WEYDIIMO AAN JAWAABO U WAAYAY
Ibraahim Saalax | SomaliTalk Denmark
Sagaalkii fiidnimo ayeey qiyaastii ahayd,
markii aan maalintii dorraad diyaaraddii aan saarnaa ay soo cagadhigatay
garoonka caalamiga ah ee lagu magacaabo Heathrow Airport kuna yaala xarunta
dalka England ee London.
London Heathrow
Airport: Sawirka Google Search |
Waxyar kadib, waxaan u soo dhaadhacay jihada
tareenada ee dhulka hoostiisa mara ee isna ku yaala xagga hoose ee garoonka.
Annigoo daal aan sidaas u sii weynayn aan jirkeega ka dareemayo ayaan dalaq hal
mar iri tareen u socday bartamaha London. Markaan socono 10 daqiiqo
wax ka yar ayunbaa tareenkii hal mar istaagay, dabadeedna waxaa xigtay ninkii
tareenka waday oo amar ku siiyay dadka inay ka daataan tareenka.
Anniga iyo dadkii faraha badnaa ee saarnaa
tareenka oo yaabban ayunbaa si dhaqso leh uga daadanay tareenka, innagoo
markaas aanan ka warqabin ciladda keentay inuu tareenka istaago, oo dadkii
saarnaa ay hal mar ka soo deggaan. Intaas waxaa xigtay, markay indhahayaga
saareen dad khaas oo tareenkii intay gudaha u galeen ku dhaqaaqay baaritaan
qaadatay wax ka badan saacad.
Nin baryaraa oo ka mid ahaa shaqaalaha
tareennada oo uu iila muuqaal ekaa inuu ka soo jeeday Hindiya ama Bakistaan
ayaan weydiiyay sababtan dib-u-dhaca keentay, wuxuuna isagoo mashquulsan,
eegayana meelo kala duwan si fudud iigu yiri “waa arrin la xiriirta
nabadgelyada, waxaa laga cabsaday in tareenka lagu soo qariyay waxyaabaha qarxa...”
Hadalladaas waxay si weyn u cabsi geliyeen naftayda, waxaana is iri amay ka
wanaagsanaan lahayd inaanan ninkan weydiinin su’aashii aan weydiiyay, inkastoo
haddana aan hadalkiisa ku fasiray inay tani ka mid tahay cabsida ku soo
korodhay dalalka uu ka mid yahay UK wixii ka danbeeyay 11-kii sibteembar
sannadkii 2001.
Dadkii aan isla saareen tareenka ayaan la
wadaagay xaaladdan cabsi, waxaana fariistay meel ay fadhiyeen dad u badan
caddaan, oo aan u fahmay inay badankooda ka kala yimaadeen dalal kala duwan oo
EU-da ka mid ah. Mid ka mid ah dadkaas, oo xaggeyga soo xigay ayaa si dabacsan
ii salaamay, salaantii ayaan ka qaaday, wuxuuna durbadiiba intaa ii raaciyay
“dalkeed ka soo jeeddaa?”. Inkastoo aan hadal badan xiiso u sii hayn, haddana
waxaan ugu jawaabay “waxaan ka imid dalka aanan lahayn dowlad dhexe wax kabadan
13 sanno”, kadibna waxaan ku sii mashquulay duco aan Alle ka baryay inuu
meeshaan u socday igu nabad geeyo. Markale ayuu ninkii igu yiri “iga raalli
ahow, waxaan ku weydiiyay ma ii sheegi kartaa dalka aanan dowladda lahayn wax
ka badan 13 sanno, sideese u dhici kartaa”.
Waxaan misna u sheegay inuu dalkaasi nasiib
darrada haysato ay tahay Somaliya, inkastoo aan isku dayay inaan is
hilmaansiiyo su’aasha qaybteeda labaad ee ah sababta keentay dowlad la’aanta
Soomaaliya.
ICELAND
Qarnigii 9aad iyo 10aad ee A.D. waxaa Iceland degay laajiyiin
ldhalashadoodu tahay Norwegian, Scottish iyo Irish. 300 sano oo
xoriyad ay haysatey Iceland waxaa ku xigey xukunka ay xukumeen Norway
iyo Denmark. Folkaano aad u weyn oo ka ka qarxay sannadkii 1875
ayaa burburiyey dhaqaalihii Iceland kaas oo sababay macaluul aad u
badan oo soo foodsaartay dadka Iceland taas oo khasab ka dhigtay in
dad badan oo dalkaas u dhashay ay u qaxaan dalalka Canada iyo Maraykanka.
Iceland waxay sannadkii 1874 waxay ka heleen Denmark in ay siisay is xukun
hoose oo xadidan, kaddib waxay Iceland xorriyad buuxda heshay sannadkii
1944. Waxaa hadda lagu tiriyaa wadamada xagga aqoonta, qaab dhismeedka
bulashada iyo dakhligaba ugu fiican dunida.
ISHA: World Factbook |
Hase ahaatee, markii uu igu celceliyay inaan u
sheego sababta keentay dowlad la’aanta Soomaaliya ayaan ugu jawaabay iyadoo ay
ugu wacan tahay dagaalkii sokeeye ee ka billowday dhammaadkii 1990-kii. Dhinaca
kale, intuusan igu soo boobin su’aal kale ayaan horta weydiiyay dalka uu isaga
ka soo jeedo, wuxuuna ii sheegay inuu ka yimid dalka Iceland ama deenishka ay u
yaqaaniin Island. Markuu sidaas yiri, ayaan si wacan u fahmay sababta uu sidan
jaahilka uga yahay Soomaaliya iyo dadkeeda Soomaalida.
Annigoo la yaabban furfurnaanta badan iyo
su’aalaha iska daba imaanaya ee uu i weydiinayo ninkan ayuu markale igu soo
tuuray su’aal maantoo dhan ka cararayay inuu i weydiiyo, taasoo ahayd “maxay
soomaalida isu laynayaan??!!”. Waxaan si xishood ku jirto ku iri, garan maayo
sababta ay isu baabi’inayaan dadkii wada dhashay ee Soomaaliyeed.
Waa su’aal ay dadka aan soomaalida ahayn inay
weydiiyaan ay aad ugu fududdahay, hase ahaatee in si qeexan looga jawaab bixiyo
ay aad ugu adag tahay waxgaradka iyo dadka damiirka soomaalinimada ay ku
danbeyso.
Waa hubaal inay tahay su’aal aan jawaab lahayn.
Waa xaqiiqo inay su’aashan ay igala dhigan tahay su’aalaha iigu adkaanta badan
ka jawaabiddeeda. Maxay isu laynayaan Soomaalida? Qarankoodii iyo
sharaftoodii maxay gacmahooda ugu dumiyeen? Maxay misna u heshiin la’yihiin,
kadib 13 sanno oo aynan waxna isugula harin?.
Isma arki karaan iyaga, waxay isku haystaana
ma jiraan. Waa wax aad loola yaabo. Dhowr iyo toban shirar ay isugu yimaadeen,
wax natiijo ah oo taaban karana kama soo bixin. Dadyowga dalalkooda ay nabadda
ka jiraan, xaq ayeey ugu leeyihiin inay la yaabaan dadkan u oomman dhiigga
walaalahooda soomaaliyeed. Saddex iyo toban sanno kadib ayaa weli waxaa
Soomaaliya ka socda dagaalkii sokeeye, haba ugu sii badate koonfurta Soomaaliya.
Towfiiqda yaad mooddaa in laga qaaday. Ugu danbeyntii, waxaan Soomaalida
Ilaahay uga baryayaa inuu dhexdooda dhigo jaceyl iyo walaaltinimo dhab ah,
siiyana dowlad caadil ah oo ay ku hilmaamaan colaaddii sannadaha badan
dhexdooda ka jirtay.
Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Saalax | SomaliTalk Denmark
ibra88@hotmail.com
Faafin: July 27, 2003
TAAGEERADII LOO HAYAY BUSH, BLAIR IYO HOWARD OO WAX ISKA BEDDELAY |