XAALADDA ADAG EE LA SOO GUDBOONAADAY CIIDAMADA MAREEKANKA EE
JOOGA CIRAAQ
Ibraahim Saalax | SomaliTalk Denmark
July 17, 2003
Waxaa maalmahan isa soo taraya cabbashada is
daba joogga ah ee ka imaanaya ciidamada mareekanka ah ee kumanaanka kun gaaraya
ee jooga Ciraaq, kadib markii ay welwel iyo walbahaar ku beertay iska caabbinta
gaadmada ah iyo weerarada joogtada ah ee maalin walba lala beegsanayo ciidamada
Mareekanka ee jooga Ciraaq.
Sida ay warbaahinnada xuseen, celcelis ahaan
maalintii waxaa magaalooyinka Ciraaq ka dhaca wax ka badan dhowr iyo toban
weerar oo si toos ah loola ugaarsanayo ciidamada Mareekanka ee jooga Ciraaq,
iyadoo dhimmasho gaaraya 82 qof iyo dhaawac badan ay gaysteen weeraradaas kadib
markii uu madaxweynaha Mareekanka Bush ku dhawaaqay bishii may ee sannadkan
inuu dhammaaday
dagaalkii
uu ku qaadayay Ciraaq.
Haddaba, maalintii shaleey ahayd ayuu
taleefishinka sida aadka looga daawado dalka Mareekanka ee ABC soo daayay
barnaamij uu ku wareysanayo qaar ka mid ah ciidamada Mareekanka ee jooga
Ciraaq. Wareysigii uu taleefishinka la yeeshay ciidamadaas ayaa shaaca ka
qaaday welwelka iyo walaaca daran ee ka haysta weerarada iyaga lagu beegsanayo,
iyagoo qaarkii la wareystay si toos ah uga dalbaday maamulka Washington inay u
fasaxaan inay ku laabtaan qoysaskoodii iyo guryahooda.
“hadduu Rumsfeld halkan joogi lahaa waxaan ka
codsan lahaa inuu is casilo” waxaa sidaas yiri mid ka mid ah ciidamada
mareekanka ee jooga Ciraaq, halka mid kale oo ka mid ah kooxda saddexaad ee
ciidamada mareekanka oo isna la wareystay yiri “ waxaan Rumsfeld weydiinayaa,
horta maxaan halkan u joognaa? Ma arko sabab aan halkan u sii joogno”.
Taleefishinka ayaa barnaamijkiisa la yiraahdo
“Good Morning america” mid-mid ugu wareystay ciidamada ee jooga Ciraaq, waxayna
wareysigooda ku muujiyeen caro kulul oo ay ku tuurayaan madaxdoodii dagaalkan u
soo diray, isla mar ahaantaana waxay ku nuuxnuuxsadeen inuu dhammaaday
dulqaadkoodii kadib markii loo dheereeyay muddada ay joogayaan Ciraaq. Mid ka
mid ah saraakiishii sida daran u dhaleeceenayay maamulka Mareekanka ayaa soo
saaray kaarar sida turubka oo kale loo sameeyay kuna xusay dad uu ugu yeeray
inay “wanted” yihiin ayna ka mid yihiin Paul Bremer, Donald Rumsfeld, George
Bush iyo Poul Wolfowitz.
Ciidamada Mareekanka ee jooga Ciraaq ayaa
filayay inay qaar badan oo iyaga ka mid ah ay labadii billood ugu danbeeyay ku
laabtaan guryahooda, hase ahaatee waxay taasi fuli wayday kadib markii
hoggaamiyaha ciidamada Mareekanka ee Ciraaq uu ku dhawaaqay in ciidamada
Mareekanka loo dheereenayo muddada ay joogayaan Ciraaq, kadib markii xal loo
waayay weerarada gaadmada ah ee ku sii badanaya ciidamada Mareekanka ee jooga
Ciraaq.
Saajinka lagu magacaabo Felipe Vega ayaa isagu
aaminsanaa inuu si dhaqso leh ugu laabanayo isaga iyo ciidamada kaleba
qoysaskooda iyo guryahooda, kadib markii ciidamada mareekanka gacanta ku
dhigeen magaallada Baghdad sagaalkii bishii abriil ee ina dhaaftay.
Dareenkaas mid la mid ah waxaa isna muujiyay
sargaalka lagu magacaabo Terry Gilmore, isagoo si daran uga xumaaday muddada
dheer ee loogu daray joogistiisa Ciraaq. “markaan xaaskayga u sheegay inaan si
dhaqso leh ugu soo laabanaynin dalka waxay durbadiiba billawday inay oydo,
anniga xittaa waxaan ku sigtay inaan la ooyo.., aad ayaan uga xumaaday, ma
fahmi karo, maxay halkan noogu hayaan kadib markay na soo gaarsiiyeen inaan
dalkii ku laabanayno” ayuu oranayay Gilmore.
Weerarada iyo gaadmada joogta ah ee ka
imaanaysa ciraaqiyiinta ayaa dhaawici karta yiddiddiilooyinkii ay ciidamada
Mareekanka iyo Ingiriiska ay ka lahaayeen Ciraaq. Dhinaca kale, waxaa si is
daba joog ah u soo if baxaya maalamahaan dhaleeceenta qayaxan ee ka soo yeeraya
qaar ka mid ah axsaabta siyaasiyiinta ee ka jira dalalka USA iyo Britain,
iyagoo ku adkeysanaya inay maamullada labada dal ay soo hor dhigaan asbaabta
keentay duullimaadkii khasaaraha lahaa ee lagu qaaday Ciraaq, iyo halkay mareen
hubka sida daran wax u gummaada ee lagu eedaynayay inuu haystay maamulkii
awoodda loo sheegtay ee Saddaam Xuseen.
Maalmihii dhowaa ee tagay waxay ciidamada
Mareekanka ka sameeyeen Ciraaq Gole cusub oo ka kooban 25 xubnood, kuwaasoo
danta loo sameeyay ay ugu weyn tahay sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada
lagu ugaarsanayo ciidamada Mareekanka ee jooga Ciraaq.
ISHA: ABC TV
abcnews.go.com
Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Saalax | SomaliTalk Denmark
ibra88@hotmail.com
WARARKII DAGAALKII CIRAAQ...
GUJI
Sawirka ABC TV
Faafin: July 17, 2003 |