Feb 11, 2004
Maxaa Muhiim u ah Sameynta Shirkad Ganacsi?
Qeybtii labaad
Cabdirisaq Maxamed Xuseen
University of Gavle- Sweden
habdirisak@hotmail.com
Qaybta 1aad |
2aad | 3aad
Qeybtii Koowaad
ee maqaalkan waxaan kaga soo hadalay waxyaalo ay ka mid ahaayeen: Ugu horeyn
bal in qofka shirkadda sameynayaa uu isagu baaritaan isku sameeyo, taas oo
looga gol leeyahay inaad ogaatid qof ahaan inaad tahay mid shirkad
waditaankeeda ku haboon iyo in kale. Waxaan kaloo aan ka hadalay in qofka
shirkadda sameynayaa uu aad uga fekero waxyaalaha uu suuqa keenayo.Qormadan
cusubna waxaan kaga hadli doonaa waxyaalo kale oo lagama maarmaan u ah
sameynta shirkad ganacsi.
Sameynta baaritaan suuqeed ( market research )
Inta aadan sheyga aad iibgeyneysid keenin suuqa, waxaa lagama maarmaan ah in
la sameeyo baaritaan suuqeed ( market research). Baaritaankaasi waxaa uu ugu
horeyn kaa caawinayaa inaad ogaatid baahida loo qabo sheyga aad suuqa keeni
doontid. Waxaa kale oo baaritaankaasu ku siinayaa sawir guud oo ku saabsan
suuqa, qiimaha wax lagu kala iibsado iyo weliba macaamiishaadu kuwa ay noqon
karaan. Aad ayey muhiim u tahay inaad heshid warbixin ku saabsan dadka aad
dooneysid iney macaamiishaada noqdaan iyo meelaha ay kala joogaan. Waxaa
kaloo lagaa rabaa inaad ogaatid qiimaha ay macaamiishaasu diyaarka u yihiin
iney ku iibsadaan sheyga aad suuqa keeni doontid. Baaritaankaas suuqeed,
waxyaalaha kale ee uu ku siin karo waxaa ka mid ah: Waxyaalaha ay macaamiisha
shirkadaha alaabtaada oo kale iibiyaa aaney ku qanacsaneyn, iyo weliba sida
ay jeclaan lahaayeen in alaabtaasi noqoto.
Tusaale ahaan waxaad rabtaa inaad furtid shirkad tigidhada diyaaradaha iibisa,
inta aadan bilaabin shirkada waxaad baaritaan ku sameyneysaa qayb ka mid ah
shirkadihii horey suuqa ugu jirey. Waxaad eegeysaa macaamiishoodu waxyaalaha
aaney ku qanacsaneyn, ka dibna waxaa aad dabooleysaa waxyaalahaas. Taasi
waxaa ay kuu fududeyneysaa inaad si dhaqso ah aad macaamiil u heshid. Waxaa
kale oo qofka shirkada sameynaya laga doonayaa inuu hubsado dhaqdhaqaaqa
ganacsi ee suuqa uu doonaayo inuu galo. Taas waxaa loola jeedaa, haddii aad
gasho suuq xawligiisa ganacsi uu sii yaraanayo ama ku suqan xaalad dhaqaale
oo cakiran, iney aad u adkaan doonto inaad gaarto hamigaagii ahaa helitaan
faaěido ganacsi.
Xaaladaas aan kor ku soo sheegnay waxaa hadda ku sugan shirkadaha iibiya
tigidhada diyaaradaha iyo weliba qaar ka mid ah shirkada isgaarsiinta.
Kolkaas qofkii xiiseynaayo inuu shirkad suuqaas ka bilaabo, waa inuusan ku
degdegin ee uu sugaa, eegaana bal sida xaalada guud ee suuqaasi noqoto.
Waxyaalaha la doonayo inaad si aad ah isaga ilaalisaa waxaa weeyaan inaad
isku tuurtid oo aad shirkad ka bilowdid suuq isaguba sii dhimanaaya.
Waxaa kale oo iyana aad u dhib badan, haddii aad suuqa keentid shey aan baahi
loo qabin. Haddaba baaritaankaas aan kor ku soo xusnay wuxuu kaa caawin
doonaa in aad ka gaahaamato khasaarooyinka dhaqaale ee kugu iman kara haddii
ay shirkadaadu fashilanto.
Magaca shirkada
Shirkada ganacsiga ee xuseen, shirkada kaluumaysiga ee waaberi, shirkada
dharka ee bakaaraha, dugisga waxbarashada ee Ramadaan. Magac noocee ah ayaa
ku haboon shirkadaada? Magaca shirkaduse muxuu saameyn ku yeelan karaa
suuqgeynta alaabtaada?
Waxaa laga yaabaa iney dad badan oo aan aqoon weyn u lahayn arimaha ganacsiga
ay markiiba la soo boodaan in aan magaca shirkadu wax qiimo ah oo weyn u
lahayn alaabta la suuq geynaayo. Balse taasi ma aha mid sax ah. Magaca
shirkadu waa qayb weyn oo ka mid ah alaabta aad iibgeyn doontid. Waana in
magaca aad shirkada u bixineysid uu buuxiyaa shuruudo badan. Arrinta ugu
muhiimsani waxaa weeyaan in magaca shirkada iyo alaabta aad gadeysid uu ka
dhexeeyaa xiriir. Taas waxaa loola jeedaa in kolkii magaca shirkada uu qof
akhriyo ay markiiba maskaxdiisa ku soo dhaceyso waxa ay shirkadaasi iibiso.
Haddii xiriirintaasi maqan tahay waxaa ay qaadan doontaa sanado badan in
magaca shirkadaada la barto.
Magacyada dadka soomaaliyeed ee shirkadaha sameystaa ay aad u isticmaalaan
waxaa ka mid ah, kuwa reerka. Tusaale ahaan aniga waxaa la i yiraahdaa
Cabdirisak xuseen, sidaas darteed waxaan shirkadeyda u bixinayaa “ shirkada
ganacsiga ee xuseen”. Magac bixinta noocaan ah ma aha mid aad looga fekerey.
Maxaa yeelay magaca kama muuqato xiriirkii aan horey u soo sheegay. Shirkada
leh magacan hoos ku qoran, oo ah shirkad aan magaceeda akhriyey kol aan
booqasho ku tegey magaalo ka mid ah bariga africa, ayaa ah mid leh shuruudii
xiriirka ka dhexeeya magaca shirkada iyo waxyaalaha ay gadeyso. Shirkadaas
waxaa magaceedu ahaa: Shirkadda GARAYS. Bal akhristow magacan dhadhanso oo
dhuux, maxaa maskaxdaada ku soo dhacayo. Warbixin intee lečg ayaad heli
kartaa inta aadan gelin gudaha shirkada? Run ahaantii waxaad heli kartaa
warbixin aad muhiim ugu ah arimaha ganacsiga. Anigu koley qof ahaan kolkii
aan marayey shirkadaas horteeda, ee aan indhaha ku dhuftay magaca “garays”.
Waxaa madaxayga ka dhaqdhaqaaqayey in shirkadani ay dhar gado, weliba dharka
ay gado iney yihiin ama u badan yihiin dharka dumarka. Shirkadii kolkii aan
galayna waxaa ay noqotay sidii madaxayga ku jirtey. Taas oo ah in shirkadani
ay gado dharka dumarka oo kali ah.
Haddaba waxaa la doonayaa inuu jiro xiriir sidaas oo kale ah, ee ka dhexeeya
shirkada magaceeda iyo waxa ay iibineyso. Waxyaalaha kale ee magac bixinta
muhiimka u ah waxaa ka mid ah; in magaca shirkadu aan ahayn mid dheer ama ku
dhawaaqidiisu adag tahay. Waxaa kaloo lagaa rabaa inaad ogaatid haddii ay
suurto gal kuu tahay in aan magacu noqoneynin mid macno kale ku leh luqadaha
wadamada aad dooneysid inaad alaabtaada u iibgeysid. Maxaa yeelay magac afka
soomaaliga inala fiican ayaa cay noqon kara kolkii afaf kale loo turjumo.
Tusaale ahaam magaca “ maymuun” oo ah magac ay soomalidu gabdhaha ula baxaan,
ama shirkadba loo bixin karo. Magacaasi waxuu noqonayaa “daayeer” kolkii loo
eego sida ay u isticmaalaan dadka ku hadlo afka looga hadlo boosniya.
Boosniya oo ka mid ah wadamadii berigii hore la isku oran jirey Yugoslafiya.
Taas waxaan ula jeedaa iney muhiim tahay doorashada magaca shirkada loo
bixinayo. Wadamada yurub iyo waqooyiga America, waxaa jira rag ku takhasusay
magac bixinta shirkadha. Kuwaasoo lala tashado inta aan la dooran magac gaar
ah.
Mahadsanidin - QAkhri Qaybtii 3aad.... Guji
Mahadsanidin
Cabdirisaq Maxamed Xuseen
University of Gavle- Sweden
habdirisak@hotmail.com
Qaybta 1aad |
2aad | 3aad
QORAALADII HORE EE CABDIRISAAQ
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2004
Maxaa Keenay Hoos u Dhaca Dollarka Mareykanka?
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|