SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - 2004

Febraayo 21, 2004  

USA: Tartanka Aqalka Cad:

Aden Mohamed
adengas@hotmail.com

Maxaa ka jira wararka sheegaya in John Kerry Gogoldhaaf Sameeyay.

Daabaco Boggan | Print

USA:Tartanka Aqalka Cad oo La isla soo Galayo Xayndaabka Muslimiinta Guji...

Usa:Tartanka Aqalka Cad oo Madaxa La Galay Is Gobalysi GUJI

USA:Yaad Dooran Doorashada Madaxtinimada Dalka Mareykanka GUJI

USA:Tartanka Aqalka Cad, Ninba Ceesaantii Ceelka Keen ... GUJI


Ninka ugu cad cad tartanka aqal cad ee xisbiga Dimuqraadiga isla markaana dhawaan saadaalin la sameeyay si wayn uga guulaysan lahaa madexweyne Bush Haddi maanta la qaadi lahaa doorashada waa Seneterka laga soo doorto Massachusetts, John Kerry, ayaa waxaa maalmahan suuqa ku jirtay(RUMORS) in odaygu xiriir qarsoon la leeyeeshay gabar suxufiyad ah una shaqayn jirtay wakaaladda wararka ee AP(Associated Press)xiligii udhexeeyay oktobar 2002 ilaa Bishii Maarso ee sanadkii la so dhaafay, gabadhaas oo lagu magacaabo Alexandra Polier, oo 27 sano jira, waxaana warkaas soo shaaciyay ninka wax ku qora websitka caanka ku ah waxyaalaha xanta ee suuqa ku jirta kaasoo ay daalacdaan in kabadan 15milyan oo qof waana Coluministaha lagu magacaabo Matt Drudge, waxaana warkaas suuqa ku jira xiisaha dheeriga u yeelay Matt druge oo ahaa ninkii kashifay oo soo tabiyay sanadkii 1998 kii fadeexadii Dhex martay President Bill Clinton iyo Gabadhii Monica Lewinsky, waxaana maalmahan wararka lagu daabacay warkaas suuqa ku jira oo ah in John Kerry Seneterka Massachusetts iyo gabadhaas wariyaha ahi uu xiriir dhex maray.

Haddaba af jooga looma adeegee waxaa si carro leh warkaas uga jawaabtay Mrs.Alexandra Polier. waxayna tiri:waxaan dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku arkayay enternetka iyo joornalada warar suuqa lala dhexmarayo(Rumors)oo la leeyahay aniga iyo Sen.John Kerry waxa ka dhexeeya xirrir hoose ,haddaba waxan cadeynaya in warkaasi waxba ka jirin oo uu yahay been la dhoodhobay,waxayna gabadhu hadda ku sugan tahay wadanka Kenya oo ay buuqasho ugu tagtay reerka ay wiilka ay udoonantahay oo ku nool wadanka Kenya(qoyska wiilka ay u doonan tahay) warkaas oo ay usoo gudbisay AP,waxayna kusoo gabagabaysay waa in la dhowraa xurmada uu leeyahay qofka sharaftiisa oo sumacadiisa aan warar aan jirin lagu dilin waxaana rajayn in saxaafaddu ay arintaas ka gaabsadaan.

Codsigeeda ah in la laga haro warkaas ayaa waxaan dheg jalaq usiin kuwa lagu tilmaamo Conservatiga oo Wariyaasha qaybiya waraka raadiyaha(Radio Hosts) oo lagu magacaabo Sean Hannity Iyo Rush Limbaugh iyo websityo ay ka mid yihiin National review iyo Wall street Journal ayaa si xowliya wax uga sheegayay arintaas si ay uyareeyeen taageeridda badan uu helayo Seneter kerry, oo ay ku tilmaamaan inuu yahay nin liberal ah kaasoo ayaamahan la lahaa waxyaalaha lagu naqshadaynayo oo la rabo in ololaha lagu abaaro ay ka mid yihiin in durbadiiba la yiri waa nin liberal sii xag jira(too liberal,far left) Balse waxaa ka gaabsaday oo aan soo qorin qormooyinkaas xassaasiga ah Jariidadda Caanka ah ee Washington Post oo tiri warkaasi waxuu ubaahan yahay in si wayn loo xaqiijiyo, waxaasi wali wadwada warkaas joornaalada ay ka midyihiin New york Post, New york Daily News iyo wariyaha ABC oo wax ka waydiiyay Sen.Kerry qudhiisa waxuuna yiri :wax laga hadlo meesha ma yaaliin,mana ka welwelayo warkaas beenta ah inay waxyeelayso wadada aan ugu jiro inaan Bush ku Celiyo Gurigiisa ku yaal Texas kana qabsado Aqalka cad ee macaan,jawaabta arintaas oo koobanna waa maya oo aniga iyo gabadhaas wax xiriira oo naga dhexeeya majiraan.

Waxaa sidoo kale warkaas buunbuuniyay jariidadaha ka soo baxa dalka Ingiriiska oo ayagu soo sawiray gabadha Alexandara iyo Sen,Kerry kuwaaso ay ka mid yihiin jariidada Times of London oo cinwaan uga dhigay"Dirty Tricks Row hits race fo presedent".
Jaridadda Sun iyaduna waxay tiri"New J.F.Kennedy hit by Scandal" labadaas jariidadood iyo midda New York Post waxaa iska leh ninka taajirka ah oo ah Conservative xag jira laguna magacaabo Baron Rupert Murdoch.

Waalidka gabadha oo la kala yiraahdo Terry iyo Donna ayaa iyaguna si caro leh uga jawaabay waxayna ku tilmaameen war wax loogu dhimayo sumacadda Sen.John kerry iyo gabadhooda isku diyaarinaysa inay dhawaan aqalgasho waxayna yiraahdeen Xurmeeya privacyiga qofka, waan u codayn doonaa Sen. John Kerry si uu u noqdo madexweyna Dalka mareykanka.

<><><>

Is reebreebka Xisbiga Dimuqradiga

Senator John Edwards
J. Edwards
Senator John Kerry
J. Kerry

Tartanka aqalka cad xagga Xisbiga Dimuqraadiga waxaa isugu soo haray labo John oo Dr.Howard Dean oo mar ahaa ninka loo maleynayo inuu ku guulaysano doono magacaabidda Xisbiga Dimuqraadiga ayaa qulqulay waxayna soo yaraatay rajadiisii markii uu galay kaalintii 3aad gobalka Wisconsin, halkaasoo ay isku soo hareen hadda John Edward oo reer Koofureeda Iyo John Kerry oo reer waqoyiya, waxaana la kala hari maalinta loo yaqaan Super Tuesday (talaada weyn)oo toban gobol ay ka dhacayso doorashadu kuwaasoo ay ku jiraan gobalada waawayn Sida California oo leh 370 wafuud, New York 236 wafuud, Ohio 140 wafuud, Massachusetts 93, Georgia 86, Minnesota 72 wafuud( Caucus), Maryland 69,Connecticut 49 ,Rhode Island 21,Vermont 15,waxaana maalintaas laga codeenayaa gobalada Somalidu ugu badan tahay oo ah Minn.iyo Oh., Codeyntu marka laga reebo Minnosota oo ah codaynta is dabagalka Caucaska sagaalka kale waa codaynta loo yaqaan hordhaca(Primary).

Talaada soo socota ayaa gobolo yay yar codayn doonaan kuwasoo kala ah Hawai 20, Idaho 18, Utah 23, Gobaladani ninna iskuma taxalujiyo oo waxaa nin walba xoggiisa iyo maalkiisa isugu geyn gobalada dambe quwadda leh sida California, New york,iyo Ohio, haddiiba waxaa la warinayaa in John Edward hadduuna helin qaaraan dheeriya ay ku gabaabsi noqon doonta xagga jeebka oo xoolihiisii uu ka tabcay lowyarnimadii iyo qaaraankii taageerayaashiisa waxaa fuuqsaday Talefishano iyo saxaafad qaaliya, John Kerry iibintii gurigiisii hantida uu ka lahaa kuma qasaarin oo hadda meel fiican buu soo gaaray cid walbana waa u qaaraamin,John Kerry oo Xaaskiisu taajirad xad dhaafa tahay waa meeshii laga yiri xoolo xaas ha cunin oo waxuu ka xigay gobanimo gurigiisii ayuuna xaraashay.

Tartamayaashu sidan ayay ukala haystaan wafuudda

Websiteyada:
Kerry, Edwards
www.johnkerry.com

www.johnedwards2004.com

John Kerry 482, John Edwards 166, Alsharpton 12, Dennis Kucinnich 0,,ogowna waxaan ku jirin Unpleadgeka Wafuudda sare(Super delagate), labada Musharax ee John Kerry iyo John edward waxaa dadweynuhu jeclaan lahaayeen inay labadoodu isku tigid Madexwene iyo ku xigeen kala noqdaan oo markaas meesha laga tuuro Bush, qiyaas la sameeyay ayaa dadweynaha mareykanku waxay yiraahdeen John Kerry waa inuu madexweyne xige u magacowdaa John Edwards oo dad badani caadifad saaida u hayaan isla markaana taageero badan ka heli doono gobalada Koonfureed maadaama Georg Bush uu yahay nin reer koofureeda oo Conservativa.

Aden Mohamed
adengas@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Febraayo 21, 2004

 USA:Tartanka Aqalka Cad oo La isla soo Galayo Xayndaabka Muslimiinta Guji...

SAWIRADA: Google search

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

»USA:Yaad Dooran Doorashada Madaxtinimada Dalka Mareykanka Aden
»USA:Tartanka Aqalka Cad, Ninba Ceesaantii Ceelka Keen [Aden]
»OLOLAHA XISBIGA DIMUQRADIGA MARAYKANKA [Diridhaba]

»USA: DOORASHADA XISBIGA DIMUQRADIGA EE  2004 [Diridhaba]
 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD