SomaliTalk HTML CD


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK

TAAGEERADII LOO HAYAY BUSH, BLAIR IYO HOWARD OO WAX ISKA BEDDELAY

Ibraahim Saalax | SomaliTalk Denmark

Baaritaanno iyo tirakoobyo dhowaantan la sameeyay ayaa lagu oggaaday, in rabshadaha iyo degganaansho la’aanta ka jirta Ciraaq ay sababeen inay si weyn u dhaawacdo kalsoonidii iyo shacbiyaddii loo hayay madaxda dalalka Mareekanka, Ingiriiska iyo Australiya.


George W. Bush

Haddaba, tirakoob ay samayaysay Wargayska lagu magacaabo USA Today ee ka soo baxda Mareekanka ayaa shaaca ka qaaday in gaadmada iyo weerarada joogtada ah ee lagu ugaarsanayo ciidamada Mareekanka ee jooga Ciraaq ay sababtay inay hoos ugu dhacdo taageeradii iyo shacbiyaddii loo hayay madaxweynaha Mareekanka. George W. Bush.

Wargayska oo boggiisa internetka maanta oo taariikhdu tahay 22.07.2003 ku soo bandhigay warbixintan iyada ah ayaa tilmaantay in siyaasadda dhaqaalaha ee Bush ay raalli gelisay shacabka Mareekanka 45%, halka 51% oo inta badan ahi ay ka biyo diideen arrintan.

Tirakoobkan ayaa sidoo kale lagu xusay in hoos u dhacan dhinaca taageerada Bush uu misna sababay inay hoos ugu dhacdo taageeradii loo hayay xisbiga talada dalka haya ee Jamhuuriga. Waxaa dadkii la wareystay ay codkooda ku taageereen xisbiga Dimuqraadiga 53 %, halka 36 % ay u codeeyeen Jamhuuriga.

Shacabka Mareekanka ee taageersanaa inuu Bush ku soo noqdo madaxweyninimada doorashada soo socota waxay gaararayeen bil kahor 47%, halka hadda hoos isaga soo dhintay tiradaas 6, oo dadka doonaya soo noqoshada Bush lagu qiyaaso ilaa 41%.

Sida laga soo xiganayo wakaaladda wararka ee Faransiiska, waxaa dalka Ciraaq maalin walba ka dhaca weeraro ugaarsi ah oo lala beegsanayo ciidamada Mareekanka ee jooga Ciraaq, waxayna wakaaladdu intaas ku dartay in dhimmashada ciidamada Mareekanka lagu qiyaasay laga soo billaabo koowdii bishii maajo ee sannadkan wax ka badan 80 qof.


Tony Blair

Dhinaca kale, wargayska ka soo baxa dalka England ee The Guardian ayaa sidoo kale maanta boggiisa internetka ku daabacay maqaal sheegaya in taageerada iyo shacbiyaddii loo hayay Ra’iisal wasaaraha Britain Tony Blair ay si weyn hoos ugu soo dhacday laga soo billaabo 3-dii billood ee ugu danbeeyay, iyadoo taas ay ugu wacan tahay dagaalkii Britain sida weyn uga qayb qaadatay Ciraaq.

Dadkii uu wargayska wareystay intooda badan ayaa muujiyeen sida aynan raalli uga ahayn siyaasadda Blair, iyadoo 54 % dadkii la wareystay ay sheegeen inayan taageeraynin Blair, halka 37 % ay ku qanacsan yihiin Blair, waxaana labada tiro u dhaxaysa 17%, farqiga tirada danbe ayaa ahaa 4 % bishii la soo dhaafay.

Dr. David Kelly -
Xaqiiq Weli Dahsoon

Ma ahayn keliya khabiir hubka ah oo ka soo shaqeeyay Iraq, booqdayna Baqdaad in ka badan 40 jeer, balse .... Maqaalkii Ikraam

Hoos u dhacan ku yimid taageerada Tony Blair waxaa laga yaabaa inay shaki ku sii beerto, kadib markii laga war helay dhimashadii  Dr. David Kelly oo ahaa khabiirkii hub baarista ee Ciraaq. Blair oo Jaamacad ku taalla dalka Shiinaha ka jeedinayay maanta khudbad ayaa yiri “ dooni maayo waxaan ka ahayn baarayaal dhexdhexaad ah oo dabagala siduu u dhintay Dr. David Kelly”.

Tony Blair oo la hadlayay arday gaarayay 90 qof oo barta maaddooyinka saxaafadda, sharciyada, dhaqaalaha iyo sayniska ayaa ku celceliyay inuusan ka qoomamsanayn dagaalkii uu ku qaaday Ciraaq, wuxuuna yiri isagoo ka hadlaya arrintan “waxaan ku dhaqaaqnay waxay ahaayeen sax, haba wateen culeys kasta”, wuxuu misna markale intaa raaciyay “waan qaatay go’aankan, maxaa yeelay waxaan rumeysanahay inay u wanaagsan yahay dalkayga iyo dunida oo dhan, sidaas ayaan ilaa iyo maanta aan rumeysanahay, sidaa darteed waxaa i saaran inaan difaaco go’aankayga” ayuu yiri Tony Blair oo sida muuqata culeysyo badani kala soo gudboonaadeen caddeymihii uu u soo bandhigay dowladdiisa markii ciidamada Britain ka qayb galayeen dagaalkii Ciraaq.


Mr. Howard

Sidaas si la mid ah, tirakoob ay si wadajir u sameeyeen mac-hadka The Newspoll iyo wargayska ka soo baxa Australia ee lagu magacaabo The Australian ayaa shacabka reer Australia rumeysan in saddex meelood meel inuu Ra’iisal wasaaraha Australia Mr. Howard uu ka been sheegay caddeymihii ay dowladdiisa kagala qaybgashay dagaalka Ciraaq. Hase ahaatee, shacabka reer Australia ayaa sida tirakoobka ku cad taageersan inuu Mr. Howard uu talada dalka sii hayo.

Shacabka Australia ayaa 67% rumeysan inaynan waxna ka jirin hubka wax gummaada ee loo cuskaday weeraradii lagu qaaday Ciraaq, sidaasna hoggaamiyaha dalkooda uu been ugu sheegay ama uu buunbuuniyay warbixinno khaldan. Inkastoo ay jirto arrintan, haddana sida baaritaanka ay si wadajir u soo saareen xarunta maxadka The Newspoll iyo wargayska The Australian inuu Ra’iisal wasaaraha dalka Australia uu ku hoggaaminayo ninka ka soo horjeeda ee Mr. Crean 40 dhibcood. Waxaa Ra’iisal wasaaraha taageersan 59%, halka Mr. Crean ay la jiraan dad gaaraya 19%.

Dhanka kale waxyaabaha maanta Ciraaq kusoo kordhay waxaa kamid ah in Maraykanku uu sheegay in la diley labadii wiil ee uu dhalay Saddam Xuseen.

ISHA: usatoday.com | politics.guardian.co.uk | theaustralian.news.com.au
SAWIRADA: Google Images

Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Saalax | SomaliTalk Denmark
ibra88@hotmail.com

Faafin: July  23, 2003

...TAARIIKHDII HORE EE  CIRAAQ ... HALKAN GUJI

...XAALADDA ADAG EE LA SOO GUDBOONAADAY CIIDAMADA MAREEKANKA EE JOOGA CIRAAQ

 

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
SHIRKII SHABAKADDA XIRIIRKA SOOMAALIYEED AY KU YEESHEEN MAGAALLADA ODENSE, DENMARK Guji... Feb 23, 2003
WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA GUJI... Feb 3, 2003
MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA GUJI... Jan 20, 2003
DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 
Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  
SOMAALIDA YURUBTA KALE KU NOOL OO KU SOO QULQULAYA DALKA ENGLAND GUJI.. 
. MARKAAN IMID NAIROBI
. SOOMAALIDA ODENSE, DENMARK 

Hooyo Soomaaliyeed oo Uur leh oo Loo- taxaabay Xabsiga Weyn ee Mombasa
Hooyadaasi waxa ay ku dhexdhashay xabsigii, waxaa kale oo la qafaalay dumar nuujinayey.. GUJI. July 7/2002

Dugsi Khaas ah oo ay Leeyihiin Muslimiintu oo Albaabada Looxiray
DENMARK - Dugsiga khaaska ah (private school) ee lagu magacaabo Æraskolen,   ayaa..GUJI.  June 2/02 

XASUUQA JENIN WAA MID AYAN TAARIIKHDA ILOOBI DOONIN  Guji... 

SOOMAALIDA DENMARK: Bulshada Aynu lanool nahay aynu ka qaadano Wixii na Anfaca
Warbixin:... Ka akhri halkan feb 20/2002

GELLE OO LA KULMAY RA’IISAL WASAARAHA DENMARK GUJI 
DOWLADDA DENMARK OO SOO BANDHIGTAY SHARCI ADKEYNAYA SHISHEEYAHA DALKEEDA KU DHAQAN ...AKHRI HALKAN
ISLAM AMIN OO KU GUULEYSATAY DACWADEEDII (Aug 2000), MAG-DHOW AHAANA LOO SIIYAY 10.000 KR Guji halkan
QOYS SOOMAALIYEED OO DACWAD KU SOO OOGAY DHAQTAR- UDHASHAY DENMARK GUJI.. 
BANNAANBIXII FILIMKA BLACK HAWK DOWN  
MAXAY GALABSATAY IIMAAN OO 4 BILLOOD JIRTA! GUJI 
Sharci.cusub.Denmarka | 10Beri.Ramadaan.Kadib | Goorma.lagayaabaa.in. | Axmed.Xirsi | Geelle.iyo.Ra'iisulwasaare | Welwelka.Carruurta | Jaaliyada.Som.Odense | Waraysi.Mohamed.Deeq | Wafti.yimid.Denmark | Daraasad.Muslimka.USA | Talo.Muslimiinta.Minnesota | Qubuuraha.Muslimiinta | Xalka.Carruurta.Qurbaha | Islaamnimada.Siciid | Guushii.Islam.Amin | Qaraxyo.Kadahac.USA


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD