Waan ku taamayay in dhoweydba inaan mar-uun soo
booqdo soomaalida faraha badan ee ku nool gobolka Minnesota, gaar ahaan
magaallada Minneapolis si aan u ogaado qaabka ay u nool yihiin, iyo horumarka
waaweyn ee ay ku tallaabsadeen.
Diyaarad lagu magacaabo SunCountry Airline ayaan ka
soo qaatay garoonka diyaaradaha Seattle Washington. Markaan fadhiyo hoolka
transitka anniga iyo rakaabkii kaleba ayaan ka warhelnay inay diyaaraddii na
qaadi lahayd ay 4 saacadood dib u dhacday. Waa saacado badan, weliba nalooma
sheegin ciladda keentay dib-u-dhacaas diyaaradda ku timid.
Waxaa jiray soomaali tiradooda kor u dhaafayay 10
qof oo badankood ah reer Minnesota, kuwaasoo iyagana u socday magaallada
Minneapolis. Saddax saacadood iyo bar kadib waxaynu nimid Caasimadda gobolka
Minnesota, magaallada 2-aad ee Minneapolis.
Waxaa mara gobolka Minnesota toban kun oo laago,
waxaana ugu caansan webiga Mississippi oo bartamaha magaallada Minneapolis
dhex dureera, waa magaallo aad u qurux badan. Minneapolis iyo guud ahaan
gobolka Minnesota ayaa soomaalida ku dhaqan lagu qiyaasaa tiradooda wax ka
badan 50 000 qof. Waa gobolka keliya ee waddamada galbeedka ay ku nool
yihiin tiro intaas le'eg oo soomaaliyeed.
Xilliyada doorashada degmooyinka iyo kuwa kaleba ayaad
arkaysaa siyaasiyiinta gobolka oo ku daaf-wareeganaya xaafadaha iyo xarumaha
ay soomaalida leeyihiin, si ay u helaan codadka soomaalida. Midnimadooda iyo
iskaashiga dhexdooda ayaanan hubin inuu saas u weyn yahay.
Magaallada Minneapolis qaddarin iyo sharaf ayay
soomaalida ku leeyihiin. Dadyowga kale, waxay soomaalida ku tilmaamaan inay muddo
gaaban ay guulo waaweyn ka gaareen dhinacyada ganacsiga, shaqada iyo waxbarashadaba.
Muddo kooban ayay soomaalida Minnesota ka dhex
muuqdeen qowmiyadaha kale ee sannado badan degganaa gobolka, kadib markii la
arkay firfircoonidooda siyaadada ah ee dhinaca ganacsiga iyo guud ahaan
furfurnaanta kale ee ay dheer yihiin afrikaanta kale. Iyadoo ay taasi jirto,
haddana waxaa xabsiga weyn ee Minneapolis la ii sheegay inay ku jiraan
boqolaal iyo boqolaal soomaaliyeed oo lagu soo eedeeyay denbiyo kala duwan.
Saaxiibkay Eng. Mohammed Ali ahna madaxa tifaftiraha webside-ka
SomaliTalk.com ayaa igu soo wareejiyay goobaha ugu caansan ee magaallada,
Jaamacadda Minnesota, xarumaha ganacsi ee ay soomaalida leeyihiin iyo
masaajiddada badan ee magaallada ayaan fursad u helay inaan indhahayga ku
soo arko. Daaro dhaadheer oo isu dhow kuna taalla xaafadda Cedar ayay
kumanaan kun oo soomaaliyeed deggan yihiin.

Waxaan aad ugu dhex wareegay dukaamada ku yaalada
suuqa weyn ee loo yaqaan 24, waxaan ku arkay dukaamo heersare ah oo lagu
iibiyo dharka, cadarada iyo waxyaabaha hiddaha iyo dhaqanka iyo maqaayado
aad ka dalbin kartid cunto macaan, maktabad ama library islaami ah oo aad ka
heli kartid dhammaan kutubta iyo cajaladaha islaamiga, waxaana maktabaddan
ka daaran markaad ku jirtid ama dibadda ka joogtid cajalado quraan ah oo uu
aqrinayo mid ka mid ah qurraada waaweyn. Waxaan meel aan ka fogeyn
maktabadda ka soo horjeedkeeda ku yaalla studio ama dukaan lagu iibiyo
cajaladaha heesaha iyo filimada riwaayadaha ay dhigaan fannaaniinta
soomaaliyeed. Waa Studio si cod sare uga uga daaran yihiin mid ka mid ah
heesaha soomaaliyeed.
Waxaan ku nastay dukaanka Xawaaladda Al-Musqbal
Express kuna yaalla dukaan internetka laga isticmaalo. Abdirahman Sh. Omar
oo ah agaasimaha dukaanka internetka ayaa ah nin aan jeclaystay
furfurnaanshihiisa iyo ixsaankiisa xadka aan lahayn ee uu ku caawiyo qofkii
isaga uga baahda caawitaan. Intaan la joogay ayaa waxaa u imaanayay dad kala
duwan, oo weydiisanayay inuu u qoro foom ama waraaq kale oo ku socoto
xafiisyada dowladda, isagana wuxuu dhinaciisa isagoon dhibsanin u qabanayay
dhammaan adeegga ay u baahdaan. Abdirahman wuxuu hayaa kombiyuutaro cusub
iyo wuxuu sidoo kale macaamiisha ka caawiya hagaajinta iyo barnaamijaynta
kombiyuutarada.

Waxaa sidaasoo kale xaruntan ganacsi ku dhinac yaala
dukaan lagu iibiyo dhammaan dharka ay haweenka qaataan. Waxaa maamula iskana
leh dukaankan dharka ah Deeqo Xasan. Haweenka soomaaliyeed iyo kuwa kale ee
afrikaanka u badan ayaa ka mid ah macaamiisheeda. Asturnaanteeda iyo
xijaabkeeda hufan kama reebin inay xammaalato oo ay ku biirto suuqa shaqada.
Xagga sare ee xaruntan suuqa weyn waxaa ku yaalla
masjid weyn oo lagu tukado salaadaha. Xilliyada salaadda ayaad arkaysaa
dukaamada oo albaabada loo laabayo. Imaamyo iyo mashaayikh duruus masjidka
ka aqriyo habeenka ayaa jira.
WIXII AAN KALA KULMAY SEATTLE WASHINGTON..
Safarikii Ibraahim
Saalax.. Akhri