SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

Senator Wellstone: U dedaalayaa Una aadeegayaa immigrant-ka Afrikaanka ah

 

  • Xafiiska senator-ku wuxuu caawiyey boqollaal qof oo ka yimi in ka badan dhow riyo toban dal 00 Afrikaan ah. Isagoo ka caawiyay arrimaha immigration-ka iyo isu keenista qoysaska kala maqan iyo dadka dhalashada qaadanaya.  

  • Senator Wellstone waa dadkii bore u diyaariyay sharciga badbaadinta Qaxootigaa 00 ilaaliya xuquuqda qaxootiga iyo asylee-ga si aan loogu xadgudbin 00 100 dhawro xaqa ay sharciga u leeyihiin.  

  • Senator Wellstone wuxuu wax ka diyariyay sharciga Liberian Fairness Act (Xaqsooridda Liberian-ka) 00 degenaansho Maraykanka ah lagu siiyo 10,000 -15,000 00 Liberian ah ka dib markii dagaalku dalkooda ka qarxay.  

  • Senator Wellstone wuxuu la shaqeeyey dad badan 00 ka yimi Geeska Africa isagoo la kulmay hoggaanka beesha Ethiopia, Somalida, Oromada iyo Eriterian-ka. Senator Wellstone xafiiskiisu wuu sii wadi doonaa la kulanka beelahaas isagoo kala xaajoon doona arrimaha gudaha iyo dibaddaba.  

  • Paul wuxuu u dacwoodaa una hadlaa caddaaladda iyo xuquuqda aadanaha isagoo FBI-da u wacay inay baadho dhimashadii shakigu ku jiray ee uu Kenya ku dhintay wadaad u dhashay Minnesota.  

  • Xafiiska Senator Wellstone wuxuu sii wadayaa ka qaybgalka xafladaha ay beelaha Afrika ka gOO jeedaa diyaariyaan si uu u dhexgalo una barto beesha una kuurgalo waxa ay tabanayaan.  

  • Isagoo ka mid ah guddida xidhiidhka arrimaha dibadda ee golaha Senate-ka, Wellstone wuxuu ku hawlanyahay horumarka dhaqaalaha iyo bulshada Afrika. Isagoo taageeray dheegidda sharciga kobcinta Afrika ee 1999 kii kaasoo shirkadaha waaweyn ka horjoogsanaya inay si xun ula macaamilaan ugana faa' idaystaan dadka Afrikaanka ah.  

  • Senator Wellstone wuxuu sii wadayaa u doodidda maalgelinta baadhitaanka iyo dawaynta cudurka HIV ee dalkan iyo dibeddaba. 

  • Dhinaca arrimaha gudaha, senatorka Wellstone wuxuu yahay hoggaanka u dagaalama in lacagta 100 kordhiyo Childcare-ka, waxbarasha K-I2 iyo in la fududeeyo habka lagu galo tacliinta Safe. Wuxuu ka shaqeeyey in la ballaadhiyo caymiska caaflmaadka dadka maraykanka ah laguna daro inay Medicaid helaan carruurta Immigrant,,-ka ahi.

  • Sannadkii 2000, Wellstone wuxuu ka qaybgalay diyaarinta sidii 100 maalgelin lahaa dhismaha guryo jaban loona fududayn lahaa guryaha danyartu awooddo inay lahaato. 

  • Paul Wellstone wuxuu horkacayay dagaalka lagu kordhinayo lacagta ugu hoosaysa (minimum wage) ee shaqaaluhu shaqada ku bilaabaan. Isagoo si joogto ah u codeeya in 100 sinnaado dhaqaalaha. 

  • Senator Wellstone wuu taageeraa sharciga AffIrmative Action (ee 100 sameeyey dadka laga badanyahay), waxa kaluu taageeraa ganacsatada iyo weliba in la maalgeliyo hayadaha xagga sharciga dadka ka taageera.  

 Kulaabo Bogga warbixinta -GUJI.HALKAN

_________________
SCANNED: Oct 20, 2002

AFEEF: Qoraalkan waxaan kusamaynay "SCAN" waraaqihii asalka ahaa, sidaas darteed waxaa dhicikarta in qaybo higaadaha uu "SCAN-ku" fahmi waayo sidaas darteedna uu u bedelo kelmed kale.

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD