Shir wayn oo dhex maray Soomaalida Minnesota iyo labo murashax oo u tartamayo
senateka ayaa shalay y ka dhacay Augsberg College Minneapolis, Minnesota. USA
Shalay oo Sabti ahayd saacadda markay ahayd 2:00 pm dadwaynaha Soomaaliyeed ee
ku nool Minnesota ayagoo wata qalabkooda warbaahinta iyo marti sharf kaleba
waxay isugu tageen masrax wayn oo ay leedahay Jaamacadda Augsberg. Waxaad
moodaa in lagu aadiyay maalin Sabti ah oo dadka badankii aanay shaqaynin
iskuuladana xiran yihiin. Soomaalida Minnesota ayaa u hamuuman inay siyaasadda
gobolka iyo tan federalkaba door ka cayaaraan ka dib markay arkeen tirada inta
codaynkarta, dadaalka ardada ugu jirto xagga waxbarasgada, waxgarad badan,
ganacsi iska roon, iyo muruq maal badan.
Waxaa ka yaabiyay labadii murashaxba tirada Soomaalida soo xaadirtay iyo
firfircoonida ka muuqato iyo quruxda shirka loo soo abaabulay. Wuxuu noqday
shir Minnesota ka dhaca kii ugu heer sareeyay sababta dhalisay ayaa la isku
raacay inay ahayd wada shaqayn xoog leh oo dhexmartay xubnaha Soomaalida
Minnesota. “Ilayn Soomaali hadday isku duubato oo ismaqasho waxkasta waa qabsan
karaan” hadalladan waxay ka mid ahaayeen hadal uu yiri oday Soomaaliyeed oo ka
yaabay ismaqalka Soomaalida.
Wuxuu shirka ku bilowday marqaatiyaal la horkeenay murashaxiinta kuwaas oo
caddeeyay dhibta Soomaalida ka haysata, guryaha, waxbarshada ardada, shaqooyinka
iyo tarxiilka waaxda socdaalka. Waxaa ku xigay afar afar su’aalood oo lagu
amaray murashaxiinta inay HAA ama MAYA keliya uga jawaabaan ayaguna sida lagu
amray ayay yeeleen. Ka dibna murashax kasta 10 daqiiqo ayaa loo qabtaykiiba
inuu hadlo, waxaa xusid mudan sida shirka Soomaalida u maamulaysay oo ay ka
muuqatay awood. Waxaa meesha ka hadalay odayaal iyo waxgarad Soomaaliyeed oo
dadka ku booryay in America gurigoodii noqotay oo ay hadda qasab noqotay in ay
awood yeeshaan oo siyaasadda Minnesota saamayn ku yeeshaan.
Labada murashaxba si ay dadka u soo jiitaan waxay isku dayeen inay af soomaali
ku hadlaan, haddaan soo qaato hadaladii murashaxiinta
Waa sidan:
Senator Paul Wellstone oo muddo 12 sano soo ahaa Senator Dimoqraadi ah ayaa
afartii su’aaloodba kaga jawaabay HAA oo dadkiina ka qoslisiiyay asagoo sheegay
inuu ku faraxsan yahay in Soomalida Minnesota awood yeelato, waxaa kale oo
senatorka sheegay inuusan marna la safanayn maal qabeenada ee uu la safan yahay
dan yarta.
Norm Coleman oo ah Republican ahna ninka la tartamaya Sematorka horena u ahaan
jiray Duqa magaalada St. Paul oo lagu qadariyo sida uu usoo dhisay magaaladaaas
oo ahayd mid sii dhimanaysay haddana ah magaalo ifaysa isla markaana ah
saaxiibka madaxwayne Bush ayaa isgana isticmaalay kalmadaha Assalaamu calaykum
iyo mahadsanidiin. Su’aalihiina shaqada, guryaha, waxbarshada wuu ballan qaaday
laakiin waaxda socdaalka iyo tarxiilka soomaalida ayuu ka cudurdaartay oo wuxuu
yiri hadda waxba kama aqaan waadna ogtihiin september 11 wixii dhacay waan
idinla shaqaynayaa oo waan jeclahay difaac xuquuqda bani aadamka ee waqti i
siiya oo aan ku soo ogaado waxa jira. Jawaabtaas dadka qaar kuma qancin,
laakiin qaar ayaa yiri waa ka daacad san yahay kan kale diidmana kama aha.
Coleman oo ah nin ka soo horjeeda ilma iska soo tuurka jecelna qoysaska dhisan
ayaa yiri “waan ogahay Soomaalida uma baahna cayr oo waa dad shaqo jecel ee
laakiin waxay u baahan yihiin qof dhaqankooda haysta oo ilamaha u xanaaneeyo
intay shaqada ku maqan yhiin.” Waxaa kale oo uu sheegay inuu ilmeeyay markii uu
maqlay in Soomaalida ka maqan tahay goobaha talada iyo maamulka, ugu
danbayntiina wuxuu Soomaalida uga digay inaysan dhagaysanin ballamaha badan ee
siyaasiyiintu ballan qaadaan. Labada murashaxba waxay meesha ka tageen ayagoo
faraxsan waayo Soomaalidu dhexdhexaadnimo ayay muujiyeen iyo inaysan qofna
keligii gooni u taageerin hadda oo ay la shaqayn doonaan hadba kii soo baxa.
Minnesota waa meesha ugu Soomaali badan Maraykanka.
Qaabkii
kulanku u dhacay oo faahfaahsan
###
Ma haboon tahay Soomaalida ku nool
maraykanka inay ka qayb qaadato bannaanbax looga soo horjeedo madaxwayne Bush
iyo siyaasadiisa dibadda Ka
akhri halkan Maxamuud Wardheere
mwardere@oakwood.com
Oct 20, 2002
com
|