Asalaamu
Calaykum
wr wb.
Qisadii
Nabi Muuse Qaybtii 4aad
Markii
muuse uu tuuray ushiisi ay noqotay abeeynso weyn sida ay ku tilmaamayn
culumadu, abeesadaasi waxay ahayd mid cuno buuran muuqalkeeduna argagax
leeyahay taas ayaana keentay in dadku si deg deg ah uga yaacan iyagoo ka
durkaya goobtii ay ku sugnayd, abeesadaas oo qaabishay goobtii xadhkaha iyo
ulaha misixiriintu ay ku daadiyeen mid midna u guranaysa dhaq dhaqaaqeduna uu
yahay mid aad u deg deg badan dadkuna ay xageeda soo eegayaan iyagoo la
yaaban, misixiriintiina waxay arkeen arin fashilay iyo wixii ay sameeyay oo
waxba ayna ka oolin, cilmigii iyo aqoontii ay lahaayena waxay ku garteen in
ayna ahayn misixir ama waxyaabo kale oo la mid ah waxan uu muuse la yimi
waxayna xaqiiqsadeen in anay arintani tahay mucjiso cid
kale ayna samayn Karin illaahay mooyne illaaha u hiiliyay xaqa, Illaahay (SW)
waxa uu quluubtooda ka qaaday qafladii iyo daboolkii xaqa ka saarnaa waxana u
iftiimay xaqii si ay ugu hanuunan sidaas ayayna illaahay ugu toobadkeenay
uguna sujuudeen, waxayna misixiriintii u soo bandhigeen dadkii goobjooga ahaa
iyagoo cidna aan ka cabsanayn waxay yidhaadeen waxanu rumaynay Rabiga Muuse
iyo Haarun.
Siciid
Binu Jubeer illaahay ha unaxariistee waxa uu yidhi
markii ay sujuudeen waxay arkeen guryihii
iyo fooqyadii ay kulahaayeen jannada oo la sii qurxiyay taas ayaana keentay
in ay dhagaha ka furaystaan canaanta iyo hanjabaada fircoon oo xaqa ay ku
adkaysteaan.
Fircoon
markii uu arkay misixiriintii oo muslimay oo iyagoo muuse iyo haarun xusaya
dadka hortooda ka cadeeyeen talaabadaas oo ahayn mid geesinimo ah fircoon wuu
ka argagaxay arinkaa, fircoon aad ayuu arintee uga cadhoodhay waxana uu ugu
hanjabay in uu lugaha iyo gacmahaba u jari doono si talan taali ah kuna xidhi
doono geedaha timirta ah jiridooda, fircoon oo hadalkiisi sii wataa waxa uu
yidhi ma waxaad rumaynaysaa aniga oo idin ogalaan idinkoo igalatashanin in
aad maamulkayga ka baxaysaan.
Waxa
uu yidhi Fircoon muuse waa kii idin baray sixirka tanina waa khiyaamo aad
khiyaamayseen magalada waana idinka saari doona waanad ogaan doontaan,
dadkuna way ogaayeen qof kasta oo caqli lihi in muuse iyo misixiriintu maalin
kaliya oo sannadka ka mid ah aanay kulmin, markaa sidee ayuu u noqon karaa
kii sixirka baray? Manuu ahayn kii iskugu yeedhay ee fircoon ayaa miyi iyo
magaaloba ka soo aruursaday misixiriintii.
Dadku
marka ay xaqiiqsato qiimaha iimaanka hanjabaab
kasta oo kuwa xadgudbay ula yimaadaan waxka kama tarto waxayna gargaarsadaan
caqiidada iyagoo nolosha aduunyadan laga tagayo ka doorbida aakhirada lagu
waarayo, waxay u yidhaadeen si aan argagax lahayn anagu rabigay ayaan u
tooban keenaynaa, waxayna ku dhawaaqeen xaqiiqadii dagaalka oo ah in aanay
cafis iyo denbi dhaaf ayna ka doonayn fircoon laakiin aay illaahay ka
doonayaan denbi dhaaf iyo xaqa ay ku sugnaadan iyo samir waxayna yidhaadeen “Illaahayow
na sii samir oo na oofso anagoo muslim ah” wuu talax gabay kii
xadgudbay, waxana imika taagan in ay laba kala doortaan, in ay ka noqdaan
xaqa iyo xanuunka iyo in lagu xidho jiridaha timirta.
Waxa
bilaabmay wareegi labaad ee hirdanka xaqa iyo baadilka
Iyagoo
kuwii madaxda ahaa ay leeyihiin lana hadlaya muuse “Waxay yidhaadeen
Madaxdii qoomka fircoon ma garateen muuse iyo qoomkiisu in ay arlada
fasahaadinayaan isagoo garanaya illaahyadiini, wuxuu yidhi waxa aad
laynayseen inamada waxana aad daynayseen hablaha waana idinka awood badnayn”
Halkaa
waxa inooga muuqata in ay masriyiintu tira yaraayeen sidaa darteena ay ku
hoos jireen maamulka fircoon iyagoo iska ilaalinaya muuse iyo cida rumaysay,
waxayna ka baqanayeen dhibaato uu u geeysto fircoon sidee darteen ayayna u
arkayeen dacwadan xaqa ah in ay arlada fasahaadinayso si ayna meeshana uga
bixin fircoon iyo maamulkiisu, fircoon maamulkiisa waxa uu u kaashanayay
diinta baadilka ah waxana uu sheeganayay in uu yahay mid ay dhaleen
illaahyadan baadilka ah.
Fircoon
markii ay taladu farahiisa ka baxday isagoo doonaya si uu ku ilaaliyo
maamulkiisa kana badbaadiyo khatarta dhabta ah ee ku soo began waxa uu yidhi
“Waxanu leyn doona inamadiina waxana deyn doona hablihiina anagu waan
idinka awood saraynaa”
Hanjabaadani
maaha markii ugu horeysay reer binu israa’il laakiin waa mid jirtay
wakhtigii Nabi Muuse dhashayba, muuse waxa uu bilaabay in uu qoomkiisa kula
dardaarmo sidii ay samir u yeelan lahaayeen iyo adkaysi illaahayna u
gargaarsan lahaayeen waxana uu u sheegay in illaahay (sw) dhulka cidii uu
doono dhaxalsiiyo cidhibta wanaagsana ay leeyihiin kuwa illaahay ka cabsada
oo aanay ka baqan illaahay mooyane cidkale, “Muuse waxa uu ku yidhi
koomkiisi gargaarsada illaahay oo samra dhulka illaahay waxa uu dhaxalsiiya
cida uu doono ee adoomihiisa ah waxana cidhib wanaagsan kuwa illaahay ka
cabsada”
Qoomkii
Nabi Muuse (CS) waxay ay bilaabeen in ay ka cawdaan dhibaatadii lagu hayay
“Waxayna yidhaahdeen waanala dhibaayay intii ka horeysay intaanad noo
iman iyo marka aad noo timiba” kalmadahani waxay la xidhiidhan sida
qoomkiisu u moodayeen in ay dhibaatada ay kaga baxayaan iyo marxalada adag,
muuse waxa uu ugu bishaareyay in xaqu guulaysanayo fircoon iyo qoomkiisana la
halaagayo dhulkana iyagu ay dhaxli doonaan, waxana uu uga digay in ay fidmada
iska ilaaliyaan isagoo u sheegaya in dhulka la dhaxalsiinayaa ay tahay
imtixaan iyaga lagu imtixaamayo “Waxa uu yidhi waxa laga yaaba in
illaahay halaago cadowgiina idinkana idin dhaxalsiiyo dhulka ka dibna la eego
waxa aad samaysaan”.
Waxaynu
ka soo gudubnay marxalada waxana u gudbaynaa mid kale inagoo quraanku ina
hogaaminayo, waxaynu arkaynaa sidii ay iskaga hor yimaadeen xaqa iyo baadilku
iyo fircoon oo kala tashanaya madaxdiisi kale sidii muuse loo dili lahaa.
“Waxa
uu yidhi fircoon ka warama hadii aan dilo muuse oo isaguna rabigii u yeedho
waxan ka baqayaa in uu idinka badalo diintiina dhulkana fasahaad gaadhsiyo.
Imika
Nabi Muuse (SW) waxa uu galay difaac iyo qalcad adag, goobta ay ku badbaadan
kuwa la dhibaa iyo cida nabad gelyada doonaysa “Waxa uu yidhi muuse waxa
aan ka magan galay rabigayga iyo rabigiina midkasta oo isla weyn oo aan
rumaynin maalinta qiyaamaha”
Waxay
ku dhowaatay figradii fircoon in ay rumowdo hadii aanu nin ehelka fircoon ihi
oo ka tirsan madaxda fircoon illaahay (SW) quranka ninkaa magaciisa uuna
noogu sheegi inkastoo magacagu mihiim uuna ahayn muuqalkiisana aan la sheegin
laakiin illaahay (SW) waxa uu quraanka inoogu sheegay ninkaasi in uu ahaa
muunin.
Waxa
uu ka waramay ninkan muuminka ihi isagoo (Imaamkiisa qarinaya) in uu ka qayb
galay shir lagu garfaynayay sidii muuse loo dili lahaa, markii la isla qaatay
taladan ayuu isna soo bandhigay waxa uu muuse yidhi in uu yahay kalmad kaliya
oo ah in illaahay yahay kaligii cadayna uu keenay in uu yahay Rasuul hadaba
laba arimood mid ayaan inala gudboon oo aan lahayn mid sadexaad in uu yahay
muuse beenale iyo in uu run sheegayo, hadii uu beenale yahay (Beentaasi waa
dushiisa) manuu mutaysan manuu odhan wax lagu dilo, hadii uu run sheegayo oo
aynu dilno yaa inaga badbaadinaya cadaabka uu inoo sheegayo? waxa uu ka
waramay ninkan muuminka ihi ee iimaankiisa qarinayay in uu ku yidhi goomkiisi
inagu maanta waxaynu gacanta ku haynaa xukunkii iyo quwadii yaa inaga
badbaadinaya cadaabka illaahay hadii uu inoo yimaado? Yaa inaga badbaadinaya
iqaabka illaahay hadii ay dhacdo? Madax adeegteen iyo beenteenu inaga ayay na
dayacaysaa,
Waxay
ku bilaabeen kalmadihiisi lagu gancayay in aanu ahayn nin lagu tuhmo maamulka
fircoon manuu ahayn kuwa muuse raacay mana aha in la yidhaado waxa uu u
hadlayay si uu u difaaco maamulka fircoon, maamulkan waxa baabinayayna waxa
uu ahaa beenta iyo maamul xumada iyo dulka loo geysanayo dadka aan waxba
galabsan, mawduucan ayaana loo daliilsanayaa kalimaadka ninkaasi in ay
noqdaan kuwa quwada leh marka loo geeyo fircon iyo madaxdiisa, fircoona waxa
uu helay in figradiisa ah in muuse la dilo isagoo ku cabsi gelinaya ninkaan
muuminka laftiisa.
Waxa
uu ku dhawaaqay fircoon kalmadii taariikhiga ahayd taas oo tusaale u ah mid
kasta oo xadgudba oo ka denbeeya isaga “Waxa uu yidhi fircoon rayigeygu
wax kale maaha ee waxa aan arkaa uun arin aan idinku hadaynayo dariiqa toosan”
kalmadan weligoodba way adeegsadaan kuwa xadgudbay marka ay la hadlaya
shacabkooga iyagoo leh taasi waa aragtiyadayada gaar ka ah waana mid inoo
horseedaysa hanuunka, arinkasta oo khalad ahayna waxa waaji ah in cidkasta oo
ka hortimaado laga difaaco, doodu kumay joogsanin intaa fircoon wuu yidhi
kalmadiisi laakiin kumii gancin ninkii muuminka ahaa.
Hadalkii
ayuu qabsaday waxana uu yidhi ninkaas muuminka ihi waxa uu dabada ka gelay
taariikh isagoo soo hor dhigay fircoon iyo qoomkiisiba cadaymo ku filan runta
muuse isagoo uga digaya dhibaatada ay la kulmeen umadiihii iyaga ka horeeyay
ee ka beeniyay rasuushi loo soo diray ka dibna illaahay halaagay, waxa ka mid
ahaa umadahaa qoomkii Nuux, Qoomkii Caad iyo Qoomkii Samuud, maxayba
meel fog ka eegi taariikhda masar ayaa ka markhaati ah in qoolkiisu saxan
yahay.
Runtii
Nabi Yuusuf (CS) waxa uu la yimi cadeemo dadkuna way ka shakiyeen ka dib
hadana way rumeeyeen markii uu ka badbaadiyay duruufihii adkaa iyo abaarihii
soo maray, maxaa iskaga dhowdhow soo dirida illaahay soo diray Nabiyada?
Taariikhda
gabowday waa in ay lahaataa meelo dhaxal gal ah, run ahaantiina tirayar oo
muuminiin ah ayaa guulo soo hooyay oo jabiyay kufaar badan illaahayna
halaagay kuwa duufan lagu qaraqay kuwa qaylo lagu khasifay, Maxaynu hadaa ka
eegaynaa?
Si
aynaan u halaagsamin dhamaanteen waa in aynu wax ku qaadano waxa aanu ka
ogaano qoomamka inaga horeeyay sida ninkan muuminka ihiba uu doodi fircoon
ugu soo bandhigay in hadii muuse la dilo ay dhibaato la kulmi doonto, dooda
ninkan muuminka ah waxa ku jiray dhow digniinood oo uu ka bilaabay isagoo u
sheegayay kuwii goobjooga ahaa in figradan ah in la dilo muuse ay tahay mid
aan cidhibteeda denbe lagu nabad gelayn
Illaahay
(SW) waxa uu inooga waramay in aayadkii illaahay ee fircon uu kaga hor yimi
isweyneen iyo dulmi “Waxa uu yidhi fircoon haamaanow ii dhis meel dheer
waxa laga yaaba in aan gaadho sababo samadana aan ka eego illaahan muuse
waxan u malaynayaa in uu yahay beenale sidaas ayaa loogu qurxiyay xumaantii
camalkiisa oo uu xaqa isku hortaagay may ahayn khiyaamadi fircoon wax aan
ahayn mid liidata”
Mar
labaad waxa uu isku dayay fircoon in fogaado si aan u waajihi xaqa si cadaan
ah isagoo aqoonsan dacwada kalinimada illaahay ee geligishay maamulkiisa taas
oo ka fog heerka qarashada fircoon taas oo ka fog in uu ahaado mid ku dadaala
baadhitaanka illaaha muuse.
Wakhtigaa
faraacinadu waxay gaadheen aqoon ka xeer dheer muuqalka garasha fircoon waana
ta keentay in ay ku kala qayb-samaan laba qaybood qayb muuse, Qayb Nabi muuse
rumaysay iyo qayb beenisay oo xaqa ka hortimi.
La
soco
Marlabaad
ninkii muuminkaa ahaa waxa uu si cad u yidhi:- kalmado geesinimo leh sida
illaahay (SW) quraanka inoogu tilmaamay “Waxa uu yidhi kii muuminka ahaa
qoomyahow raaca ka idinku hanuuninaya dariiqa toosan, qoomyahow noloshan
aduunyadu waa raaxo yar ee aakhiro ayaa ah daarta lagu waarayo, qofka camal
xun sameeya lagu abaal marin maayo wax aan ahayn wuxuu sameeyay oo kale,
qofka wanaagsameeya rag iyo dumar isagoo muumin ah kuwaasi waxay gelayaa
janada waxana loogu arsaaqayaa si aan xisaab lahayn, qoomkaygiyow waxa aan
idinku yeedhayaa nabadgelyo idina waxa aad iigu yeedhaysaan naar, waxa aad
iigu yeedhaysaan in aan cid aan illaahay ahayn caabudo aqoona aan u lahayn,
aniguna waxa aan idinku yeedhayaa illaaha cisiga badan ee denbi dhaafka
badan”.
Waxa
uu ka nahiyay ninkan muuminka ihi isagoo ku hadlaya erayo geesinimo leh ka
dib markii ay ka tageen kuwii hereero fadhiyay iyagoo u arkaya in uu muuse
raacay, waxayna bilaabeen in ay khiyaameeyan iyagoo hadal haya erayadii ka
soo fulay, shirqoolkaa ay u digeena illaahay ayaa isaga ka badbaadiyay.
Hadii
aynu u soo noqono xaalka masar ee wakhtigaa waxa uu gaadhay heer dhibaatada
fircoon in uu inamada yar yar laayo hablahana uu daayo, muuse iyo qoomkiisina
waxa soo foodsaray ciqaab adag in kastoo ay rajaynayeen in illaahay u
gargaaro kuna samreen dhibaatadan.
Fircoon
wuu sii waday xadgudubkiisi iyo dulmigii, waxa la soo gaadhay wakhtigii
quwada illaahay ay qaban lahayd fircoon illaahaybaana cid walba ka quwad
badan “Waxanu qabanay muddo sannada ah reer fircoon waxa laga yareeyay
midhihii si ay wax ugu qaataan, marka ay wanaag-helaan waxay odhan jireen
anagaa samaysanay marka ay xubaani timaadana waxay dusha ka saarayeen muuse
iyo cidii raacday”.
Illaahay
(SW) ayaa la damcay in uu nolosha ku adkeeyo oo uu ibtileeyo camsina uu
geliyo si ay uga joogsadan khiyamada muuse iyo cidii raacday oo ay u sugnaato
Nabinimada muuse iyo runtiisuba isla wakhtigaa, Illaahay (SW) waxa uu masar
ku saliday abooro waxana engagay dhulkii waxana gudhay wabigii niilka waxana
yaraaday midhihii soo baxayay dadkiina aad ayuu u gaajooday, waxana badatay
isnecbaashihii laakiin reer fircoon may garanayn dhibaatadan xidhiidhka ay la
leedahay dulmiga ay sameeyeen waxana soo qaateen sababo kale marka ay helaan
wanaag iyaga ayaa sheeganayay marka ay xumaani timaadana Nabi muuse ayay
dusha ka saarayeen, cisigii ayay u qaateen xumaan waxana rumaysanayeen
sixirnimada muuse ay masuul ka tahay balaayadan asiibtay, axmaq-nimadooduna
waxay tustay in abaartan ku dhacday ay tahay aayada kaga timid xaga muuse si
uu u sixro laakiin waa aayad aanayn rumaynayn.
Illaahay
(SW) arinkaa wuu ku sii adkeeyay si ay uga soo noqdaan xumaanta waxana lagu
saliday Duufan, Ayax iyo waxyaabo kale oo faro badan oo illaahay quraanka
inoogu sheegay, mihiimaduna waxay ahayd in reer fircoon Nabi Muuse (CS) u
yimaadan oo uu rabigood u baryo si balaayadan looga dulqaado, waxayna
yidhaahdeen “Waxay yidhaadeen muusow noo bari rabigaa waxa uu kuu balan
qaaday hadii uu dhibaatadan naga dulqaado waanu ku rumaynaynaa waana ku
raacaynaa hadii aanu reer binu israa’il aanu nahay”.
Nabi
Muuse (CS) illaahay (SW) ayuu u baryay dhibaatadina waa laga dulqaaday,
Maxaase ka danbeeyay? Markii dhibaatadii laga dulqaaday balankii way ka
baxeen mayna hanuunin dadkii reer masar balankiina may oofin, fircoona waxaba
uu ku dhawaaqay in uu isagu masar leeyahay iyo wabiyada durduraya muusena
yahay musixir beenale ah iyo nin fiqiir ah oo heli karayn fargal yar oo dahab
ah.
“Run
ahaantii waanu dirnay muuse iyo aayadkayagiba waxana u dirnay fircoon iyo
madaxdiisi waxana uu ku yidhi waxa aan ahayn rasuul uu soo diray rabiga
caalimiinta, markii uu ila yimi aayadkii waaba ay ku qoslayn, markasta oo
aayad aanu tusnana iyadoo ka waynba ta kale, waxanu ku salidnay cadaab si ay
illaahay ugu soo noqdaan, waxay yidhaahdeen misixiryahow noo bari rabigaa
wixii uu ku balan qaaday waanu hanuuniyee, marka laga dulqaado dhibaatadana
waxay ku sii nagaanayeen xumaanta, fircoon waxa uu u dhowaaqay qoomkiisi waxa
uu yidhi qoomyahow anigu miyaanan lahayn milkiga masar iyo wabiyadan
hoostayda durduraya miyaydaan wax arkeen ama aniga ayaa ka khayr badan kan
fiqiirka ah ee ku dhowayn mid wax cadeeya”.
Bal
hada eeg cajaayibka quraanka caqligoogi liitay iyo xoriyadoodi liitaday iyo
mistaqbalkoogi liitay iyo bila’aadanimadoodi liitadayba waxay adeeceen
fircoon waa adeecid la yaab leh taa ayaanu ku garanaynaa in ay ahaayeen qoom
faasaqiin ah waayo faasaqnimadu dadka waxay seejisaa jiheenta mustaqbalkooga
iyo toosinta arinkooga waxana ku tuurtaa halaag sadan qoomkan fircoon oo
kale.
Waxa
inoo cadaatay in aanu fircoon rumaynin Nabi Muuse (CS) isla markaana aanu
joojinin dhibaatadii uu ku yahay reer binu israa’il, Nabi muuse (CS) waxa
uu beryay illaahay (SW) laakiin arin waxay ku soo dhamaatay illaahay (SW) in
uu muuse u waxyooday in uu ka baxo masar goor habeenimo ah, markii ay u
diyaar garoobeen in ay baxaan ayay ku warheleen in ay ka daba yimaadeen
fircoon iyo ciidankiisi iyagoo
doonayay in ay dadkan ka soo reecaban goobtuna waxay ahayd Kanalka Suways
meesha imika la yidhaa Buxayraad.
Waxa
soo gaadhay fircoon warkii in uu muuse baxay iyo qoomkiisiba waxa uu u
dirayay amaradiisi dhamaan magaalooyinka si ay u soo diyaariyaan ciidan badan
si loo soo qobto muuse iyo qoomkiisi oo looga qaribo arinkii ay diyaarsadeen
iyo mabda oogaba, fircoon imika waxa uu bixinayaa amaro guud ujeedadiisuna
waxay tahay in uu muuqal u sameeyo dadka muuse iyo qoomkiisina ay yihiin kuwa
khatar ku ah fircoon iyo boqortooyadiisa, sidee ayuu illaah u noqon karaa mid
ka cabsanayaa koox yar oo illaah kale caabudaysa?
Si
kastaba ha ahaateen waxa uu bilaabay fircoon in uu ka taxadiro kana diyaag
garoobo sidii uu arinta hogaankeeda u sii hayn lahaa, waxa
soo baxeen iyagoo raacaya raadkii nabi muuse iyo qoomkiisi.
Bixitaankani
waxa uu ahaa mid mihiim ah waxay ka yimaadeen
wixii ay mulki lahaayeen oo dhan Bustaanadii, Durduradii iyo Qasnadii iyo
Wixii ay mulki lahaayeen oo dhan dibna ugumay soo noqon, muuqalkani waxa uu
ina tusayaa in cidhibtii soo bixitaankoogu ay ku raadgoobayeen muuminiinta in
ay ahayd iyagoo u deg degaya abaal marintii uu lahaa dulmiga iyo xadgudubku.
Waxa
dhawaaqay kuwa ka mid ah qoomkii Nabi Muuse (SW) waxayan yidhaahdeen waxa na
soo gaadhay ciidan kii fircoon, Nabi muuse (SW) muu hayn talo uu ku
badbaadiyo laakiin qalbiga muuse waxa ka buuxay kalsoonida rabigii waxana uu
rumaysnaa in uu illaahay u gargaari doono, daqiiqadii ugu denbaysay ayaaba uu
illaahay (SW) u waxyooday “Waxanu u waxyoonay muuse in uu ushiisa ku
dhufto badan” wuu ku dhuftay waxana dhacday mucjiso waxana xaqiiqowday
wixii dadku afka soo marin la’aayeen amarkii illaahay doonay ayaa ahaaday,
fircoon ayaa soo gaadhay badii waxana uu arkay mucjisadii waxana uu arkay
badii uu laba u qaybsantay oo yeelatay dariiq engegen, fircoon waxa uu u
yeedhay ciidankiisi waxana uu amray in ay ka horeeyaan oo ay bada dhex
galaan, markii muuse iyo qoomkiisi ay bada ka gudbeen mar labaad ayaa
illaahay muuse u soo waxyooday in uu ka gudbo bada, illaahay (SW) waxa uu
doonay in uu inuu qaraqo fircoon iyo ciidankiisi markii fircoon iyo
ciidankiisi ay ku dhamaadeen badii ayuu illaahay (SW) soo fuliyay amaradiisi
waxa dulmaray fircoon iyo ciidankiisi moojadihii bada waxan qaraqmay fircoon
iyo ciidankiisi waxa qaraqmay canaadkii madaxa adkaa waxana badbaaday kii
illaahay rumeeyay, markii ay u cadaatay fircoon in uu qaraqmay oo ayna
badbaado u oolin “Waxa uu yidhi waxa aan rumeeyay in aanu illaah jirin
illaaha reer binu israa’il rumeeyeen mooyane waxana ka mid ahay kuwa
mislimiinta ah”
Waxana
qancay ninkasto oo xumaan lahaa oo liitay kumuu joogin in uu ku dhowaaqo
iimaan oo kaliyee waxa uu ku daray in uu is dhiibo laakiin waxba kamuu
faa’iidin imikana maaha wakhtigii doorashada waxa ka horeysay caasinimo iyo
isla weynaan sida illaahayba quraanka inoogu sheegay “Imika horteed
ayaad caasiyooday oo aad ka mi dahay kuwa wax fasahaadinaya” way
dhamaatay wakhtigii toobada ee laguu xadiday waana halaagsantay arinkiina wuu
dhamaaday badbaadana kuumay sugnaan waxa badbaadayaa jidkaaga oo kaliya si
aanu kaluunku u cunin ragqaadana dadka lagama fogaynayo si ay dadku wax u
qaatan waxana badbaadaya jidkaaga si ay kuwa kaa denbeeya wax ugu qaatan “Maanta
waxa aanu badbaadinaynaa jidhkaaga si ay ugu noqoto kuwa kaa denbeeya aayad
in badan oo dadka ka mid ihina aayaadkayaga way ka jeedan”.
Waxa
la feeday daahi asturayay xadgudubka fircoon mowjadaha ayaa ku soo tuuray
raqdiisi xeebaha, intaa ka dib asturaadi waxay u soo hadhay dadkii masar,
inoogamuu waramin quraanku wixii ay sameeyeen markii uu nidaamkii fircoon uu
baaba’ay ee lana qaraqay fircoon iyo ciidankiisi, nagamuu waramin
waxyaabihii kale ay sameeyeen markii uu illaahay dumiyay wixii fircoon
sameeyay iyo qoomkiisi, waxa aad uga waramay qisaska iyo taariikhda.