SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

 USA:Yaad Dooran Doorashada Madaxtinimada Dalka Mareykanka

Aden Mohamed 
adengas@hotmail.com

Jan 7, 2004

Soomaalida ku nool dalka mareykanka waxaa lagu qiyaasaa in kabadan 145,000 qof,Badi dadkaasi waxay soo galeen wixii ka dambeeyay dagaalkii sokeeye ee qarxay 1991kii,maanta dadkaasi in kabadan 50%waxay haystaan jinsiyadda dalka mareykanka oo waxay la xuquuq yihiin dadka ku dhashay dalkan,qaar badana doorashada soo socota ka hor ayay rajaynayaan inay qaataan wadaniyadda dalkan si ay uhelan fursad ay ku dhiiban karaan codkooda.

Haddaba waa su,aale yaad siin codkaaga qaaliga ah oo aad ugu shubin sanduuqa codadka ee lagu kala baxo? waxaan filayaa in maskaxdaada ay ku jirto wixii ka taagnaa dalkiinii hooyo,oo ahaa yaa ixiga yaa dan uah arrimaha beesha,yaa naga difaacaya beelaha aan dariska nahay,yaa ii buuxin jeebka oo bangiyada iiga soo qufin lacagta taal,yaa dibadda iigu dirin caruurtayda si ay uhelaan waxbarashada wadamada horumaray iyo kuwo kale oo badan.Taasi majirto oo waxaynu nimmid wadan aynu kunahay bad lagu tuuray galaas biyo ah,waxaa isugu yimmid wixii midab baniiadam jray ,waxaa isugu yimmid wixii diin aduunka ka jiray ,waxaa isugu yiimmid wixii dhaqan aduunyada ka jiray sidaa daraadeed waxaa haboonaan lahayd inaad odorasid oo ka fakartid kii dantaadu ku jirto,hadday noqon lahayd yaa uroon diinta aad haysatid oo aan kugu cadaadinayn cibaadadaada ,yaa uroon midabka aad tahay oo aan ku midabtakoorayn,yaa uroon dadka laga tirada badan yahay oo ku ogol inaad la xuquuq noqoto kuwa badan,yaa uroon dadka dhaqaalahoodu hooseeyo oo muruqmaalka ah oo aan kuu cabiidinayn kuwa taajiriinta ah,yaa uroon kuwa taranka badan oo qoyska siinaya kaarka caafimaadka,kabidda guryaha iyo cuntadaba,yaa uroon soo qaadidda dadka kala maqan oo ogol in la isku keeno nin iyo xaaskiis ,caruurtiis ,walaalihiis,waalidkiis(Family Reunion),yaa kaa faanayn oo caruurtiisu dhigataa iskuulada loo yaqaan public school oo aan kuwiisa gaysanayn kuwa loo yaqaan private school,yaa uroon jaaliyadda ama communitiga aad ka tirsantahay ee bahda soomaali oo aan kugu takoorayn midabkaaga iyo diintaada oo leh khali yaciish.

Si aad uheshid jawaabahaas dabadeedna aad u go,aansato inaad codkaaga siiso kii danta qoyskaaga iyo bulshadaada soomaaliyeed uhiilin waxaa laga maarmaana inaad ogaato barotana hab dhaqanka xisbi walba,shaqsiwalba iyo waxqabadkiisi hore,ogowna waxaad ucodayn kartaa tartanka aqalka wakiilada ee loo yaqaan house of representative, oo 2dii sanabo mar laqabto,waxaad ucodayn kartaa aqalka odayaasha oo loo yaqaan Senetors, oo 6dii sanoba mar laqabto, doorashaqada aqalka cad ee madaxweynaha oo 4tii sanoba mar laqabto, iyo governatoorayaasha oo gobol (state) walba gooni utahay waqtigiisu. waxaa kaloo jira duqa magaalada (mayors), counsels, state legislators. oo iyana aad ucodayn karto.

Bal aan waxyar ka sheegno quruumaha ku nool maraykanku siday ukala badan yihiin iyo siday ukala fadhiyaan daarta loo yaqaan Capitol hill oo congaresska fadhi u ah (Ogow congaress waxaa la isku dhahaa house of representative iyo senators-ka).

Guud ahaan tirada dadka mareykanku waa in ku dhow 295milyan oo qof, 14%waa madow,14% waa dadka loo yaqaan Hispanic oo ka yimid latin amerika(waxaan ku jira dad madowa oo 11%, laakiin la raaciyo hispanica maadaama ay isku afyihiin,waa marka layiraahdo qabiil waxaa loo yaqaan intii isku af ah sida soomaalida), 3% oo ah dad ka soo jeeda aasiya iyo baasifiga,0.01% dadka loo yaqaan native oo ah dadka loogu yimmid dhulkaan sanadkii 1500 tariikhda miilaadiyada. iyo inta kale oo ah cadaan kasoo jeeda yurub (ogow yuhuudu waxaa la xisaabshaa cadaan balse markay awrkooda kacsanayaan bay yiraahdaan hebel waa anti-Semitic),

Tirada aqalka wakiiladu waa 454 waxaana loo qaybsadaa sida loo kala badan yahay oo tusaale gobalka California waxuu leeyahay 52 wakiil, gobalo badan sida Wyoming, south Dakota, north Dakota, Alaska, Nevada iyo kuwa kaloo badan waxay leeyihiin hal wakiil. Waxaana loo kala fadhiyaa sidatan

Madow .....32 wakiil
Hispanic.....23 wakiil
Aasiyan..... 0
Native ...... 0
Caddaan .... inta soo hartay oo dhan

Aqalka odayaasha senetoorada waxuu ka koobanyahay 100 oday, oo gobal walba waxuu leeyahay labo oday oo waa isku mid gobalada, arrintani waxay ku timmid xeer jabjab la sameeyay waagii la sameenayay dastuurka dalkan oo sida hadda soomaaliya ka taagan ayaa la ismari waayay, oo waxaa loo kala saftay gobalada waaweyn iyo kuwa yaryar, kadib isqabqabsi badan ka dib waxaa la gaaray xeer jabjab oranaya (Compromises), aqalka wakiiladu waxay ku imaan sida loo kala dadbadan yahay balse aqalka odayaasha waxay noqon sinaan oo gobalna wax dheeraan maayo, isla markaana waxaa la yiri madaxweynaha iyo kuxigeenku waa inayan ka wada imaan isku gobal (ogow cadaan uunbaa hardamayay lama oran waa inayan isku midab noqon).

Madow .....0 Senator
Hispanic....0 senator
Aasiyan ....2 Senetor
Native .....0 Senetor
Cadaan....98 senator

Halkaa waxaa kaaga cadaanaysa in wali ayana faro ka qodnayn sinaan laga gaaro xagga arrimaha isku dheelitirnaan tirada dadka iyo kuraasta quruumaha ameerika taasoo loo nisbeeyo wali inay cunsiriyo jirto oo xisbiyada qaarkood ayan ogolayn inay wax siiyaan daka laga tiro badanyahay, tusaale ahaan dadka madowga ah waxay heli lahaayeen kuraasta senetarada 14%, laakiin waxaa kuu muuqata inayan waxba ku lahayn.

Xagga Xisbiyada oo ujeedada maqaalkaygu ahaa inaan is xasuusino keebaa danteenu ku jirtaa aan eegno siday ukala taageeraan kuwii inaga horeeyay oo muddooyin badan soo falanqeeyay kuwa dantoodu ku jirto :

xisbiga      Dimuqradiga      Jamhuuriga     xisbiyada yaryar
Madow            94%            5%               1%
Hispanic          78%             20%             2%
Aasiyan           65%            35%             nil
Native             86%            5%              9%
Cadaan           37%             63%            .007%

Marka waxaa halkaa kaaga muuqanaysa in dhigeenii hore ay la dhacsanyihiin xisbiga Dimuqradiga oo badankooda (majoortiga) dadka madow, kuwa Hispaniga, aasiyaan iyo waliba nativku ay doorbideen xisbiga dimuqradiga taasoo ay ugu wacan tahay dadkaas oo ubadan dabaqadda hoose oo jeeb waynayaashu waxay isugu urureen xisbiga kale, waxaa tusaale kaaga filan wareysigii uu bixiyay Congaress man Dennis Kucinich oo laga soo doorto gobalka Ohio, oo ah meesha labaad ee soomaalidu ugu badantahay marka laga yimaado minnosota, waxuuna ka mid yahay ragga utartamaya jagada madaxnimada ee xisbig jamhuuriga,waxuu ku yiri wareysigiisa isagoo ka hadlaya taariikhduu soo maray iyo waxa ku kalifay inuu ku biiro xisbiga dimuqraadiga,waxuu yiri:

Waxaa ka soo jeedaa qoys ka koobnaa 9qof, aabahay waxuu ka yimmid dalka hadda loo yaqaan Croatia (Yuguslaafiyadii hore), hooyadayna waxay ka soo jeedaa dalka Ireland, aabahay waxuu ahaa darawal wada baabuurta loo yaqaan trucks-ka, waxaa dhacday buu yiri markay dhashay hooyaday ilmihii shanaad in laga saaray gurigii oo la yiri ilmo intaa tiro le,eg uma oggolin guriga ee kabaxa ,meel kastana waa nalaga diiday in laga kireeyo waayo reer culus baanu noqonay, waxay dantu nagu kaliftay inaan ku noolaan meelaha loo yaqaan Carts, oo halkaas ayaa hoy noo ahayd duruuf kastana waa nagu soo martay, waxaana ogaaday xisbiga dimuqraadigu inuu yahay kan dabaqadda hoose ayuu yiri Dennis oo ku qabweyn doorashada xisbigaa, marka waxay ila tahay in si taxadar leh looga fiirsado doorashada oo la siiyo codka kan udanaynaya communitiga aad ka soo jeedo.

USA:Tartanka Aqalka Cad, Ninba Ceesaantii Ceelka Keen ... GUJI

 

Aden Mohamed 
adengas@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE ADEN


Faafin: SomaliTalk.com | Dec 13, 2003
 
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD