Su’aal muhiim ah oo u baahan in loo lafa guro hab cilmiyaysan oo ka fog
caadifada ayaa waxa ay tahay in la is waydiiyo sida ay noqonayso midnimada
Soomaalidu shirka Eldorot ka dib. Maqaalkan waa saadaalin aan ku saadaalin
doono wajiyada laga yaabo in ay qaadato midnimada Soomaalidu shirkan ka dib.
Waxa kale oo aan ku eegi doonaa raadadka uu shirkani ku yeelan karo
go’itaanka Somaliland.
FASHILKA SOOMAALIWAYN
In Soomaalida Geeska Afrika dagtaa ay ku midoowdo calan
iyo dawlad kaliya hoostood waxa ay ahayd himilada dhamaanba dadkii
Soomaaliyeed ee la soo diriray gumaysigii ka jiray dhulalka ay Soomaalidu
degto. Himladan qaybteedii hore waxa ay xaqiiqoowday 1960 markii labadii
qaybood ee ugu horeeyay ee ka xoroobay mustacmarku ay ku midoobeen dawlad
iyo calan kaliya. Siyaasada dawladan cusub iyo dhamaanba shacbiga ku nool
labadaa qaybood waxa ay ahayd in ay xoreeyaan lana midoobaan sadexda qaybood
ee maqan. Dagaalo badan ayay Soomaalidu u galeen, dhiig badana waa ay u
daadiyeen xaqiijinta rajadan. Laakiin fashilkii ugu horeeyay ee ka hor yimid
midaynta Soomaaliwayn waxa uu ahaa in lagu guulaysan waayay in Jabuti lagu
soo biiriyo labadii qaybood ee xornimada ka hor qaatay . Sidoo kale,
burburkii uu taliski Siyaad Bare u gaystay guud ahaanba wadanka Soomaaliya
gaar ahaana gobolada waqooyi iyo dagaaladii sokeeye ee mudada toboneeyada
sanno ka socday qaybo ka mida Soomaaliya waxa ay iyana keeneen in dareenka
Soomaalinimadu uu ku yaraado amaba uu ka baaba’o qalbiyada in badan oo
Soomaalida ah.Waa aragtidayda markaas, in Gooni isu istaagii Jabuuti iyo
burburka ka dhacay Soomaaliya ay sababeen in midaynta Soomaalida ku dhaqan
Geeska Afrika ay noqoto riyo ay xaqiijinteedu adkaatay. Waxa kale oo ay
daciifiyeen isku hayntii labadii qaybood ee ku midoobay Soomaaliya.
SAAMAYNTA NATIIJADA SHIRKA ELDORET
Raadadka uu ku yeelanayo shirkani midnimada Soomaalida
waxa ay ku xidhantahay natiijada ka soo baxda shirka iyo sida
natiijooyinkaas loo hirgaliyo. Natiijooyinka ka soo bixi kara shirkani waa
sadex arimood midkood:
1) In uu najaxo shirku lana hirgaliyo go’aamadiisa
In uu shirku najaxo lana hirgaliyo go’aamada ka soo baxa,
taasi waxa ay sababi kartaa in la helo dawlad dhexe. Dawladaa dhexese waxa
ay mudooyinka dhaw ahaan doontaa dawlad daciifa oo ay ku kulmaan dowlad
goboleedyo xoog lihi. Waqtiyada soo socodana dawladani waxa ay ahaan doontaa
calaamad (Symbol) magac uun ah oo kulmisa inta ku heshiisay shirkan, xooga
dhabta ah se waxa lahaan doona kooxaha ka taliya gobolada. Dowlad
goboleedyadana hadafkooda koowaad ma ahaan doono in ay xoojiyaan kayaan
Soomaaliyeed ee waxa ay isku dayi doonaan in ay iyagu noqdaan quwado xoog
leh oo sidooda isu taaga. Sidoo kale waxa jirta baqdin ay qabaan wadamada
jiiraanka ah qaarkood, kuwaas oo dhalashada dawlad Soomaaliyeed oo xoog leh
u arka in ay khatar ku tahay amnigooda. Dawladahaas oo qaarkood ay yihiin
kuwa hor boodaya shirkan, ma filayo in ay ogolaan doonaan in dawlad
Soomaaliyeed oo xoog lihi ay ka hana qaado Geeska Afrika.
2) In uu Najaxo Laakiin laakiin la hirgalinwaayo natiijadiisa
Waxa dhici karta in shirkan wax la isku waafaqo laakiin
go’aamadiisa la hirgalin kari wayo sidii kuwii ka horeeyay. Hadii ay dhacdo
tani waxa ay keeni in waaqica maanta jiraa uu sidiisa ahaado amaba uu ka sii
wiiqmo. Waxa dhici karta in Koox kastaba meesha ay ka taliso ay nidaam yar
ka dhisato. Koox kastana waxaa suurtowda in ay ka soo hoos baxaan kooxo yar
yar oo sii qaybiya awoodeeda. Taasina waxa ay adkayn doontaa isku haynta
Gobol kaliya.
3) In uu Fashilmo.
Hadii uu shirkani ku dhamaado fashil waxa dhici arimaha
aan ku sheegay nuqdada labaad, taas waxa raaci bay ila tahay in waqtiga dhaw
ay meelaha qaarkood ka dhacaan dagaalo ay koox waliba doonayso in ay isku
balaadhiso. Natiijaduna waxa ay noqonaysaa in rajada laga qabo in la dhiso
dawlad Soomaaliyeed ay noqoto habynkii xalay ee tagay oo kale.!
Raadka uu ku yeelanayo Somalilnad
Sida uu akhriste kasta oo la socda shirkan Eldoret uu
ogyahay Somaliland nidaam ahaan ugama soo qayb galin shirkan. Waxaa jirta in
casuumadii la siiyay ayna aqbalin. Arintan dadka qaar waxa ay u arkeen in ay
tahay in la rabo in marka hore la heshiisiiyo, dawladna laga soo dhiso
koonfurta Soomaaiya, ka dibna lala xaajoodo Somaliland. Dadka qaarna waxa ay
ku fasireen in arintani ay tahay ictiraaf aan dhamaystirnayn oo la siiyay
Somaliland. Waxa ay se ila tahay shirkani hadii ay natiijo ka soo baxdo iyo
hadii kaleba raadayn ayuu ku yeelan doonaa Somaliland iyo kala go’a
soomaaliya.
Hadii natiijada shirku ay noqoto labada nuqdo (2,3) ee
aan kor ku xusay oo ah in shirku fashilmo amaba waxa ka soo baxaa ay socon
waayaan, sidaas oo kaleeto hadii fashilka shirka ay lamaanayso in
doorsahooyinka ka dhacay Somaliland ay hirgalaan, waxa ay tani soo
dadajinaysaa ayaad odhan karata kala go’a iyo ictiraafka Somaliland.
Su’aashu waxa ay tahay hadii uu shirku najaxo oo la
dabaqo go’aamadiisa, raad intee le’eg ayay ku yeelan kartaa qadiayda
Somaliland. Waxa aan is leeyahay hadii ay taasi dhacdo oo la helo dawlad
Soomaaliyeed oo xoog leh oo ka hanaqaada dhamaanba koonfurta Soomaliya in ay
culays saari doonto nidaamka Somaliland. Waxa ay keeni kartaa in nidaamka
Somaliland uu la xaajoodo nidaamkan cusub La xaajoodkaa waxa ka soo bixi
doonaa waxa uu ku xidhanaan doonaa arimo badan oo qaarkood yihiin arimo
siyaasada Somaliland ku lug leh, qaarkood yihiin taariikh, qaarkoodna yihiin
cadaadiska ka iman doona quwadaha daneeye arimaha Soomaaliya. Wada
xaajoodkaaas aragtidayda waxa uu ahaan doonaa mid jiitama isla markaana
waqti dheer qaata, lamana saadaalin karo sida uu ku dhamaan doono. Laakiin
Waa ay dhici kartaa argtidyda in natiijada wada xaajoodkaa ka soo baxysaa ay
noqoto kala go’a iyo ictiraafka Somaliland. Hadii ay sidaasi dhacdana waxa
ay noqonaysaa gabagabdii hamigii ahaa in la helo dawlad ay ku midoobaan
shuucbta soomaaliyeed ee deggan Geeska Afrika.
Qoraalkii 4aad... |
Qoraalka 6aad....
Mahadsanidin