SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

 Ololaha Ka Soo Qaybgalka Codaynta

Waxbarasha Caruurta Soomaaliyeed

Soo Koobid: Akhbartii ugu dambeeysay ee ay hayso hay'adda gobolka Minnesota u qaabilksan caruurta, qoysaska iyo waxbarashada ayaa ku sheegtay in ay la eg tahay tirada ardayda ay luqadooda kowaad Soomaaliga tahay 5,445 waxna ka dhigta dugsiyada dawladda. 43% 00 ardaydaan waxaa ay wax ka bartaan dugsiyada dawladda ee Minneapolis, halka tiro kale 00 badan ay dhigtaan dugsiyada Rochester, Owatonna, St.Paul, Eden Prairie iyo Mankato. Barnaamijka la yirahdo Title III 00100 yaqaan " In uu usan ardayna dib u harin" ayaa surageliya in ardayda luuqadaha ajnabiga ku hadla in ay bartaan luuq ada Ingriiska. Inkastoo maamulka dugsiyada ay ugu dadaaleen in ay kor u dhigaan luqaada ardayda cusub, had ana waxaa hortagaan caqabad maalgelineed 00 la xiriira barnaamijyada luuqadaha maadaama misaaniyada gobolka Minnesota ay gasha hoos dhac wayn. Sida caadadu ay tahayna barnaamijyada la dhimo

waxaa ugu horeeya barnaamijka barasha af-ingriiska ELL. Waxaa la filayaa hoos u dhaca misaaniyada gobolka Minnesota in u saameeyn lacageed ku yeesho. Qiyaastii ilaa iyo $600 ardaygiiba ama $32,000,000 in laga jaro miisaaniyada dugsiyada ee Minneapolis sanad dugsiyadeedka 2003.

Haddii lagu doorto ma la shaqeeyneysaa jaaliyadda Soomaalida si looga helo dawladda dhexe hanti lagu kabo qarashyada la dhimay? 

Xaqiiqada guryaha ee beesha Soomaalida

Soo Koobid: Marka la isku daro sharuudaha degaanaasha guriga iyo helin la'aanta guryo waaweeyn 00 qaada qoysaska balaaran waxaa gOO baxaya qoysas badan 00 aan haysan meel ay degaan. In kastoo aan la haynin tiro koob sax ah, haddana qoysaska Soomaaliyeed waxaa lagu qiyaasay in ay ka kooban yihiin ilaa iyo 6 ama 7 qof. Waxaa khiyaas ahaan lagu hayaa in 75% in dadka Soomaaliyeed ugu yaraan qot qaraabadooda ah uu guriga kula nool yahay. Waxaa aad u badan dhibabka ka haysta beesha Soomaalida guryo la'aanta.

Haddii lagu doorto ma la shaqeeyneeysaa jaaliyadda Soomaalida is loo ansixiyo National Housing Trust Fund legislation?

 

Tababar shaqo iyo mid luqadeed

Soo koobid: Qaran ahaan wax soo saarkeena waxaa uu ku xiran yahay awoodeena maaliyadeed iyo awoodeena shaqo. Waxaa dhaqan ah marka ay dad cusub dalkaan ku soo biiraan in ay qabtaan shaqooyin ay dad kale horay u hayn jireen. Marka aan eegno baritaan ay hay'adda Wilder ku sameeysay dadka dhawaan dalka yimi waxaa u soo baxay in 66% dadka Soomaalida ee dalka yimi ay haystaan shaahaado dugsiga sare isla markaana in ka badan seddex meelood meel in aysan ku kalsooneeyn ku hadalkooda luuqada Ingriiska. Waxaa ay dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin in kor loogu qaado xirfadooda luuqadeed iyo mid shaqo.

Haddii lagu doorto ma la shaqeeyneesaa beesha Soomaalida si xalloogu helo arrintaan?

Dalka oo si qasab ah la isaga dhoofsho!

Soo koobid: Hay'adda Socdaalka waxaa ay dhawaan musaafurisay 30 qaf oo Soomaali ah. Waxaa dib loogu ceshay Soomaaliya oo aysan nabad buuxda ka jirin.

Haddii lagu doorto ma la shaqeeyneeysaa beesha Soomaalida isla markaana ma amreeysaa in hay'adda socdaalka (INS) ay joojiso dhoofinta dadka Soomaalida inta Soomaaliya ay ka yeelaneeyso dawlad damaanad qaadi karta amaankooda?

Dhismaha xiriir saaxibtinimo

Dadka Soomaalida dalkaan waxaa ay u yimaadeen in ay degaan. Waxaa kugu filan oo kaliya in aad eegto ganacsiga ay ku hayaan jidadka Lake, Cedar iyo Franklin. Beesha Soomaalida waa beel leh awood siyaasadeed. Waxaan rabnaa in aan xiriir saxiibtinimo oo qoto dheer la yeelano qofka loo dorto duqa gobolka Minnesota.

Haddii lagu doorto ma la kulmeeysaa muddo 90 casho gudaheeda beesha Soomaalida si dib loogu eego arrimahaan iyo arrimaha kale ee beesha Soomaalida quseeysa?

 Kulaabo Bogga warbixinta -GUJI.HALKAN

_________________
SCANNED: Oct 20, 2002

AFEEF: Qoraalkan waxaan kusamaynay "SCAN" waraaqihii asalka ahaa, sidaas darteed waxaa dhicikarta in qaybo higaadaha uu "SCAN-ku" fahmi waayo sidaas darteedna uu u bedelo kelmed kale.

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD