Qoraalkan oo ah mid aan ku soo ban dhigi doono, tubtii
sooyaalka ahayd ee qoritaanka afka Soomaaliga iyo halka uu ku suganyahay
af-soomaaligu maanta iyo wiliba aayihiisa dambe, waxa aan marka hore isku
dayayaa in aan wax ka idhaahdo bal afka soomaaligu halka uu ka soo jeedo iyo
waxyaalaha u gaarka ah ee uu ku caan baxay.
Af-Soomaliga waxaa lagu tiriyaa in uu ka mid yahay, afafka
Afrikaanka iyo Aasiyaanka (Afro-asiatic branch of languages) iyo qaybta afafka
kushitiga bari (Eastern cushitic subbranch).
Sidaas darteed Af-Soomaaliga waxay meel ka soo wada jeedaan,
afafka ay ka midka yihiin Saahada iyo cafarta(saho-Afar), oo lagaga hadlo qayba
ka mid ah Eriteriya tan iyo qaybo ka mid ah Djibouti, Af-Oromada oo ah afka ugu
badan ee dalka Ethiopia lagaga hadlo iyo afaf kale oo badan oo lagaga hadlo
bariga iyo geeska Afrika.
Waxaa isna saamayn weyn ku leh Af-soomaliga, afka Carabiga
iyadoo la xaqiijiyey in Afka Soomaaligu ereyo badan ka soo amaahday afka
carabiga (20% ereyada Soomaaligu waxay ka soo jeedaan afka carabta). Saamaynta
Af-Carabiga waxaa sababay arrimo ay ka mid yihiin, xidhiidhkii dheeraa ee
ganacsiga iyo diinta ahaa ee muddada dheer ka dhexeeyey labada ummadood iyo
wiliba derisnimada.Hasa yeeshee sida ay sheegeen aqoonyahaniin fara badan oo aad
u darsay xidhiidhka labada af ka dhexeeya heerka uu taaganyahay, waxa ay si
cilmi ah u qeexeen, in qaab dhismeedka labada af yahay mid aad u kala duwan.
Xidhiidhka bulshada soomaalida iyo afkooda:
Afka Soomaaligu wuxuu ku caan baxay, in uu yahay af aan
qorayn ama af-hadaleed (oral language), ayna ku hadasho bulsho-hadaleed(oral
society). Haddaba inkasta oo la oran karo in afka Soomaaligu qorraa tan iyo
1972-dii haddana, wili waxaa inoo cad in dhaqan ahaan bulshada Soomaaliyeed ay
tahay tu hadasha. Arrintani waa mid hiddaysanaysa dhaqan xidido adag leh oo
gaamuray, isbedelkeeduna qaadanayo sida aan anigu aaminsanahay qarniyo badan.
Afkani intii uu jiray oo idilba wuxuu ku abaaday qoritaan
la`aan. Haddaba waxaa is-waydiin leh, sidee ayaa afka Soomaligu kaga soo
badbaaday mawjadihii iyo hirarkii afafka shisheeye ee dhinacyada badan kaga soo
fatahayey, ahaana kuwo xuubsiibtay oo qarniyo badan qorraa, isla markaasna lahaa
dhaqan adag oo leh xidido adag oo ay dhulka ku muteen.
Culimada afafka daristaayi, waxa ay arrintan ku sababeeyeen,
iyada oo afka Soomaaligu noqday af-hadaleed qani ah, lana soo ban baxay, suugaan
taya sare leh iyo qaab naxweed xooggan oo aan qorrayn. Waxa ay af Soomaaliga ku
tilmaameen afkii gabayga iyo suugaanta, ayna ku hadasho bulsho gabyaa ahi.
Sidaas daraadeed waxa la isku raacsanyahay, in suugaantu, gaar ahaan mansadu ay
qayb weyn ka cayaartay jiritaanka afka Soomaalida.
B.W. Andrzejewski oo ahaa caalim u bayni baxay daraasadda iyo
raadraaca afka Soomaaligu wuxuu yiri, ” Soomaalidu waxay caan ku noqotay in
ay bareeraheeda ku soo ban dhigto hab-suugaaneed leh hidde faneed oo aad u
sarreeya”…kulamada waaweyn ee farxadda iyo xaaladaha dagaalka iyo shirarka
geedka hoostiisa ee guurtidu isugu timaadaba(Traditional legeslative council),
waxay dareeriyaan tuducyo qurux badan oo maanso kala duwan iyo murti isugu jira.
Soomaalidu waxa ay dhambaalladeeda ku gudbin jirtey, gabay
ama qaab murtiyeed kale.Wiliba ku darso oo abwaan waliba sida quruxda badan ee
uu ugu luuqeeyo gabayga, ayuu ugu raaridi jirey gudaha qofka dhambaalka uu u
dhiibayo ama kan uu u dirayo, amaba horjooga ee uu markaas kula hadlayo.
Qaafiyadda gabayga ayaa iyana ahayd mid maansada Soomalidu ku caan baxday.
Gabayba gabayga uu ka qaafiyad iyo hab dhac wanaagsanyahay, ayaa ku hari jirey
xusuusta dadka.
Sidoo kale ninkii la odhan jirey Richard Burton oo ahaa
sahamiyii iyo aqoonyahankii caanka ahaa ee boqortooyadii isticmaarka ingiriisku
u dirtay ge