Mushkiladaha Soomaalida Qurbaha (7)
Siciid
Cali Axmed |
Saidahmed67@aol.com
| Ottawa, Canada
July 17,
2003
Mushkiladaha Dhaliinyarada
Maqaalo hore ayaan ku soo bandhigay qaar ka midda
dhibaatooyinka horyaala Soomaalida qurba jooga ah. Maqaalkanina waa mid
maqaaladaa daba socda waxaanan hadii Alle yidhaa ku eegi doonaa qaar ka midda
dhibaatooyinka ugu waaweeyn ee dhaliinyarada qurba jooga ah.
Waalidka iyo Dhaliinyarada …Laba Aduunyo
Tobaneeya sanno in ka badan ayaa ka soo wareegtay waqtigii ay
Soomaalidu sida xooga leh qurbaha u soo galeen. Caruurtii waqtigaas qurbaha la
keenay iyagoo gacanta la hayo maanta waa ay koreen oo waa dhaliinyaro qaan
gaadhay. Ubadkaasi waxa ay ku dhex barbaareen bay’ad ka dhaqan, luqad iyo diin
duwan tii ay waalidkood ku soo barbaareen. Iskuulka, xaafada, asxaabta, TV iwm
waxa ay door wayn ka ciyaareen argtidayda in ay soo baxaan ubad magaca ka ah
Soomaali laakiinse wata dhaqamo badan oo aan ahayn dhaqan Soomaali. Waalid
badani aad uguma baraarugsanayn raadka ay bay’adan cusubi ku leedahay
barbaarinta ubadkooda sidaa daraadeed daba gal wayn kumay samayn is badbadalka
nolosha ubadkooda ee ay keentay bay’adan cusubi. Arimahaas oo dhami waxa ay
keeneen is faham la’aanta dhaqan iyo luqadeed ee ubadka iyo waalidkooda taas oo
aad arkaysid marka aad booqato aqalada Soomaalida. Kala fogaantan dhaqan ee
waalidka iyo caruurtu waxa ay reerka ku keentaa is qabqabsi. Waalidku arinkan
waxa uu u arkaan in ubadkii ku caasiyoobeen, halka ay dhaliinyaraduna arkaan in
waalidku uu yahay mid aan wax badan ka garanayn nolashan horu marsan ee taal
wadamadan la soo martiyay. Is jiidjiitankani mararka qaarkood waxa uu keenaa in
ubadka qaarkood ay ka cararaan aqalaladooda. Sida badanse waalidku waxa uu ku
qasbanaadaa in ay aqbalaan waaqican cusub ee ubadkooda haba dhibsadaane. Labadan
arimoodbana (in waqica loo hogaansado iyo in caruurtu cararaan) waxa ay ka mid
yihiin dhibaatooyinka ugu waaweeyn ee dhaliinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha ku
barbaartay.
Qaloocsanka iyo Dibad Wareega Inamadda
Badiba aqalada Soomaalida ee qurbuhu waa aqalo ay barbaarinta
caruurta gacanta ku hayso hooyo kaliyi. Maqnaanshaha aabaha ee nolasha
caruurtiisu waxa ay keentay in inamo badani ay waayaan cid ay tiigsadaan (role
model). Arinkanina waxa uu saamayn wayn ku yeeshay tarbiyada inamada
Soomaaliyeed. Maqnaanshaha aabaha marka lagu daro shaqo la’aanta iyo dhaqaale
yarida jaaliyadu waxa ay ka mid yihiin sababaha keenay dhaqamada cusub ee lagu
arko dhaliinyarada Soomaaliyeed qaarkood. Dhaqanada qalafsan ee mudooyinkan
danbe lagu arkayay magaalooyinka waaweeyn ee Soomaalidu degto waxa ka midda in
la arko kooxo dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo si raxan raxan ah u socda xaafadaha
iyo suuqyada dhexdooda xiliyada danbe ee habaynkii kuwaas oo waxa ay xiligaa
qabanayaan ay calaamd su’aal wayni dul saarantahay.!! Iibinta daroogada iyo
qaadashadeedu qariib kuma aha qaar ka mida dhaliinyaradeena. Waxa la sheegaa in
da yarta Soomaalidu ay ku sii badanayaan jeelasha. Magaalooyinka qaarkood
waxaaba caadi noqtay in maxkamadaha maalin kasta la soo taago inamo yar yar oo
Soomaali ah, kuwaas oo lagu soo eedaynayo falal ay ka mid yihiin dagaal, tuugo
iwm.
Dad ka midda dadkii aynu wadamadan ugu nimid khaasatan kuwii
marka horeba aan jeclayn ajnabigu waa ay ka faa’iadaysteen dhacdhacan
dhaliinyardeena waxaana dhacda (wadamada qaarkood oo uu ku jiro kan aan
degenahay) in marka ay dhib yar gaystaan dhaliinyarada Soomaaliyeed aad arki
raadiywyada, joornaalada iyo siyaasiyiinta qaarkood oo aan ka xishoonayn in ay
dhaliinyarada Soomaaliyeed ku sheegaan budhcad (Gangs) khatar ku ah amniga iyo
xasiloonida. Inkasta oo aan aaminsanahay in dhaliinyarada Soomaaliyeed aanay
wali budhacad xoogan noqon, sidaas oo kale in kasta oo aan aaminsanahay in wali
dhibaatadu aanay meel fog gaadhin hadana waxaan ka biqi in aan idhaahdo
xaaladaha ay ku suganyihiin inamada yar yar ee Soomaaliyeed waa mid cabsi leh
sidaas oo kale wa mid mustaqbalka ubadkaas khatar galin karta. Dhibaatooyinkan
aan qaarkood soo taabanay waa qaar iminka dhibtoodu ay ku koobantahay inamda
qaarkood oo waxaad ku doodi kartaa in badiba gabdhuhu ay nadiif ka yihiin ,
laakiin mustaqbalka fog dhibtan inamadu gabdhahana si toos ah amaba si dadban
ayay u saamayn doontaa. Ugu yaraan gabdhaha qaarkood waxay noqonayaan xaasaska
inamadan taas oo raad xoogan ku yeelanaysa nolosha qoyskaas.!! Mida kale,
dhacdhacan qaar ka midda dhaliinyardeena waxa loo adeegsan doono in lagu
dhaawaco sumcada jaaliyada Soomaaliyeed.
Inkirida Mushkiladu Waa Dhib Kale
Waa dhaqan in ruuxa Soomaaliga ahi aanu jeclayn in
mushkiladiisa uu ogaado qof kale. Si kale hadaan u idhaahdo ma qirano
mashkiladaheena. Soomaalida ka shaqaysa dhibaatooyinka dhalinyaradu waxa ay
sheegayaan in dhbiaatada ugu wayn ee haysataa ay tahay qarsashada ama ogaan
la’aanta waalidka ee mushkiladaha caruurtooda, mushkiladahaas oo inta ay bilowga
yihiin wax laga qaban kari lahaa. Sidaa daraadeed qarsashada mushkiladaha
dhaliinyarada ay waalidiinta qaarkood qarsanayaan waa mid door wayn ka ciyaartay
kobcinta mushkiladaha dhaliinyarada.
Gabagabo
Waxaa laga yaabaa in uu maqaalkani u eekaado mid suurad xun
ka bixinaya dhaliinyarada Soomaaliyeed. Ujeedada aan ka lahaa maqaalkani ma aha
taa.! Ma lihi waa sidaas dhamaan dhaliinyaradeenu, maya waxa jira inbadan oo
nadiif ka ah waxyaabaha aan sheegnay(maqaalo kale ayaan kaga hadli doonaa guulha
jaaliyada). Wuxuun baan doonayaa in aan Soomalida ku baraarujiyo mushkilad soo
if baxaysa oo laga yaabo in aan aad loogu baraarugsanayan. Waxaan ku soo
gunaanadi maqaalkan in aan waxgaradka, culimada iyo hogaanka jaaliyadaha
Soomaalidaba u soo jeediyo in mushkiladan si cilmiyaysan loo baadho xalalna loo
raadiyo. Sidaas oo kale waxaan soo jeedin lahaa in mushkiladan marka la baadhayo
iyo marka la xalinayaba xor laga ahaado khilaafaadka siyaasadeed ee saamaynta
wayn ku yeeshay dadka Soomaalida meel kasta oo ay joogaanba. Siyaasada
Soomaalidu xadad ayay maanta yeelatay laakiinse mushkiladaha dhaliinyarada iyo
ubadka qurbaha ku korayaa xuduudahaa siyaasadeed ee Soomaalida ma yaqaananaan!.
Qoraalkii 6aad... |
Qoraalka 8aad....
Mahadsanidin
Siciid Cali Axmed
Saidahmed67@aol.com
Ottawa , Kanada
Faafin: SomaliTalk.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
.....Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|