Afafka shisheeyuhu saamaynta ay ku yeesheen qoritaanka
Af-Soomaaliga:
Sida aan kor ku soo xusayba Af-Soomaaligu waxa uu ka soo
badbaaday hirar afaf shisheeye ah oo dhinacyo badan kaga soo butaacay. Afkeennu
waxa uu karti u yeeshay in uu jiritankiisa sugu isaga oo aan qorrayn. Tan iyo
waayadii faraacinada oo afkoodu ahaa kii ugu horreeyey ee la qoro (waxaan u
jeedaa fartii ugu horreeysey wax aadamuhu qoro ee loo yiqiin heeroogalaafiks-ka),
dadka soomaalidu waxa ay xiriir la lahaayeen umado fara badan, xag ganacsi,
dhaqan iyo diineedba. Qaar kalena waxa ay isku dayeen in ay dhulkooda qabsadaan.
Marka laga soo bilaabo tan iyo sannadkii 1506-dii markaasoo lix kun(6000) oo
ciidan warmooley Bortuqiis ahi ka soo dageen xeebta Baraawe, afka soomaalidu
waxa uu ku sugnaa cadaadis kaga yimid debedda oo isagu u heelanaa, in uu gabi
ahaanba tirtiro. Carabta ayaa iyana islaamka ka hor iyo ka dibba xidhiidh
joogtaysan la lahayd Soomaalida iyo afkeedaba.Qarnigii 18-aad dabayaaqadiisiina,
dawladaha reer yurub iyo boqortooyadii xabashida, ayaa dhulka Soomaalida xubin
xubin u qaybsaday iyaga oo aan cidina kala tashan kana war haynin.
”Si kastaba ha u dhacdee, soomaalidu marna isma dhiibin, si
buuxdana waa loo qabsan kari waayey. Ragga taariikhda qoraayi waxa ay
xaqiijiyeen, in dawladaha reer yurub (Ingiriiska, Talyaaniga, iyo Faransiisku),
aanay marna si buuxda gacanta ugu dhigin dhulka soomaalida, marka loo
eego sidii ka dhacday dhulalkii kale ee ay addoonsanayeen”, sidaas waxa ku
qoray David. D. Laitin, buugiisa la magacbaxay (politics, language and
thought-The Somali Experience)…Haddii reer yurub ay suurtagal u noqon
lahayd, in ay Soomaalida si wacan u qabsaan, isbedel ijtimaaci ah oo ballaaran
ku samayn lahaayeen, sinaba afka soomaaliga ee aan qorrayni ayuu sii
raaciyey David. D. Laitin, ugama badbaadeen in uu suulo”
Tan iyo intii ay bilaabantay faragalinta dhinaca afka iyo
dhaqanka ee carabta iyo reer yurub, afafka Carabiga, Ingiriiska, Talyaaniga iyo
Faransiisku, waxa ay ku tartamayeen fagaaraha, si ay u noqdaan afka rasmiga ah
ee dhulalkii qaybsanaa ee soomaalida.
Dood qarameeddii qoritaanka afka Soomaaliga:
Farta carabiga, tan laatiinta iyo Cusmmaaniyadii ayaa ahaa,
kuwii laga doodayey, in lagu qoro afka Soomaaliga waagii dooddii qaranaku ee
oritaanka afka hooyo ay socotey, taas oo soo taxnayd muddo lagu qiyaasay 50
sannadood, wakhtigii gumaysiga ka hor iyo ka dibba. Kacaankii dhaqameed ee Sh.
Yuusuf Bin Axmed Al-kowneyn ayaa ahaa, kii ugu horreeyey ee isku dayey
higaadinta afka Soomaaliga. Kolkaas waxaynu oran karraaba, Sh. Yuusuf ayaa ugu
horreeyey wax isku daya in uu qoro afka Soomaaliga.
Sh.Yuusuf Bin Axmed Al-Kawneyn oo Soomaalidu u taqaanno
Shiikh Barkhadle, waxa uu ahaa, wadaad isku waday ganacsi iyo fidinta diinta
Islaamka, kana soo degey xeebaha badda cas ee waqooyiga Soomaaliya (mar waxa la
leeyahay Saylac, marna Bulla-xaar). Shiikhu, wuxuu aad isugu taxalujiyey, in uu
dadka Soomaalida baro diinta Islaamka, hasa yeeshee kolkii ay aad iyo aad ugu
adkaatay, in uu afka carabiga dadka wax ku baro ayuu hindisey, farta iyo
higaadda loo yaqaan ”alif la kordhebey”, taas oo tan iyo maanta
noqotay habka Soomaalidu ay quraanka ku barato.
Sida uu qoray David. D. Laitin oo ah boroofeesar wax ka dhiga
jaamacadda ”California” ee magalada Santiago ee dalka maraykanka, ”Sh.
Yuusuf waxa uu ahaa ninkii ugu horreeyey ee sida cilmiga ah u darsey
luuqadda afka Soomaaliga ah, wuxuuna gartay in xagga dhawaaqa iyo
shaqalada ay aad ugu kala duwanyihiin afka carabiga iyo Soomaaligu, sidaas
awgeed waxa uu darsey bartayna afka soomaaliga dhawaaqiisa(phonology), iyo hab
dhaca shaqaladiisa(vowels), si ay ugu sahlanaato habaynta higaadda afka
Soomaaliga iyo qoriddoodu”. Taasna Shiikhu waa uu ku guulaystey waxaana ku
aflaxay malaayiin soomaali ah.
Boroofesor David Laitin waxa kale oo uu aaminsanyahay in afka
Soomaaligu uu qani ka yahay dhinaca shaqalada, halka uu af-carbeedku dhinacaas
ka fakhrisanyahay afka Soomaalida. Arrintan dad badan oo darsa una kuurgala
afafka ayna tahayba xirfadooda ayaa la qaba boroofesor David D. Laitin.
Broofeserku waxa kale oo uu badhitaankiisa ku caddeeyey, in haddii laga saaro
xarfaha shaqalka ah ereyada af-soomaaliga, uu macnaha luminayo, halka erayga
af-carabigu uu macnahiissa haysanayo.
Sannadkii 1887-dii, ayaa dhamme (captain) J. S. King oo ka
tirsanaa ciidamadii Ingiriiska ee mustacmarraddii Hindiya joogay, waxa uu ku
qoray laba maqaal oo ka hadlaya afka Soomaalida iyo qoritaankiisa, wargayskii la
oran jirey ”The Indian Atiquary”. Ninkaasi waxa uu soo jeediyey hindise
oranaya in qoritaanka af-Soomaaliga lagu badbaadiyo xuruufta farta carabiga oo
lagu qasay tan Hintustaaniga, waayo ayuu yiri si ay xagga odhaahda(phonetics)
iyo shaqalada(Vowels) ay isaga kaashadaan.
Alla ha u naxariistee aqoonyahankii dhinaca afka iyo
abwaankii weynaa Muuse xaaji Ismaaciil Galaal ayaa soo bandhigay bareere kaas ka
duwan. Muuse waxa uu aaminsanaa in afka Soomaaligu u baahanyahay in lagu qoro
farta laatiinta(latin), sababtoo ah xagga shaqalada iyo odhaahdaba si ka
wanaagsan kana fudud kuwa carabiga iyo hindida ayaa loogu habayn karaa looguna
qori karaa. Wakhtigaas ka hor, abaarta sannadkii 1920-kii, ayaa dhallinyaro
wadaniyiin ahi ay dareemeen in ay u baahanyihiin far u gaar ah oo lagu qoro
afkooda gaarka ah, inta aan la gaarin xorriyadda ay u ahlgamayaan, oo ay
aminsanaayeen in mar uun la gaari doono. Isla sannadkii 1920-kii ayaa alla ha u
naxariistee, Cusmaan Yuusuf qoray farta Cusmaaniyada oo isaga lagu magacaabay.
Sida aan ka daalacday kutub fara badan oo gaaliyo islaamba qoreen, Cusmaan,
isaga oo far carabi afka soomaliga ugu qoraya qoyskiisa, goor galab ah oo uu
tukaday salaadda maqrib, ayuu is-waydiiyey, ”War horta Soomaali baad
tahay, afkaaguna waa Af-soomaali, haddaba maxaad ugu qori waydey afkaaga xuruuf
ugaar”ah. Sidaas ayuuna ku qoray farta markii dambe la magac baxday ”Cusmaaniya”.
Muddo ka dibna waxaa iska soo daba baxay dhawr farood oo ay
qoreen rag Soomaali ahi, iyagoo ka shiidaal qaadanaya, darsayana meelaha ay
fartaasi ka liidato. Sannadkii 1933-kii ayaa ilaahay naxariistii janno ha ka
waraabiyee, waxaa isna dadaal aad u weyn sameeyey Sheekh Cabdiraxmaan Sh. Nuur
oo ahaa reer Boorame. Sheekhu waxa uu qoray far cusub oo Soomaali ah.Sheekha oo
ku tubmaray wadadii alla ha u naxariistee aabihiis Sheekh Nuur, waxa uu ahaa
macallin ka shaqeeya, gobolkii Ingiriisku haystay (British Somaliland).Waxa kale
oo uu ka noqday degmada boorame qaadigii (the judge) magaalada Boorame, kadibna
waxaaba uu noqday qaadigii goboladii waqooyi ee ingiriisku haystey oo dhan.
Sannadkii 1952-dii ayaa Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare), oo
ahaa reer Banaadir, waxa uu isna soo saaray far cusub oo Soomaaliyeed. Guddigii
farsamada ee loo saaray qiimaynta faraha Soomaalidu qortay, waxa ay isku raaceen,
in farta Kaddare ay tahay tan ugu macquulsan uguna horumarsan.
Sannadkii 1966-kii, hayadda jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa
ugu qaabilsan arrimaha waxbarashada, dhaqanka iyo cilmigu(UNESCO), waxa ay
qiimaysay ilaa iyo toban(10) farood oo kala duwan oo ay qoreen dad Soomaaliyeed.
Sannadkii 1955-kii ayaa waxaa muqdisho ka dhacay shir lagaga wada hadlayey
qoritaanka afka Soomaaliga. Shirkaas ayaa lagu magacabay guddi soo darsa sidii
loo qori lahaa afka Soomaaliga iyo fartii lagu qori lahaa. Gudigani wuxuu ahaa,
kii ugu horreeyey ee noociisan oo kale ah, waxaana uu la magac baxay ”kulanka
afka Soomaaliga”. Arrimihii ay ahayd in uu ka soo baraandego waxaa ka mid ahaa:
In uu doorto mid ka mid ah faraha soo baxay in lagu qoro afka
Soomaaliga inta aan xorriyadda la qaadan sannadka 1960. Hasa yeeshee, nasiib
darro waxa labadii gobol ee Ingiriiska iyo Talyaanigu haysteen ay xoroobeen,
iyada oo aan wili la qorin wax go`aan ahna uusan gudigaasi ka gaarin arrimihii
loo xil saaray. 1-dii Luuliyo 1960-kii ayaa labadaas gobol midoobeen, waxaana ay
wada sameeyeen Jamhuriyaddii Soomaaliyeed. Dhibaato weyn ayaana soo food saartay
dawladdii curdinka ahayd ee Soomaaliyeed. Shaqaalihii maamulka ee gobolada
waqooyi oo afka Ingiriisiga ku shaqaynayey, waxa ay u ambabaxeen Caasumaddii
cusbayd ee Muqdisho ee dhinaca koonfureed ee dalkeenna, halkaas oo maamulku ku
shaqaynayey afka Talyaaniga. Arrintani waxa ay la soo ban baxday, fawdadii laga
cabsida qabey ee dhinaca maamuulka dawladda iyo sidii uu isu af garan lahaa. Si
dhibaatadaas looga baxana waxaa lagama maarmaan noqotay, in soomaalidu yeelato
af maamuleed ka wada dhaxeeya, oo ay giddigood isku af garan karaan. Kan qura ee
khaanaddaas bannaan buuxin karaana waxa uu ahaa, afka Soomaliga oo la qoro
noqdana, dhammanba afka maamulka, dhaqanka iyo wax barashada dugsiyada hoose iyo
dhexe marka duruuftu ogolaato.
Arrintaasi waxa ay noqotay mid xal deg deg ah laga gaadhi
waayey, halkii taas xoogga la saari lahaana, waxa ay dawladdii yarayd degreeto
ku soo saartay in afka Ingiriisigu noqdo kan maamulka iyo waxbarashada dugsiyada
hoose iyo sare, inta heshiis laga gaarayo doorashada fartii lagu qori lahaa afka
Soomaaliga.
Wakhtigii ay socotey dooddii qaranka ee qoridda afka
Soomaaliga, dhinacyo kala duwan ayaa laga eegay farihii kala duwanaa ee tartanka
ugu jiray in lagu qoro far Soomaaliga. Far waliba dhinac ayay ku wanaagsanayd.
Dhinaca farsamada iyo fudaydka waxaa ku fiicnayd farta laatiinaka, dhinaca
diintana waxaa lagu soo caana maalay farta carabida, dhinaca siyaasaddana fartii
Cusmaaniyada. Xukuumadihii gumaysigu gaar ahaan Talyaaniga oo ahayd dawladdii
jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaayi ay Somaaliya in ay u diyaariso xorriyadda
sanadka 1960-ka, waxa ay mudnaanta koowaad siisay far carabida iyo laatiinta,
hasa yeeshee marnaba ma rabin far soomaali u gaar ah oo la qoro.
Istraatiijiyadda kama dambaysta ahina waxa ay ahayd, in afka Soomaaliga lagu
qoro farta laatiinta.
Xisbigii S.Y. L. Oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu
awoodda weyna ee u soo halgamay xorriyadda Soomaaliya, waxa uu isna is hor
dhigay, in farta Soomaaliga la qoro inta an xorriyadda la gaarin. Farta
Cusmaaniyada ayaa ahayd farta uu xisbigu ku shaqeeyo, waxaana uu is hordhigay
barnaamij cad oo uu rabay in uu ku meel mariyo kaga rumaynta qoritaanka afka
Soomaaliga. Alla ha u naxariistee, Yaasiin Cusmaan Yuusuf Keenadiid oo ahaa
wiilkii cusmaan Yuusuf ee qoray farta Cusmaaniyada, ayaa xisbigu hormood uga
dhigay, barnaamijkii afka Soomaaliga ee S.Y.L-sha. Qodobo ka mid ah
barnaamijkaas ayaa ahaa kuwan hoos ku qoran:
-
1-In la darso dibna loo habeeyo farta Soomaalida.
-
2-In dhammaanba xiriirada bulshada ee ijtimaaciga ah, lagu
isticmaalo afka Soomaaliga.
-
3-In la baadi doono lana ururiyo wax alla wixii kutubbo ah,
ee laga qoray af Soomaaliga iyo Soomaalida, kadibna dib loo darso lana daabaco.
-
4-In kutubta qaayaha leh ee ajnabiga ee waxtarka ah loo
tarjumo af-Soomaali.
-
5-In loo isticmaalo af-Soomaaliga af-dhaqameedka wax lagu
barto.
-
6-In loo daabaco lana dhiirri galiyo cid kasto oo af-Soomaali
wax ku qorta ama rabta in ay ku qorto.
Aamusnaan weyn ayaa waxa ay dhacday sannadihii ay soo
dhawaatey gobanibadu, gaar ahaanna wakhtigii maxmiyadda(the trusteeship period).
Markii la ogaaday in gumaystayaashii aanay rabin in Af-soomaaliga la qoro
gobanibada ka hor, si afafkoodu aanay u lumin khaanadda ay ka gali doonaan
dhinac kastaba nolosha bulshada Soomaaliyeed, amaba inta Af-Ingiriisiga ama
Talyaanigu ka noqonayaan, afka rasmiga ah ee qaranka Soomaalida xorta ah.
Haddaba rag badan oo Soomaaliyeed iyo xisbiyadii S.Y.L, S.N.L, iyo U.S.P. oo
iyagu ololihii gobaniba doonka hormood ka ahaa, oo dhinaca baadigoobka
qoritaanka afka Soomaaliga ugu firfircoonaa, ayaa yara hakiyey sahankoodii.
Arrintanna waxa sabab u ahayd, si aan haba yaraatee aan wakhtigii loo ballamay
in gobanibada la qaato, wax hakad iyo mar marsiinyo ahiba u galin, waxayna
hormoodkii gobanima doonku is-tusaaleeyeen, in kolka ay xorriyaddooda gacanta ku
dhigaan, ay si buuxda ugu madax bannaan doonaan , qoritaanka afkooda hooyo.
Sannakii 1960-kii kolkii soomaalidu ay dhisatay dawladdii ugu
horraysey ee xor ah, ayaa dawladdaasi markiiba la soo ban-baxday, barnaamijyo
iyo hindisayaal cusub oo lagu baadi goobayo, qoritaanka afka Soomaliga.
Ammuurtaas xilkeeda waxaa dusha lag saaray wasaraddii waxbarashada iyo
barbaarinta. Bishii oktoobar 1960-kii, ayaa wasiirkii wasaaradda waxbarashadu
alla ha u naxariistee Cali Garaad Jaamac, waxa uu magacaabay, guddi cusub oo
sagaal xubnood ka kooban, uuna guddoomiye u yahay Muuse Xaaji Ismaciil Galaal.
Inkasta oo uu Cali Garaad ka mid ahaa qolyihii iyagu u ololaynayey, in farta
Af-Soomaaliga lagu qoro xuruufta carabiga, haddana sida uu u magacaabay
guddigaasi, waxa ay ahayd qaab sharciya oo isu dheelli tirayey, kooxaha u
doodaya faraha kala duwan ee farihii fagaaraha ku loollaamayey.Sida(the
criteria), guddigaas lagu dooranayeyna, waxa ay ahayd sidatan hoos ku qoran:
-
Aqoonta ay u leeyihiin afafka iyo faraha.
-
In ay ka kala yimaadaan lahjadaha kala duwan ee ay
Soomaalidu ku hadasho.
-
iyo in la tixgaliyo kooxaha kala duwan oo u kala ololaynaya
faraha kal duwan, sida Laatinta, Cusmaaniyada iyo cCarabida. Raggaas waxaa ka
tirsanaa:
-
1Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal iyo Shire Jaamac Axmed(ka
socdey dhinaca laatiinta)
-
Yaasiin Cusmaan Keenadiid iyo Cusmaan Sheekh Axmed
Kaddare(dhinacaFaraha Soomaalida yu gaarka ah)
-
Ibraahim Xaashi Maxamed(oo dhinaca farta Carbida u taagnaa).’
Arrinta ugu door roonayd ee guddiga hortiilley, waxa ay ahayd,
in ay go`aan ka soo saaraan, farta ugu mudan in lagu qoro afka Soomaaliga,
iyadoo laga eegayo dhinac kasta oo ku taxuluqda qoritaanka afka hooyo.
Gudigu waxa ay xusheen ugu yaraan sagaal farood oo Soomaaliyi
qortay, si ay u daarsaan ugana soo saaran farta ugu dhaw in af soomaliga lagu
qoro. Waxaa la hordhigay guddiga, todoba iyo toban siyaalood oo ay ku kala
xushaan farahaas (seventeen criteria). Shan iyo toban ka mid ah totoba iyo
tobankaas xulasho, waxa ay ahaayeen kuwo farsamo sida:
-
dhawaaqa codka(the phonetic).
-
Fudaydka xuruufta(the simplicity of letters).
-
Dhaliilka xuruufta (the diacritics of letters)
-
Calaamadaha dhowr shaqooyin qaban kara(Signs which has more
than one function).
-
Haddii ay jiraan xuruuf isu dhaw oo aan la kala caddyn
karin dhigmadooda(If there is letters which are difficult to distinquish).
-
Makiinadaha wax lagu garaaco(type writters), iyo fudaydka
helitaankooda(the printing machines and their availability.
-
Arrimaha dhinaca dhaqaalaha(economic aspects), iwm.
Gudigu waxa ay warbixintoodii u gudbiyeen, wasiirkii
waxbarashada, mudane Cali Garaad Jaamac. Kadibna inta uu dusha kaga qoray, ”waa
sir culus” (Highly convidential), ayuu ku xereeyey kaydka nuqulka ee
wasaaradda waxbarashada.
Sannadkii 1963-dii ayaa wasiirkii cusbaa ee wasaaradda wax
barashadu mudane Yuusuf Ismaaciil Samatar, isaga oo raadiyaha ka hadlaya, waxa
uu ummadda soomaaliyeed u sheegay, sida ay lagama maarmaanka u tahay in go`aan
laga gaaro arrinta Af-Soomaaliga iyo qoritaankiisa. Maqaallo ku saabsan afka
Soomaaliga iyo qoritaankiisa ayaa ku soo burqaday, wargeysyadii afafka ajnabiga
lagu qori jirey ee ka soo bixi jirey dalka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Warka
Soomaalida(Somali news),Dalka, oo lagu daabici jirey afka
Ingiriisiga, iyo Corriere della Somalia oo af Talyaani lagu
daabici jirey.iwm.
Sannadkii 1966, raiisal-wasaarihii cusbaa ee Soomaaliya
mudane Cabdi-risaaq Xaaji Xuseen, ayaa markii jagadaas loo doortayba, ayaa
wasiirkii cusbaa ee wasaaraada waxbarashada mudane Axmed Yuusuf Keenadiid, waxa
uu u gudbiyey hindise ah, in wasaaradiisu martiqaad u fidiso, guddi ah rag ku
xeel dheer aqoonta afafka, oo ka socda hay-adda UNESCO. Arrintaas wasaaraddu waa
ay fulisay, waxaana bishii Maarso 1966-kii gagida dayuuradaha ee magaalada
Muqdisho ka soo degey aqoonyahanno ay ka mid yihiin:
1-B.W.Andrzejeswski, 2-S. Streleyn iyo 3-J.
Tubiana.
Markii guddigu Xamar yimidba, waxaa ka hor yimid mudaharaadyo
aad u culus, oo ay soo abaabuleen, kooxo ka mid ahaa qolyahii u ololaynayey in
farta Af-Soomaaliga lagu qoro xuruufta carabida. Maalintaas rag fara badan oo uu
ka mid ahaa ganacsade caan ahaa, mudane Hagi Dirie, ayaa xabsiga loo taxaabay.
Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal, ayaa guddigii ka socdey UNESCO
isagoo ku hadlayey codka aqoonyahaanada Soomaaliyeed, waraaq dheer oo ay ku
qorayd, bareere oranaya in la qaato laguna qoro afka Soomaaliaga farta laatiinta
ee uu qoray Shire Jaamac Axmed oo ka mid ahaa dadkii dagaalka sokeeye ka bara
kacay kuna geeriyooday magaalada Stockholm ee dalka Sweden, sannadkii 2000.
Nasiib darrose, dawladihii rayidka ahaa ee kala dambeeyey ee dimoqoraadiyadda
reer galbeedka ku dhaqmi jirey, wax go`aan ah way la soo banbixi kari waayeen.
Sababtuna waxa ay ahayd, baarlamaannadii Soomaaliya ee xilligaas, oo u badnaa
rag u xaglinayey dhinaca far carbeedka iyo guddiyadii ay dawladdu u saartay in
ay ka soo baaran degaan xuruufta ku habboon in af Soomaaliga lagu qoro, oo iyagu
qaatay in xuruufta laatiinta lagu qoro afka Soomaaliga, ayaa mar walba is-hardiyayey.
Taas macnaheedu waxa weeye iyadoo ay hayaddii fulinta(dawladda), iyo hayaddii
sharcidajintu(barrlamaanka) ay isku khilaafsanaayeen arrinta.