Waxanu wadnay qisadii nabi muuse (CS) waxayna ay noogu joogtay
markii nabi muuse illaahay SW uu weydiistay in uu walaalkii haarun uga dhigi
mid raaca si ay iskugu kaashadan risaalada, waxana aan ka sii wadi doona
intii ku xigtay.
Illaahay (SW) waa uu ka aqbalay ducadii nabi muuse waxana uu
illaahay ku yidhi (SW) “Waxanu ku siinay raxmadaya in walaalkii haarun uu
noqdo Nabi” illaahay (SW) waxa uu aayad kale ku yidhi [Suuratul-shucara]
“Wakhtiga uu rabigaa u dhawaqay muuse in uu u tago qoomka daalimiinta ah
qoomka fircoon si ay alle uga cabsadan, oo uu yidhi waxa aan ka baqayaa in ay
I beeniyaan qalbigana aad ayaan uga warwarsanahay carabkayguna codkar malaha
ee illaahayow haarun I soo raaci, waxa aan ka gelay godob waxana aan ka
baqaya in ay I dilaan, waxa lagu yidhi iska daayo ula taga aayadkayaga anaga
ayaa idin maqlayna u taga fircon kuna dhaha waxanu nahay rasuulo rabiga
caalimintu soo diray oo loo soo diray rabiga caalimiinta ah oo loo soo diray
reer binu israa’il, waxayna ku yidhaahden miyaanan ku korin oo nad xagayaga
ka iman lalana joogin sannado badan oo cimrigaaga ah waadsamaysay oo
waadsamaysay wixii aad samaysay waxana ka mid tahay kuwa kaafirinta ah”
Arintu imika waxay maraysaa in ay ula tagaan qowl kaas oo ah
in ay gaarsiyad dadka wixii illaahay u soo diray oo ah IN AAN ILLAAHAY MOOYE
CID KALE AAN LOO SHARIIK YEELIN si ay meesha uga baxdo hayshashada reer binu
israa’il ee xooga lagu haysto rabigoodna ugu caabidan meesha ay doonan.
Markii ay u tageen nabi muuse iyo nabi haarun (CS) arinkaa wuu
ka madax adeegay waxana uu eegay muuse waxana uu yidhi hadal yasid ku jirto “miyaanan
ku korin oo nad xagayaga ka iman lalana joogin sannado badan” waar waxa
aad tahay kii aanu gurigayaga ku korinay ee aanu mudada dheer soo
xanaaninaynay?
Taasi waxa ay ku tusaysaa fircoonkan loo soo diray nabi muuse
in uu yahay kii uu ka cararay arintaasina waxa ay khilaafsan tahay figrada
ehlu kitaabka (YUHUUD IYO NASAARO) ee ah in fircoonkii ka baxsaday uu yahay
kii ku dhintay MADYAN.
Waxa uu illaahay aayadan noogu tilmaamay “waadsamaysay oo
waadsamaysay wixii aad samaysay waxana ka mid tahay kuwa kaafirinta ah”
arinkan ay Nabi muuse ku eedaynayaa waa in uu dilay nin Qibdi ah ka dibna
baxsaday barwaaqadina ka cararay.
Markale waxa uu illaahay inoo cadeeyay jawaabtii Nabi Muuse
(CS) arinka ka bixiyay “Waxa uu yidhi waan sameeyay wakhtigana waxa aan ka
mid ahaa kuwa daalibinta ah” wakhtiga oo ah intii nabi muuse ku soo degin
waxyigu markan denbe se “Waa ka soo baxsaday markii aan ka baqay
illaahayow waxa aad I siisaa xukun waxana aad iga dhigtaa mid ka mid ah
Rasuusha” isla wakhtiga mana sheegadkii fircoon tarbiyadii iyo wanaag
falkii uu u samayay muuse “Nimcadan aad iigu mana sheeganayso ma in ay
reer binu israa’il ku caabudanbaa” nimcada aad sheegtay iyo wanaaga aad
ii samaysay anigu waxa aan ahay shaqsi ka mid ah reer binu israa’il, waxa ku
adeegaya umada balaadhan oo dhan waxana aad u adoonsatay shaqadadi
hawlahaagana way ku mashquulsan yihiin.
Intaa ka dib waxa uu illaahay (SW) halkan uu inoogu cadaynayaa
jawaabihii fircoon ka soo yeedhay “Waxa uu yidhi fircoon waa maxay rabiga
caaliminta waxa lagu yidhi waa rabiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u
dhaxeeyaba hadii aad rumaysanaysaan, waxa uu ku yidhi kuwii hareero joogay
miyaydan maqlay waxa uu yidhi rabigiin waa rabigii aabayaashini hore, waxa uu
yidhi rasuulkan la idin soo dirayna waa nin waalan, waxana lagu yidhi rabiga
cadceedkasoo baxa iyo cadceedka dhaca iyo waxa u dhexeeyaba hadii hadii aad
caqi leedihiin”
Illaahay SW waxa uu xusay doodi dhex martay fircoon iyo muuse
iyo hadaladii uu muuse kula dooday daalinkii fircoon si caqliyan ah, intaa ka
dib fircoon illaahay meel xun hageeye waxa uu cadeestay sida uu u diidan
yahay rabigii abuuray SW waxana uu ku dooday in uu isagu yahay illaah “Wuu
soo aruuriyay waana uu dhawaaqay wuxuu yidhi anigu waxa aan ahay rabigiiina
idinka sareya” fircoon waxa uu intaa raaciyay “Hogaamiyaal yahow
idinma ogi illaah aan aniga ahayn” kuwaasi waa kalmadihii canaadnimada
ahaa iyo madax adeegi fircoon isagoo og in uu yahay adoon illaahay.
Illaahay Sw waxa uu yidhi “Way diideen iyagoo rumaysan
nafahoogu in ay dulmi galeen waana ay xadgudbeen, eeg cidhibtoodu sida ay ku
denbayso kuwa dhulka fasaahidinaya”
Markii uu diiday fircoon risaaladi Nabi muuse (CS) waxa uu
yidhi “Waa Maxay Rabiga Caalimiintu” markaas uu Nabi muuse ku yidhi “Waxanu
nahay Rasuul uu soo diray rabiga caalimiinta” waxa aad mooda in uu
fircoon leeyahay waa maxay rabiga caalimiinta ee aad ku doodaysaan in uu idin
soo diray, Nabi Muuse (CS) isagoo ka jawaabaya hadalka fircoon waxa uu yidhi
“Rabiga Samaawadka iyo arlada iyo waxa u dhaxeeya hadii aad I
rumaysanaysaan”
Illaahay (SW) waa ka abuuray Samooyinka iyo Arlada iyo waxa ku
sugan ee makh-luuqad ah sida dabeelaha iyo daruuraha, Roobka, Dirta iyo
Xawayaanka kuwaas oo dhamaantood og in illaahay abuuray.
Fircoon waxa uu ku yidhi kuwii hareera taagnaa oo ay ka mid
ahayd gabadhiisi iyo wasiiradiisi isagoo aad u hanjabaya muuse iyo
arinkiisana xaqiraya Miyaydaan Maqlayn waxan uu muuse leeyahay? “Rabigiinu
waa rabigii aabayaashin”, waa ka abuuray idinka iyo kuwii idinka
horeyayba ee Awaw-yaashin iyo Qarniyadii hore ee baaba’ay mid kasta uu og
yahay in aanu naftiisa abuurin aabihii iyo hooyadii toona ee cidkasta waxa
abuuray rabiga caalimiinta.
Illaahay (SW) isagoo inoo bayaaminaya sida uu cidkasta xaqa uu
ugu cadeeyay waxa uu yidhi “Waxa aanu ka tusnay aayadkayaga hareerahooga
iyo nafahooga ilaa ay u cadaato xaqu” Kalmadahan may an ficin fircoon
kumanuu waantoobin isagoo ka soo noqon halowsanidii uu ku jiray ayuu ku sii
adkaystay xadgudubkii iyo dhago adeegi iyo gaalnimadiisi, Illaahay (SW) waxa
uu quraanka inoogu cadeeyay sida uu fircoon iyo kuwii kale ee mujriniimta ihi
xaqa ay ugu dago adeegan waxana uu yidhi “Waxa uu yidhi Rasuulkan la idin
soo diray wuu waalan yahay waxa uu leeyahay rabiga cadceed kazoo baxa iyo
cadceed ka dhaca, hadii aad caqli leedihiin”
Fircoon waxa uu wadaa sidii uu xaqa u beeni lahaa waxana uu
diidan yahay in xidigaha iftiimaya iyo falagyada wareegaya habeenka mugdiga
noqonaya iyo dharaarta iftimaysa illaahay waxas oo dhan kala wadaa in uu
yahay Rabiga Caalimiinta, Illaahay (SW) in uu yahay ka abuuray cadceeda iyo
dayaxa iyo kowkobyada kale ee leh kuwa sugan iyo kuwa wareegaba dhamaantoodna
illaahay u tasbiixsadan illaahayna khalqigiisa ugu tasarufayo.
Markii ay dhamaadeen xujooyinkii fircoon iyo dhamaan wixii uu
ugu talo galay inuu ku difaaco xaqdarada iyo baadilka waxa uu bilaabay canaad
iyo dago adeeg iyo in uu xoog ku maquuniyo xaqa, waxa uu yidhi fircoon sida
uu illaahay quraanka uu inoogu tilmaamay “Hadii cid aan aniga ahayn illaah
aad ka dhigataan waxa aan idinka dhigi maxaabis, Waxa ay yidhaadeen oo hadii
aanu kula nimaadno shay cadaan ahna waxa uu yidhi la kaalaya hadii aad run
sheegaysaan, waxa uu tuuray u shiisii waaba abeeso weyn gacantiisina wuu soo
saaray iyadana waxay noqotay iftiin lagu indha cadaado” labadan mucjiso
waxa ahayeen laba birhaamood oo illaahay (SW) ku gargaaray Nabi muuse (CS)
waa ushii iyo gacantii gaabtaas ayayna ka cadaatay wax caqliyadu la yaaben
indhuhuna ay u qaadan waayen, markuu muuse ushii tuuray waxay noqotay abeenso
weyn oo argagax leh fircoon markii uu arkay waxa ku dhacay argagax weyn iyo
cabsi badan, Nabi Muuse (CS) markii uu gacantiisa jeebka geliyay inta uu ka
soo saaray ayay noqotay dayax shan iyo tobnaad oo kale markii uu ku celiyayna
waxay noqoto sideedi hore, fircoon waxano mucjisa ah waxba kumuu qaadan cadho
alle haku dhacdee laakiin waxa uu sii adkaystay dulmigii iyo dariiqi
xaqdarada ahaa waxana uu leeyahay waxan oo dhami waa sixir.
Fircoon waxa uu go’aansaday in uu Nabi Muuse ka hore geeyo
misixiriin waxana uu iskugu yeedhay misixiriintii oo dhan inta ay
boqortooyadiisu maamusho ee dawladiisan dulmiga ah hoos joogta sida noogu
iman doonta iyo faahfaahsan iyo cadeenteedu mawduuceda iyo sida bayaanka ah
ee illaahay u cadeeyay xaqa waxa kale oo iyana jirta xujadii iyo xaqiiqadii
biyo kama dhibcaanka ahayd ee fircoon iyo hogaamiyaashi si kale iyo
dawladiisiba illaahay uu uga dhigay kuwa la qaraqay illaahay ayaana mahadleh.
Illaahay (SW) waxa uu yidhi isaga oo Nabi Muuse la hadlaya “Waxa
aad la joogtay reer madyan sannado ka dibna waxa aan qadaray in aad ka tagto
muusow aniga ayaa ku doortay ula taga adiga iyo walaalkaa ayaadkayga hana ka
beer abuuranina digrigayga, utaga fircoon isagu waa mid xadgudbayee waxana
aad ku tidhaahdaan hadal dabacsan waxa laga yaaba in uu wax ku qaato ama
cabsado, waxa ay yidhaahdeen rabiyow waxa aan ka baqanaynaa in uu dhibaato
noo geysto ama nagu xadgudbo, ha cabsanina aniga ayaa maciina ah idinmaqlaya
oo idin arkaya”
Illaahay SW isagoo la hadlaya Nabi Muuse (CS) habeenkii uu u
soo waxyooday kuna galaday nimcada nebinimada muuse waxa uu joogay gurigii
fircoon isagoo illaahay (SW) raxmadiisa ku ilaalinaya illaahayna wuu ka soo
saaray Masar waxana uu yimi Madyan illaahaybaana ogaa xigmada uu kalahaa,
halkaa markii uu mudo ku sugnaa ayuu illahaay (SW) u doortay in uu noqdo Nabi
risalada loo diibayna waxay ahayd in uu xaqa gaadhisiyo fircoon iyo
qoomkiisaba.
Illaahay (SW) isaga oo u tilmaamaya akhlaaqda iyo dhaqanka
suuban waxa uu ku yidhi (muuse) haka beer abuurinina risaalada aan idin
dhiibay taasi waxa ay idinka caawin doontaa la hadalka iyo jawaabaha wixii
sulaalo ah ee la idin weydiiyo iyo ku hanuunida nasteexada idinka oo ku sugan
xujo iyo daliil cad.
Illaahay (SW) waxa uu yidhi “Kuwa muuminiinta ahow marka
aad la kulantaan koox ku sugnaada khayr, illaahayna xusa in faro badan
waydun liibaniye”
Illaahay (SW) dulqaadkiisa iyo raxmadiisa uu u naxariisnayo
khalqigiisa isagoo og in uu fircoon yahay kaafir madax adag ayuu u soo diray
adoon kuwii ugu khayrka badnaa wakhtigaa ayuu illaahay faray in ay
gaadhsiyaan xaqa si wanaagsana ula dhaqmaan hadal wanaagsana ku yidhaahdaan
sida illaahay (SW) ku yidhi Nabi Maxamed (N.N.K.H) “Ugu yeedh jidka
rabigaa xigmad iyo wacdi wanaagsan kulana dood ta wanaagsan” “Hakula
doodina ehlu kitaabka wax aan ahayn wanaaga”
Xigmada ay aayadahani ina tusayaan ayaa ah sida dadka xaqa
loogu sheegayo xitaa hadii uu kufaar yahay waayo Illaahay (SW) waxa uu balan
kula galay adoomadiisa in Jano iyo Naar qof waliba mida uu mutaysto uu gali
doono.
Waxa uu yidhi Yasiid Al Raqaashi illaahay ha u
naxariistee, Ka sida wanaagsan ula hadla ka necbaystayow sidee ka yeeli
mid ku xidhiidhiyay oo ku baryaya, aynu ku soo noqono shaqsiyadii fircoon
waxa uu ahaa qof madax adag, Shaydaan dhego xidhan waxana uu xoog ku haystay
masar mudo dheer waxa uu cadaadin iyo dhibaato weyn u geystay umada reer
masar sidaa darteed ayay muuse iyo haarun u yidhaadeen waxa aan ka baqaynaa
in ay dhibaato noo geeysto, Illaahay (SW) waxa uu u sheegay (muuse) in uu u
gargaari doono iyaga iyo cidii xaqa ku socota.
Muuse markii uu ka yimi madyan waxa uu u soo galay Walaalkii
iyo hooyadii oo cunaya raashin wuuna la cashayay waxana uu u sheegay
walaalkii haarun in uu Illaahay (SW) amray labadoodaba in ay u tagaan fircoon
una sheegan in uu illaahay caabudo, waxana uu ku yidhi ina keen waxa aan u
tagaynaa fircoone waxayna u kaceen dhinicii fircoon, waxa ay la kulmeen
albaabki gurigii fircoon oo xidhan muuse waxa uu ku yidhi nimankii albaabka
ilaalinayay u sheega in uu Rasuulkii illaahay albaabka taagan yahay ciidankii
fircoona way ku dheel dheelayn badhkoodna waxay go’aansadeen in aan loo
ogalaanba in uu galo guriga ilaa mudo dheer ka dib.
Maxamed Binu Isaxaaq illaahay ha u naxariistee waxa uu
yidhi Laba Sano ka bacdi ayaa loo ogaladay, waxana meesha nooga muuqatay in
ayna jirin cid u fududaysa gelitaanka guriga fircoon Illaahay baa og.
Muuse waxa uu yimi Albaabka waxana uu ku garaacay ushiishi
waxa argagaxay fircoon waxana uu amar ku bixiyay in loo yeedho muuse waa uu
isasoo hortagay fircoon waxana u soo qadimay arrinkii illaahay (SW) u soo
diray.
Illaahay (SW) waxa uu inooga waramay sidii uu fircoon u
diidanay yahay in uu illaahay kaamkan abuuray, fircoon su’aalaha uu muuse
waydiiyay waxa ka mid ahaa Rabigiinu waa kuma? Waxa ay ugu jawaabeen Waa ka
abuuray koomkan ee u qadaray acmaasha iyo arsaaqda iyo ajasha kuna sugay loox
maxfuudka, intaa ka dib waxa uu fircoon ku yidhi bal ka warama qarniyadii
hore waxa ay ugu jawaabeen qarniyadii hore cilmigoogu rabi ayaa og illaahayna
waxba ma illaabo, qarniyada hore hadii ay caabudi lahaayeen cid aan illaahay
ahayn xujo umayn noqoteen muuse mana khilaafsana waxa aan idhi waxa ay
ahaayen jaahiliin adiga oo kale ah wax kasta oo ay faleena wuu qoran yahay
illaahaybaana ka abaal marin doona, illaahay qofna kama dulmiyo wax uu la
yimi, illaahay (SW) waa uu og yahay qof kasta waxa uu shar iyo khayr uu
sameeyo.
Muuse waxa uu ka waramay waynida illaahay iyo khudradiisa,
dhulka illaahay sida uu u fididyay samadana u xafiday, daruuraha uu adoomada
u sikhiray ee daya roobka ee uu ku arsaaqo khalqigiisa iyo waxyaabo badan oo
cidii caqli wanaagsani wax ku qaadan karto.
Illaahay (SW) waxa uu ka waramay xumihii fircoon iyo faro
badnidii jaahilnimadiisa iyo caqli yaraantiisi iyo beenintii uu beeniyay
aayadka illaahay, fircoon oo is weynaynaya ayaa ku yidhi Nabi muuse (CS)
muusow waxa aad tahay misixi anaguna sixirkaaga oo kale ayaan kula iman doona
waxana uu muuse la balamay wakhti goob la isla garanayo taasina waxay ahayd u
jeedada muuse in uu soo bandhigo aayad illaahay iyo mucjisooyinka illaahay si
bayaan ahna dadku u arkaan.
Maalintaas oo ahayd maalin ka mid ah ciidahooga waxayna ahayn
gelin hore cadceeduna aad u iftiimaysay laakiin xaqa ayaa ka iftiin badnaa
lama dooran in ay noqoto habeen si aan arintu madmadow u gelin in duhur cad
la isku badheedho taana muuse illaahay ayaa waafajiyay waxana uu rumaysnaa in
uu xaqu cadaan doono iyo diintiisu halkaana ay ku fashilmi doonan khulaafadka
qimdiyinta.
Fircoon waxa uu u yeedhay musuxiriinti wadankiisa, masar waxa
wakhtigaa ka buuxay musuxiriin badan oo u kala aqoon badan sixirka wadanka oo
dhan ayaa la isgaga yeedhay waxa iyana loo yeedhay dad faro badan oo gaadhay
kumanaan, fircoon waxa uu hore ugu diray waxbarasho dhinaca sixirka ah ilaa
40 nin oo reer binu israa’il ah.
Fircoon iyo madaxtiisi kale iyo dadkii wadanka dhamaan waxa la
isku yimi goobti, dadku waxa ay lahaayeen waxa aanu raaci musuxiriinta hadii
ay guulaystaan, waxa yimi muuse waxa uu la hadlay musuxiriintii waxa uu u
sheegay in sixirka iyo waxan ay wataan uu yahay baadil lagu hor joogsanayo
xaqa, waxana uu ku yidhi “Hoog ayaa idin sugnaaday ha ka been abuuranina
idinka oo illaahay beeninaya waxa la idinku abaal marin cadaab waxa hoogay ka
been abuur la yimi waana ka dooden arintaa gudahooga” way isku khilaafeen
arrintaa badhkood waxa ay yidhaadeen hadalkaasi waa kii nabiyada ee maaha
musixir badhkoodna waxa ay yidhaadeen waa musixir, dooda illaahay baa og.
Illaahay waxa uu aayad kale ku cadeeyay “Waxa ay yidhaadeen
labadani waa musixiriin waxayna doonayaan in ay dhulkiina sixir idinka saran”
labadani waa muuse iyo walaalkii waxana lagu tilmaamaya laba musuxir oo
waaweyn oo isku waafaqay in ay sidan yeelan muraadkooguna yahay in ay dadka
soo aruursadaan si ay mulkiga wadanka u qabsadan.
Illaahay (SW) waxa uu Quraanka inoogu cadeeyay arintu in ayna
ahayn sida ay moodayan oo ay ka duwan tahay “Isku keena khiyamadiina,
dabadeedna way yimaadeen iyagoo safan maalintaa waxa guulaystay ninkii gacan
sareeyay”
Hadalka hore waxa ay u yidhaadeen si ay wax ugu fiirsadan oo
ay iskula dardaarmaan ka dibna ay isku keenan wixi ay khiyaamo iyo sixir iyo
been abuur wixii ay hayeen waana ay beenowday wixii ay malaysanayeen,
aragtidiina way khaldantay been abuurka iyo sixirka ku dhisnayd waxana
dumisay mucjisadii iyo aayadkii adoonkii Rasuulkii illaahay ee muuse ee lagu
ayiday mujisooyinka dadka ku noqotay indha daraandarka.
wixii meesha ka dhacay iyo sidii illaahay u fasilay kaafirki
fircoon iyo misixiriintiisi markii banaanka la iskula soo baxay.
Illaahay (SW) isaga oo nooga waramaya waxa uu yidhi “Waxa
ay yidhaadeen muusow ama adigu tuur ama aanu noqono anagu kuwa tuura wuxuu
yidhi tuura waaba xadhkahoogi iyo ulahoogi oo ula eegaday sixirkoogi in uu
socday, muuse waxa uu dareemay cabsi waxa aan ku nidhi ha cabsanin adiga ayaa
gacan sareeye tuur waxa ana gacanta ku haysato waaba ay midho midhaysanaysaa
wixii ay sameeyen wax kale maahe waxa ay sameeyeen khiyaamo sixir, mana
aflaxo saaxirku marka uu xaqu yimaado” ayaadahani waxa ay si bayaan ah
uga waramayaan wixii gaabtaa ka dhacay
Markii ay isasoo safeen musixiriintii goobta kalena ay isasoo
taagen Muuse iyo Haarun (CS) waxa ay yidhaadeen ma anaga ayaa ku horayna mise
idinka qolaba mar ayay soo bandhigaysa waxa ay dadka ku gancinayaan muuse iyo
haarun waxa ay yidhaahdeen idinku naga horeya, misixiriintu waxay ay siteen
ulo xadhko ku duuban yihiin waxana ay tumanayeen aalado shanqadaya oo
sababaya in lagu sirxo indhaha dadka si ay wax ay akhtiyaarkooga ku dhag
dhaqaayaan sidaa dartee ayay indhii dadkii sixreen markii ay xadhka iyo ulaha
dhulka ku daadinayeen waxa ay lahaayeen sida illaahay (SW) quraanka uu inoogu
tilmaamay “Isiga fircoon ayaan ku dhaaranee anaga ayaa guulaysanayna”
markii ay soo bandhigeen wixii ay hayeen dadkii goobtaa joogayna wada
argagaxay ayuu muusena ka baqay in dadku ku fidmoobo sixirkan oo cidiba ayna
sugin waxan uu soo wado, muuse wax talaabo ah muu qaadin ilaa illaaahay (SW)
amar siiyay isla markiiba illaahay waxa uu ku amray arintan “Ha cabsanin
adiga ayaa sareeya tuur waxa aad midigta ku hayso” muuse waxa uu tuuray
ushiisi, muuse markii uu tuuray ushiisi waxa ay noqoto abeenso weyn oo laga
argagaxo dadkiina way ka yaaceen meeshi ay joogena dib ayay uga kaceen wixii
ula iyo xadhka ahaa ee misixiriintu tuurena midh midh ayay u qabatay iyagaa
dadku si bayaan ah u arkayaan, “Waxa yimi xaqii waxa fashilmay wixii ay
sameeyen meeshana waa lagaga guulaystay waxa ay noqdeen iyagoo dulaysan,
misixiriintina illaahay ayay u sujuudeen waxana ay yidhaadeen waxa aan
rumaynay rabiga caalimiinta rabiga muuse iyo haarun”
Akhri
Qaybtii
4aad... Guji halkan