Feb 3, 2004
Waxyaalo Muhiim u ah Sameynta Shirkad
Ganacsi
Cabdirisaq Maxamed Xuseen
University of Gavle- Sweden
habdirisak@hotmail.com
Qaybta 1aad |
2aad | 3aad
Hordhac
Ganacsiga oo ay ka mid tahay in shirkad cusub la asaaso, waa arin muhiim u ah
guud ahaan dhaqaalaha. Gaar ahaan arintani waxay muhimad kale u sii leedahay
bulshada soomaaliyeed, kuwa ku nool soomaliya iyo kuwa qurbha joogaba.
Tusaale ahaan soomaaliya, goobaha ugu badan ee dadku u shaqo tago waa meelaha
ganacsiga. Taasna waxaa keenay iyadoo aaney jirin hay àdo dowladeed oo loo
shaqo tago, burburkii qarankii soomaaliyeed ka dib. Waxaa iyana marar badan
soomaalida qurbo jooga ah ay dantu ku kaliftaa iney shaqo iskood u abuurtaan
iyagoo sameynaayo shirkado yar-yar. Sababtuna waxaa weeyaan iyadoo ay adag
tahay in wadamada ay dadkaasu ku nool yihiin ka helaan shaqo qancisa. Haddaba
kolkii aan arkay in sameynta shirkadaha yar-yari ay door wanaagsan ku
leedahay nolosha bulshada soomaaliyeed, ayaan waxaan go`aansaday inaan dhowr
qormo oo gaagaaban kaga hadlo waxyaalaha loo baahan yahay in laga fekero inta
aan lagu dhaqaaqin sameynta shirkadda.
Ma aad tahay qof ku habboon inuu shirkad sameeyo?
Waxaa laga yaabaa in qofku isweydiiyo, maxaa loola jeedaa suàashan kor ku
xusan? Miyaan qof kastaa shirkad wadi karin, haddii uu sidaas goàansado.
Balse arintu intaas waa ay ka qota dheer tahay. Maxaa yeelay, howsha iyo
masuuliyada lagaaga baahan yahay kolkii shirkad aad adigu iska leedahay
maamuleysid , aad bey uga badan yihiin kolkii la garab dhigo howsha lagaa
sugayo markii aad ka dhaqeyneysid shirkad dad kale leeyahay. Gaar ahaan
sanadka ugu horeeya ee shirkadu kobceyso, waxaa qofka shirkada leh laga
doonayaa howl aad iyo aad u badan. Maxaa yeelay wax walba ayaa cusub, wax
badana mugdi ayaa kaaga jira. Haddaba maadaama ay shawshani u maahan tahay
dulqaad dheer iyo wakhti badan waxaa qofka shirkada sameynaayo laga rabaa
inuu bal qiimeyn naftiisa ku sameeyo. Qiimeyntaas oo ku saleysan suàasha ah:
Anigu qof ahaan ma ahay mid ku haboon howshan noocaan ah?
Suàalo kale oo middaas kore hoos imaanayo ayaa jira, kuwaasoo ay ka mid
yihiin:
Wakhtigan xaadirka ahi ma yahay mid ku haboon in shirkad aan sameeyo?
Halkan waxaad ka fekereysaa waxyaalaha ay ka mid yihiin; reerkaaga (xaas,
caruur,aabe hooyo iwm) da`daada iyo weliba khibradaada shaqo iyo aqoontaada
guud.
Reerkaaga taagero intee leèg ayaad ka haysataa? Haddii arimaha shirkadu ay
adkaadaan, oo ay shirkadu u baahato in wakhti dheer la geliyo. Sidee ayey
reerkagu uga qayb qaadan doonaan? Faaqidaadaas naftaada iyo arimaha kale ee
kugu wareegsan waxaa ay ku siin doonaan sawir guud oo adiga qof ahaan kugu
saabsan. Natiijada kuu soo baxdaana waxaa ay kugu dhiiri gelin kartaa ama kaa
cabsi gelin kartaa inaad shirkad aasaasto.
Maxaad dooneysaa inaad suuq geysid?
Shayga aad dooneysid inaad ka ganacsatid, ama fikradaada ganacsi ( business
concept) waa mid noocee ah? Ma inaan wax cusub ( innovation) oo aan horay
suuqa looga heli jirin keenaa? Mise waa inaan waxyaalihii suuqa horey u
yaaley wax ka mid ah aan keenaa? Tusaale ahaan Bariis, bur, muufo, rooti,
dhar iwm.
Labadda arimoodba waad yeeli kartaa. Haddii aad la timaadid fikir cusub oo
ganacsi oo aan hortaa suuqa la keenin, waxaa ay u badan tahay inaad ku
guuleysato shirkadaada. Sababtoo ah xitaa cid kula tartameysaa ma jirto oo si
qunyar baad isaga wadan howshaada. Fursadaasi waa mid run ahaantii aad u yar,
maxaa yeelay haddii la tiro koobo waxyaalaha cusub ee dunida lagu soo
kordhiyo sanad walba, ma aha kuwo badan.
Kolkii aan u leexano dhinaca kale ee dadku u badan yahay, kaasoo ah in suuqa
la keeno wax horey halkaas u yaaley. Arintaas laf ahaanteedu ma xuma, balse
si aad guul ganacsi u gaartid, ka feker Sàashan: Waa maxay sababta ay dadku
bariiskeyga u iibsanayaan, iyadoo uu bariis hore suuqa yaaley?
Sababta keliya ee bariiskaaga lagu iibsan karaa waxaa weeyaan iyadoo uu
bariiskaagu leeyahay wax uu kaga duwan yahay kuwii halkaas horey u yaaley.
Waxaa laga yaabaa in qofku is yiraahdo; qiimaha ayaan aan ku iibinayo
bariiska ayaan hoos u dhigayaa, sidaas ayaana bariiskeyga lagu iibsan. Balse
baaritaano badan oo la sameyey waxaa laga ogaadey in qiimaha lacageed ee
sheyga lagu iibsano oo la dhimaa aanu noqon karin mid kuu horseeda in
sheygaas si aad ah loo iibsado. Waa in sheyga aad iibgeyneysaa leeyahay wax
kale oo lagu doorto. Arinta ah, in dukaan bariiska lagu gado la furo, iyadoo
dukaamadii hore bariiskii laga iibsan la`yahay waa mid ganacsiga soomaalida
intooda badani ay ku sifoobeen.
Qaybta 2aad.... Guji
Mahadsanidin
Cabdirisaq Maxamed Xuseen
University of Gavle- Sweden
habdirisak@hotmail.com
Qaybta 1aad |
2aad | 3aad
QORAALADII HORE EE CABDIRISAAQ
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2004
Maxaa Keenay Hoos u Dhaca Dollarka Mareykanka?
Maxkamadda Sare Ee Kanada oo Xukuntay
in Edbinta Caruurta Loo isticmali Karo Xoog
Macquul ah
Guji..
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|