Reer binu israa’il waxa hogaaminahay
Nabi muuse (CS) iyo walaalkii haaruun, laakiin maxay
ku sameeyeen Nabi muuse?
Markii la halaagay fircoon iyo
qoomkiisi iyagoo arkaya isla markaa waxa saamayn ku
yeelatay sannadihii faraha badnaa ee cadaadiska iyo
gumaysiga uu ku hayay, waxay noqdeen dad liita oo
dulaysan, fircoon waxa uu ku sameeyay reer binu
israa’il waxyaabo faro badan oo quraan ku inooga
waramay, isla markaana waxa ducfi weyni ku dhacay
ruuxdooda waxana la yaabeen awoodan intan leeg ee
jabisay fircoon, fircoonkii fasahaadiyay
toosnaantoodi.
Hadana jaahilnimo iyo dhago adeeg
ayay kala hor yimaadeen Nabi muuse (CS) iyagoo
dagahooga ay ka sii guuxaysto mucjisadii bada lagu
jeexay ayay soo mareen qolo sanam caabudaya wayna
dareensanayee in ay kuwaas liitan, waxayna hayd in
ay illaahay ku mahadiyaan laakiin waxay muuse ka
delbadeen in uu u sameeyo illaah ay caabudaan sida
qoladan oo kale, markaa waxba isma dhaaman kuwaa
sanamka caabudaya iyo iyagu markaas oo u muuqaday in
ay u doonayeen in ay ku noqdaan gaalnimadii ay
ayaamihii fircoon ay ku sugnayeen.
Way dhamaatay marxaladii kowaad ee
mihiimada Nabi muuse (CS) taas oo ahayd in uu meesha
uu ka saaro noloshan-dulaysan iyo dhibaatada reer
binu israa’il ay ku hayeen fircoon iyo ciidankiisi
si ay ugu sugnaadan guryo sharaf leh, laakiin
qoomkani diyaar umay ahayn mihiimada weyn ee ah in
ay dulka ku qabsadan diinta illaahay waayo ka hore
ee ay doorteen ayaaba ah arintan markhatideeda,
waxanu soo sheegnay in ay arkeen qoom sanam
caabudaya ka dibna ay gilgilantay tawxiidkoogi oo
muuse ay ka delbadeen illaah ay caabudaan, waxa
lagama maarmaan noqotay in la helo risaalad kala
saarta tarbiyada umadan iyo diyaar gareenta sida ay
u qaabili lahaayeen, risaaladan darteed waxa uu
illaahay (SW) Nabi muuse u balan qaaday in uu la
kulmi doono balan qaadkanina waxa uu ahaa in muuse
loo diyaargareeyo sidii uu u qaadi lahaa risaalada
mudada muuse uu diyaar garoobayay waxay ahayd
Sodon habeen, Toban iyo afartanba waa lagu
sheegay, muuse waxa uu soomay Afartan cisho
si uu in badan illaahay ugu dhowaado, muuse la
hadalka illaahay waxa uu u siyaadin jiray kalgacal
faro badan inaguna ma qiyaasi karno dareenka muuse
sida uu ahaa marka uu illaahay waydiisto in uu arko,
inta badan jacaylka dadku waxa uu diida ama uu ka
hor-joogsadaa araga indha ay jecel yihiin, Maxaad
u malayn Jacaylka Illaahay (SW)?
Markii uu dareenkii muuse uu ka
buuxsamay jacalkii illaahay iyo la kulankiisa wuu
kari wayay in uu barbar dhig ku sameeyo
shaqsiyadiisa naftiisana uu ka horjoogsado in uu
illaahay waydiisto aragiisa.
“Markii uu muuse uu yimi goomtii
balanta ayuu la hadlay rabigii waxa uu yidhi rabiyow
iskaytus” muuse waxa soo gaadhay raxmada
illaahay waxana uu gartay in aanu rabigii arkayn
waayo mid ka mid ah abuurkiisa ma qaadi karo nuurka
illaahay waxana la amray in uu eego buurta hadii ay
ku sugnaato halkeeda in uu heli doono wixii uu
illaahay waydiistay, illaahay waxa uu ku yidhi muuse
“Laakiin eeg buurta hadii ay ku sugnaato halkeeda
waad I arkaysaa ka dibna buurtii way burburtay
muusena illaahay ayuu u sujuuday iskagoo argagaxsan”
qofna ma qaadi karo nuurka illaahay buurtiina
way burburtay waxana la simantay dhulka muusena wuu
dhacay isagoo is kala garanayn “Markii uu soo
kacay waxa uu yidhi adaa xumaan ka nasahan waana
tooban keenay aniguna waxa aan noqonayaa ka kugu hor
rumeeya” mar labaad muuse waxa uu la kulmay
raxmadii illaahay waxana loogu bishaareyay in uu ka
mid yahay kuwa illaahay ka doortay adoomadiisa
illaahay (SW) waxa uu ku yidhi “ Waxa uu ku yidhi
muusow anigu waxa aan kaa doortay dadka risaaladaydi
iyo hadalkaygina qaado wixii aan ku siiyay kana mid
noqo kuwa igu mahadiya”
Doorashadani maaha mid uu kaga fadli
badan yahay nabiyada kuwii ka horeyay iyo kuwii ka
denbeeyay toona laakiin waxan jacalahay in aanu iska
dhaafno dooda waayo waxa aanu rumaysan nahay in ay
nabiyada oo dhami isku mid yihiin illaahaybaana
inooga waramay in ay kala fadli badan yihiin
darajadooduna ay kala sarayso si ayna anagu u kala
saari Karin ka hadal keeduna waa inaga xaaran,
waxana aynu ka taaganahay heerka iimaanka ee ah in
aynu rumayno dhamaatood oo aynu gudano ixtiraamkooda
inalama gudboona inaynu dhex gelin derajada
macsuuminta illaahay doortay waana in aynu rumayno
nabiyadii oo dhan.
Illaahay (SW) waxa uu u cadeeyay Nabi
muuse (CS) damanada risaaladiisa “Waxanu ku
qornay alwaaxdan shay kasta wacdi iyo kala saarid
shaykasta ku qaado kuwad qoomkaagana amar in ay
qaatan wanaageeda waana ku tusi daarta kuwa
faasihiinta” waxa ku sugnaa shaykasta mawduuc
khaas ah oo ka waramaya, u jeedaduna waxay ahayd in
uu illaahay u cadeeyo qawaamiintiisa iyo tawjihiidka
la doonayo in umada xaalkeeda lagu wanaajiyo lana
toosiyo dabeecadeeda horena waanagii u soo aragnay
in ay ahaayeen umada fasahaaday oo dulaysantay, wuu
dhamaaday balankii uu muuse la galay rabigii, wuu
noqday isagoo cadhaysan kana cadhaysan qoomkiisi
koomkaana manuu jirin cid raali gelin karta Nabi
muuse (CS) laakiin wuu garanayay in uu rabigii og
yahay in uu ku noqonayo qoomkiisa isagoo cadhaysan.
Nabi muuse (CS) waxa uu u dhaqaaqay
dhinaca buurta isagoo sita alwaaxdii Tawraad ku
qornayd, qalbigiisana waxa ku jirtay cadho laakiin
ma garan karno heerka ay taagnayd caadifadiisu iyo
dareenkiisa, muuse umuu iman qoomkiisi ilaa ay
dhacdo fidnadii Samiri faahfaahinta
fidnadanidaa, markii ay reer binu israa’il ay ka soo
baxeen masar waxay soo qaateen dahab iyo alaab badan
oo ay lahaayeen reer masar waxana la sheegay dumarka
reer binu israa’il in ay dahabka ka soo qaadan
jireen si ay iskugu qurxiyaan, markii la amray in ay
baxaan ayay soo qaateen hadana waxay is yidhaadeen
waa xaaran oo way daadiyeen waxa soo aruuriyay
Samiri wuuna isku dhalaaliyay waxana uu ka
sameeyay wax dibi u eeg, Samiri waxa uu ahaa farsamo
yaqaan tumaal ah dibigaa uu samayayna gudihiisu wuu
madhnaa waxana uu ku jeediyay dabeesha dhinaca
hawadu ka soo dhacayso, hawo ayaana dhinaca denbe ka
soo galaysay afkana ka soo baxaysay waxana uu
samaynayay cod aad moodo codka dibiyada oo kale.
Waxay yidhaahdeen sirtani waa mid aan
hore loo arag, Samiri waxa uu ka soo qaatay
xantoobo ciid ah halkii uu maray malaku jibriil
markii uu u soo daadayay mucjisadii bada kala
jeexideeda, Samiri waxa uu arkay waxana hore uu u
arag xantoobadii ciida ahayna waxa uu ku daray
dahabkii uu ka samaynayay dibiga, Malaku Jibriilna
meel kasta oo uu istaago naf ayaa gasha wayna
dhac-dhaqaaqdaa, Samiri markii uu isku daray
dahabkii iyo ciidi ka dibna uu ka sameyay dibi uu u
ciyay sidii kuwii caadiga ahaa ayuu soo bandhigay.
waxa uu u soon bandhigay reer binu israa’il wixii uu
sameeyay.
Waxay weydiyeen:- kani waa maxay
samiriyow? Waxa uu yidhi kani waa illaahini waana
illaahi muuse waxayna yidhaadeen laakiin muuse wuu
tagay oo illaahay ayuu la balansanaa waxa uu yidhi
Samiri muuse wuu ilowoobayee halkan ayay ahayd in ay
ku kulmaan, waxana soo dhacday dabeel dibigii ayay
dabada ay ka gashay afkiisana way ka soo baxday ka
dibna wuu ciyay reer binu israa’ilna dibiga ayay
caabudeen, qisadan fidnadan waxa laga yaaba in uu la
yaabo qofka akhriya liidashada qoomkan darajadooda
laakiin waxa is weydiin leh sida ay marka ay
mucjisada arkeen aanay wax ugu qaadan ee sanamada ay
u raadsadeen, waxana layaabkan kaa biinaysa marka
aad eegto qoomka laftooda in ay dibiga caabudi
jireen oo lagu tarbiyadeeyay masar, maalmahaa masar
waxa lagu caabudi jiray sanamyo waxana ay weynayn
jireen dibi la yidhaa Abays waana lagu soo
tarbiyadeeyay duli sidaas ayayna naftoodu isku
badashay oo mucjiso kasta oo soo marta waxba ugu
qaadan wayeen iska daa wax qof sameeyayee waxa ay
wax ku qaadan waayeen hadalkii illaahay (SW),
mucjisada la taaban karana sida ay ugu qanci waayeen
ayay hadalkii runta ahaana waxba ugu tari wayay
sidaas ayayna ku halaabeen waxana gudaha u galeen
caabudida sanamyada waxay ahaayeen dad aan diin
lahayn sidii kuwii xukumi jiray masar taas ayaana
sabab u ahayd in ay dibi caabudan.
Haaruun way ku adkaatay in ay maalin
reer binu israa’il ay caabudi doonaan dibi in yar oo
ka mid ihi dhinaca ayay uga joogsadeen oo waxay
noqdeen muuminiin laakiin intii badnayn way galobeen,
haaruun waxa uu is dhex-taagay qoomkiisi waxana uu
ku lahaa isagoo waaninaya waad ku fidnowdeen samiri
ayaana idinku mashquuliyay jahligiini ee dibigani
maaha rabigiini iyo rabigii muuse toona, way diideen
kuwii dibiga caabudayay waanadii haarun wuu ku soo
noqday isagoo wacdinaya waxa uu xasuusinayay
mucjisooyinkii illaahay iyo sida uu illaahay u soo
badbadiyay iyo sidii uu u illaalinayay waxaas oo
hadal ah dagaha ayay ka furaysteen wana yaresteen
waxana ay dooneenba in ay dilaan isagoo diidan in
mowducan laga hadlo ilaa inta uu muuse soo noqonayo,
waana iska cadeed in uu haarun ahaa nin ka dabacsan
muuse laakiin qoomka dabacsanaantii haarun waxba
umay tarin, haaruuna waa uu ka baqay in uu quwad
isticmalo uu sanamka jabiyo waxana uu ka baqay in
qoomki iska hor yimaado fidnana ay ka dhacdo
arintana dib ayuu u dhiga ilaa inta uu muuse
imanayo, waana uu garnayay muuse in uu yahay qof
quwad badan oo fidnada xalin kara iyadoo aan dhiig
daadan.
Dadku waxay bilaabeen in ay ka dul
ciyaaraan dibigii waxana ku soo baxay nabi muuse
(CS) markii uu maqlay buux iyo sawaxankii isla
markii uu goobtii muuse soo gaadhay waxay joojiyeen
ciyaartii waana ay aamuseen, muuse isagoo kor u
dhowaaqaya ayuu ku yidhi dabaday wax xun ayaad
samayseen hadana muuse waxa uu u dhaqaaqay dhinicii
haaruun, muuse waxa uu tuuray dhulka ku tuuray
looxaantii towraad uu gacanta ku hayay, Muuse waxa
uu aad uga cadhoodhay wixii ay sameeyeen waxana uu
qabtay madaxii haaruun labadiisi gacmood ayuu midna
timaha ku qabtay mina gadhka, muuse waxa uu waydiyay
haaruun in uu caasiyay amarkiisi sida uu uga aamusay
fidnadan sidii uu sisii dhex joogay dadka waxan
aadka u foosha xun sameeyay waxana uu ku canaantay
sida uu uga aamusay haaruun, haaruun inta uu xooga
ka aamusay cadhadii muuse ayuu la hadlay muuse
isagoo rajaynaya in uu siidayo gadhka iyo madaxa
kuna halqabsanaya sida ay isku hooyo kaliya uga soo
jeedan xusayana in ay hooyo wada dhashay aabohoona
aan soo hadal qaadin halkaana waxa inooga muuqata in
labada hooyo wada dhashaa ay cidkasta iskaga dhow
yihiin dhinaca wada tashiga.
Waxa uu yidhi:- Haaruun “Kay
hooyaday dhashayow isii daa gadhka iyo madaxa”
haaruun waxa uu fahansiyay in aanu arinku ahayn
caasinimo xagiisa ka timid raalina aanu ka ahayn
waxan ay la yimaadeen waxana uu u sheegay in uu ka
baqay hadii uu ficil la yimaado in ay dadka ka
tagaan ama ay dilaan, waxana uu waydiyay muuse sidee
ayaana ula joogayn waaba aad igaga tagtee oo masuul
ayaan ka sii ahaayee waxana uu u sheegay hadii uu
wax talaabo uu qaadi lahaa in uu ka baqay in dagaal
ka dhaqo maasha ka bacdina aad tidhaahdo maxaad
aniga ii sugi wayday, haaruun waxa uu fahmay
walaalkiisi muuse in ay tahay in si dabacsan dadka
ula hadlo.
Muuse waxa uu gartay in uu ku gafay
haaruun cadhadiisuna ay ahayd mid uu xaqa ku
difaacayo waxana uu gartay in talaabadan haaruun uu
qaaday ay ahayd mid wakhtigaa ku wanaagsanayd,
waxana uu siidayay gadhki iyo madaxii uu hayay Muuse
naftiisi iyo walaalkiiba illaahay ayuu denbi dhaaf u
waydiyay waxana uu u soo jeestay dhinacii qoomkiisa
isagoo adeegsanaya erayo kulkulul oo cadho ka
muuqato.
“Goomkaygiyow miyaanu illaahay
idin balanqaadin balan ma waxa idinku dheeraday
balantii mise waxa aad doonteen in ay idinku dhacdo
cadho illaahay oo dib aad uga dhacdaan balanka”
muuse waxa uu ka hadlay xumaanta ay sameeyeen waxana
uu mar labaad yidhi isagoo aad u cadhaysan “Kuwii
dibiga samaytay waxa ku dhici doonta cadho xaga rabi
iyo dulinimo aduunyo iyo aakhiriba sidaas ayaana ku
abaal marinaa kuwa been abuurayaasha ah” buuraha
ayaa isku gudbiyay sawaxankii iyo dhawaaqii muuse
cadho daraadeed uu kor u hadlayay ilaa inta ay
dhamaantoo qoomkii ay madaxa hoos u fooririnayeen
wana ay garteen khaladkoogi iyo been abuurkii ay
sameeyeen waxana cadaaday in waxan muuse uu wadaa
xaq yahay, maqnaasha muuse ka maqnaana maaha muu
ahayn mid kalifayay in dibi la sii caabudo, goomka
muuse waxa uu illaahay (SW) balan kula qalay hadii
ay isaga (Illaahay) u hogaansanaaday arlada la
dhaxalsiin doono.
Hadana muuse waxa uu u soo jeestay
Samiri, samiri oo ahaa ninkii dibiga ay
caabudeen sameyay, muuse waxa uu la hadlay samiri
waxana uu ku yidhi arinkaagu muxuu yahay isagoo
doonaya in uu ogaado waxa ku kalifay arintan saamiri
waxa uu ku jawaabay waxa aan arkay wax aan weligayba
arag, waxa aan arkay ayuu yidhi Malaku Jibriil
oo fuushan faras meel kasta oo farasku qoobka uu
saarona ciida taala ay samaynaysay dhaqdhaqaaq
raadkii jibriil waxana ka soo qaatay xantoobo ciid
ah waxana ku daray dahabkii aan dibiga ka sameeyay
nafteyda ayaana ii qurxisay in aad waxan sameeyo,
muuse arintii waxba muu sii baadhbaadhin ee waxa uu
ku qaaday xukunkii xaqa ahaa, mihimna may ahayn in
uu samiri arkay Malaku Jibriil, ciida uu ka soo
qaatay iyo dibigan uu samayay waa denbi uu galay
samiri laakiin mihiimadu waxay tahay denbigan uu
galay iyo fidnadan uu galayay qoomkii nabi muuse ee
dhaqankoogi hore uu ahaa in ay sanamo caabudaan,
muuse waxa uu ku xukumay in aanu qoomka muuse wax
xidhiidh ah la yeelan oo kaligii uu noolado.
Waxana aynu rumaysanahay arinkaasi in
uu ka khatarsan yahay in badan aragtida deg dega ah
saamiri waxa uu fidnayay reer binu israa’il waxana
uu ku soo aruuriyay dibiga dushiisa maadama uu
dadkaa meel uu iskugu keenay xumaan xukunkiisuna
waxa uu noqday in umada laga fogeeyo, Miyuu bukooday
samiri? Oo dadku waxay kaga yaaceen xanuunkan ku
dhacay in kastoo la garanayn ninki samiri halkuu ku
denbeyay iyo dhimashadiisi hadana intii uu noola ee
uuna dhiman waxa uu ku jiray nolol adag oo uu ku
ciqaabay nabi muuse oo dilku ka sahlan yahay, samiri
waxa uu noola isagoo nool oo dulaysan cidina u soo
dhowaan taasi waa ciqaabtii aduunyada, mar labaad
maalinta qiyaamaha ciqaab kale ayaa sugaysa oo xaqa
illaahay ah, Muuse waxa uu ka soo noqday saamiri
dibigii uu samayayna waxa uu ku dhex tuuray dab
iyagoo eegaya.
Muuse waxa uu u soo jeestay qoomkiisi
imikana waxa uu xukumayaa intii dibiga caabuday
waxana uu fahansiyay in ay nafahoogi dulmiyeen
waxana dhan loo saaray intii dibiga caabuday waxana
u banana tooban toobadaas oo ah in kuwii aan dibiga
caabudin ay dilaan kuwii dibiga caabuday, xukunkan
nabi muuse gaadhay waxay ahayd mid ku haboon kuwan
dibiga caabuday waayo dadka sanamyada soo caabudaa
waxay saamayn ku yeelataaa noloshooda iyo caqligooga
waayo garashada dadku waa ka uu kaga duwan yahay
xawayaanka, dadkuna hadii ayna caqli lahayn
noloshoodu macno ma samayso.
Muuse waa uu soo noqday waxana uu u
akhriyay qoomkiisi alwaaxdii tawraad amarkeedina
waxa uu ka bilaabmayay in ay ku qaatan xukumadeeda
quwad iyo go’aan waxana la yaab noqotay in qoomkiisu
xaqa ay ka warwareegeen waxana ay ku yidhaadeen na
tus alwaada waxa nala amrayo iyo wax naga reebayo
hadii ay sahlan yihiin waanu qaadanaynaa, muuse waxa
uu ku yidhi dhamaantood wada qaata marar badan ayay
soo cel celiyeen hadal, marka ay halkaa ay marayso
ayuu illaahay (SW) amar ku siiyay Malaa’igta in ay
buur soo qaadan soona dul dhigaan sida daruuraha oo
kale waxana lagu yidhi hadii aad aqbali waydaan xaqa
buurta ayaa dusha idinka soo dhici doonta waana ay
aqbaleen waxana la amray in ay sujuudan waana ay
sujuudeen, waxana ay saareen gacmaha dhulkii wana ay
socdeen iyagoo dhana ka eegaya buurta cabsi iyo
argagax qaba halkaana waxa ka muuqata in ayna
wajigooda illaahay si toos ah iskugu dhiibin ilaa ay
qasab ay ku noqotay in ay sujuudan taasina waa
garashada daciifka ah marka uu maqan yahay caqliga
toosan ee garashadu gancinayso waa laga yaba in
qoomka muuse qisadan oo kale soo marto.
Markii ugu horeysay waxa lagu
ganciyay quwad xaga garashada ah iyo mucjisooyin
cadcad waayo waxay ku soo noolayeen kuna soo
berbaareen gumaysi iyo dulinimo waxana diciiftay
dad-nimadoodi manay noqon kuwa sugnaada markay
duligii ka baxeen waxana qasab noqotay in quwad lagu
meel mariyo sidii kuwii hore ee maamuli jiray,
hogaanka cusub ee imika hoos yimaadana uu yahay
iimanka waxana ay noqotay si looga badbaadiyo halaag
iyo quwad lagu hanuuniyo denbigii ay geleen ee dibi
caabusta ahaana waxa uu kaga tagay raad, muuse waxa
uu ku amray reer binu israa’il in ay illaahay denbi
dhaaf waydiistaan, muuse waxa uu doortay totobaatan
(70) nin waxana uu yidhi u kaca xaga illaahay oo ka
tooban keena wixii aad samayseen idinka iyo kuwii
aad ka tagteen ee qoomkiini ahaaba waxana lagu amray
in ay sooman mar yahoogana daahiriyan iyaguna is
daahiriyaan, muuse iyo totobaantankii (70) doortayba
way isasoo raaceen waxayna yimaadeen wakhtigii
illaahay u xadiday.
Muuse waxa uu ku dhowaaday buurtii
waxana la hadlay illaahay (SW) totobaatankii (70)
markii ay maqleen muuse oo la hadlaya rabigii waxa
laga yaaba in ay tani noqotay mucjiso kale oo ku
filan qaadashada iimaanka ay quluubtoodana ku
sidanayan ilaa inta ay nool yihiin, totobaatankii
kumay joogsanin maqalkii hadalkii illaahay oo kaliya
ee hadana waxay ka dalbadeen in ay illaahay (SW)
arkaan waxana ay muuse si cadaan ah ugu yidhaadeen “Muusow
ku rumaysan mayno ilaa aan illaahay si cadaan ah u
aragno” tani waa mashaqo aad u la yaab leh oo
qalbigana saamayn weyn ku yeelaynaysa, marka kuwa
foyow ay dalbadana ciqaabta ah argagax ee ay ku
dhacdo gariir iyo dumid alwaaxdooda iyo jidkoogu ay
argaxaan isla markiiba, muuse waxa uu gartay waxan
ku dhacay totobaantankii (70) uu soo doortay waana
uu ka muragooday waxana uu illaahay u beryay in uu u
denbi dhaafo una naxariisto oo aanu ku qaadin
denbiga ay sameeyan kuwa liita manay doonayn in ay
arkaan rabigood iyagoo ku sugan sida dadku yahay ee
naaqusnimo iyo qalbi engaga ah maan gaabnimadana wax
aan dhimasho ahayn ma ganciso.
Hadaba aanu eegno xidhiidhka ka
dhexeeya wakhtigan xaadirka ah iyo wakhtigaa hore
illaahay (SW) waxa uu is barbar dhigay isagoo la
hadlaya Nabigeen Maxamed (N.N.K.H) labadii wakhti ee
ka horeyay oo ah wakhtigii ay soo degtay Towraad
iyo wakhtigii ay soo degtay Injiil labadaaba
waxa loogu bishareyay in uu soo bixi doono Nabi
maxamed (CSW), waxaynu rumaysanahay arinta lala
doonayay dadkan maalintii nebi muuse (CS) uu soo
kaxaystay totobatanka (70) nin in ay ahaayeen kuwii
ugu fadliga badnaa maalintan uu la balamayna ay
ahayd maalin khatar ah oo mucjiso wayn, waxana lala
doonay dadka Nabigii ugu denbeeyay anbiyada illaahay.
Ibnu Khasiir waxa uu yidhi Kitaabka
Qisas Al Anbiyaa qoom uu ka soo qaatay
Qataada, Muuse ayaa ku yidhi rabigii rabiyow
waxa aan ku arkay alwaaxda umad, umadaas oo ah umada
dadka ugu khayrka badan wanaagana is faraya
xumaantana iska nahinaya rabiyow umadaa ka dhig
umadayda, Illaahay (SW) waxa uu ugu jawaabay
umadaasi in ay tahay Umada Nabi Maxamed (CSW) waxa
uu yidhi hadana muuse rabiyow waxa aan ku arkay
alwaaxda umada kutubtoodu ugu qorantahay laabta oo
halkaa ka akhrisanaya kuwii ka horeyayna waxay ka
akhrisanayeen kutubtooda waxana laga qaadayay iyagoo
waxba aan ka xafidsanay waxbana aan ka garanayn
illaahay waxa uu siiyay xiftiga shay aan la siin qof
ka mid ah umadaha rabiyow ka dhig umadayda, waxa
illaahay (SW) ku yidhi waa umada Nabi Maxamed (CSW),
waxa uu hadana muuse yidhi waxa aan alwaada ku arkay
umad rumaynaysa kitaabkii hore iyo kii ugu denbeyay
lana dagaalamaya xumaanta illaahayow ka dhig
umadayda, waxa lagu yidhi waa umada Nabi maxamed (CSW)
muuse waxa uu hadana yidhi waxa aan rabiyow ku arkay
alwaaxda umad sanaqada ay cunaan ajar looga qorayo
umadihii horena marka ay qof sadaqad bixinayo
illaahay waxa uu u soo diri jiray naar cunta hadii
ay naartaasi ka tagtana ay cunayaan xawayaanku
umadaas oo kooga qaniga ah sadaqada looga qaadayo
lana siinayo ka fiqiirka ah illaahayow kuwaa ka dhig
umadayda, waxa loogu jawaabay waa umada nabi maxamed
(CSW) waxa uu yidhi hadana muuse waxa aan ku arkay
alwaaxda umad marka uu mid iyaga ka mid ihi uu ku
hamiyo in uu wanaag sameeyo ka dibna uu ku camal
falo loo qorayo toban laabkeed ilaa totobaatan laab
illaahayow ka dhig umadayda, waxa lagu yidhi waa
umada Nabi maxamed (CSW).
Muuse waa uu soo raacay qoomkiisi
waxana uu keenay meesha la yidhaado Siinay,
Siinay waa saxaro aan lahayn geed la hadhsado
cadceeduna aad u kulushahay mana laha cunto iyo biyo
illaahay (SW) waxa uu u galaday raxmadiisa waxa
loogu hadheeyay daruuro waxa samada looga soo
dejiyay cunto, mar ay u baahdeen biyo Nabi muuse
(CS) ayaa ushiisi ku dhuftay dhagax waxayna noqotay
laba iyo toban ilood (12) oo biyo ah reer binu
israa’ilna waxay u qayb sanaayeen laba iyo toban
(12) qabil, ikramidan iyo nimacadan lagu taladay
waxay nafahoogi ku dhaqaajisay in uu ku laba
kacleeyo cudurkii ku duuboobay waxana ay nafahoogu
jeclaysateen in ay heleen Basal iyo waxyaabo
kale oo dhulka ka soo baxa, sidaa darteed reer binu
israa’il waxay waydiisteen nabi muuse in uu illaahay
u beryo in uu dhulka laga soo saaro cuntooyinka ay
dalbadeen, illaahayna (SW) waa uu ka aqbalay.
Halkan waxanu ku dhamayn doona
Qisadii nabi muuse (CS), qisadaas oo aanu ka soo
qaadanay websiteka ku qoran af carabiga ee ah
www.alqasas.com