Mudadii xukunka masar uu haystay Nabi Yuusuf
(CS) dadka reer masar waxa ay noqdeen dad illaahay (sw) kalinimadiisa rumeyey,
waana waxa loo soo diray anbiyada oo dhan, dhimashadii Nabi Yuusuf ka dib
Reer masar waxa ay ku noqdeen halow iyo shirki, reer binu israa’ilna waxa ay
dhex gelaan mushtamicii masar, badhbaa halaabay oo diinta ka baxay badh
kalena waxa ay ku soo hadheen tawxiidkii wayna farabateen reer binu
Israa’iil waxana korodhayn tiradooda.
Masar waxa xukumi jiray boqor madax adag oo
reer masar ay caabudi jireen boqorkani waxa uu u arkayey in reer Binu
Israa’il sii faro badanayaan oo boqortooyadiisana ay qabsanayaan, waxana uu
maqli jirey sheekooyin odhanaya inan reer binu israa’il ah ayaa dumin doona
Fircoon boqortooyadiisa masar ka dhisan,
Fircoon waxa uu soo saaray go’aan
amraya in la dilo inankii reer binu israa’il ah ee dhashaba waxana la
bilaabay nidamkaa sii loo hirgelin lahaa, waxana uu yidhi la taliyihii
Fircoon kuwa gaboobay ee reer binu israa’il wey dhimanayaan kuwa yaryarna waa
la qawracayaa sidaas ayeyna ku dhamaanayaan reer binu Israa’il.
Dadka reer masar waxa ay noqdeen umad taagdaran
maamulkuna waxa uu doorbiday in la dilo inankasta oo dhasha, Inamada yar yar
ee dhasha sanadna waa la dili jiray sanadna waa la deyn jiray, Fircoon waxa
uu moodayay marka uu arinkaa samaynayay in uu xalkan ku nabad gelayo, Nabi
Haaruun (CS) waxa uu dhashay sanadkii aan caruurta la dilayn hooyadii waxa ay
dhashay iyadoo rumeysan in uu u nabad gelayo inankeedu, Sanadkii ku xigeyay
ee inamada la laynayey waxa dhashay Nabi Muuse (CS) Muuse hooyadii waxa ku
dhacay cabsi iyo argagax weyn iyadoo ka baqaysa in la dilo wayna la dhuumatay
iyadoo ku naas nuujunaysay si qarsoodi ah, waxa la soo gaadhay habeenkii
barakaysnaa ee illaahay u soo waxyooday Nabi Muuse hooyadii illaahay (SW).
“Waxanu ugu waxyoonayn Nabi Muuse hooyadii
in ay naas nuujiso marka ay u baqatana in ay ku tuurto biyaha dhexdooda
iyadoo cabsi iyo murogo midna ayna ku jirin, waanu u soo celin doona xagaaga
waxana uu ka mid noqon doona kuwa rasuusha” Waxa la amray in ay Nabi
Muuse hooyadii ay sameyso Sanduuq yar muusana ay ku dhex rido ayna la tagto
wabiga dhinaciisa oo ay raaciso wabiga biyaha, waxa ay la hayd nabi muuse
hooyadii qalbiga hooyooyinka oo kale waa qalbiga ugu raxmada badan aduunyada,
waxana ka buuxsamay qalbigeeda warwar iyo murugo iyadoo weliba ilmaheeda
raacinaysa biyaha wabiga laakiin way ogayd in illaahay uga naxariis badan
yahay iyada oo illaahay yahay rabiga muuse iyo wabiga niilkaba, inkastoo
markii hore biyaha niilku fara badnaayeen illaahay (SW) waxa uu ku amray
moojadihii biya niilka in ay si degan u socdaan inta ay sidaan ilmaha yar ee
nabiga noqon doona sidii uu illaahay (SW) u amray naartii lagu riday nabi
Ibraahim (CS) in ay noqoto Qabow iyo nabad gelyo sidaas oo kale illaahay waxa
u faray wabiga niilka in uu qaado muuse si degana u wado ilaa inta uu
gaadhayo qasriga furcoon, Biyihii niilka ayaa qaaday sanduuqan cisiga leh ee
uu ku jiro muuse geeyeyna qasrigii fircoon halkaas oo mowjadihii siday ay ku
wareejiyeen.
Markii uu waagu baryey waxa soo baxday gabadhii
fircoon oo ku socoto beertii qasriga, gabadha fircoon aad ayey uga duwaneyd
fircoon isagu waxa uu ahaa kaafur iyaduna waxa ay ahayd muuminad isagu waxa
uu ahaa mid naxariis daran iyaduna waxa ayad mid naxariis badan mar labaad
waxa ay ahayd gabadh aad u murugaysan wax caruur ahna u may dhalin fircoon
wana ay jecleed in ay mar uun agteeda ay ku aragto ubad, markii ay ku
dhowaatay biyihii niilka ayey heshay Sanduuqi wayna soo qaaday waana la furay
sanduuqi waxana ay aragtay muuse oo ku jira sanduuqa oo inan yar ah markiiba
waxa ay qalbigeeda ka dareentay jaceyl illaahaybaana qalbigeeda ku tuuray
kalgacal waxana ay soo qaaday sanduuqi, muuse waa uu soo baraarugay waxana uu
bilaabay in uu ooyo waxana uu u baahnaa naaskii uu jaqi jiray subaxnimada,
fircoon ayey gabadhiisi ula timi iyadoo sidata ilma yar waxana uu weydiyay
naa halkee ayaad ka keentay ilmaha yar waxana ay uga warantay sanduuqi waxana
uu ku yidhi hadal ka soo go’aya qalbi aan raxmad lahayn kolay waa inan yar oo
reer binu israa’il ah oo sanadkani mayna ahayn sanadkii la leyn jiray?
gabadhii fircoon inta ay ilmihii yaraa halkaa laaabteeda ay ku qabtay ayey
qaylisay illaahay (SW) isagoo nooga waramaya waxa ay tidhi gabadhii fircoon
waxa uu inoogu sheega ayaad quraan ah “Waxa ay tidhi gabadhii fircoon waxa
uu ii yahay aniga mid indhuhu ay ku qaboobaan ee hadilina waxa laga yaaba in
uu ina anfaco oo aanu inan ka dhigano”
Fircoon waxa uu xasuustay yaraanta awooda
gabadhiisa waana uu ka aqbalay waxii ay doonaysay waxana uu u ogalaaday
inankan yar in lagu koriyo qasrigiisa, muuse waxa uu bilaabay oohintii waxana
la amray in loo yeedho gabadh naas nuujisa waxana la keenay gabadh muuse
naaska nuujinaysa qasriga fircoon way qadan laakiin wuu diiday in uu
naaskeeda jaqo waxana la keenay ku labaad iyo su sadexaad iyo ku tobnaad
intaba waa uu diiday muuse in uu jaqo naaska isagoo welibana oogaya, gabadhii
fircoon way ku ag warwareegtay iyadoo garan la wax ay samayso, gabadha
fircoon oo kaliya may murugaysnayn oo may oogeeyn laakiin waxa ka darnayd oo
iyana meel kale ku murugaysnayd muuse hooyadii, muuse hooyadii kumay dhowaan
marka ay ku tuuraysay wabiga niilka ilaa ay mooday in ay qalbigeedi ku
tuuraysay biyaha, biyihii niilkuna way ka qariyeen sanduuqi wax war oo
danbena kamay helin.
Waagi danbe ayaa baryey iyadoo galbigeeda ay ku
wareegayso murugadii ilmaheedu waxana ay ku dhowaatayba in ay tagto qasrigii
fircoon oo ay ku sheegto in uu yahay inankeedi wixii dhacayaaba ay dhacaan
illaahay ayaa soo qabtay qalbigeeda oo ka buuxiyey nabad wayna iska degtay oo
ay sugnaatay, arintii oo dhamina waxa ay noqotay in ay tiraahdo walaashii
waxa aan tagayaa qasriga fircoon agtiisa si aan u soo ogaado muuse xaalkiisa,
waxayna ay tagtay muuse walaashi qasriga fircoon agtiisa waxa ay meel
durugsan ay ka maqashay oohintii muuse waxana ay aragtay iyagoo garanla si ay
yidhaahdaan waxana ay maqashay in uu diiday in uu dumarka naaskooga jaqo,
waxa ay ku tidhi shaqaalihii fircoon ma idin tusaa qoys naas nuujinaya oo
kafaala qaadanaya oo u adeegaya laguna halaynayo hawsha inankan yar, gabadhii
fircoona aad iyo aad ayey ugu faraxday arintan waxana ay muuse walaashi ay u
sheegtay in ay u yeedho gabadhan muuse walaashiina way noqotay waxana ay
keentay hooyadeed, hooyadii ayaana naas nuujisay waxana ay tidhi gabadhii
fircoon qaad ilaa inta uu naas jaqida uu dhamaysanayo oo nagu soo celi marka
naasku ka gudho waxana aanu ku siin doonaa abaal marin weyn sidaas buuna
illaahay Nabi Muuse ugu soo celiyay hooyadii si indhahedu ugu qabooban oona
ay u murugoon si ay u ogaato in balan qaadka illaahay uu xaq yahay.
Illaahay (SW) waxa uu ku yidhi suuratul Qasas “Wuxuu
noqday qalbigii muuse hooyadii mid madhan markii ay ku dhowaatay ka dib”
“Waxa aan ka manciney dumarkii kale naaskoogi mar kii hore waxay tidhi
walaashii ma idin tusaa qoys kafaala qaadanaya oo nasteex idin ah” “Waxanu ku
soo celiney hooyadii si ay indhaheedu ugu qabowsadaan oona ay u murugoonin una
ogaato in uu balan qaadka illaahay yahay xaq laakiin dadka badankoogu ma
garanayaan”
Markii ay muusa hooyadii ay ka gudhisay waxa ay
ku celisay gurigii fircoon waxana jeclaaday dadkii oo dhan illaahay (SW) waxa
uu ku yidhi suuratul Daah “Waxa aan ku geliyey kalgacal xagayga ah”
Muuse waxa uu noqday ilma yar oo cid kasta oo
aragtaaba ay jeclanayso wakhtigaa waxa uu ku suganaa mid ka mid ah qasriyada
aduunka kuwa ugu waaweyn, isagoo lagu tarbiyadeenayo ilaalin xaga illaahay
ah, tarbiyada muuse waxa ay ka bilaabmatay guriga fircoon gurigaas oo ay ku
sugnaayeen kuwa ugu waaweynaa murabiyiinta iyo macalimiintii xiligaa,
wakhtigaana masar waxa ay ahayd dowlada ugu weyn aduunka, fircoona waxa uu
ahaa boqorka ugu quwada badan aduunka, sidaa darteedna waxa uu awood u lahaa
in uu soo kaxaysto macalimiinta iyo mufakiriinta ugu cilmiga badan aduunka
sidaas ayuu illaahay kula doonay xigmadiisa in uu muuse ku tarbiyadeeyo
tarbiyada ugu weyn uguna balan qaaday macalinka ugu weyn in tacliintiisana uu
ku dhamaysto isagoo ku sugan guriga cadowgiisa kana faa’iidaysanaya fursada
ah doonista illaahay.
Muuse waxa uu ku wey naaday guriga fircoon
waana uu is ogaa in aanu ahayn ina fircoon ee uu yahay reer binu israa’il
waxana uu arki jirey sida ay u hatigayaan askarta fircoon iyo kuwa la socdaa
reer binu israa’il, markii uu gaadhay muuse afartan jir ayuu soo gelay
magalada goor aan dadku ogeyn isagoo magalada dhex socda ayuu arkay nin ka
mid ah kuwa fircoon raacay oo garaacaya nin reer binu israa’il ah ninkii
daciifka ahaa waxa uu kaalma ka dalbaday Nabi Muuse (CS), muuse ninkii waa uu
dilay, muuse waxa uu ahaa nin xoog badan ninkana muu dooneyn in uu dilo ee
waxa uu doonayey in uu garaaco oo kaliya laakiin markii ugu horeysay ee uu
gacantiisa ku fidiyeyba ninkii waa uu ku dhintay, muuse naftiisi waxa uu is
yidhi waxa aad samaysay waa camal shaydaan, shaydaankuna waa cadow dadka
haleeya intaa ka dib muuse rabigiisa ayuu baryey waxana uu yidhi:-Rabiyow
waxa aan dulmiyey nafteydi ee ii denbi dhaaf, illaahayna uu u denbi
dhaafay.
Illaahay (SW) waxa uu kaga waramay Suuratul
Qasas
“Markii uu gaadhay heer uu adkaaday oo uu
sugnaaday waxanu siinay xukun iyo cilmi sidaas ayaana ku abaal marinaa dadka
wanaagsan” “Waxa uu soo galay magaladii goor aan cidi ogeyn wax uu arkay laba
nin oo is dilaaya oo midi yahay qoladooda midna uu yahay qolo ay col yihiin
ninkii qoladooda ahaa ayaa gargaar ka dalbaday si uu uga hiiliyo kan
cadowgooga ah muuse gacan ayuu ula tagay ninkii waana uu dhintay ninkii, waxa
uu yidhi waxaasi waa camal shaydaan, shaydaankuna waa cadow dadka haleeya oo
cad (15) waxa uu yidhi illaahayow nafteydi ayaan dulmiyayee ii denbi dhaaf
illaahayna waa uu u denbi dhaafay, illaahay isagaa denbi dhaaf leh oo
naxariis badan (16) waxa uu yidhi rabiyow wixii nimco ah ee aad I siisay
noqon maayo mid ugu gargaara mujrimiinta”
Muuse waxa uu noqday nin magalada godob ka
gelay oo ka baqaya lana baadi goobayo xaalkii Nabi muuse (CS) mudo ayuu sidaa
uu ahaa iskana ilaalinayey in uu shargalo isagoo la baadi goobayo oo dhan
walba iska eegaya ayuu is qarin jiray.
Muuse waxa uu illaahay balan kula galay in aanu
u gargaari kuwa mujrimiinta ah manuu dhex geli jirin kuwa u doodaya
mujriminta iyo kuwa rabshado wadayaasha ah marka ay is qabsadaan kuwa
qoomkiisa ah, muuse waxa uu la kulmay ninkii uu maalintii hore wax ka celiyey
oo meel ka qaylinaya oo isku madhan yihiin mid ka mid ah qoladii masriyiinta
ahayd muuse waxa uu gartay in uu yahay rabshadwade reer binu israa’il ah,
markii uu muuse ka qabo is yidhi ayuu ku qayliyey waxana uu ku yidhi “Waxa
aad tahay nin aad u xoog weyn” muusena waxa uu ku yidhi kalmad la mid ah
oo uu ugu hanjabay ninkii, ninkii reer binu israa’il waxa uu u qaaday in uu
ninkan dilayo waxana uu xasuusiyey ninkii uu muuse dilay muusena waa uu ka
joogsaday, Muuse waa uu ka aamusay isagoo ka cadhaysan waxan uu soo
xasuusiyey sidii loogu denbi dhafay iyo toobadii iyo balankii uu illaahay
kula gelay in aanu u gargaarin mushrakiinta ayaa ku dhex wareeqay qalbiga
muuse, muuse waa uu iskaga dhaqaaqay isagoo illaahay denbi dhaaf waydiisanaya.
Masrigii rabshadwadaha ahaa waxa uu ogaaday in
uu muusa dilay ninkii masriga ahaa ee shalay ee aasayeen cidina mey ogeyn in
uu dilay muuse isla markiina ninkii waxa uu ku baahiyey warkii magaladii oo
dhan waxana uu ka shifay sirtii muuse waxana uu cadeeyey arinkiisi, waxa
muuse u yimi nin masri ah oo muumin ah oo cararaya waxana uu Nabi Muuse (SW)
kula taliyey in uu magalada iskaga baxo.
“muuse waxa uu waa bariistay in uu magalada
dhex deedi ku cabsado lana deydayo waxana uu la kulmay ninkii uu shalay u
hiilinayey oo qaylinaya waxana uu ku yidhi muusow waxa aad tahay nin xoogweyn
markii uu muuse doonay in uu dilo ninkii cadowgooga ahaa ayuu ku yidhi muusow
ma waxaad doonaysaa in aad I disho sidii kii aad shalay dishay oo kale waxa
aad doonaysaa uun in aad dhulka ku kibirto ma doonaysid in aad noqoto kuwa
wax hagaajinaya (19) waxa u yimi nin cararaya oo ka yimi dhinaca magalada
waxana uu ku yidhi muusow madaxdii way ku shirqoolayaan si ay kuu dilaan ee
iskaga bax magalada waxa aan ku ahay nasteex”
Illaahay (SW) waa uu inaga qariyey inkaa muuse
u digay magaciisa, waxana aynu halkaa ka garanaynaa in uu ahaa ninku nin
mudakar ah marka laga eego sida uu u soo ogaaday shirqoolka muuse lagu waday
ee ay wadeen dadka madaxda ah hadii uu yahay shaqsi caadi ah muu ogaadeen
shirqoolkan ninkun waxa uu garanayey muuse in aanu mutaysan in la dilo marka
loo eego denbigii uu shalay gelay waayo ninku waxa uu ku dhintay khalad, xeer
ciqaabeedka qadiimka ah ee masar waxa uu ahaa in lagu xukumo xadhig ee maxaa
keenay in la dilo? Halkan waxa ka muuqata cibarada ah in uu ninkan masriga
ihi muuse nasteex u yahay, jawaabteeda ayaan soo dhigayaa horteena waxa ay
ila tahay “Madaxdii wey ku shirqoolayaan” xogaamiyaashu waa madaxda
qoom u saraysa ee hogaamisa waxa ay diyaariyeen mu aamarad denbiga caadiga ah
iyadoo loo soo bandhigin maxkamad iyo qaadi toona in la geeyo jeel maxaa soo
geliyey meesha madaxda ee ku kalifay in ay noqdaan darafka mid ah
shaqsiyaadka doonaya si loo dilo muuse, waxa ay ku bilaabmatay in aanu qofna
muuse jeclayn waanu uu ogaa in uu yahay reer binu israa’il waanu ogaa
sanduuqi hooyadii ay ku soo riday markii ay biyuhu keeneyn qasriga fircoon.
Khiyaamadii ay soo diyaariyeen kuwa damacsanaa
mansabkiisa si uu ugu soo beegmay inan yar oo israa’ili ihi waxana la
gudboonayn in aanu ku soo beegmin, mar labaad ayuu helay fursad kale markii
la ogaaday ninkii uu dilay.
Arintan waxa ku farxay wixii joogay qasriga oo
dhan waxana ay go’aansadeen in ay dilaan illaahayna muuse waxa uu u soo diray
nin masri ah oo caqli badan oo uga diga nasteexna uga ah si uu uga baxsado
wajiga daalibiinta .
Muuqaalka qaybta labaad ee qisada waxa inooga
muuqanaysa ninkii muuse oo ka baxsaday magalada go’aana ku gaadhay in uu ka
baxo cabsi darteedna hareera iska eegaya shanqadhana dhaqaysanaya qalbigana
illaahay ka baryaaya “Rabiyow iga nabad geli qoomka daalibiinta ah”
Runtii waxa ay ahaayeen qoom daalimiin ah waxana ay doonayeen in ay
danbigiisa ku dabaqan dil aanu u badheedhin waxa uu geestayna waxa uu ahaa
nin uu gacanta ku fidiyey oo dhintay isagoo u badheedhin muuse masar waxa uu
uga baxay si deg deg ah manuu tagin qasrigii fircoon manuu badalan dharkiisi
wax sahayna muu qaadan go’aanka safarkiisana kumey jirin in uu soo noqdo
manuu wadnin wax gaadiid ah oo uu fuulo cidkalena lamay socon, markii uu
ninkii muuminka ahaa uu u digay ayuu baxay, waxana uu doortay dariiq aan
ahayn dariiqi la marayey waxana uu gelay lama dagaan saxara ah waxana uu
waajahay goor illaahay u qadaray isagoo ilaalinaya, safarkan muuse may jirin
meel u xadidan uu tago waana markii ugu horeysay ee uu saxaraha kaligii u
baxo.
Muuse kaligii ayuu lugeeyey saxaraha waxana uu
soo gaadhay meesha la yidhaa Madyan waxana uu ag fadhiistay ceel weyn
oo biyaha laga cabo si uu ugu nasto, intii uu soo socday Nabi Muuse (CS) waxa
uu ka baqayay in furcoon col ka soo daba diro oo la qabto, muuse markii uu ku
soo dhowaaday magalada Madyan waxa uu hoos jiifsaday geed isagoo
haraad iyo gaajo bastii ah waxa ka dhacday ka bihiisi mid ka mid ah daalka
iyo dhibaatada saxaraha darteed, muu haysan lacag uu ku iibsado kabo iyo
cunto iyo wax uu cabo toona, muuse isagoo oo dhibaatadan adagi haysato ayuu
ku soo baxay dad adhi waraabsanaya dadkaas oo ay ka mid ahaayeen laba hablood
oo adhigoogi celinaya si uuna adhiga dadka kale ugu darsanin isla markiina
muuse waxa uu dareemay in ay labadaan hablood ay u baahan yihiin cid
kaalmaysa waxana uu u dhaqaaqay dhinacoogi waxana uu weydiyay in uu caawin
karo, Mufasiriinta badhkood waxa ay yidhaadeen sababta habluhu adhiga u
waraabin kari weyeen waxa ay ahayd in ceelka dhusha uu ka saarna dhagax weyn
dhagaxaas oo ayna qaadi jirin tobon qof wax ka yari muuse ayaa u yimi ka
dibna dhagaxii ka qaaday oo waraabiyay adhigoogi.
Cumar Binu Khadaab (RC) waxa uu yidhi: dhagaxaa
toban qof wax ka yari may qaadi jirin.
Muuse intaa ka bacdi geed ayuu iska hoos
fadhiistay waxana uu yidhi erayadan ducada ah ee illaahay (SW) quraanka
inooga waramay “Waxa uu yidhi rabiyow anigu wixii aad I siiso ee khayr ah
waxa aan ahay mid u baahan” ibnu cabaas (RC) waxa uu ku fasilyay aayadan
isagoo leh:- muuse waxa uu lugeeyey masar ilaa Madyan waxa uu
cunayayna waxa uu ahaa baqalka iyo dhirta caleemaheeda isagoo muuse cagaha
jiidaya ayay labadii kabood ee uu xidhnaa kab ka mid ah ay ciidu ka qabsatay
isagoo aad u daalan ayuu geed hoos fadhiistay, ninka sidan ihi waxa uu ka mid
ahaa kuwii uu illaahay ka doortay khalqigiisa,
Illaahay (SW) waxa uu noogu sheegay aayadan
qisa dhex martay labadii hablood ee adhiga u waraabiyay “Waxa u timid mid
ka mid ah oo socota waxa ay ku tidhi iyadoo xishoonaysa aabahay ayaa ku
yeedhaya si uu ku abaal mariyo sidii aad xoolaha noogu warabisay, muuse
markii uu u yimi uu uga waramay qisaskii waxa uu ku yidhi ha cabsanin waad ka
nabad gashay qoomkii dalimiinta ahaaye, waxa ay tidhi mid ka mid ah hablihii
aabo abaal marin sii isagaa ugu khayr badan mid abaal marin la siiye waa mid
quwad leh oo aamin ah, wuxuu yidhi waxa aan doonayaa in aan ku guuriyo
labadeyda hablood mid ahaan sideed sanadoodna aad ii shaqayso hadii aad toban
ka dhiganayso adiga ayay ku jirtaa ma doonayo in aan ku dhibaateeyo waxana
aad ogaan doontaa hadii alle yidhaado in aan ka mid ahay kuwa wanaagsan
sidaas ayaana isku og nahay wax cadoowad ihina dushayda ma aha waxa aan
leeyahayna illaahay ayaan u wakiilanayaa”
Aayadahani waxa ay ka waramayaan markii muuse
soo warabiyay adhigii hablihiina soo raacen oo loo yimi hablaha aabahood iyo
reerkoogi ayay habluhu aabahood uga warameen wanaaga muuse u sameyey iyo sida
uu u mudan yahay in loo abaal gudho.
Markii uu muuse hoos fadhiistay geedka uu yidhi
“Rabiyow wixii aad I siisay ee khayr ah waan u baahanahay” waxa
maqashay mid ka mid ah hablihii waxayna u tagtay aabaheed waxayna uga
warantay muuse odaygii waxa uu amray mid ka mid ah hablihiisi in ay u yeedho
“Way u timid midkood iyadoo u socota si xishood leh” Cumar Binu
Khadaab (RC) waxa uu yidhi:- isagoo tilmamaya xishoodkan kan illaahay (SW) ku
tilmaamay aayadan markii ay muuse u imanaysay gacanteeda ayay wajigeeda ku
asturtay, “Aabahay ayaa ku yeedhaya si uu kaaga abaal mariyo sidii aad
noogu warabisay” kalmadan kor ayay u tidhi si aan ribo u gelin hadalkii
ay is yidhaadeen taasina waa dhamaystirkii xishoodkeeda “Markii uu yimi ee
uu ga waramay qisaskii” wixii arinkiisu ahaa siduu kaga soo baxay masar
iyo fircoonkii uu ka soo baxsaday waxa uu ku yidhi “Ha baqanin waad ka soo
badbaadaye qomkii daalimiinta ahaa” waad ka soo baxday dhulkii ay
maamulayeen dawladoodina lama joogtid.
Waa la isku khilaafay odaygaan uu muuse u yimi
waa kuma? Waxa la yidhi waa shacayb (CS) isaga ayaana caan ah sida ay dad
badani u haystaan dadka sidaa leh wax ka mid ah Xasan Al basri iyo
Maalik Binu anis laakiin dad faro badani wax ay yidhaaden shuceyb waxa uu
noola mudo dheer intii qoomkiisa la halaagay ka dib ilaa uu muuse soo gaadhay
oo hablihiisi mid ka mid ahna u guuriyay Xasan Al Basri waxa uu
leeyahay ninkan ay muuse kulmayn waa shucayb waxana uu ahaa ninkii lahaa
biyaha magalada laakiin muu ahayn Nabi ninkan reer Madyan shucaybna
inaadeerkii ayuu ahaa waxana la yidhi waxa uu ahaa nin muumin ah oo qoomkii
shucayb ah, waxa kale oo la yidhi waxa uu ahaa nin la yidhaa Yasruun
kitaabada ehlu kitaabadana waxa ku qoran yasruun in uu ahaa faaliye reer
madyana ah oo ah nin weyn oo aad u cilmi badan, Ibnu Cabaas iyo Abu
Cubayda waxa ay yidhaadeen magaciisu waa yasruun abu cubayda waxa uu ku
daray in uu ahaa shucayb inaadeerkii ibnu cabaasna waxa uu ku daray in uu
ahaa ninkaa rer madyan.
U jeedada waxa looga jeeda markii la marti
geliyay si wanaagsana loo qaabilay kana sheekeyay wixii uu soo maray waxa
loogu bishaareyey in uu soo nabad galay, markay arin halkaa marayso ayay
labadii hablood mid ka mid ihi tidhi “Aabo abaal marin sii” adhigana
ha inoo raaco waxana ay ku amaantay in uu leeyahay quwada iyo aaminimo,
Cumar, Ibnu Cabaas, Shureex, Abu maalik, Qataada, Maxamed Binu Isaxaaq iyo
kuwa kale waxa ay yidhaadeen marka ay inantu aabaheed u sheegtay in uu
aamin yahay awoodna leeyahay waxa uu ku yidhi aabaheed maxaa ku ogaysiyay?
Waxayna ku jawaabtay aabo waxa uu ka qaaday ceelkii dhagax aan toban qof ayna
qaadi Karin markii aan u imi ee aan soo hor galayna waxa uu ugu yidhi iga
danbee hadii aan dariiqa ka lumana I tilmaam, Ibnu Cabaas (RC) waxa uu
yidhi dadka sadex ayaa ugu fiicnaa Ninkii Nabi yuusuf yidhi meel wanaagsan
dejiya iyo inantan ku tidhi aabaheed aabo muuse abaal gud
wanaagsan sii iyo abu bokor sidiiq markii uu iska danbaysiyay cumar.
“Waxa uu yidhi waxa aan doonayaa in aan ku
guuriyo mid ka mid ah hablahayga iina shaqayso sideed sanadood hadii aad
toban ka dhiganaysana adiga ayay ku jirtaa mana doonayo in aan ku culaysiyo
waxana iga heli doontaa hadii alle yidhaa in aan ka mid ahay kuwa wanaagsan”
Akhri Qaybta 2aad... Guji
halkan
Waxa si wada jir ah u diyaariyey
Cabdifataax Xasan Aadan
Axmed Ismacil Xasan (Bucul)
cabdifataax_96@hotmail.com
.
Taariikhdii Imaamul Bukhaari
(Raximahu laah)
»Taariikh-dii
Imaamul Muslim (Raximahu laah)
. Diinta:
Qisadii Nabi Yuusuf (CS)
Feefin: SomaliTalk.com March 2, 2004