Kulankii
Soomaalida Minnesota iyo Labada
Murashax ee
Aqalka
Odayaasha Maraykanka
(USA Senate)
Warbixin: SomaliTalk.com |
Oct 20, 2002 Agaasinkii shirka
| Qaabka
codbixinta | Ololaha cod bixinta | warbixin
Galabnimadii shalay ayey
ahayd markii loo ballaansanaa kulan aad loo soo agaasimey, kaas oo lagula ballansanaa labada musharax ee u tartamaya doorashada aqalka odayaasha dalka Maraykanka, kuwaas oo kala ah: (D) Paul Wellstone –
oo ah US Senator iyo (R) Norm
Coleman – duqii hore ee magaalada St. Paul.
Barxadda ka horeysa goobtii shirka
|
Kulankani wuxuu qayb kayahay dadaal weyn oo ay
Soomaalida ku nool Minnesota ku doonayaan inay codkooda ku gorgortamaan si ay
naftooda, tan carruurtooda iyo dadkoodaba wax u taraan.
Goobtii shirka lagu qabanayey markii aan kusoo
dhowaadey waxaa ii muuqday tabeelayaal lagu sharaxay aqalka hortiisa kuwaas oo
muujinayey magacyada labada musharax, cadceeda oo caad kujirtey iyo cimilada oo
degganayd ayaa ka dhigtay barxadda kulanka hortiisa ah meel aad u bilicsan taas oo weliba
dhirta ay caleema dhacsaneysey xilliga kala guurka cimilada awgeed (xagaa
iyo jiilaal).
Gudaha guriga qolka shirka markaad soo
gashid waxaa markiiba ku qaabilaya dhallinyaro kugu hagaya in aad saxiixdid
buug loogu talagalay kasoo qaybgalayaasha, waxaana gacanta laguu gelinayaa gal
cagaaran oo dusha kaga qorantahay "SOMALI VOTERS"
kaas oo ay ku dhexjiraan
macluumaad ay ka midyihiin qaabka shirku u dhicidoono iyo qaabka
codbixinta. Waxaase markiiba
indhahayga soo jiitey waraaq galkaas ku dhexjirta oo cinwaankeedu ahaa: Ololaha
Ka Soo Qaybgalka Codaynta.
warqadaas cinwaankeeda ugu horeeya waxa uu
ahaa: Waxbarashada Carruurta Soomaaliyeed, Waxa qoraalkaas ku cad in
warbixinta ugu dambeysey ee ay hayso hay'adda gobolka Minnesota u qaabilsan
carruurta, qoysaska iyo waxbarashada ay sheegtay in tirada ardayda ay luqadooda
koowaad tahay Soomaaliga ay tahay 5,445 [shan-kun
iyo afar-boql iyo afartan iyo shan] kuwaas
oo wax ka dhigta dugsiyada dawladda. 43% oo ardaydaas ah waxay wax kabartaan
dugsiyada dawladda ee Minneapolis, halka tiro kale oo badan ay wax kadhigtaan
dugsiyada Rochester, Owatona, St.Paul, Eden Praire iyo Mankato oo dhammaan ka
tirsan gobolka Minnesota. [ee
qoraalkii www.somalitalk.com/caruurta]
sidoo kale eeg "150 arday Soomaaliyeed ayaa dhigta Jaamacada
Minnesota" waxaa halkaas
kaaga soo baxaya in gorgortan weyn halkaas kujiro.
Halkaas waxaa kaaga soo baxaya sida ay
muhiimad weyn u leedahay midaynta codka Soomaalida Minnesota, si ay u doortaan
musharixii ka talinaya danaha Soomaalida. Taasi waxay ahayd tii galabtaas ka
muuqatey goobta shirka oo marka aad qolka sii dhexgashid aad arkeysid sida ay
Soomaalidu halkaas ugu midaysnaayeen in ay codkooda ku biiriyaan musharaxii
goobka kusoo bandhiga ama kasoo jeediya hadal qancinaya Soomaalida
Minnesota isla markaana ballan qaadaya in uu fulinayo ballantaas. Waxaa kale oo
halkaas ka muuqatey in Soomaalidu ay si
xeel-dheer uga fiirsanayaan taariikhda musharaxyada iyo wixii ay bulshada
danyarta ah iyo dadka soo degey Ameerika waayadan dambe ay horay ugu qabteen.
Norm Coleman oo la hadlaya Soomaalida
|
Goobta shirka oo ahaa qol aad u weyn oo leh
qayb sare oo sida masraxa oo kale ah waxaa daafaheeda ka muuqdey hadba
musharaxa markaas hadlayey tabeelayaal uu magaciisu ku qoranyahay oo
dhallinyaro Soomaaliyeed ay lulayaan, taas oo sida siyaasiyiin Soomaaliyeed ay
muujiyeen noqotay arin kaga fajicisin in badan oo reer Minnesota ah markay
arkeen qaabkan sida weyn ay Soomaalidu u soo habeeyeen.
Goobtii kulanka waxaa ka hadlay Soomaali badan
oo dulucda hadalkoodu ahaa sidii ay musharaxiinta ugu muujinlahaayeen sida ay
diyaarka ugu yihiin in ay codkooda ku biiriyaan musharaxii muujiya kalsooni uu
ku qabanayo ballanqaadka uu kulankaan ku qaado.
Soomaalidii halkaas ka hadashay waxaa kamid
ahaa Shiikh
C/Raxmaan oo sheegay in ay tahay in Soomaalida Minnesota ay
codkooda mideeyaan waayo ayuu yiri waxaan ku dhexnool nahay dhulkaan,
go'aankana waa naloo gaara maadaama anaan cid kulahayn dadka go'aanka gaaraya,
sidaas dareed ayuu yiri waa in aan codkeena hal mid ka dhignaa, oo dooranaa.
Labada Musharax midba mar ayuu kulanka yimid,
marka musharaxa koowaad uu warkiisa dhamaystay wuu ka baxay goobta si markaas
uu musharaxa kale guriga usoo galo. Marka musharaxu soo galo wuu fariisanayaa
markaas ayaa qof Soomaali ahi akhriyayaa taariikhda musharaxa oo kooban oo
afsoomaali ah, taas oo markaas musharaxa loo tarjumayo afsoomaaliga. Halkaas
waxaa kaaga soo baxaya in marka bini Aadamka afkooda wax loogu sheego ay si
xeel dheer uga fahmi ogyihiin hadii loogu sheegilahaa luqad ay barteen.
Norm Coleman oo salaamaya Soomaalida
|
Kaddib
musharaxa ayaa lagu soo dhoweynayaa masraxa, waxaana la weydiinayaa shan su'aalood
oo ay
tahay in uu kaga jawaabo haa (YES) ama maya (NO). [Halkan
Eeg Su'aalihii laweydiiyey labada musharax]. Kaddibna waxaa musharaxa
lasiinayaa waqti uu hadal goobta uga soo jeediyo kasoo qaybgalayaasha.
Su'aalahaas dulucdoodu waxay
ahaayeen haddii lagu doorto ma u qabanaysaa Soomaalida Minnesota wixii dan u ah.
Waxaa goobta kulanka hor yimid musharax (R)
Norm Coleman, oo kasocda xisbiga Republican ee hadda maraykanka xakuma, waxaa laweydiiyey
shantii su'aalood
ee diyaarsanaa ee ah kuwa aan kor ku xusay, waxaana uu kaga jawaabey YES, marka
laga reebo hal su'aal oo kusaabsanayd laanta socdaalka ee ahayd: Haddii lagu doorto ma la shaqeeyneeysaa
beesha Soomaalida isla markaana ma amreeysaa in hay'adda socdaalka (INS) ay
joojiso dhoofinta dadka Soomaalida inta Soomaaliya ay ka
yeelaneeyso dawlad damaanad qaadi karta amaankooda?.
Waxa uu kaga jawaabey
in uusan ballaantaas hadda qaadi karin waayo ayuu yiri waa in aan fahmaa
sharciyan arimahan, waxase uu ku adkeeyey hadalkiisa in uu dhawrayo xuquuqda
aadamiga, waana dhawrayaa ayuu yiri danihiina. Waxana uu Soomaalida u muujiyey
in uu ka dhashay qoys ballaaran oo sidaas darteedna uu qiimaynayo arimaha
qoyska. Waxana uu hadalkiisii kusoo xirey kelmed Soomaali ah oo ah "Mahadsanidin"
taas oo ay Soomaalidii aad ugu sacbiyeen uguna riyaaqeen kuhadalka kelmedaas.
Waxaa cad in ay ahaayeen
su'aalo siweyn loogasoo fiirsaday kuwaas oo si toos ah loo weydiinayey isagoo
taagan goobta masraxa dhammaan warbaahinta magaaladu ay indhaha kusoo eegayaan,
wixii uu halkaas ku ballaan qaadona ay tahay in uu fuliyo. Hadalkaas iyo ballan
qaadkaas ka bacdi
Norm Coleman wuxuu sidii la qorsheeyey uu horay uga sii baxay goobtii shirka
Cabbaar kabacdi waxaa goobtii
kulanka soo galay musharaxii ka socdey xisbiga dimoqraadiga (D) Paul Wellstone.
Durbadiiba kursigiisii ayuu fariistay si looga warbixiyo taariikhdiisa, kadibna
waxaa lagu soo dhoweeyey madashii hadalka.
Paul Wellstone oo kujawaabaya HAA...
|
Waxaa Soomaalidii kaga
yaabiyey kaddib markii su'aashi
u horeysey la weydiiyey ayuu durbadiiba lasoo
boodey HAA. Dadkii goobta joogey oo dhan ayaa halmar sacab iyo sawaxan u
riyaaqid ah isku daray, waxayna kasii dareen kaddib markii uu su'aal kasta oo
la weydiiyey uu kaaga jawaabey HAA... waa halkii laga sugayey YES, maadaama
su'aalaha lagu weydiinayey afkiisa Ingiriiska, laakiin uu weecday in uu kaga
jawaabo afka Soomaalida maadaam ay Soomaalidu yihiin kuwa leh codka lagayaabo
inuu wax weyn ka bedelo siyaasadda gobolka iyo xataa Ameerika, maadaama uu
musharaxii halkaas kasoo baxaa uu fadhigiisu noqon doono Aqalka Odayaasha ee
Maraykanka.
Halkaas weeye meesha
warbaahinta Minnesota ka dheheen labadii musharax waxay ku dagaalameen
afSoomaali, maadaama mid isticmaalay kelmedda "Mahadsanidin" kan
kalena kelmedda "HAA" oo labaduba afsoomaali
ah.
Su'aalihii laweydiiyey iyo
jawaabihii uu Paul Wellstone bixiyey kaddib waxa uu halkaas kasoo jeediyey hadal uu Soomaalida ugu
muujinayo sida uu diyaarka u yahay in uu kala shaqeeyn dono danohooda. Taas in
inbadan oo Soomaali ah oo goobjoog ahaa ay u riyaaqeen qaabka uu u ratibay
hadaladii uu usoo jeediyey Soomaalida madasha kasoo qaybgashay. Waxaana
muuqatay in uu khibrad weyn u lahaa Soomaalida maadaama uu 12-sano soo ahaa
xildhibaan ka tirsan aqalka odayaasha isagoo metelayey gobolka Minnesota.
Paul Wellstone oo kasii baxaya madasha.
|
Paul Wellstone waxa uu
sheegay in uu qaddarin u hayo dadka Soomaalida ah.
Waxaa galabtaas goobta ka muuqdey in
Soomaalidu ay ka midaysan yihiin in ay codkooda siiyaan musharaxii ay u arkaan
in uu yahay mid ka jibakeenaya ballantiisa, taasina waxay caddaan doonta
November 5, 2002 oo ah maalinta doorashada la qabandoono.
Waxaa cad in Soomaalida deggan gobolka
Minnesota ay kamid yiiin jaaliyadaha Soomaalida qurbaha kuwa tiro ahaan ugu
badan, waxaana soo shaac baxaya ifafaalo muujinaya in ay noqonayaa kuwa tayo
ahaana ugu fiicaan doona haddii ay maskaxdooda mideeyaan iyagoo eegaya waxa
maslaxad u ah jaaliyada aadka u fideysa. xagga aqoonta, waxbarashada, shaqada, isku xirnaanta iyo
ilaalinta nidaamka qaranka, isku dubnaanta iyo kala dambaynta ayaa noqon doono
kuwa lagu cabiri doono Soomaalida gobolkan ku dhaqan, taas oo ay markaas hormuud ugu noqonkaraan Soomaalida gebi ahaanba
ku nool qurbaha:- waa
hadii sidaas ay galabta u garteen qiimaha midnimada ay halkaas kasii xoojiyaan.
Markii uu Paul Wellstone
madasha soo galay ayaa waxaa dhallinyaro Soomaaliyeed bilaabeen in ay qaybiyaan
warqad laba bog ka kooban oo Afsoomaali iyo af ingiriis ku qoran, bogga afka
Soomaaliga waxaa cinwaan u ahaa "Senator Wellstone: U
dedaalayaa Una aadeegayaa immigrant-ka Afrikaanka ah",
koobi warqadaas ah ka eeg halkan.
Labada musharba waxay qireen in Soomaaliyo ay
yihiin dad aad muhiim u leh.
Soomaalidii kulanka ka hadlay waxaa kamid ahaa
Siciid
Saalax, isagoo soomaalida ku boorinaya in ay codkooda mideeyana wuxuu
soo jeediyey hadal aad u xigmad badnaa oo uu u dhigay sidan:
- War la helyaa Talo la hel
- Talo la helyaana Tiro la hel
- Tiro la helyaana Cod la hel
- Cod la helyaana Aqoonsi la hel
- Aqoonsi la helyaana taladaada iyo dantaada
la hel
Kaddibna waxa uu Siciid Saalax wuxuu hab
suugaaneed kusoo bandhigay qaabka ay tahay in qofku isu diiwaan gelinayo si codbixnta
uga qayb qaato, taas oo haddii waqtigii diiwaan gelinta uu dhaafay ay
furantahay in maalinta cod bixinta la is diiwaan geliyo.
Waxaa
kale oo goobtaas ka hadlay Xasan Jaamici oo ah qareen Soomaaliyeed oo sheegay
in dhibaatooyin badan ay soo gaaraan dadka Soomaalida ee ku dhaqan maraykanka
kaddib September 11. Isagoo dhibaatooyinkaas qaar kamida xusaya waxa uu yiri
waxaa iigu naxdin badnaa markii aan FAX ka helay Soomaaliya kaas oo sheegayey
in wiil kamida kuwii laga tarxiilay Maraykanka ee lagu celiyey Soomaaliya inta
la qafaashay lagu diley Soomaaliya. Waxa kale oo uu ka hadlay habka loo yaqaan
"Profile" kaas oo ah in dadka loo diiwaangeliyo si gooni ah. Waxa
kale oo uu xusay wiil booqaney hooyadiis oo joogta Ingiriiska markii
uu kusoo laabtay Maraykankana la xiray. Waxa uu arimahaas toos ugu sheegayey
musharaxa Paul Wellstone
oo markas hortiis fadhiyey. Taas oo weliba uu ku daray hadal uu ku sheegayo
sida ay soomaalidu ganacsiga magaalada qayb dhan ugu soo kordhiyeen, waxana uu
yiri bal eeg Lake iyo Cedar (waa laba wado oo ganacsida Soomaalidu ku
badanyihiin)
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
|
Soomaalidii
kale ee kulanka ka hadlay waxaa kamid ahaa Ra'iisul wasaarihii hore Soomaaliya
(14 Jun 1964 - 15 Jul 1967) ,
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, isagoo Soomaalida dhiirigelinayana waxa uu yiri
"Soomaalidu ha u codeyaan cida ay u arkaan in ay dantooda waddo".
isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu siweyn ugu guubaabiyey Soomaalida in ay
codkooda mideeyaan siiyaana meesha danooda ah.
Cabdirisaaq waxa uu xusay in "xisbiga
Dimoqraadiga lagu tilmaamo in uu ka hadlo u danaynta dadka dan yarta ah halka
xisbiga Republicanka lagu tilmaamo dadka qaniga ah".
Cabdirisaaq oo siweyn u muujinaya kalsoonida
uu ku qabo Soomaalida Minnesota ayaa ku adkeeyey muhiimadacodka oo la mideeyo.
Waxaa hadda ballantu tahay November 5, 2002 oo
sida aan kor ku xusnay ay doorshadu dhici doonto, taas oo la filayo in Soomaalida Minnesota ay wacdaro ka
muujinayaan. Hadaba haddii aad tahay ama haysatid dhalasha Maraykanka ha moogaan
maalintaas halkana ka akhri qaabka cod bixinta.
In badan oo Soomaali ah ayaa goobta ka hadlay
gunta hadalkooduna wuxuu ahaa sidii hal cod ay Soomaalidu u yeelanlahaayeen,
taas oo sida qoraalkan ka muuqata marar badan lagu soo celceliyey. Warbaahinta
magaaladuna aad ayey uga hadleen kulankaas Soomaalidu la yeesheen musharaxiinta
aqalka sare ee Maraykanka. Waxaana warbaahintu qireen in Soomaalidu gacan siin
doonaan kii ku guulaysta jagadaas.
Maxamuud Shafi iyo Xuseen Samatar
Shaafi waxaa lagala xiriiri karaa:
Email: shaafka@yahoo.com Tel:
952.220.2246
|
Gabagabadii shirka, waxaan kulan gaar ah la
yeeshay Maxamuud Shaafi iyo Xuseen Samatar oo kamida qabanqaabiyaasha shirkan si
ay iigaga waramaan qaabka ay u soo agaasimeen shirkan. Maxamuud oo warbixin arintaas iga
siinayana waxa uu yiri bishii May 2002 ayey firkrada shirkani soo bilaabatay,
taas oo asal u ahayd sidii lo heli lahaa cod midaysan oo ay leeyihiin
Soomaalidu. Muddo kabacdi cilmi baarisyo dheeraad ah oo la sameeyeey, arimo
badan oo dhinacyo badan laga eegay kaddib ayaa la qoondeeyey in kulan lal
ayeesho labada musharax, kaddib waxaa loo diray casumaad, waxaana markii hor
aqbalay Paul Wellstone,
kaddibna
Norm Coleman.
Waxa uu Maxamuud ii sheegay
in arintaan qabanqaabada oo socotey muddo lix bilood ah ay ka qayb qaateen
culimaa'u diinka iyo aqoon yahanada Soomaaliyeed ee deggan gobolka Minnesota,
kaas oo guusha galabta ka muuqata ay ahayd natiijadii kasoo baxday. Warbixintii
Maxamuud Shafi oo faahfaahsan ka akhri halkan.
Shaafi waxa kale oo uu SomaliTalk u sheegay in
qorshahan midaynta codka Soomaaliyeed uusan ku koobnayn shirka maanta balse uu
noqon doono mid joogta inta ay dad Soomaali ah ku nool yihiin cariga Maraykanka.
Talo, tusaale iyo ka qayb qaadashada qorshahan
codaynta waxa lagu hagaajinkaraa Maxamuud Shaafi oo laga xiriiri karo Email: shaafka@yahoo.com
Tel:
952.220.2246.
Waxa kale oo jira kulan dhexmaraya Soomaalida
iyo musharaxa governor-ka oo lagu magcaabo Tim Penny oo kasocda xisbiga
Independent Part, kulankaas
oo October 21, 2002 ka dhici doono Brain Coyle Center, sida uu uu sheegay
Shaafi. [halkaas dib ayaan u saxay].
Maxamuud Nuur Wardheere
|
Ugu dambayntii waxaan lakulmay Maxamuud
Nuur Wardheere oo kamid ahaa agaasimayaasha shirka, waxana uu ii sheegay in
shirkani uu ku dhamaaday guul, isla mar ahaantaan ay labada musharaxba aa ula
cajaa'ibeen qaabka loo soo habeeyey shirka, iyagoo sida uu Wardheere ii sheegay
aysan filaneyn shir noocaan oo kale ah.
Maxamuud Wardheere waa musharaxii hore ee duqa
magaalada Minneapolis, taas oo mar sii horeysey uu Duqa magaalada Minneapolis
ee hadda uu kula kaftamay erayadan "Iska
Sabir Sanadka soo socda ayaad heli doontaa mayor-nimo" . Waxaa dhici
karta in ay maalin rumowdo in Soomaalidu ay noqdaan duqa magaalada, kubiiraan
aqalka sare ee odayaasha, ama derejo ka saraysa haddii ay sii wadaan midnimda
ay maanta halkan ka muujiyeen, Allahna u tala saartaan ficil kasta.
Maxamuud wardheere warbixin uu ka
diyaariyey shirka ka akhri halkan
Doorashadan hadda taagan ee labada musharax,
codbixin ay bishan 19keedii qaaday jariidad kasoo baxda Minneapolis, oo lagu
magcaabo Star Tribune , oo weydiisey 1,048 qof oo lagayaabo in ay cod bixiyaan
ayaa waxa uga soo baxay in 47% ay dheheen waxaan taageersanahay Wellstone,
halka ay 41% ka dheheen waxaan taagersan nahay Coleman. Sida ka muuqata cod
bixintaas aad ayey isugu dhow yihiin, halkaas waxaa kaaga soo baxaya sida codka
Soomaalidu ku yeelankaro muhiimda weyn oo wax bedelikara, waa hadii uu yahay
HAL COD.
Gabagabadii ha u dayma la'aan doorashadan iyo
November 5, 2002 - eeg qaabka
iyo shuruudaha codbixinta .
Agaasinkii
shirka | Qaabka
codbixinta | Ololaha
cod bixinta
_______________________ Waxaa isku soo dubaridey Maxamed Cali webmaster@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Oct 20, 2002
Soomaalida
Minnesota oo horumar wayn oo xagga siyaasadda ku talaabsatay
Waxayna isku Ballansadeen
midayn codkooda ee doorashada November 5, 2002 kadhacaya USA... GUJI
ELDORET:
Taxanaha Wararka om
|