Janaayo 30, 2004
Usa:Tartanka Aqalka Cad oo Madaxa La Galay
Is Gobalysi
Aden Mohamed
adengas@hotmail.com
Isreebreebkii
xisbiga Dimuqraadiga ayaa u gudbay dhanka Koofureed ee dalka mareykanka, kadib
markii la iskala yimiid dhanka gobalda waqooyi oo kala ahaa isdabataaga Iowa
loona yaqaan (Iowa
Caucus) iyo Codaynta New Hampshire loona yaqaan (NH
Primary) waxaana asbuuca soo socda ee Bishu tahay Feb 3, laga qabanayaa 7 gobal
oo labo tahay Caucas, 5na tahay Primary, kuwaasoo kala ah gobalada Missouri,
South Carolina, Delaware, Arizona, New Mexico(Caucus) North Dakota (Caucus) iyo
Oklahoma.
H. Dean |
J. Kerry |
J. Edwards |
W. Clark |
Haddaba iyadoo labada nin oo ugu cad cad
doorashada ay ka soo wada jeedaan gobalada waqooyi bari loona yaqaan New
England, kuwaasoo kala ah John Kerry oo reer Mass. iyo Dr.Howard Dean oo reer
Vermont ah, ayaa qolyihii kale ee tartanka kula jiray hadda waxay iyana
diiradda saareen sidii ay iyana u beer laxawsan lahaayeen reer tolkooda
koofureed, waxaana haddiba bilaabay labada nin oo ka soo Jeeda koofur oo kala
ah Sen. John Edwards oo ku dhashay South Carolina ahna gobalaka wali ay ka
jirto calanka loo yaqaan co-federate kaasoo wali ka dul babanaya xarunta laga
xukumo gobolkaas, iyadoo dadka madow ay sanad walba cabasho kamuujiyaan in
calankaas laga siibo halkaas. Waxaa kaloo ka soo jeeda koofur Gen. Wesley
Clark, oo ah nin reer Arkansas, waxaase udiidan oo muran ka keenay inuu reer
koofureed yahay John Edwards oo yiri anigu waligay kama guurin koofur laakiin
Gen.Wesley Clark si rasmiya uma degenayn koofur oo marba meel ayuu joogay
igumana qabsan karo koofur.
Olalaha lagu jiidanayo dadka xagga isgobalaysiga waxuu gaaray meel xun markii
John Kerry iyo Howard Dean ay Dadka reer NH. xasuusiyeen in madexweyne kasoo
jeeda gobalada waqooyi beri(New England)ay ugu dambaysay sanadkii 1960kii oo
ahaa John F. Kennedy-gii la dilay. waxayna yiraahdeen marakan waa inaanu
helnaa haddanu nahay reer waqooyi bari talada aqalka cad ee lagaga arrimiyo
wadanka aduunka uga dhaqaalaha iyo xooga badan.
Haddaba 7da gobal waxaa muhiimadda koowaad leh gobalka Missouri oo ah gobalka
ugu wufuuda (delegate-ka) badan oo waxuu haystaa 74 xubin, ayagoo wiilkoodii
uu waji gabax kala yimmid gobalka Iowa oo uu ku hungoobay riyadiisii ahayd
inuu noqdo madexweyne waana Dick Gephardt, waxaana la isku haystaa ilaa iyo
imika bal ciduu siiyo kalsoonida waayo waa muhiimada aad uweyn, 7daas gobal
soomaalidu waxay aad u degantahay gobalada Missouri, iyo Arizona oo isna leh
55 xubin oo kuwa kale waa ku yar yihiin amase maba joogaan, waxaana durbadii
la sheegay in soomaalidu u kala qaybsantay John Kerry, Dr.Dean iyo waliba
kuwa ujanjeersaday maalmahan dhanka Edwards.
Sen. John Kerry,
D-Mass., & Rep. Jim Clyburn |
Waxaa muhiimadda seddexaad leh gobalka South
Carolina oo isna leh 45 wufuud ah (ama delegate) aadna ugu badan yihiin dadka
madow oo ah fursadda ugu horeysa oo ay ku muujin karaan codkooda kaasoo
wakiilka aqalka congreska uu kalsoonida maantaba u gudbiyay Sen. John Kerry,
waxaase la saadaalinaya in gobalkan ay isku haystaan Clark, Kerry, iyo
Edwards oo la filayo inuu codad fiican ka helo maadaama uu ku dhashay
gobalkaan walow uu markii dambe u guuray gobalka la deriska ah ee north
Carolina. waxaana farta wadnaha ku haya madexweyne Bush oo haddii uu soo baxo
nin reer koofureeda uu ka jiidan doono codad badan maadaama dadka reer
koofureedku u badan yihiin dad ku dhegan dhaqankii hore iyo diintaba oo aan
wax u oglayn dadka kale ee laga badan yahay.
Waxaad ogaataa sida loo kala dad badan yahay in loo kala wufuud (delegate)
badanyahay oo tartamayaashu waxay awoodooda siiyaan gobalada dadka badan
marka lama saadaalin karo kuwa kale maadaama ay wufuud yar yihiin sida
Delaware oo leh 15 xubin, New Mexico 26, Oklahoma 40, gobalakan waxaa la
sheegay in uu ku horeeyo Wesley Clark, sabatoo ah waxaa ku yaal saldhigyo
ciidam oo halkaas waxuu ka helayaa jananku kasoo kow derisnimada tol ay isku
ciidan yihiin.
Taariikhda maraykanku waxay sheegaysaa ninkii ku guulaysta labada gobal ee
kala ah New Hamphsire iyo Iowa Badanaa inuu noqdo ninka usoo baxa tartanka
xisbiga uu laga gelayo xisbiga kale, waxaana labadaa gobal kuwada guulaystay
Jimmy Carter oo markii danbe taladii kursiga kaga guulaystay J.Ford, waxaana
isna ku guulaystay labada gobal AlGore oo isna Bush kaga badiyay tirada dadka
balse waxaa ciilay dastuurka oo oranaya wufuud (delegate) ayaa lagu helayaa
doorashada, taasoo xitaa wufuudii dirqi iyo maxkamad looga helay AlGore,
waxaa kaloo la xasuusan yahay Bill Clinton, iyo George Bush in looga badiyay
gobalka New Hamphsire, haddana waxay guulaysteen aqalka cad waayo waxaa
kaalmeeyay gobalada ku xigay oo ahaa kuwa hadda soo socdoo kale.
Sababaha labadaas gobal loogu hormariyo isreebreebka waxay sheegaan dadka
dhaliila arintaas inay tahay gobaladaas oo aan lagu tarixin cadaan Anglo-Sekshan
isla markaana haysta Mad-habta Protestant, oo waxay leeyihiin qolyaha wax
dhaliilaya nimanka dhigtay qaanuunkaas waxay rabaan inaan nin aan ahayn
asalkiisu British protestant u soo fariisan aqalka cad ee Maraykanka.
Maraykanku intuu jiray niman ahayn Protestant oo noqda madexweyne mareykan
waxaa ugu dambeeyay uguna horeeyay John F. Kennedy oo ahaa nin Katoologa
balse waxuu ahaa isna Anglo-sekshan nasiib daro isna ma dhamaysan waqtigiisii
oo waxaa lagu toogtay magaalada Dallas oo ah gobalka Texas kuwaasoo ka xun
xuquuqda uu u ogolaa dadka laga tirada badan yahay.
Waxaa kaloo doorashada wadanka Maraykanka
haga xagga dhaqalaha oo badi lagu bixiyo xayaysiin siiba taleefishinada oo
qofkii ku guuldaraysta labada gobal ee ugu horeeya dadku waxay ka daysan
lacagtii ay ugu deeqi jireen, oo qof walba waxuu isleeyahay maxaad ugu
khasaarin lacagtaada qofaan la rabin, tusaale ahaan doorashadii gobalka Nh.
halkii asbuuc Dr.Howard Dean waxuu ku bixiyay xayaysiin 1,150,000 dollar,
John Kerry waxuu ku bixiyay asbuu caas 650,000, Wesley Clark nus malyuun,
marka nimaan haysan dolar isagaaba iska harin markii laga xirto TVyada.
Waxaa laga dhursugin asbuuca soo socda maalinta Talaadada ninka hela doorasha
gobalada Missouri, Arizona, Oklahoma iyo South Carolina oo la leeyahay waxaa
rajada badan leh Kerry, Edwards, Dean, Iyo Clark.
Akhri: Yaad Dooran Doorashada
Madaxtinimada Dalka Mareykanka
GUJI
Aden Mohamed
adengas@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 30, 2004
USA:Yaad Dooran Doorashada
Madaxtinimada Dalka Mareykanka GUJI
SAWIRADA: Google search
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|