QEYBTA 9AAD: DHULKA, HANTIDA, KU DHAQANKA, LAHAANSHAHA,
MILKIYADDA IYO XUQUUQDA
QODOBKA 82.0
SIYAASADDA DHULKA
1. Dhulka waa kheyraadka Soomaaliya ee ugu muhiimsan iyo saldhigga nolosha
ee dadka waana in lagu hayaa isticmaalaa loona maareeyaa si caddaalad ah,
wax .. , wax soo saar leh oo joogtayn karo.
2. Dowladda waa inay caddeysaa sameysana siyaasadda qaran ee dhulka, isla
markaana habeysaa dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Loona sameeyaa
diiwaangelin, ku dhaqan, lahaanshaha, isku …, degidda, maareynta xuquuqda
nabadgelyada, dooda iyo milkiyadda dhulka.
QODOBKA 83.0
KHEYRAADKA DABIICIGA AH IYO ILAALINTA DEEGAANKA
1. Kheyraadka dabiiciga ee dalka sida macdanta, biyaha, dhirta iyo
xayawaanka waa hanti Qaran. Sharci ayaana caddeynaya qaabka ugu wanaagsan
oo loogu manaafacaadsanayo.
2. Dowladda waa inay siisaa mudnaan ilaalinta, keydinta, dhowrista
deegaanka wax kasta oo waxyeelayn kara
3. Qof kasta oo ku sugan Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa ku waajib ah inuu
dhowro hagaajiyana deegaanka
4. Dowladda waa inay dhiirigelisaa sahashaana ka qeyb galka caam ah dhinaca
horumarinta, fulinta, maareynta, keydinta iyo ilaalinta kheyraadka
dabiiciga ah Jamhuuriyadda Soomaaliya.
5. Dowladda waa inay qaadaa tallaabooyin lagu nadiifinayo haraaga wasakhda
lagu soo qubo xeebaha Soomaaliya. Waa in la weysiistaa magdhow kuwa lagu
helo inay ka dembeeyaan dembiyadaas.
QODOBKA 84.0
SHIRKADAHA GAARKA AH
1. Dowladda Federaalka ee ku Meel Gaarka waxay dhiirigelinaysaa dhaqaalaha
gaarka loo leeyahay iyo kobcinta shirkado
2. Hantida gaarka Dowladda waa la qarameyn karaa …caam ah awgeed, iyado
qofka lahaana la siinayo magdhow qiimihiisa ah
Haddii aanay jirin ama ay socon weydo baahida Dowladda kula wareegtay waa in
loo celiyaa qofkii iska lahaa ama dhaxaltooyadiisa sida sharciga waafaqsan.