Febraayo 6, 2004
USA:Tartanka Aqalka Cad oo La isla soo
Galayo Xayndaabka Muslimiinta
Aden Mohamed
adengas@hotmail.com
Daabaco
Boggan | Print
Usa:Tartanka Aqalka Cad oo Madaxa La Galay
Is Gobalysi
GUJI USA:Yaad Dooran Doorashada
Madaxtinimada Dalka Mareykanka
GUJI
USA:Tartanka Aqalka Cad, Ninba Ceesaantii Ceelka Keen
... GUJI
|
Ka dib markii laga soo gudbay 9 Gobal
isreebreebka Xisbiga Dimuqraadiga oo lagu jiro wadada loo maro gacan ku
dhigidda aqalka cad ee looga arrimiyo wadanka maraykanka, ayaa hadda waxaa loo
soo gudbay gobalada ay ku badan yihiin Muslimiintu, kuwaasoo tiro muuqata ku
leh cadadka dadka maraykanka laakiin aan ka muuqan golayaasha sida Seneterada,
wakiilada, governatoorada iyo xitaa wakiilada hoose ee stateyada.
Dadka Muslimiita ah ee ku nool dalka maraykanka waxaa lagu qiyaasaa tiro u
dhaxaysa 7 ilaa 10milyan,waxayna door muhiima ka qaadan karaan halka loo hagayo
siyaasadda wadanka maraykanaka ,waa haddii ay noqdaan ul iyo diirkood oo ay
muujiyaan cududooda kaasoo ah inay ku gorgortamaan codkooda.si ay uga
badbaadaan dhibaatooyin la soo gudboonaada mujtamaca muslimiinta oo wixiii ka
dambeeyay dhacdadii September11,2001dii indho dheeraada lagu eegayay ummadda
muslimiinta ee ku nool wadanka mareykanka iyo guud ahaan caalamka reer
galbeedka.
Maanta waxaad arkaysaa muslimiin badan oo ka shalaynaya doorashadii ay doorteen
madaxweyne Bush oo leh haddaanu dooran lahayn ALGORE sida hadda lanoo dhibo
naguma dhacdeen oo John Ashcraf Isma aragneen hagardaamadiisa (Ashcrafe waa
xeer ilaaliyaha guud ee dalka.waxaana dad badani u arkaan inuu yahay nin
cunsuriya oo ciqaab badan), waxaan xasuustaa maalmihii lagu jiray doorashadii
Bush iyo Algore in hormuudyada islaamka ay ka ololeenayeen masaajidada oo ay
lahaayeen yaan loo codayn Algore waayo waxuu wataa oo madexweyne ku xigeen u
noqon nin yahuudiya oo haddaanu nahay muslimiin aan ka hortagno inuu Joe
lieberman wadankaan madexweyne ku xigeen ka noqdo,iyagoo sanadkaas waa 2000-ye
ay muslimiintu ka leexdeen xisbigoodii ay u badnaayeen ee Dimuqraadiga una
codeeyeen waagaas xisbiga Bush ee GOP.
Aan usoo noqonee meelaha Muslimiintu ugu badan tahay waxaa ka mida Gobalka
Michigan oo sabtida soo socota laga qabanyo doorashada isreebreebka xisbiga
Dimuqradiga, waxuuna noqonayaa gobalka ugu wafuud(Delagate)badan tan iyo inta
la isla gaarayo California iyo New York, oo Michigan Caucus waxuu haystaa 128
wafuud (delegate)waxaa kaloo sabtida doorashada ka dhacaysaa gobalka Washington
oo isna leh 76delgate,waxaana ku nool muslimiin ay soomaalidu ka mid tahay
waxaana haddiba ka bilaabay ololaha dhammaan musharixiinta si ay usoo jiitaan
indhaha dadka waana doorashada loo yaqaan Caucus, waxaa ku xiga Maine oo isna
laga qabanyo Axadda waxuuna leeyahay 24wafuud waana Caucus.
Virginia Primary
Markaan shaqadii ka soo baxay galabta ayaan waxaan ku yara hakaday meelaha
soomaalida isugu timaado sida maqaxwaha Sturbucks, waxaa dhamaantood hadal
hayeen doorashada nagu soo fool leh maalinta Talaadada ee bishu tahay Feb,10
taasoo ka dhacaysa gobalkan Virginia oo ay ku noolyihiin muslimiin iyo soomaali
badan oo waliba soomaalida degan halkan(Washington Metropolitan)waxay soo
galeen badidoodu dalka wixii ka horeeyay dagaalka sokeeya waxaana ku arkaysaa
dad soo galay 35sano ka hor,iyadoo aad moodid ayaamahan in diiraddu ka leexatay
hadal hayntii Shirka Nayrobi oo soomaalidu iyo muslimiintu waxay il wayn ku
eegayaan doorashada soo socota,waxayna ubadnaayeen hadalkoodu waxaanu soo
dhawayn musharixii u muuqda inuu kursiga kala wareegi karo George Bush, kadib
waxaan usoo gudbay xaafada Soomaalidu ku badan tahay.waxaana dhawr su,aalood ku
boobay asxaab aanu sanado badan ku wada tukanaynay masjida washington DC.
waxaana waydiimahayga ka mid ahaa xagge ubadanahay? ,waxaana iiga soo baxay
dadku inay uyara janjeereen markii hore Dr. Howard Dean laakiin u muuqda in
faraskiisi gaabinayo,ayadoo loo aanaynayo inuu eersaday hadal mar uyiri oo ahaa*Haddaynu
nahay maraykan waa inaanu qadiyadda bariga dhexe dhexdhexaad ka noqonaa oo aynu
uxaglin dhinaca israaiil* kadibna qolyaha saxaafadda oo ay ubadanyihiin
yuhuuddu ay daba dhigteen iyagoo dadka utusay inaan lagu aamini karin aqalka
cad, marka muslimiintu waxay immika isugu biyo shuban kii usoo baxa xisbiga
dimuqraadiga inay siin doonaan codkooda oo aad moodo inay leeyihiin waanu ku
qasaarnay doorashadii Bush. Virginia ma laha kala soocid labada xisbi oo
doorashada isreebreebka waad codayn kartaa haddaad tahay dimuqraadi amase
jamhuriga, waxaana ay leedahay 82 wafuud,iyo 20yo Unpledge,waxaana haddiba isku
hujuumay labada nin ee reer koofureedka ah John edwards iyo Gen.Wesley Clark,oo
mid walba rabo inuu ka xigsado maadaama Virginia ay ahayd hooyadii reer
Koofureedka oo caasimadeedu Richmond u ahayd Caasimadii Goonigoosadkii reer
koofureedkii la jebiyay dagaalkii sokeeye 1861-1865kii.walina cag sooma dhigin
wiilka hogaaminaya tartanka ee reer waqooyi bari(New Englander)waa seneterka
Massachutts John Kerry isagoo u muuqda inuu is-hubo oo aan la gaari karin ,waxuuna
bilaabay durbadiiba inuu taagsado ololihii uu kula tartami lahaa Bush,waa
degdeg baa la orankaraa maadaama ay dhiman yihiin gobaladii ugu wafuudda badnaa.
Ragga tartamaya sidaan bay ukala delegate(wafuud)badan yihiin
John Kerry ......... 177 (Delegate)
John Edwards ..... 84 ,,,,,,,,
Wesley Clark .......50 ,,,,,,,,,
Howar Dean ........ 23 ,,,,,,,,,,,
Alsharpton ...........2 ,,,,,,,,,,,
Dennis Kucinich ...... 0,,,,,,,,,,,,,,
Joe leiberman, Richard Gephard(with drew)
Waxaa kaloo talaadada doorashu ka dhacaysa Gobalka Tennessee oo ah qaybta loo
yaqaan "primary" waxuuna leeyahay 69 wafuud ah, waana gobalada somaalidu iyo
muslimkuba joogaan oo codkoodu muuqan karo,waxaa la eegayaa bal xisbiga
dimuqraadigu ninkay soo xushaan,iyadoo dhawaan qiyaas la sameeyay xagga codadka
dadwaynaha uu kerry Bush kaga horeeyo 47% Iyo 46% haddi maanta la qaadin lahaa
doorashada madexweninimada, waxaase ka soo horeeya howlo badan oo wax walba ku
xiran siduu noqdo jeebka dadka maraykanka, waxuu ku dambeeyo dagaalka ciraaq
iyo kuwa kaloo badan,waxuuna Bush u qoondeeyay lacag ka badan 240milyan oo
doollar inuu ku bixiyo xayaysiin iyo wixii la halmaala.
F.G.Haddii aad ku nooshahay Virginia ,waxay cod bixintu bilaamaysaa
6.00subaxnimo ilaa 7.00 Fiidnimo(East Coast Time).waxaad codayn kartaa haddaad
iska diiwaangelisay Virginia janaayo 12dii, waxaad ku arkaysaa warqadda aad ku
codaynaysay magcaanta hoos ku qoran ee kii aad is tiraahdo dantaada waa ku
jirtaa u codee oo ha xariiqin labo magac:
Joh kerry, John edwards, Howard Dean, Wesley Clark, Lydon H.La Rouche jr,
Dennis Kuchinich, Alsharpton. Joe Lieberman(with drew), Richard Gephardt(with
drew)
Usa:Tartanka Aqalka Cad oo Madaxa La Galay
Is Gobalysi GUJI
Aden Mohamed
adengas@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Febraayo 6, 2004
USA:Yaad Dooran Doorashada
Madaxtinimada Dalka Mareykanka GUJI
SAWIRADA: Google search
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|