DENMARK: QAXOOTI SOOMAALIYEED OO
CUNTADA KA SOOMAY
- Qoraalki
iyo isku soo dubaridiid:
Ibraahim Saalax Aaden | SomaliTalk Yurub
Email:
ibra88@hotmail.com
Saacadda markay ahayd shanta
galabnimo ayaan soo gaaray albaabka weyn ee laga galo xerada weyn
Sandholm, ee lagu qaabilo qaxootiga cusub ee dalka Denmark ka
codsada laajinimada. "yaad booqanaysaa iyo fadlan dokumantigaaga i
sii" ayay isu-kay raacisay gabar deenish ahayd oo igala hadlaysay
muraadayadda gadaasheeda xafiiskii ay ku jirtay. Waxaan u sheegay
inaan doonayo inaan soo booqdo soomaalida ku sugan xerada,
dabadeedna waxay iga koobiyaysatay dokumantagaygii, sidiina ayaan u
soo dhaafay gudaha xerada weyn ee Sandholm ee ku taalla waqooyiga
Copenhagen xarunta dalka Denmark.
Albaabka weyn ee lagagalo
Xerada Sandholm |
Dhisamaha ay ubadanyihiin qoysaska
soomaaliyeed |
Markaas aan imid, waxay ahayd waqti
ay dadka kaamka ku jira ay u dareereen makhaayadda xerada si ay soo
casheeyaan. Hase ahaatee sida uu wiil yar oo intaan xerada dhexdeeda
soo socday aan la kulmay ayaa ii sheegay inay soomaalida maalmahaan
ka sooman yihiin cuntada. Annigoo oo uu ila socdo wiilkaas magaciisa
iigu sheegay Ayuub ayaan waxaan aadnay dhismihii ay soomaalida
badankoodu degganaayeen. Horey ayaa la iigu sheegay in soomaalida
xeradaan ku sugan ay u badan yihiin dumar, kuwaasoo sannadihii ugu
danbeeyay ku sharci la'aa dalka Denmark.
Nasiib wanaag, waxaan markaan u soo
dhowaaday dhismihii ay soomaalida degganaayeen la kulmay hooyo
soomaaliyeed, taasoo iga caawisay la kulanka soomaalida kale ee ku
nool xerada oo aan daqiiqado kadib dhammaantood kula kulmay qol ay
degganaayeen qoys ka kooban 8 qof. Markaan isu sheegay qofkaan ahay
kadib, waxaan si toos u galnay sheekada la xiriirta guud ahaan
xaaladahooda iyo wayaabihii ay xeryaha qaxootiyada kala kulmeen.
Hooyo Sahro iyo caruurteeda |
Xaawo oo ku dhibban xerada Sandholm |
Ugu horeyntii, waxaa hadalka
qaadatay Sahro Xuseen oo ah hooyo wadata 6 caruur, waxayna sharci
la'aan ku sugnayd Denmark 3-dii sanno ee ugu danbeeyay. "kama
sheekeen karo dhibaatada nagu haysata xeryaha dalka, waxaan anniga
iyo caruurtaydaba ku noolnahay nolol adag, caafimaad iyo waxbarasho
fiican toona kuma haysano halkaan" ayay tiri Sahro oo intaas
raacisay inay ka mid tahay soomaalida cuntada ka sooman marka laga
reebo caruurteeda oo iyaga aan awoodin inay soomaan. "waxaan cuntada
uga soonnay waa inaan maamulka dareensiino dhibaatooyinka aan
tabanayno, hase ahaatee waxaad mooddaa inayan maamulka xerada aynan
kala jeclayn arrintan" ayay haddana Sahra tiri.
Waxaa Sahra hadalka kala wareegtay
hooyo waayeel ah oo magaceeda la yiraahdo Xaawo Xasan, waxayna tiri
"4 sanno ayaan ku sugnahay xeryo kala duwan ee dalka ku yaala,
waxaan jiraa qiyaastii 70 sanno, wiilkaygii ayaa sharciga
degganaanshaha dalka ku leh, iima oggola inaan isaga la noolaado,
sidoo kalena iima oggolaanin inay sharciga laajinimo i siiyaan,
eeddo kuwaan Illaah ayaa ka weyn, garan maayo waxaan sameeyo" ayeey
igu tiri hooyo Xaawo oo aan maqalkeeda wanaagsanayn. Dhowr jeer
ayaan ku celinayay su'aalihii aan weydiinayay, waxaa
waayeelnimadeeda u weheliya iyadoo qabta cudurro kala duwan oo aan u
wanaagsanayn inay ku sii noolaato xeryaha qaxootiyada.
Hooyo Aamino iyo caruurteeda
|
Shukri xirsi |
Waxaa isla xerada ku jiray hooyo
soomaaliyeed oo iyadana wadatay 4 caaruur ah, waxay waddanka ku
timid nidaamka qoys isu keenidda oo waxaa soo dalbaday ninkeedii
degganaa dalka sannado badan. Khilaafkii iyo is faham-waagii
dhexdoodii dhacay wuxuu keenay in lagala noqdo sharciga, dabadeedna
lagu soo wareejiyo xeradaan ay ku jiraan qaxooti kala duwan. "Ninkaygii
oo aan is qabanay oo guri aanan haysan awgeed ayaa halkaan la ii
keenay, caruurta aan wato qaarkood waxay ku dhasheen dalka, waxay
maamulka bixiya sharciyada igu yiraahdeen waxaad dalka ku joogtay
sharciga ninkaagii, maadaama uusan haysan hoy uu idin dejiyo
joogistaadii dalka waa kaaga dhammaatay" ayay tiri Aamino Salaad oo
aan u badinayay inay khilaafka iyada iyo ninkeedii uu sababay in
iyada iyo caruurteedaba loo soo wareejiyo xerada Sandholm.
Waxaa kaloo isla xerada ku jirtay
gabar dhalinyaro ahayd oo dalka ku sugnayd qiyaastii ilaa 5 sanno,
waxaa soo dalbaday ninkeedii oo horey u degganaa Denmark. Khilaaf
soo jiitamayay wax ka badan 4 sanno ugu danbeyntii wuxuu ninkii
qabay go'aansaday inuusan xaaskiisii u dalbin ciqaamadda joogtada ah
ee la dalbado 3-da sanno kadib, sidiina ayaa iyadana loo keenay
xerada Sandholm. "ninkayga oo aan qaraabo ahayn oo muddo badan
khilaaf dhexdeena yaalay ayaa ugu wacan joogistayda xerada, wax
walba waa qoran yihiin, isagaa u sabab ah in la igala noqdo
sharcigii aan dalka ku joogay" ayay si murugo ku jirtay u tiri
Shukri Xirsi oo ninkeedii dalka keenay uu yahay nin dhagaha la' oo
aanan waxna maqal. "maqal la'aantiisa dhib maba lahaateen, ee waxaa
jirtay dabeecad aan u sii adkeysan waayay inaan la sii noolaado"
ayay markale tiri..
Faadumo Gacal
|
Cabdifatah |
Hooyo Faadumo Gacal oo degganayd
Denmark qiyaastii 7 sanno ayaa iyaduna ku jirtay xerada Sandholm.
Xaalad caafimaad awgeed ayuu dhakhtarkeedii kula taliyay inay qabato
dalkeedii hooyo, maadaama uu yahay dal kulul ayna aad ugu baahan
tahay hawo baddalasho. Billooyin kadib markay ku soo noqotay Denmark
waxay waraaq ka heshay waaxda ku shaqo leh sharciyada shisheeyaha,
taasoo sheegaysay in lagala noqday sharcigii ay ku dalka ku joogtay
maadaama ay dalka ka maqnayd billooyinkaas. "Eeddo, waa yaab iyagaa
dalkii ii diray, iyagaana igala noqday sharciga, garan maayo waxaan
sameeyo, wax walba waxaa iigu daran xaaladdayda caafimaad oo aad u
liidato, qofkaan sharci lahayna si wacan looma daaweenayo" ayay tiri
hooyadaas soomaaliyeed oo qaar ka mid ah caruurteeda ay dalka deggan
yihiin sannado badan.
Cabdifataax ayaa isna kula kulmay
xerada, inkastoo dacwadiisa ay aad uga duwanayd inta kale. Denbiyo
badan oo uu dalka ka galay ayaa u sabab ahaa in lagala noqdo
sharciga. "Yaanan denbi gelin, ma denbi aan galay ayaa la iiga
xayuubiyay sharcigaygii" ayuu yiri Cabdifataax oo dalka Denmark
degganaa wixii ka danbeeyay 1993-kii.
Abdirashid Cartan |
Albaabka lagagalo Xerada
Sandholm |
Dhibaatadan haysata qaxootigan
soomaaliyeed ayaan wax ka weydiiyay guddoomiyaha ururka dhalinyarada
soomaaliyeed ee Copenhagen International Club (Kiklub), wuxuuna ii
sheegay inay booqasho ku tageen qaar ka mid ah xeryaha qaxootiga ay
ku sugan yihiin qaxootiga soomaaliyeed, isagoo dhinaca kalena ii
raaciyay inay doonayaan inay soo abaabulaan dibad-bax looga soo
horjeedo xaaladda qaxootiga soomaaliyeed ee ku dhibaatsayn Denmark.
"waxaan la xiriirnay sharci yaqaano naga caawinaya waddadii aan u
mari lahayn sidii aan gacan uga gaysan lahayn qaxootiga soomaaliyeed
ee Denmark, intii awooddeena ah waan ka gaysanaynaa si aan u
taageerno qaxootigaas soomaaliyeed ee ku tabaalaysan xeryaha" ayuu
yiri Abdirashid Artan ahna guddoomiyaha ururka Copenhagen
International Club.
Ugu danbeyntii, guud ahaan
qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha Denmark ayaa xaaladdooda
aad u liidata, iyagoo 98 % (sagaashan iyo siddeed boqolkiiba) kuwa
dalbada laajinimada la siiyo diidmo iyo iyagoo lagu wargeliyo inay
dalka sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan. Dalkii ay ka soo qaxeen
weli waxaa ka jira xaalad siyaasadeed oo aad u murugsan oo aanan la
ogeyn muddada ay qaadanayso, halka qurbaha ay u soo qaxeena ay
aalaaba kula kulmaan dhibaatooyin iyo jahawareer joogto ah.
Mudaharaadka waqtiga la qaban doono
iyo wixii ku soo kordha xaalada qaxootiga Soomaaliyeed ee Denmark
waan idinla socodsiin doonaa....