haddaba waxan ku bilabayaa
qoralkan Magalada Bosaso o aan ku hormaray.
Bandar-Qasin Air Port waa garoonka diyaaradaha ee
Bosaso, Waxan garonkan ka dagay Abaartu markii ay
ahayd saacadda Bosaso 9:45 Daqiiqo Garonka
diyaaradda markii ay soo caga dhigatay waxay
indhahaygu qabteen qaddar Dherer ah oo logu
talagalay in diyaaraddu ay isku soo kala wareejiso,
markii diyaaradda ay isa soo wareejisay ayaan waxan
arkay nin dhalin yaro ahi oo sita dhar isku joog ah
oo dhammaantoodba ay isku nooc ahaayeen ,waxa uu
sitay ninkaasi (Shaar Gacmo dheer ahi oo Baluug ah
iyo Sarwaalkiisii) waxa uu ninkaasi gacanta ku hayay
Calaamad uu'u haadinayay diyaaradda ,dabadeedna
diyaaraddii ayaa si qabow usoo wajahday halkii uu
utilmaamayay.
Markii ay diyaaraddii istaagtay ayaan waxaan usoo
baxay bannaanka Garonka ,durbadiiba waxaa isaaqay
Hawo aad ukulul iyo Qorax, waxaa markiiba nala soo
istaagay waaxda socdaalka ee mamulka PuntLand
waxayna nawaydiiyeen inaan kusoowareejino
PassaPoradeena, markii passa Porada nalaka qaday
ayay dadkii waxay ku yirahdeen (Dadka Transit-ka ahi
Fadlan diyaaradda yaysan kafogaan, Diyaradduna Way
kacaysaa ).
dadkeenii socodkoodu ku'ekaa Bosaso
PassaPoradooda waxa lawareegay waaxda socdaalka
Punland , dabadeedna waxay nageyeen xafiis ay
joogaan dhowr nin oo mid walbaa uu hor fadhiyo
miiskiisa ,waxad istaagaysaa Dariishad aad ka
eeganayso PassaPort-kaaga, PassaPorada waxa lookala
saarayaa Laba qaybood oo kala ah (Somali PassaPort -
Foriegn PassaPort) haddii PassaPortkaagu yahay
somali waxaa la'eegayaa oo kali ahi in
PassaPort-kaagu yahay Mid wali shaqaynaya iyo in
kale, Haddii uu shaqaynayo oo aad haysato deganansho
wadan kale waxa lagaa eegayaa in degananshahaasi
yahay mid wali shaqaynaya ,haddii uusan
dagananshahaasi shaqaynaynin oo uu dhacay waa lagu
ganaaxayaa .
Haddii PassaPort-kaagu yahay FORIEGN waxaa lagaa
qaadayaa Lacag canshuur ahi oo cadadkeedu yahay
($20) Dolar waxana lagu siinaya Warqad caddayn ah oo
muujinaysa in aad bixisay Cashuurtii (Rasiid),
Bandar Qasin Air -Port waxa ku wareegsan Salig,
dadkuna Bananka ayay tuman yihiin looma ogola Gudaha
Air Port qof aan shaqo ku lahayn, Markii ay
howsheyda iiga dhammaatay Air Port-ka waxaan soo
beegsaday oo cagta soo saaray -waddadii Magalada
Markii aan kasoo baxay Iridkii Air Port-ka waxa ay
in-dhahaygu qabteen Tabeelooyin (Boards) xayaysiin
ah oo u qoran sidan:
Well Come To Bosaso City (PSS).
Dowladda Hoose ee PuntLand (PSS)
Amal Bank of Somalia Bosaso
Barakat Bank and Telecommunication Bosaso
Dhabashiil Bank of Somalia
Al-Khayrat Bank of Somalia
North Eastern Coast Communication (NETCO)
Hotel Huruuse IWM (ETC).
Markii aan Magaalada soo galay waxan kusoo dagay
Hotel Huruuse oo kuyaal Magalada Bartamaheeda,
Hotelku waxaa uu kakoban yahay Laba Dabaq oo aad
looga shaqeeyay, Hotelka Gabigiisaba waa Mutuleel ,Korontada
iyo biyahaba Waa Joogto oo lagama yaabo inay go'aan,
qaabka Hotelka loo dagayo ayaa waxay u qaybsan tahay
laba qaybod oo ah (Single Iyo Double) Qolkastaana
waxaa kuugu yaal Musqushiisii ,haddii qolku yahay
Laba sariir (Double)waxaa sariirtii lagu seexanayaa
Lacag dhan (80,000Pshs)lacagtaan waxay u dhigantaa
Dolar ahaan Xilligaas aan joogay ($4)Dolar haddii
aad rabto Single-na waxad ku seexanaysaa lacag dhan
-(160,000Pshs) lacagtaan waxay u dhigantaa Dolar
ahaan ($8)Dolar.
Hotelka waxaa kuugu yaal gudihiisa Maqaayaddii
rashinka aad ka cuni lahayd oo aad ka helayso
shaqale ka'adeega Hotelka gudihiisa,waxad
Dareemaysaa Macaan Marka aad Cuntada Dalbato, maxaa
yeelay Cunto ay waqti hore kuugu danbaysay ayaad
helaysaa oo dhadhan keedu kusoo jidanayo,waxad
helaysaa Hilbkii oo Hadda la karshay ,Caanihii Geela
oo isagu jira Dhay ,Suusac, Garow, Waxa taas dheer
waxad helaysaa Biyihii Qaraha, Liinta, Babaygii,
Muuskii , oo intaba aad arkayso oo hortaada laguugu
diyaarinayo, Marka aad cuntada afka ka qaaddo waxaa
kugu soo dhacaya inaad markale Dalbato cunto kale
maxaa yeelay jirkaaga ayaa u baahanaya Cuntadaas
macankeeda, caafimaad ayaad dareemaysaa, Hotelku
waxad ku yaal qol kastaa IC-gii loogu talagalay
Xilliga ku laylaha in ay dadku isticmalaan , IC-ga
waxaa ladaaraan Fiidkii Waqtiga salaadda cishe ka
dib waxana uu shidnaadaa Illaa laga gaarayo Saladda
Subax, Maalinkii waxa dib loodaraa Xilliga Saladda
Duhur illaa Saladda Casar.
Mar aan goor casarkii ahi Nin dhallin yaro ah oo
saaxibkey ahi aan ka codsaday in uu isoo tuso
Dakadda Bosaso ayaa waxaan arkay dad aad u tiro
badan oo kasoo qul qulaya Dakadda, iyo kuwo kale oo
aan kayarayn kuwaas hore oo kusii qul qulaya Dakadda,
markasan saaxiibkeey waxan waydiiyay Dadkan soo qul
qulaya shaqadii ayay ka baxeen lakin kuwaan kusii
qulqulaya maxay yihiin , waxa uu iigu jawaabay
Walaal Habaynkii ayay illaa laga gaaro (12:30)
Fiidkii ayay shaqeeyaan , Dakadda waxaan ku arkay
Doonyo iyo Maraakiib waawayn oo sida Bagaash iyo
Gawaari, Doon yuhuna waxa ay kayimadeen Dalalka
Carabta sida Dalka Isu Tagga Imaradka Carabta iyo
Yaman, Maraakiib tana sidasoo kale .
Subax nimadii markii aan kasoo baxay Hotelka oo
ahayd saacaddu (7:25)Daqiiqo Aroortii ayaan kusoo
beegmay Saldhigga Boliska ee Bosaso ,iyado calankii
Somaliya Lasarayo waxn lakulmay Dhowr qof oo shacaka
aan u maleeyay inay ahayeen iyo Laba Askari,Markii
Firinbigii Dhacay oo lataagayo Calankii ayaa Laba
Qof oo shacabka ahi oo hortayda socotay ay halmar
istageen, waxan is arkay Anigoo socda ,markaasaan
dareemay in calankii Lataagayo waan
istaagay,Indhahaygu waxay qabteen Askarigii labad oo
Taagan Isna si wadaniyad ku jirto, hal mar ayaa waxa
isaaqay dareen wadaniyad oo aanan garanaynin
Xilligii iigu danbaysay, waan murala dilacay oo
naxay xasuus galay,waxan ka yaabay qaybo dalka kamid
ahi inay ka jirto wali Rabitaan wadaniyadeed.
markii waagii baryay ayaan magalada si fiican ugu
baxay waxan soo galay waddo ay baabuur
haraysay,waxan arkay Niman Police ahi oo sita babur
SUSUKI ah oo ay ku qoran tahay POLICE, Rinjigeeduna
Baluug yahay, Garigaas waxa saarnaa rag gaaraya
illaa (4Nin) wax hub ahi mawadan laakiin waxay
wateen Buugag ay gawaarida Rasiidyo oga jarayeen ,iyaguna
waxay xirnayeen Shaarar Cad cad iyo Surweelo Kaki ah
,mid kamid ahi wiilashaas Police ahi waxaa uu Xirnaa
Shaar ka duwan kuwa wiilasha kale ay wataan oo Tuute
ayuu labisnaa Xidig-na waa u xirnayd, Baburta waxa
laga eegayay inay Bixiyeen canshuurtii gaariga
midkii aan bixin waxa laga qadayay Lacag dhan
(2000Pshs)dabadeedna waxaa lafarayay inuu Tago
Xafiiska Dowladda Hoose Ee PuntLand Laanta Caymiska.
Akhi Qaybta 2aad ee Socdaalkii
Boosaaso.
Akhri: Qaybta 6aad.
Qoralkan waxan u hibeyay
Shabakadda Inter-Net-ka
Somalitalk marka ay soo dhaaftana waxan u
doorbiday Madasha Somaliyed oo Wadanka kamaqan inay
arkaan xaaladda dalka kajirta.
Qore:
Maxamed Cabdi Farax Botan - Shiike
E-Mail:
faaraxbotan@hotmail.com
ama
faaraxbotan@yahoo.com
Qaybta 1aad
|
Qaybta 2aad |
Qaybta 4aad |
Qaybta 5aad |
Qaybta 6aadFaafin:
SomaliTalk.com | 2001
Socdaalkii | Nairobi |
Muqdisho |
Jabuuti |
BerBera |
Bosaso |
Qardho |
Dangorayo |
Garoowe |
Laascaanood