Dhibaatooyinkii ka dhashay dimoqoraadiyaddii laga soo min
guuriyey, waddamadii hore inoo gumaysan jiray oo markeedii u dambeesey isu
beddeshey mid fawdo ah(anarchic democracy) gaar ahaanna sannadihii u dambeeyey,
sida doorashooyinkii sannakii 1969-kii oo ahaa kuwo aan si habsami ah u dhicin
dhiig badanina ku daatay, ilaa lagu dilayba madaxweynihii awoodda yaraa ee
Soomalia mudane Cabdirashiid Cali Sharmarke, ayaa waxay keentay niyad jab ku
dhaca dadweynaha Soomaaliyeed. Dadku waxay tabayeen nabadgalyo xumo iyo
caddaalad darro, waxayna naawilayeen isbeddel waddanka ka dhaca oo ay kaga
nastaan dhibaatooyinkii muuqdey ee dalka soo fool saaray.
Iyadoo xaalado kuwaas la mid ahi ka wada taagnaayeen,
dalalkii hore loo gumaysan jirey, gaar ahaanna kuwa Afrika iyo Carabta, ayaa
sannadihii todobatanaadkii meelo badan oo waddamadaas ka mid ah waxaa ka dhacay
afgambiyo ciidamad qalabka sidaayi ay kula wareegeengayeen awoodda talada
dalalkaas. Waddamadaas waxaa ka mid ahaa Soomaaliya. Ciidamadu iyagoo ka
faa`iidaysanaya, xalladdii cakirrayd ee waddanka, ayay todobaad ka dib dilkii
madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke afka ciidda u dareen dawladdii waddanka
ka talinaysey ee uu raiisal-wasaaraha awoodda badan ka ahaa alla ha u
naxariistee Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Ballanqaadyadii golihii sare ee kacaanka (supremme
revolutionary council-S.R.C), oo ahaa gole talis oo ay dhisteen askartii xukunka
dalka la wareegtay kana koobna 21 xubnood, waxaa ka mid ahaa in sida ugu
degdegsan loo qoro afka Soomaaliga, isla markaana uu noqdo afka rasmiga ah ee
dalka iyo kan waxbarashada.Waxa ay magacaabeen guddi cusub oo tiradoodu
le`egtahay tii golahooda(kow iyo labaatan), oo ay u xilsaareen arrimaha afka
Soomaaliga.
Guddigaas waxaa amar lagu siiyey oo kaliya in ay:
-
Darsaan qoraanna naxwaha afka Soomaaliga.
-
In ay Af-Soomaali ku diyaariyaan manhajka waxbarashada
dugsiyada hoose.
-
In ay qoraan qaamuus(dictionary) Af-Soomaali ah oo ka
kooban toban kun oo erey.
Xilka guddiga cusub kama mid ahayn, in ay iyagu soo doortaan
xuruufta lagu qori doono afka Soomaaliga, waxaana loo sheegay in doorashada
xuruuftu ay tahay go`aan siyaasi ah.
Guddoomiyaha guddiga waxaa loo magacaabay, mudane Axmed Cali
Abokor, oo waayo dambe noqday guddoomiyihii akadamiyadii cilmiga iyo dhaqanka.
Axmed waxa weeye ninka qoray kutubka lagu magacaabo, ”Suugaanta Geela”,
laguna daabacay machadka Afrika ee waddamada Iskaandinaafiyanka(Scandinavian
institute of African studies) ee magaalada Uppsala ee dalka Sweden. Axmed Cali
Abokor iyo Guddiga cusubi waxa ay u dhugmo lahayeen, khaladaadkii ay ugu weyneyd
go´aan qaadsha la`aanta qoridda afka Soomaaliga ee dawladihii ka horreeyey tan
askarta. Guddigaasi waxa ay soo saareen warbixin ay ku caddaynayeen, in afka
Soomaaligu ku dhex dhacay loolan siyaasi ah oo ka dhexeeyey goleyaashii
baarlamanka iyo dawladda, kaalinta dadweynaha Soomaaliyeedna ay ka badin weydey
dhexdhexaadinta labadaas gole oo uu ku hungoobey. Guddigii cusbaa waxay muddo
saddex bilood ah, kaga soo dhalaaleen dhammaanba qoraaladii loo diray,waxayna ku
diyaariyeen Af-Soomaali ku qoran xuruufta laatiinta. Inkasta oo aan loo
xilsaarin go`aan qaadashada farta lagu qori doono afka, haddana tallaabadan ay
ku dhaqaaqeen waxay muujinaysey, in guddiga intiisa badani ay raacsanaayeen
talooyinkii ay soo gudbiyeen guddiyadii iyaga ka horreeyey, ee ahaa in afka
Soomaliga lagu qoro xuruufta farta laatiinta
Guddigu intii uu hawshiisa watay, taliyayaashii askarta ahaa
ee xukunka boobay markasta isha ayay ku hayeen guddigu hawshiisa hadba halka uu
marinayey, waxaana la dareemayey, in askarta ay meel uga kir kirantahay xuruufta
lagu qori doono afka Soomaaligu midda ay noqon doonto.
Bishii oktoobar 21-keedii 1972-kii (sannad guuradii saddexaad
ee afgambigii ciidamada), ayaa sarreeye gaas Maxamed Siyaad Barre oo ahaa
guddoomiyihii askartii wax afgambidey (the chairman of the S.R.C), waxa uu
shaaca ka qaaday in maalintaas wixii ka dambeeyey afka Soomaaliga loo doortay in
uu noqdo afka rasmiga ah ee Soomaaliya, isla markaas go`aan lagu gaaray in
xuruufta laatiinta ee uu qoray Shire Jaamac Axmed loo doortay in ay noqoto tan
lagu qori doono afka Soomaliga. Go`aankan ay askartu qaadatay ma ahayn wax cusub,
balse waxa ay ahayd taladii go`aan qaadashada weydey ee ay dawladdihii rayidka
ahaa ee la afgambiyey, ay u soo jeediyeen gudiggii kan ka horreeyey ee uu
guddoomiyaha ka ahaa alla ha u naxariistee Muuse Xaji Ismaaciil Galaal. Si
kastaba ha ahaatee Go`aan qaadashadaasi waxa ay noqotay mid taariikhda gashay oo
aan la illaawi doonin. Sababtoo ah afka Soomaaligu waxa uu ku sugnaa xaalad adag
oo u hagi kartey in uusan muddo dheer qormin.
Afka Soomaaliga oo aan qormin waxa ay dhaxalsiin lahayd dadka
Soomaalida aayo xumo weyn, iyo in ay noqoto ummad u martiya qarankooda dhinac
kastaba, gaar ahaanna dhinacyada dhaqanka, dhaqaalaha, maamulka dawliga ah iyo
waxbarashadaba.
Ii dhehdii kacaankii ciidamada, iyo saamayntii ay ku yeelatay
afka Soomaaliga:
”Maxay qabatay tawraddu”, wuxuu ahaa barnaamij ii dheh ah
oo uu afgambigii askartu la kawsaday. Waxyaalahi ugu horreeyey faanka joogtada
ahna u noqotay kacaanka waxaa ka mid ahaa, qoritaanka afka Soomaaliga. Mid hadal
kama taagna sida ay aniga ila tahay, taas oo ah go`aan qaadashadii qoritaanka
afka soomaaliga iyo rasmiyayntiisa, in ciidamadii talada dalka boobay ay ku
guulaysteen ka dib markii ay dawladihii rayidka ahaa ay ku guuldarraysteen
ammuurtaas muddadii sagaalka sannadood ahayd ee ay taliska dalka haysteen. Hasa
yeeshee marnama kama madaxbanaanaan dhinaca siyaasadihii kaligii talisnamada
ahaa ee taliskii ciidamada qalabka sida.
Waxaa iyana askarta lagu ammaani karaa, abuuritaankii
akadamiyadii cilmiga iyo dhaqanka oo noqotay hay`ad(institution) qaaya leh oo
afka Soomaaliga u noqotay bud-dhige wax ku ool ah. Hasa ahaatee siyaasadihii
xukun maroorsiga ku dhisnaa ee taliskii uu madaxda ka ahaa kaligii taliye
Maxamed Siyaad Barre, waxaa ay calaacasha oo timo ka soo baxaan ka dhigtay, in
hayaddaasi si madaxbannaan u shaqayso, iyadoo la qabtay dhammaanba hayadaha kale
ee dalka. Bilawgii hore, waxaa isugu tegey rag iyo haween tiro iyo tayaba aad u
fara badan lagana qaddariyo dalka soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen rag
badan oo ka mid ahaa guddiyadii qoritaanka afka Soomaaliga ee aan hore i soo
sheegay Alla ha u naxariistee Galaal, Keenadiid iyo Kaddare, iyo dhalin yaro xul
ah oo wax weyn ku soo kordhiyey dhinac aqooneed, qoritaan iyo suugaaneedba afka
Soomaaliga. Raggaas waxaan ka magacaabi karaa:
Alla ha u naxariistee Axmed Cartan Xaange, Maxamed Ibraahim
Warsame(Hadraawi), Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), Axmed Cali Abokor, Rashiid
Sheekh Cabdillaahi, Faarax Gammuute, Yaasiin Axmed Xaaji Nuur, Siciid Jaamac
Xuseen, Deeqa Colujoog. Nasiibdarrose muddo yar kadibba taliskii askarta iyo
hawlwadeenkii ayaa isku dhacay, kadib markii ay suuragal noqon weydey
wadashaqayntoodii. Halkaas ayay ku baabàday hay`addaasi. In kasta oo ay
akadamiyadu hawlgab ahayd muddadii damboo idil haddana marka maanta la barbar
dhigo waxay ahayd hay`ad aan albaabada laalaaban oo wuxuun qabata una tarta
horumarinta afka Soomaaliga.
Dagaalka sokeeye iyo saamaynta uu ku yeeshay afka Soomaaliga:
Dhulkii loo aqoon jirey dalka gabayada ee ay degaan dadka
gabyaayi, waxaa cardaaduuqaha ka dhigay dagaal sokeeye oo ay holciyeen askar
madax adag oo talada dalka gacan kaligii talis ah ku soo maamushay iyo jabhado
qabiileed oo ay hagayeen huggaamiyeyaal qabiil oo macangayo ahi, oo aan haba
yaraatee wax barnaamij qarameed ah oo badali kara taliskii askarta aan wadan,
iyaguna hoostaaas col ka ah. Duufaan Mooryaan, Dhul-jiif, Dayday iyo
Gaas-dhagooleyaal hubaysan ah oo yaacaya ayna hagayaan huggaamiyayaasha dhagar
qabayaal qabiilleed(tribal war lords), ayaa sida yawgii TATAARKII horeba
ilbaxnimadii adduunka u burburiyey, cagta mariyey iyaga oo aan dheg la qabto
lahayn, wixii ilbaxnimo ahaa ee soomaaliyi fac ka fac hidde iyo dhaqanba u
lahayd.
Dhammaanba hayadihii awalba liitay ee dhinacyada dhaqanka,
dhaqaalaha, ammaanka, iyo siyaasadduba waa tirtirmeen. Dhismihii dawliga ahaa
iyo dhammaanba xidhiidhadii dalka(the infrastructure) ayaa digada noqday.
Burburkan uu keenay dagaalka sokeeye waxa uu hakiyey wax alla wixii horumar ahaa
ee Af-Soomaligu ku tallabsan kari lahaa, 18 sannadood oo kaliya kadib
qoritaankiisii iyo rasmiyayntiisii iyo riditaankii taliskii kaligii tashiga ahaa
ee xakamaha adag ku noqday horumarkiisa (awrkii reeryadiisa dib u cunay). Iyadoo
kooban, waxaa la oran karaa, Soomaaliya waxa ka dhacay, waa xumihii oo samihiii
ka adkaaday, waa aqoondarradii oo aqoontii ka adkaatay iyo talo-xumidii oo talo
wanaaggii ka adkaatay.
Qabiilka lala waqdhoodhiyayo, kala googo´a danta lamooday,
deegaanka la baabìinayo, dilka iyo dhac joogtada ah ee maatada iyo dadka aan
dambiga lahayn ee la dhacyo, xasuuqayada dhacaya maalin kasta ee bani-aadminimad
ka fog, iyo qaranka qabiilka la dhaafsaday, miyeeyan ahayn xumihii iyo
aqoondarradii oo guulaystey iyo samihii iyo aqoontii oo guuldarraysatay.
Inkasta oo waxaas oo xumaan ahi ka dhex adeegeen bulshoweynta
Soomaaliyeed, haddana anigu same-odoros(optimist) ayaan ahay. Inta uu jiro afka
soomaligu, isaga isku afgaranayno, uusan ahayn mid la kala googoosan karo, una
qaybsami karin qabiilooyinka iimaanka beelay ee Soomaaliyeed, wili rajo ayay
leedahay sharafta, midnimada iyo jiritaanka ummaddeenna iyo dalkeennu. Isaga
ayaynu dib ugu wada hadli doonnaa, isku garwaaqsan doonna, dib ugu dhirin dhirin
doonnaa gefefka foosha xun ee aynu iska gallay, isugu soo hiloobi doonna, dibna
ugu hawl gali doonnaa sidii aynu isu waaciidsan lahayn, isugu nixi lahayn,
wanaagga iyo aqoontuna u jabin lahaayeen darbiyada adag ee ay ina ka dhex
samaysteen xumaanta iyo aqoon darradu.