Febraayo 23, 2004
Maxaa muhiim u ah sameynta shirkad
ganacsi?
[Qaybtii 3aad)
Cabdirisaq Maxamed Xuseen
University of Gavle- Sweden
habdirisak@hotmail.com
Qaybta 1aad |
2aad | 3aad
Maalgelinta shirkadda
Si aad u dhaqan gelisid fikirkaagii ganacsi, waa inaad haysataa dhaqaale
kugu filan.Cadadka lacagta maalgelinta ah ee aad u baahan tahay waxaa ay ku
xidhan tahay hadba qaabka aad dooneysid inaad shirkada u bilowdid. Tusaale
ahaan wey kala duwan yihiin dhaqaalaha aad u baahan tahay, haddii aad
dooneysid inaad badeecadaada si talaabo-talaabo ah u iibgeysid iyo haddii
aad dooneysid inaad weerar balaaran oo xaga suuqa ah aad qaadid. Arintan
dame waxaa ay u baahan tahay dhaqaale ka badan midda hore. Waxyaalaha
lagama maarmaanka ah ee aad bilowga hore u baahan tahay waxaa ka mid ah:
xafiis, ama meel dhismo ah oo saldhig kuu ah, computer, telefon iwm.
Badanaaba shirkadaha( haba ugu badnaadeene wadamada horey u maray) bilaha
hore wax lacag ah oo ku soo gelayaa ma aaney jiraan. Maxaa yeelay
baddeecadii waxaa ay u badan tahay in deyn lagaaga qaato, layskuna raaco in
soddon( 30 days) ayaamood lagu bixiyo. Taas macnaheedu waxaa weeyaan in ay
shirkadaadu diyaar u noqoto iney bixiso lacago badan inta aaney iyadda wax
lacag ahi soo gelin.
Lacagaha ugu horeeya ee shirkada lagu maal gelinaayo, waa inaad ka fekertaa
sidii lagu soo xero gelin lahaa. Ma hanti adigu aad leedahay ayaad
isticmaaleysaa( own capital) mise waad soo deysaneysaa? Arintaas goàankeeda
waxaa laga rabaa inuu si fiican uga fiirsado qofka shirkada sameynaayo.
Haddii aadan aqoon dheeraad ah u lahayn siyaabaha kala duwan ee shirkad
lagu maalgelin karo, waa inaad la tashataa qof arimahaas aqoon dheeraad ah
u leh. Lacagta aad u baahan tahay wajiga hore ee shirkada waxaa loo kala
qaybiyaa laba nooc. Tan hore waa lacagta lagu maalgelinayo waxyaalaha
joogtada ah sida ijaarka, komputerka, taleefonka, iidhehda iwm. Tan
labaadna waa lacagta aad ugu baahan tahay fulinta howl maalmeedka shirkada.
Sida soo iibinta qalabkii aad u isticmaali lahayd wax soo saarka shirkada
(raw materials), baaburka aad shirkada ugu shaqeyneysid iyo waxii la
halmaalo. Lacagahan labada qaybood ah ee aan kor ku soo sheegnay waa kuwo
lagama maarmaan ah oo loo baahan yahay si shirkadu u saan qaado.
Wadankee ayaad ka bilaabeysaa shirkadaada?
Wadamada kala duwan ee aduunku waxaa ay ku dhaqmaan sharciyo kala duwan oo
xagga ganacsiga ah. Sidaas darteed qofka shirkadda aasaasayo waxaa laga
doonayaa inuu si fiican u fahmo sharciyada ganacsiga ee u degsan wadanka
shirkadda laga bilaabayo. Sharciyada la doonayo inaad ogaatid waxaa ugu
muhiimsan kuwa cashuuraha. Maxaa yeelay habka cashuuruhu saameyn weyn buu
ku yeelanayaa dhaqaalaha shirkadaada ugubka ah. Cashuurta lagaa qaadayo
waxaa ay ku xiran tahay hadba qaab shirkadeedka aad doorato. Qaab
shirkadeed waxaa loola jeedaa, qaabka mulkiyada shirkadu ay tahay. Tusaale
ahaan waa kala duwan yihiin sharciyada lagula dhaqmo shirkada uu hal qof
leeyahay iyo tan ay dhowr qof wadaagaan. Waxaa muhiim ah inaad si wacan u
dhex gashid oo aad baaritaan ku sameysid noocyada kala duwan ee qaab
shirkadeedyada wadanka aad ku nooshahay ka jira.
Shirkadda hadii ay magacaaga ku qoran tahay, waxaa shirkada lagala mid
dhigaa qofka iska leh. Taasi waxaa ay keentaa in haddii shirkadu kacdo ay
saameyn xoog leh ku yeelan doonto dhaqaalahaaga gaarka ah. Sida gurigaaga,
baabuur, beer iyo waxii kale ee aad leedahay. Halka haddii la haanshaha
shirkadu ku saleysan yahay nidaam saamiyadeed aanu saameyn dhaqaale qofka
ku yelaan karin , waa hadii shirkadu khasaarto. Taas macnaheedu waxaa
weeyaan, waxaa khasaarayo shirkadii oo kali ah. Hantidaadii gaarka ahayd
sida guri, baabur iwm way kuu badbaadayaan. Habkani waa hab shirkadeedka
ugu badan ee laga isticmaalo wadamada reer galbeedka, waana qaabka ugu
qasaaraha yar haddii shirkadu kacdo( khasaarto).
Gebagebo
Taxanaha maqaalkan aan ugu magac daray “Maxaa muhuum u ah sameynta shirkad
ganacsi”, waxaa aan uga gol lahaa inaan wacyi geliyo dadka soomaaliyeed ee
doonayo iney shirkad sameeyaan. Dadkaasoo aan dhamaantood fursad u helin
iney bartaan cilmiga ganacsiga. Waxyaalaha aan ka soo hadalayna waa arimo
aad muhiim u ah, gaar ahaan bilowga hore ee shirkadda. Qofkii doonaayo inuu
shirkad sameeyo, islamarkaasna raaca waxyaalaha aynu kasoo hadalay, waxaa
ay aad ugu badan tahay inuu ganacsigiisa ka guul gaaro. Waxaan kaloo
jeclahay inaan xuso inaaney ii suurto gelin inaan ka hadlo waxyaalaha
shirkad muhiim u ah oo dhan. Taasina ay u baahan tahay in buug laga qoro,
balse aan lagu soo koobi karin dhowr maqaal oo gaagaaban. Waxaan wax ka
qoray intii allaha awooda lihi iga haleelsiiyey. Haddii hal qof oo soomali
ah uu ka faaìideystey qoraaladaas, ujeedadii aan lahaa qayb weyn oo ka mid
ah waa la gaarey. Waxaan dhamaan dadka soomaaliyeed ku dhiiri gelinayaa
iney ka faaìideystaan wakhtigooda qaaliga ah. Gaar ahaan ay ku dadaalaan
sidii ay uga faaìdeysan lahaayeen alaalada “Internetka”. Waxaa la hubaa
haddii aaladaas loo isticmaalo si wanaagsan in waxbadan laga baran karo.
Waxaan kaloo rajeynayaa in maqaaladan aan qoray ay ku dhiiri geliyaan
aqoonyahanada kale ee soomaliyeed iney dadkooda u faaìideeyaan. Taxanihii
maqaaladana intaas ayuu ku eg yahay. Waxaan ku kulmi doonaa maqaalo kale oo
ganacsi/dhaqaale- inshaa allah.
Mahadsanidin
Kulaabo Qaybtii 2aad
Cabdirisaq Maxamed Xuseen
University of Gavle- Sweden
habdirisak@hotmail.com
Qaybta 1aad |
2aad | 3aad
QORAALADII HORE EE CABDIRISAAQ
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 23, 2004
Maxaa Keenay Hoos u Dhaca Dollarka Mareykanka?
Maxkamadda Sare Ee Kanada oo Xukuntay
in Edbinta Caruurta Loo isticmali Karo Xoog
Macquul ah
Guji..
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|