SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - WARAR

BAAQ AY WAXGARADKA SOOMAALIDA DENMARK KA SOO SAAREEN SIYAASADDA CUSUB EE SOOMAALIYA 

Kulan ay isugu yimaadeen qaybo ka mid ah odayaasha, culumada, aqoonyahanada, ganacsatada iyo dhalinyarada ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida denmark ayaa looga dooday arrimo la xiriira isbeddelka siyaasadeed ee ka socda Soomaaliya, iyo dhinaca kale dadaalada loogu jiro sidii loo soo nooleyn lahaa Qarannimadii Soomaaliyeed. 

Shirweynahan oo ay soo qabanqaabiyeen, iskuna soo dubarideen Golaha wadatashiga iyo iskaashiga soomaaliyeed ayaa laga soo saaray qodobo dhowr ah, kuwaasoo ku saabsanaa sidii xal waarta looga gaari lahaa mad-madowga iyo khilaafka isa soo taraya ee laga dhex dareemayo DFKMG iyo Maxaamikta islaamiga. 


Abdirashid Artan

Xooghayaha Golaha wadatashiga iyo iskaashiga soomaaliyeed Abdirashid Artan ayaa ii xaqiijiyay in danta iyo ulajeeddada shirkooda ku salaysan yahay sidii nabad iyo dhexdhexaadin dhab ah loo dhexdhigi lahaa DFKMG iyo Golaha Maxaakimta islaamiga oo xilliyadii ugu danbeeyay iyagu gacanta ku dhigay magaalooyin dhowr ah. 

”Baaqeenu waa nabad iyo islaaxin, waxaan ku rajo weynnahay is-faham iyo wada shaqayn walaaltinimo oo ka dhex dhacda Dowladda iyo Maxaakiimta islaamiga, dhinaca kalena hal-meel looga soo wada jeesto ka sidii looga hortagi lahaa faragelinta qaawan ee Itoobiya ay ku hayso dalkeena Soomaaliya” ayuu yiri Abdirashid Artan oo isagu ah xooghayaha Golaha wadtashiga iyo iskaashiga soomaaliyeed, sidoo kalena madax ka ah ururka ugu weyn ee mideeya dhalinyarada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Denmark. 

”rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa inuu gaaro baaqeenaan dhammaan maxaakiimta iyo dowladdaba, waxaana jeclahay in maamlamaha soo socda uu qabsoomo dhamaystirka shirkan aan billownay” ayuu markale raaciyay Abdirashid Artan oo qiyaastii da'diisu ahayd 6 jir markii musbiibadii dagaalladii sokeeye ka qarxay Soomaaliya. 

Ugu danbeyntii shirkan oo si wanaagsan dadkii ka soo qaybgalay ay aad ugu riyaaqeen ayaa baaqii ka soo baxay u qornaa sidatan: 

Waxan ugu baaqaynnaa Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah (MMI) iyo Dowladda Federaalka Kumeel gaarka ahba in ay sii wadaan wada hadalkii u bilowday 22 Juun 2006. Si loo soo celiyo Qarannimadii iyo Midnimadii ummadda Soomaaliyeed. iyadoo wixii khilaaf ah lagu dhammaynayo  wada xaajood iyo is afgarad.

Waxaan annagoo ka duuleyna madax bannaanida iyo Qarannimada Soomaaliyeed si adag uga soo horjeednaa kana digeynnaa fara galinta shisheeyuhu ku hayo dalka noocay doontaba ha ahaatee. Gaar ahaanna waddanka Itoobiya oo ciidamadeedu si sharci darro ah had iyo goor ugu soo tallaabaan gudaha dalka Soomaaliya. Iyo waddamada kale sida Eriteriya. Taas oo meel kadhac weyn ku ah madax bannaanida iyo qarannimada  Soomaaliyeed. Sidoo kalena aa dhib mooyaane wax dan ihin ugu jirin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waxan ugu baaqaynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba in ay taageeraan isna garab taagaan dib u heshiisiinta. Islamarkaasna ay mahad balaaran u celiyaan Ciddii  keentay Isbadalka nabadeed ee ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Waxaan ku boorinaynaa Jaaliyaadka Soomaaliyeed ee dibaddu in ay ka qayb qaataan dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalkii hooyo
Gunaanad.

Waxaan guud ahaan Ummadda Soomaalioyeed,gaar ahaana Midoowga Maxaakiimta Islaamiga ah Doowladda ku meel gaarka ah iyo ugu yeereeynaa in ay ku shaqeeyaan:

Mabda’a aas aasiga u ah ummadda Soomaaliyeed ee Diinta Islaamka.

Waddaninimo.
Soomaalinimo.
Dulqaad iyo
xilkasnimo.

Isu tanaasul wixii aan ka hor imanayn mabaadii’da Islaamka. Sidoo klaena  in laga fogaado wixii Ummadda kala fogeeynaya.

Wa Billahi toowfiiq.

Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Saalax 
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk | DENMARK

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 15, 2006

QORAALDII SAWIR-GACMEEDYADII LAGU AFLAGADEEYEY RASUULKA NNKH:
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 |


SOOMAALIDA EURO-AMERICAN: SANNADO BADAN AYAAN KU LUMINAY YURUB

SOOMAALIDA MINNESOTA: Safarkii Ibraahim Saalax... Guji

Fartun Nur
Fartun xishoodkeedu wuxuu soo shaacbaxaa waqtiga qadada ee lajoogo makhaayada (Kafeeteriyada), halkaas oo ay waqtigeeda kuqaadato akhris halkii ay la-bulshayn lahad gabdhaha kale ee Soomaalida... Guji...

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

SOOMAALIDA EURO-AMERICAN: SANNADO BADAN AYAAN KU LUMINAY YURUB

SOOMAALIDA MINNESOTA: Safarkii Ibraahim Saalax... Guji

SAXAAFADDA DENMARK OO SOO BANDHIGAY DHIBAATADA  QAXOOTIGA HAYSTA

ENGLAND: SOOMAALIDA FIRFIRCOON EE LEICESTER

DENMARK: QAXOOTIGA SOOMAALIYEED CIDNA UMA MAQNA, CEELNA UMA QODNA


DENMARK: SI MAAMUUSID LEH AYAA LOOGU GURMADAY SOOMAALIDII LAGU DHIBAATEEYAY LANGESKOV


GABAGABADII SHIRKII URURKA DHALINTARADA SWEDEN  


URUR MIDEEYAY DHALINYARADA SOMAALIYEED EE DENMARK


SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAQMO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN Guji


SWEDEN: DILKII WASIIRADII ARIMAHA DIBADA ANNA LINDH Guji Sept 14


WEYDIIMO AAN JAWAABO U WAAYAY Guji... Jul 27, 2003


SHIRKII SHABAKADDA XIRIIRKA SOOMAALIYEED AY KU YEESHEEN MAGAALLADA ODENSE, DENMARK Guji... Feb 23, 2003


WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA GUJI... Feb 3, 2003
MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA GUJI... Jan 20, 2003
DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 
Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD