Mushkiladaha Soomaalida Qurbaha (6)
Siciid
Cali Axmed |
Saidahmed67@aol.com
| Ottawa, Canada
Janaayo 18,
2003
Silsiladii :Dhibaatooyinka
Qurbaha
Dhacdaddii
Norway
Waxa aan si murggo leh u
akhriyay wararkii maalmihii tagay ku soo baxayay joornaalda kuwaas oo sheegayay
in nin Soomaliya oo deggan wadanka Norway uu dilay xaaskiisii iyo laba caruura
oo uu dhalay. Dhacdadaas murugada leh ayaa igi riixday qorida qoraalkan.
Hoggaanka Jaaliyadu Wuu Gabay
Doorkiisii
In lagga wada hadlo laggana
faalooddo dhibaatooyinka Soomaalidda qurbaha ku nool (aragtidayda) waa arin
muhiima oo u baahan in xal u helistiisa uu waxgaradka iyo hogaanka jaaliyadu
isku mashquuliyo. Badiba dadka sheegta in ay yihiin hogaamiyayaasha jaaliyaddu
sidaas oo kale waxgaradka jaaliyadu waxa ay waqtigooda intiisa badan galiyaan ka
hadalka mushkiladaha iyo siyaasadaha dhulkii laga soo qaxay. Waxa sidaas oo kale
la mida aaladaha loo adeegsado wacyi galinta bulshada sida internetka,
joornaalada iyo idaacadaha. Hadii aad u fiirsato maqaalda ay Soomaalidu ku
qoraan boggoga internetka iyo joornaaladooda, sidaas oo kale hadii aad u
fiirsato doodaha iyo barmaamijyada laga sii daayo idaacadaha jaliyadda waxa aad
arki in 99 % ay yihiin qaar ka hadlaya dhulkii aan ka nimid. Dhibtu ma aha (sidaan
u arko) in waqti la galiyo dhibaatooyinka dhulkii aan ka nimid iyo in dadkii iyo
dalkii aan ka nimd wax loo qabto; dhibtu waxa ay tahay in aynu waqti aad u yar
galino dhibaatooyinka inagu hasyata degaamadan cusub ee aynu soo deganay .
Dhibaatada Qoyska Mar Labaad
Muhiiimadaa aan sheegay ee
mawduucani leeyahay aniga oo ka duulaya ayaa waxa aan sanadkii la soo dhaafay
qaar ka mida booggoga Soomaalida ee internetka ku qoray maqaalo dhawr ah oo aan
ku soo bandhigayay qaar ka mida dhibaatooyinka Soomaalida qurba jooga ah.
Bilihii la soo dhaafay qoridda maqaaladaa waan ka caajisay laakiin musiibadan ka
dhacday Norway ayaa mar kale waxa ay igu riixaday in aan ku soo laabto
qoraaladii silsiladdan. Maqaalkanina waa mid ka midda silsiladaas, waxaanan mar
labaad dib ugu jeleeci doonaa qaar ka mida asbaabaha dhaliya dhibaatooyinka caa’iliga
ah ee reerka Soomaaliyeed ee qurbaha deggan.
Qof kasta oo indhihiisa u fura
xaalada Soomaalida qurbaha ku nooli waxa uu arkayaa in khilaafaadka caa’iliga
ahi uu mudooyinkan danbe ku sii kordhayo jaaliyada dhexdeeda. Muddo markii aan
eeg’eegayay asbaabaha dhaliya khilaafaadka caa’iladaha Soomaalidana waxa ii
soo baxaday in laba arimooda ay asaas u yihiin :
1. Ninka Soomaaliyeed oo
Gabay Doorkiisii : Muddo 10 sano
ah oo aan ku noolaa wadankan aan deganahay waxaan ka qayb galay shirar badan
oo lagu wacyi galinayo jaaliyada, waxyaabaha aan la kulmayna waxa ka mida in
marka uu kulanku yahay mid siyaasad iyo maamul lagaga hadlayo in raggu ay soo
buuxiyaan goobaha kulamada, hadiise uu kulanku yahay mid lagagga wada hadlayo
dhibta ubadka, mushkiladaha caa’ildaha iyo guud ahaanba dhibaatooyinka
ijtimaaciga ah ee jaaliyada waxa aad arki in cadadka ragga ah ee iminayaa uu
aad u yaryahay. Marka aad waydiiso dumarka(oo ah kuwa ugu badan ee gobahaa
yimaadana) sababta ay ragii u iman la yihiin kulamadan muhiimka ahna waxa ay
ku jawaabi “aabayaashii ma joogaan wadanka” ama “qaad ayuu ku maqanyahay”,
amaba “waan dagaalanay oo waan kala noolahay”. Waa aragtidayda markaa in
khilaafaadka ka dhaca reeraha qaarkood uu asaaskoodu yahay maqnaanshaha(XISIGA
ah ama JISMIGA) ee aabaha.
2. Dhibaatooyinka Nafsiga
Ah ee Ragga : Waxyaabaha kale ee
keena khilaafaadka caa’iladaha waxa ka mida in aanay dumarku fahmin ama
qadarin dhibaatooyinka nafsiga ah ee ragga. Sidii aan maqaal hore ku sheegay
wadankii markii la joogay masuuliyadaha ragga waxaa ka mid ahaa in uu masuul
ka ahaa masruufka reerka. Isaga ayaa masruufku saarnaa. Masruufkuna waxa uu
awood u siin jiray hogaaminta reerka. Dhulkan markii la yimid waxaa dhacday in
duruuftu aanay u saamixin in ragga qaarkood doorkii Ilaahay saaray gutaan.
Masruufkii reerka ee ninka lagu suggi jiray waxaa dhacda in mararka qaarkood
in ay dawladu bixiso, mararka qaar waxa laga yaabaa in hooyadu noqoto ta
aqalka u xoogsi tagata. Arinkani waxa aad odhan kartaa waxa uu dhaawac
gaadhsiiyay xaalada nafsi ee qaar ka midda raga duruuftani ku dhacday. Hadii
uu khilaaf yari ka dhaco aqalka, waxa dhacda in ninku uu ku tuhmo reerkiisa in
sababta ay isugu waalaysaa ay tahay “shaqo la’aanta haysata iyo masruufka
dawlada laga helo. Waxa laga yaabaa in buuqa noocani uu marar badan sababo in
ragga qaar ay ka tagaan aqalka amaba sida yidhaahdaan qaarkood in “ bustaha
dibada loo dhigo. Waxa aan u jeedaa in aan idhaahdo faham la’aanta aan la
fahmin isbadlka ku dhacay qoyska Soomaaliga ee qurbaha iyo iyaga oo dumarku
aan aad u fahmin saamaynta ay arinatani ku leedahay xaalada nafsiga ah ee
aabaha Soomaaliaga ah ayaa marar badan dhalisa khilaafaadka caa’iliga ah e
ku sii badanaya qurbaha.
Gabagabadii:
labadaa arimood iyo kuwa aan hore ugu sheegay maqaaladii hore ee mawduucan
waxa ay saamayn wayn ku leeyihiin nolosha qoyska Soomaaliga. Marar badan
dhibatada waa la xakameeyaa, marar kalena waxa ay ku dhamaataa kala tag,
mararna waxa ay ku dhamaataa xadhig. Arinta cusub ee soo biirtay waxa weeye in
ay keeni karto mararka qaarkood geeri .
Dhacdadan Norway waxa ay
bararujin u tahay dadka Soomaaliyeed ee qurbaha deggan. Waxaanay inagu
baraarujinaysaa bal in aan dib u eegnop xaaladeena iyo xaalada aqaladeena
.Waxaan ilaahay u baryayaa in
inta geeriyootay uu ALLE u naxariisto, intii ay ka tageena waxaan ALLE uga
baryaynaa in uu samir ka siiyo.
Qoraalkii 5aad... |
Qoraalka 7aad....
Mahadsanidin
Siciid Cali Axmed
Saidahmed67@aol.com
Ottawa , Kanada
Faafin: SomaliTalk.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
.....Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|